You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Essa Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil kadib weerarkii mindida loo adeegsaday ee ka dhacay Golders Green

Heerka khatarta ee muwaadiniinta Britain ayaa la kordhiyay kadib weerarkaas mindida loo adeegsaday ee ka dhacay London

Kooban

Tebin toos ah

  1. Booliska Turkiga oo maanta xirxiray boqolaal qof

    Booliska Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in ay xireen in ka badan 500 oo qof, ayna ku tureen sunta dadka ka ilmeysiisa banaanbaxyada maalinta shaqaalaha adduunka ee May ee ka dhacay Istanbul.

    Qaar badan oo ka mid ah dadka la xiray ayaa isku dayay inay tagaan fagaaraha Taksim, oo ay dhowr jeer oo hore ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

    Fagaaraha, oo bannaanbaxyada laga mamnuucay tan iyo sannadkii 2013-kii, ayay booliisku xireen xilli habeen ah. Turkiga ayaa 1-da May ee sannad kasta hawlgaliya ciidamo booliis ah markaasoo mudaaharaadyo ay hoggaaminayaan shaqaale iyo ururro la qabto waxaana taasi ay qayb ka tahay dabbaaldegga maalinta shaqaalaha adduunka ee dalal badan ay xusaan.

    Kooxda qareenada ee CHD oo ku sugnaa isu soo baxyada ayaa sheegay in la xiray in ka badan 500 oo qof. Magaalada Ankara, ka dib markii kooxo dhowr ah ay isugu soo baxeen fagaaraha Tandogan.

    Dabaaldegyo ayaa ka socda Kadikoy iyo Kartal, ka dib markii ay fasaxeen xafiiska guddoomiyaha. Dabaaldegga maalinta May ee Izmir, kuwaasoo ka dhacay fagaaraha Gundogdu, halka Diyarbakir lagu qabtay fagaaraha Istasyon.

  2. Maxaan ka ognahay geerida gabadhan caanka ka ahayd baraha bulshada

    Booliiska iyo dad goobjoogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in Bontu Waktolaa, oo caan ka ahayd baraha bulshada laga helay 'iyada oo daldalan' gurigeeda".

    Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday 29-kii Abriil, 2026 deegaanka Sansusii ee dalka Finland, sida ilo-wareedyadu u sheegeen BBC.

    Bonnie J, oo caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ayaa 'isku dishay' gurigeeda, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC-da.

    Sintayo Ayyale, madaxa dambi baarista ee deegaanka Burcuqqo ee degmada addis Katama ayaa ka hadlay geerida Boontu Waaqtolaa. "Gurigeeda ayaa xirnaa, markii aan galnay, waxaan ogaanay inay is dishay iyadoo isku daldashay musqusha".

    Meydkeeda ayaa loo diray halkii ay ku dhalatay ee Laaloo Assaabi ka dib markii lagu baaray isbitaalka Minilik.

  3. Iiraan oo soo bandhigtay soo jeedin cusub oo khuseysa wadahadalkii ay la lahayd Maraykanka

    Iran ayaa u gudbisay Maraykanka hindise cusub, iyada oo la sii marinayo Pakistan, wada xaajood ku saabsan dhamaadka ugu dambeeya ee dagaalka Bariga Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Tehran Jimcihii.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA ayaa tiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay soo bandhigtay hindiseheedii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka Pakistan, iyada oo sii marinaysa dhexdhexaadiyeyasha wadahadallada ay la leedahay Maraykanka", saacadihii dhawaa ayey Iiraan shaacisay akhbaartan iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Sida uu sheegay weriyaha ka tirsan Axios, Iran ayaa Khamiistii jawaabteeda u gudbisay Maraykanka iyada oo u sii marinaysa dhex dhexaadinta Pakistan ee ku saabsan wax ka bedelkii ugu dambeeyay ee Mareykanka.

    Kadib markii xabad joojin ay garwadeen ka ahayd Pakistan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Islamabad waxay martigelisay wadahadallo dhex maray wufuud ka kala socotay Tehran iyo Washington, iyagoo doonayay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka ka dhashay weerarkii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo.

    Wadahadallada oo ahaa hal wareeg ayaan wax heshiis ah laga soo saarin, waxaana wixii intaa ka dambeeyay uu hakad ku yimid wada xaajoodka, iyadoo Mareykanka uu xayiraad dhanka badda ah ku soo rogay dekedaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka Maraykanku uu weli xayiraad ku hayo xirayo marinka Hormuz ee isu socodka gaadiidka badda.

