You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Heerka khatarta ee muwaadiniinta Britain ayaa la kordhiyay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday Yuhuudda.

Dowladda ayaa sheegtay in ay wax walba sameyn doonto si loo ilaaliyo ammaanka muwaadiniinta British-ka ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Mareykanka oo Iiraan saaraya cadaadis dheeri ah iyo cunnaqabateyn

    Wasiirka Maaliyadda ee Maraykanka, Scott Besant, ayaa sheegay in Washington ay ka fiirsanayso inay xannibto akoonnada sanduuqyada hawlgabka ee ay dowladda Iran ku leedahay dibadda.

    Mr. Besant ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in, marka laga soo tago xannibaadaha, Maraykanku uu sii wadi doono inuu kordhiyo cadaadiska dhaqaale ee saaran Iran.

    Wasiirka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ka codsaday inuu kordhiyo cadaadiska lagu saarayo Iran. Sidaas darteed, ayuu sheegay Besant, Maraykanku wuxuu u sheegay iibsadayaasha shidaalka Iran in uu qorsheynayo inuu saaro cunaqabatayn dheeraad ah warshadaha iyo bangiyada aqbala ama ku lug leh shidaalka Iran.

  2. War deg deg ah, Mareykanka oo canaantay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil iyo madaxweynaha Lubnaan

    Washington ayaa ku boorrisay in la qabto kulan u dhexeeya Madaxweyne Joseph Aoun iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo sheegtay in “waqtigii laba-labeynta ama dib u dhigistu uu dhammaaday.”

    Safaaradda Mareykanka ee ku taal Beyruut, ayaa ku dhiirrigelisay in si toos ah loo kulansiiyo Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyagoo sheegay in “waqtiga laba-labeyntu uu dhammaaday,” isla markaana kulankaas uu Lubnaan siin karo “dammaanado la taaban karo” oo la xiriira madax-bannaanideeda.

    War-saxaafadeedka safaaradda ayaa lagu yiri: “Lubnaan waxay taagan tahay meel kala-doorasho ah. Muwaadiniinteedu waxay haystaan fursad taariikhi ah oo ay dib ugu dhisi karaan dalkooda, kuna hagi karaan mustaqbalkooda sidii waddan si dhab ah u madax-bannaan.”

    Waxay intaa ku dartay in “kulanka tooska ah ee Madaxweyne Aoun iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, oo uu fududeynayo Madaxweyne Donald Trump, uu Lubnaan siin doono fursad ay ku hesho dammaanado dhab ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda buuxda, ilaalinta dhulkeeda, amniga xuduudaheeda, iyo taageero bani’aadamnimo iyo dib-u-dhis.”

    Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale ku adkaysatay: “Waa waqtigii Lubnaan ay go’aansan lahayd mustaqbalkeeda, waqtigii laba-labeyntu wuu dhammaaday.”

  3. War deg deg ah, Dowladda Iiraan oo si adag uga hadashay weerarkii ninka Soomaaliga ah uu gaystay ee UK

    Safaaradda Iran ee ku taal dalka Ingiriiska ayaa si adag u beenisay eedeymaha sheegaya in Iiraan ku lug leedaha “falal rabshado ah ama dhacdooyin ka dhacay gudaha UK,” kadib weerarkii ka dhacay Golders Green shalay.

    Bayaan ay ku daabacday barta X, safaaraddu waxay ku sheegtay in “eedeymahan aaney sal iyo raad lahay oo aan loo lahaynin wax caddeyn ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay u muuqdaan kuwo u adeegaya dano siyaasadeed oo gaar ah.”

    Shalay, koox lala xiriirinayo Iran ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah. Horey, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Shabana Mahmood, ayaa u sheegtay BBC in aysan “caadi ka ahayn” in kooxo noocaas ah ay sheegtaan mas’uuliyadda, isla markaana baaritaanku weli socdo.

    Sidoo kale, madaxa booliska Magaalada London Mark Rowley, ayaa Arbacadii sheegay in ay “wali goor hore tahay in la sheego” haddii Iran ay ku lug leedahay weerarka.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, oo ka hadlayay Downing Street maanta, ayaa sheegay in dowladdu soo bandhigi doonto “awoodo cusub oo adag si wax looga qabto khatarta xun ee ay keeni karaan dowlado sida Iran,” isagoo ku eedeeyay inay doonayaan “inay waxyeelleeyaan Yuhuudda British-ka ah.”

    Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah dedejinta sharciyo cusub oo awood u siinaya dowladda inay si adag ula tacaasho shaqsiyaadka ama kooxaha u shaqeeya hay’ado ay dowlado taageeraan.

  4. War deg deg ah, Suurtagalnimada weerarro kale oo cabsi laga muujinayo kadib weerarrkii uu gaystay ninka Soomaaliga ah

    Heerka khatarta amni ee qaranka ee UK ayaa laga kordhiyay, kadib weerarkii ka dhacay Golders Green. Go’aankan waxaa gaaray Xarunta Wadajirka Falanqaynta Argagixisada.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Britain, Shabana Maxamuud, ayaa tiri: “Maanta heerka khatarta qaranka waxaa loo qaaday ‘kor, taas oo ka dhigan suurtagalnimada weerarro argagixiso ay aad u sarreeya.”

    Sidoo kale, booliska la dagaallanka argagixisada ayaa si rasmi ah u sheegay in weerarka tooreyda uu ahaa “fal argagixiso”.

    Intii uu weerarku socday dorraad laba nin oo Yuhuud ah, Rand iyo Moshe Shain, oo 76 jir ah ayaa la tooreeyay.