You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo la sheegayo in uusan ku qanacsaneyn soo jeedinta Iiraan ee Marinka Hormuz

Trump ayaa la kulmay kooxdiisa amniga, waxaana uu kala hadlay farriinta ka timid Iiraan ee ku saabsan Marinka Hormuz

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Markab nooca raaxada ah Ruush laga leeyahay oo ka gudbay Marinka Hormuz

    Markab weyn oo nooca raaxada ah kaas oo la sheegay inuu leeyahay qof ku dhow Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka gudbay Marinka Hormuz, iyada oo ay xannibaadda socota.

    Markabkan oo dhererkiisu yahay 142 mitir laguna magacaabo “Nord” ayaa loo tirinayo Alexei Mordashov, oo ah maalqabeen Ruush ah oo cunaqabateyn saaran tahay.

    Markabku wuxuu ka soo shiraacday Dubai kuna, waxa uuna sii jeeday Muscat dhammaadkii toddobaadkan, wuxuuna ka mid ahaa maraakiib yar oo gaar loo leeyahay oo ka gudba marinkan bilihii u dambeeyay.

    Iiraan waxay toddobaadkan gashay wada-hadallo heer sare ah oo ay la leedahay Ruushka, iyadoo weli uu socdo khilaafka u dhexeeya dalkaas iyo Maraykan ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz.

    Mr Mordashov, oo xiriir dhow la leh Putin, si rasmi ah looma oga inuu yahay milkiilaha markabka, balse diiwaannada Nord waxay muujinayaan in markabka la diiwaangeliyay sannadkii 2022 iyadoo lagu qoray shirkad ay leedahay xaaskiisa.

    Qiimaha doontan raaxada ah ayaa lagu qiyaasay in ka badan 500 milyan oo doolar.

    Xogta Marine Traffic waxay muujineysaa in markabka calanka Ruushka sita uu ka baxay Dubai habeenkii Jimcaha, isla markaana uu gaaray Al Moj, oo ah deked ku taal caasimadda Cumaan, subaxnimadii Axadda.

    Isu socodka maraakiibta ee marinkan Gacanka Faaris ayaa hadda aad uga hooseeya heerarkii ka hor dagaalka.

    Akhrin Dheeraad ah:

  2. Duulimaadyada Gudaha Iiraan oo dib u bilowday

    Todobaadyo xabbad-joojin ah dadka reer Iiraan waxa ay heleen nafis yar oo aan la ogeyn waqtiga uu ku egyahay, waxa ayna dib u bilaabeyn in nolosha caadiga ah sii wataan.

    dhanka diyaaradaha maamulaha guud ee shirkadda diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan (Homa) ayaa sheegay in marka laga reebo hal ka mid ah diyaaradaha shirkadda ee nooca Airbus 319, oo la burburiyay intii ay socotay duqeymihii cirka ee ka dhacay garoonka Bushehr, inta kale ee diyaaradaha rakaabka ee shirkaddu ay diyaar u yihiin inay shaqo galaan oo ay galaan duulimaadyada maalinlaha ah sameeyaan.

    Taher Abdolhai ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dowladd ee IRNA: “Hadda, inta badan diyaaradaha Iiraan Air waxay sameeyaan duulimaadyo caalami ah, waxaana ilaa hadda la bilaabay duulimaadyo ku wajahan Baku, Qatar, Najaf, Baghdad, Istanbul, iyo Madiina (safarka Xajka).”

    Sidoo kale, duulimaadyo xaddidan ayaa dib uga bilaabmay garoonka Imaam Khomeini ee Tehraan.

    Akhrin Dheeraad ah:

  3. "Marinka Hormuz waa Nukliyeerka dhaqaalaha Iiraanna waxa ay dooneysaa in adduunka kaga hortagto"- Marco Rubio

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa xiritaanka Marinka Hormuz ku tilmaamay “mid u dhigma hubka nukliyeerka marka la eedayo dhanka dhaqaalaha,” isagoo sheegay in Iiraan ay isku dayayso inay sidaas ugu adeegsato adduunka.

    Wareysi uu siiyay warbaahinta Fox News, Marco Rubio wuxuu yiri: “Iiraan waxay ku faantaa inay qafaalan karto 20 ilaa 25 boqolkiibta tamarta adduunka.” Wuxuu intaas ku daray in haddii Iiraan loo oggolaado inay hesho hub nukliyeer, “ay qafaalan doonto Bariga Dhexe oo dhan.”

    Marco Rubio wuxuu xusay inuu rajaynayo in dagaalkan ka dib, adduunka oo dhan uu garan doono khatarta ay Iiraan leedahay.