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi ayaa Jimcihii shalay kulamo xiriir ah la yeeshay dhiggiisa dalalka Sacuudiga, Qatar, Turkiga, Ciraaq iyo Azerbaijan, wuxuuna kala hadlay “qorshayaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee lagu soo afjarayo dagaalka,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaraddiisa.

  4. Waqtigii loo qabtay Trump inuu helo ogolaanshaha Kongareeska si uu u sii wado dagaalka Iiraan oo la dhaafay

    Waa la dhaafay waqtigii lagu waday in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku heli lahaa ogolaanshaha Aqalka Congress-ka Mareykanka, si uu u sii wado dagaalka uu kula jiro Iiraan.

    Sida ku cad Dastuurka Mareykanka, dowladdu waa inay heshaa oggolaanshaha Kongareeska muddo 60 maalmood gudahood ah marka madaxweynuhu uu Kongareeska ku wargeliyo weerar militari oo ka dhan ah Iiraan ama, haddii loo baahdo, uu joojiyo weerarka.

    Ha yeeshee, Xoghayaha Difaaca Mreykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uusan u baahnayn inuu raaco qodobbada sharciga dagaalka, isagoo sabab uga dhigay in heshiiska xabad joojinta ee lala galay Iiraan ay si ku meel gaar ah u hakinayo dhammaan qodobbada sharcigan.

    Iiraan, dhankeeda, waxay sheegtay in xayiraadda sii socota ee Mareykanku ku hayo dekedaha ay jabisay heshiiska la gaaray.

    Sidoo kale akhri

  5. Mareykanka oo ka hadlay hub culus oo uu ku waayay dagaalkii Iiraan

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegsett, ayaa u sheegay xubnaha Aqalka Senate-ka Mareykanka, in dalka uu qaadan doono waqti dheer si uu dib ugu dhiso hubkii ugu weynaa ee uu ku waayay dagaalkii Iiraan iyo weeraradii kale ee milatari ee uu qaaday sanadihii la soo dhaafay.

    Isagoo ka hadlayay Aqalka Baarlamaanka , Mr Hegsett wuxuu sheegay inay qaadan karto "bilo ama xitaa sannado" iyadoo hadba ku xiran nooca hubka.

    Senator Mark Kelly oo ka soo jeeda gobolka Arizona ayaa weydiiyay Xoghayaha Difaaca goorta ay suurtogal tahay in la beddelo hubkii lagu burburiyay

    Hegsett ayaa ku jawaabay "inta badan weerarrada, waxaan u isticmaalnay hub culus, iyo hub wax burburiya, sidaas darteed waxaan burburinay kuwo badan, kuwaasna ma aha hub aad maalin ku burburin karto."

    Senator Kelly ayaa intaa ku daray in codsiga miisaaniyadda ee ay waaxda u gudbisay Aqalka ay muujinayso in Waaxda Difaaca ay hayso caddaymaha taageeraya arrintan, waxayna ku baaqday in la sameeyo waqti gaar ah oo lagu beddelayo hubka.

    Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha difaaca ayaa carabka ku adkeeyay in geeddi-socodku uu qaadan doono bilo ilaa sannado, iyadoo ku xiran nooca hubka.

    Sidoo kale akhri

  6. Soomaaliga lagu tuhmayay weerarka bulshada Yahuuda oo maxkamad lasoo taagay

    Nin ayaa loo soo taagay maxkamada iskuday dil, kadib markii laba laba nin oo Yahuud ah lagu toorreeyay Waqooyiga London Arbacadii. Essa Suleiman oo 45 sano jir ah ayaa lagu soo eedeeyya iskuday kale oo dil oo uu ku weeraray qof saddexaad horraantii maalinta, Koonfurta London. Waxaa uu dhaawacay Shloime Rand oo 34 sano jir ah iyo Moshe Shine oo 76 sano jir ah.

    Waxaa uu ku dhashay Soomaaliya, hase ahaatee waxaa uu ku tagay UK sifo sharci ah isaga oo carruur ah, haddana waxa uu ahaa muwaadin British ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Kiiskiisa ayaa loo diray Old Bailey, halkaasi oo uu kasoo muuqan doono 15-ka bisha May gar-maqal horudhac ah. Waxaa dib loogu celiyay xabsiga oo lagu sii hayn doono.

    Halkan ka akhri sheekooyin kale oo la xirriira:

  7. Daraasad lagu ogaaday cirbadaha cayilka ay waxtar u leeyihiin dadka qabatimay Khamriga

    Daraasad cusub oo laga soo saaray Denmark ayaa muujinaysa cirbadaha dhimista cayilka sida Ozempic iyo Wegovy laga yaabo inay caawiyaan dadka la dhibtoonaya ee la qabatimay khamriga.

    Saynisyahanada ayaa sheegay in loo baahan yahay wakhti dheer oo iskudayo ah si loo xaqiijiyo saamaynteeda – Waxaase ay rumaysan yihiin saamayn weyn oo habka qulqulka dhiiga u gaaro mindhiciraha ay sidoo kale saamaynayso hababka la xiriira qabatinka.

    Bukaanada qaata cirbadaha cayilka ayaa muujiyay hoos u dhac waxqabadka sare ah maalmaha ay ay sida xooggan u cabbaan.

    Halkan ka akhri sheekooyin kale oo la xirriira:

  8. Maxaa ceelka shidalka ee Soomaaliya laga qodayo ka dhigaya kan labaad ee ugu dheer dunida?

    Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose.

    Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay "waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga."

    Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri "Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa'iideysan karo shidaalka."

    Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda.

    Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood:

  9. Hadal dareen leh oo uu yiri mid ka mid ah Yahuudii lagu weeraray London

    Mid ka mid ah ragii lagu dhaawacay weerarkii ka dhacay Golders Green ayaa laga saaray isbitaalka. Shloime Rand, oo 34 jir ah, ayaa loo oggolaaday inuu gurigiisa ku laabto, sida uu sheegay wadaad ka mid ahaa dadka booqanayay labada nin ee dhaawacmay xilli ay soo bogsanayaan.

    Wadaad Levi Schapiro ayaa ku sheegay bartiisa X, inuu ku faraxsan yahay inuu sheego in Rand laga saaray cisbitaalka ka dib markii uu helay daryeel caafimaad "dhaawacyadii halista ahaa ee mindida ah ee soo gaaray isla markaana uu nasiib u yeeshay inuu ka badbaado weerarka.

    Hadda wuxuu ku bogsanayaa gurigiisa kadib markii la daweeyey dhaawacyada iyo uu helay daryeel ku habboon.” Markii Rand uu la hadlayay BBC-da shalay, wuxuu sharraxay sida, markii uu ka soo baxay synagogue, macbadka Yuhuudda, looga dhuftay mindida laabta.

    Wuxuu sheegay in ay ahayd “mucjiso aad u weyn” inuu badbaaday: “Waxaan dareemayaa in Ilaahay noloshayda dib iigu soo celiyey.”

  10. Iiraan oo sii deysay xog cusub oo ku saabsan xaaladda caafimaad Mojtaba Khamenei

    Ku-xigeenka arrimaha caalamiga ah ee xafiiska Hoggaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei uu ku jiro “xaalad caafimaad oo wanaagsan” uuna ‘ku mashquulsan yahay maamulidda arrimaha.

    ‘Cadowgu wuxuu doonayaa inuu nagu qasbo inaan falcelinno isagoo faafinaya warar xan ah oo ku saabsan caafimaadkiisa, kadibna uu falcelintaas u adeegsado inuu hormariyo qorshayaashiisa.’ayuu yiri Mohsen Qomi.

    Qomi wuxuu ka hadlay caafimaadka taamka ah ee Mujtaba Khamenei, inkasta oo Hay'adda Baahinta Iran ay ku tilmaantay "halyeeygii Dagaalkii Ramadanka" ka dib markii la dilay Cali Khamenei oo wiilkiisa, Mujtaba Khamenei, uu talada qabtay, taas oo tixraacaysa dhaawiciisa.

    Tan iyo markii Mojtaba Khamenei uu xukunka la wareegay, lama soo bandhigin wax muuqaal ama cod ah oo isagu laga leeyahay, warbaahintuna waxay kaliya daabacday farriimo qoran oo loo nisbeeyo isaga.

  11. Hadalkii uu yiri wiilka Soomaaliga ah ee soo jiitay madaxweynaha Turkiga

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.

    Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.

    "waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.

    Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.

  12. Maxaa ka dhacay Iiraan saacadihii la soo dhaafay?

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in nidaamyadooda difaaca cirka ay soo rideen ama ka hortageen diyaarado aan duuliyaha lahayn iyo bartilmaameedyo yaryar, xilli uu soo dhawaaday xilligii kama dambaysta ahaa ee 60-ka maalmood ahaa ee howlgalada militariga.

    Xaaladdan gudaheeda, warbixinnadu waxay tilmaameen in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu, aragti ahaan, ku qasban yahay inuu ka raadsado oggolaansho Congress-ka si uu u sii wado wax kasta oo hawlgallo militari ah ka baxsan muddadan, balse maamulka uu hoggaamiyo ayaa si maldahan u muujiyay suurtagalnimada in habraacan la iska indho tiri karo.

    Sida uu dhigayo Dastuurka Maraykanka, keliya Congress-ka ayaa leh awoodda ku dhawaaqista dagaal, balse Sharciga Awoodaha Dagaalka ee 1973, wuxuu madaxweynaha siinayaa awood xaddidan oo uu ku bilaabi karo hawlgallo militari oo degdeg ah, iyadoo shuruud looga dhigayo in oggolaansho sharciyeed la helo haddii hawlgalladaasi ay sii socdaan in ka badan 60 maalmood.”

  13. Trump oo hanjabaad kale u jeediyey laba dal oo Yurub ah inuu ciidamadiisa kala baxayo

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo in uu qayb ka mid ah ciidamada Maraykanka kala baxo Talyaaniga iyo Spain, sababo la xiriira diidmadooda dagaalka Iran, maalin kadib markii uu soo jeediyay tallaabo la mid ah oo ku saabsan Jarmalka.

    Warbixinno cusub ayaa sidoo kale tilmaamaya in Trump uu si cad u sheegay in Maraykanku uu dib u eegayo joogitaanka ciidamadiisa ee dalalkan Yurub, iyadoo xiisaddu sii kordhayso xiriirka NATO iyo mowqifka dalalka Yurub ee dagaalka Iran.

    Trump ayaa sharaxay isagoo ka hadlayey xafiiskiisa inuu "ugu yaraan" qaadi doono tallaabadan, isagoo intaas ku daray in Talyaaniga uusan bixin wax gargaar ah, halka uu Spain ku sifeeyay mid " xun”.

    Talaadadii, Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu sidoo kale dib u eegis ku sameynayo suurtogalnimada ah in la dhimo ciidamadiisa ku sugan dalka Jarmalka, taas oo timid xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz oo ku saabsan mowqifka laga taagan yahay dagaalka.

    Sida laga soo xigtay xogta ilaa 31 Diseembar 2025, tirada ciidamada Maraykanka ee Talyaaniga ku sugan waa 12,662, kuwa Spain waa 3,814, halka Jarmalkana ay yihiin 36,436.

  14. Taliyaha Booliska Metropolitan oo BBC-da ugu waramay weerarkii mindada ee London

    Taliyaha Booliiska Metropolitan, Mark Rowley, ayaa goor dhawayd la hadlay barnaamika BBC Breakfast.

    Waxa uu sheegay in nin 45 jir ah lagu soo oogay dacwado la xiriira laba dhacdo, oo ay ku jirto dhacdo dhacday horraantii maalintaas ka hor weerarkii Golders Green.

    Rowley waxa uu sheegay in baarayaashu ay weli ku hawlan yihiin kiiska, balse arrintu hadda ay tahay mid maxkamadda horteeda taal.

    Waxa uu intaas ku daray in dadkii ugu horreeyey ee gurmadka aaday goobta ku taalla waqooyi-galbeed ee London ay ahaayeen kuwo "aan caadi ahayn".

  15. Waa kuma Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi, hogaamiyaha kooxda Daacish ee loo malaynayo inuu Soomaali yahay?

    Waxaa sii kordhaya tirada dalalka u malaynaya inay aqoonsadeen ninka maamula hawlgallada caalamiga ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish.

    Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, oo ku saleysan sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay jirto "kalsooni sii kordhaysa" in hogaamiyaha Daashic uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Ninkan ayaa noqonaya hoggaamiyihii shanaad ee kooxda tan iyo dilkii Abu Bakr al-Baghdadi.

    Kooxdan oo mar ka talineysay dhul ballaaran oo ku yaalal dalaka Ciraaq iyo Suuriya iyadoo sidoo kale saameyn weyn ku leh dalal ku yaalla Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Soomaaliya ayaase loo arkaa inay tahay meesha ay saameynta muuqata ku leeyihiin.

    Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa saldhigooda ugu weyn ku lleh buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland dhawaan ka bilaabeen guluf dagaal oo loo arko kii ugu xooganaa oo ciidamada Puntland iyo kooxda dhexmara.

    Maraykanka ayaa inta howlgalada Puntland ka wadeen buuraha Calmiskaad halkaasi ka fuliyey duqayn dhanka cirka kaas oo howlgalka Maraykanka ee Afrika ay dhawaan sheegeen inay ku dileen dhowr iyo toban xubnood ka mida kooxda Daacish.

  16. War cusub oo ka kordhay weerarkii mindida loo adeegsaday ee London

    Essa Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil ah kadib markii laba nin oo Yuhuud ah lagu weeraray mindi gudaha Golders Green, waqooyiga London, sida ay sheegtay Booliiska Metropolitan.

    Ninkan oo 45 jir ah ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo ah isku day dil iyo hal dacwad oo la xiriirta haysashada qalab af badan oo uu ku watay meel fagaare ah, taasoo la xiriirta dhacdadii Arbacadii.

    Sidoo kale waxaa lagu soo oogay dacwad kale oo isku day dil ah oo la xiriirta dhacdo kale oo ka dhacday Great Dover Street ee Southwark isla maalintaas hore.

    Khamiistii, heerka khatarta argagixisada ee UK ayaa sare loo qaaday heer “daran” kadib weerarka mindida.

    Dowladdu waxay sheegtay in heerka khatartu uu kor u kacayay “muddo”, iyadoo intaa ku dartay in kordhinta heerka aysan “kaliya” ka dhalan dhacdadii toddobaadkan.

    Taliyaha Booliiska Metropolitan, Mark Rowley, ayaa saaka ka hadli doona dhacdadan barnaamijka BBC Breakfast. Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonnaa dhammaan wararkii ugu dambeeyay.

  17. Shiinaha oo qaaday tallaabo u wanaagsan dalalka Afrika oo dhan marka hal dal laga reebo

    Shiinaha ayaa ka dhaafi doona canshuuraha dhammaan dalalka Afrika laga bilaabo maanta oo jimce ah , marka laga reebo dalka Eswatini, oo xiriir la leh Taiwan.

    Laga bilaabo Diseembar 2024, Shiinaha wuxuu horey u hirgeliyay siyaasad cashuur-la’aan ah oo loogu talagalay 33 dal oo Afrika ah. Siyaasaddan hadda waxay daboolaysaa 53 dal oo qaarada ah, waxayna sii jiri doontaa ilaa 30 Abriil 2028. Lama oga waxa dhici doona kadib.

    Beijing ayaa ku faantay inay tahay dhaqaalaha weyn ee ugu horreeya ee si keligiis ah ugu deeqay Afrika nidaam canshuur la’aan ah.

    Laakiin falanqeeyayaal ayaa sheegaya in inkastoo Shiinaha uu ka faa’iidaysanayo fursaddan si uu u xoojiyo saameyntiisa jilicsan , haddana waxay tilmaamayaan in canshuuraha aysan badanaa ahayn caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhoofiyeyaasha Afrika, iyadoo Afrika ay leedahay farqi ganacsi oo aad u weyn oo ay la leedahay Shiinaha.”

    Sannadkii hore, ganacsiga Afrika ay la leedahay Shiinaha ayaa kordhay 65% wuxuuna gaaray qiyaastii $102 bilyan.

    Dhoofinta Afrika ee Shiinaha waxay inta badan ku tiirsan tahay macdanta iyo agabka ceeriin, sida saliidda cayriin iyo macdanta biraha.

    Dalalka qaarada ee ganacsiga ugu weyn la leh Shiinaha waxaa ka mid ah Angola, oo ugu horreyn ku tiirsan saliidda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Koonfur Afrika.

    Si kastaba ha ahaatee, nidaam cashuur-la’aan ah oo si isku mid ah uga shaqeeya qaarad aad u kala duwan wuxuu keeni karaa faa’iidooyin aan sinnayn, sida ay Johnston tilmaamayso.

    Waxay sheegtay in dalal horumarsan oo warshadaysan sida Koonfur Afrika iyo Morocco ay si ka wanaagsan uga faa’iidaysan doonaan kordhinta dhoofintooda.

    Sidoo kale, Jervin Naidoo, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Oxford Economics Africa, ayaa sheegay in siyaasad eber-canshuur ah keli ahaan aysan wax ka qaban baahiyaha guud ee qaaradda sida dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha.”

  18. Su’aal adag oo ku saabsan Trump oo la waydiiyey wasiirkiisa difaaca iyo wixii uu ku jawaabay

    Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka Iran hortagey Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Aqalka Wakiillada Arbacadii, halkaas oo uu su'aalo kaga jawaabay sharci-dejiyeyaasha Dimuqraadiga. Dhageysigan oo socday lix saacadood ayaa waxaa ka dhacay su'aalo kulul, jawaabo adag iyo hadallo xanaf leh.

    Markii Pete Hegseth uu hortagay guddiga, waxaa la socday Abbaanduulka Taliyeyaasha Isku-dhafka ah, Jeneraal Dan Keane, iyo Madaxa Maaliyadda ee Wasaaradda gaashaandhigga, Jules Hurst.

    Ujeeddada dhageysigan waxay ahayd in laga jawaabo su'aalaha ku saabsan codsiga miisaaniyadda milatariga Mareykanka ee gaaraya $1.5 trillion, kaas oo loo soo bandhigay Kongareeska si dib loogu eego loona ansixiyo .

    Mike Rogers oo ah Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Aqalka Wakiillada, ayaa furay dhageysiga isagoo weydiiyay Pete Hegseth, sida ay ciidamada Mareykanka uga faa'ideysteen maalgelintii la bixiyay sannadihii hore.

    Isagoo ka jawaabaya, Pete Hegseth wuxuu yiri: "Maalgelintani waxay u suurtagelisay maamulka in uu billaabo horumarinno dhowr meelood oo muhiim u ah difaaca Mareykanka, taas oo ay ku jiraan hagaajinta guryaha iyo xarumaha kale ee loogu talagalay ciidamada."

  19. Aqalka Senate-ka Maraykanka oo markii lixaad diiday hindse sharciyeed dimuqraadiyiintu riixayen, muxuuse ku saabsanaa

    Aqalka Senate-ka ee Mareykanka ayaa Khamiistii markii lixaad diiday hindise sharciyeedka awoodaha dagaalka oo lagu joojin lahaa hawlgallada militariga Mareykanka ee Iran.

    Sharcigan, oo uu soo jeediyay Senator-ka Dimuqraadiga ee Adam Schiff, ayaa ku guuldareystay codbixin 47 ilaa 50.

    John Fetterman oo laga soo doorto Pennsylvania ayaa ahaa Dimuqraadiga keliya ee ka soo horjeestay, halka Susan Collins oo matela Maine iyo Rand Paul oo ka socda Kentucky ay noqdeen labada Jamhuuri ee keliya u codeeyeen oggolaanshaha qaraarka.

    Codka Collins waa mid mudan in la xuso, maadaama tani ay tahay markii ugu horreysay ee ay taageerto sharcigan. Waxay ku qortay barteeda X: ‘Sida aan tan iyo bilowgii khilaafka Iran u sheegay, awoodda madaxweynaha ee ah taliyaha ma aha mid aan xad lahayn.’

  20. War ka soo kordhay weerarkii tooreyda ee London iyo heerka khatarta oo kor loo qaaday

    Dadweynaha waa in ay ahaadaan kuwo "feejigan oo digtoon" balse aan "cabsoon" ka dib markii kor loo qaaday heerka khatarta argagixiso ee dalka UK, sida uu sheegay wasiirka amniga.

    Heerka khatarta UK ayaa kor loo qaaday ilaa "mid halis ah " illaa "mid daran " maalintii Khamiista markii ugu horreysay muddo afar sano ka badan ah, taas oo timid ka dib markii la tooriyeeyay laba nin oo Yuhuud ah oo ku sugnaa Golders Green, waqooyiga London, maalintii Arbacada.

    Dan Jarvis ayaa sheegay in kororka heerka khatarta uusan ahayn "mid ka dhashay weerarkaas oo keliya", balse ay "sidoo kale sababtay kororka guud ee khataraha Islaamiyiinta iyo kuwa xagjirka midigta fog".

    Weerarka tooreyda loo adeegsaday oo booliska Metropolitan ay ku tilmaameen fal argagixiso, ayaa ah tii ugu dambeysay ee dhacdooyin isdaba-joog ah oo lala beegsanayay bulshada Yuhuudda ee UK.

    Heerka khatarta "daran" ayaa la macno ah in weerar argagixiso loo arko mid aad u suurtogal ah lixda bilood ee soo socota.