    Sida uu sheegay, waxa Iiraan ay rabto inay adduunka ku sameyso iyada oo adeegsanaysa hub nukliyeer, waxay hadda ku sameyneysaa iyada oo adeegsanaysa saliidda.

    Rubio wuxuu kaloo sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta dowladda Iiraan ay yihiin xagjir, balse qaar ka mid ah ay aaminsan yihiin inay tahay inay maamulaan dalka iyo dhaqaalaha.

    Wasiirku wuxuu sidoo kale adkeeyay in Maraykanku uusan doonayn inuu waxyeelleeyo shacabka Iiraan.

    Mar uu soo hadal qaaday mudaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda Iiraan horaantii sanadkan iyo sida ay dowladdu ula dhaqantay dadka mudaharaadayay, wuxuu yiri: “Waxaan rabnay in codka shacabka Iiraan la maqlo halkii la dili lahaa 30,000 ilaa 40,000 oo qof oo waddooyinka jooga.”

    Akhrin Dheeraad ah:

  4. War deg deg ah, Markabkii labaad oo kooxaha Burcadeed afduubtayn

    Burcad-badeed ayaa markale qabsatay markab kale oo ku sugnaa xeebaha Soomaaliya iyadoo heerka khatarta ay sii kordheyso, arbacadii asbuucii hore ayey ahayd markii kooxo hubeesan ay markab ka khafaasheyn.

    Hay’adaha kormeerka badaha ayaa ka digaya in khatartu ku soo korortay maraakiibta ka shaqaysa xeebaha Soomaaliya kadib markii markab xamuul ah uu noqday kii ugu dambeeyay ee lagu qabsado fal burcad-badeednimo.

    Hay'adda ka shaqeysa halwaha ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa kor u qaaday heerka khatarta ee aaggaas ilaa kadib markii ay sheegtay in “dad aan la oggolayn” ay la wareegeen markabka ayna u jiheeyeen dhanka dhulka xeebta Garacad, ee Soomaaliya.

    Ugu yaraan afar markab ayaa la kulmay isku day afduub toddobaadkii la soo dhaafay dhacdooyin loo malaynayo burcad-badeednimo, kuwaas oo ay ku jiraan doon kalluumeysi iyo markab shidaal qaada.

    Ilaa saddex sano ka hor, burcad-badeednimadu waxay ku dhowaatay inay ka dabar go’do qaybtan Badweynta Hindiya oo hore caan ugu ahayd barta afduubyada, balse hadda dib ayay u soo laabatay.

    maamulka Punland ayaa sheegay in ay tallaabo ciidan ka qaadi doonaan kooxahaan afduubanaya maraakiibta.

    Akhrin Dheeraad ah:

  5. Maxay tahay sababta dib loogu dhigay doorashooyinkaa Koofur galbeed Soomaaliya?

    Warsaxaafadeed ay Isniintii soo saarayn Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cabasho uga timid ururada ka qeyb galaya doorooshooyinka darteed ay keentay baajinta doorooashooyinka maamulka Koofur galbee Soomaaliya, kuwaas oo lagu waday in qabsoomaan maanta oo taariikhu tahay 28 bisha Abriil, 2026.

    Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in taarikhda soo gudbinta musharaxiinta ee ka dambeysta ay noqon doonto " Maalinta Taladaada ah ee 05-ka May 2026", halka doorashadu ay noqon doonto 10-ka isla bisha May.

    Doorashada ka dhici lahayd KGS ayaa ahayd doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo golaha deegaanka.

    Akhrin Dheeraad ah:

  6. Puntland oo ciidan ka qaadeysa kooxaha afduubtay markabka laga leeyahay Pakistaan

    Burcad-badeed ayaa afduubtay markab shidaal siday oo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, kaas oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay BBC-da u sheegeen dhowr sarkaal amni.

    Sida ay saraakiishu sheegeen, markabka oo lagu magacaabo Honour 25 ayaa habeenkii Arbacada la qabsaday kadib markii lix nin oo hubeysan ay xoog ku galeen, xilli uu ku sugnaa qiyaastii meel 30 mayl-badeed badda uga baxsan xeebta, shaqaalaha saaran markabka ayaa u kala dhashay oo u dhashay dalalka Pakistan, Hindiya, Srililank, iyo Myanmar ayaa ku jira gacanta kooxda Burcad Badeeda ah, sida ay sheegtay Hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha caalamiga ah, ee fahdigeedu yahay UK ee la yiraahdo UKMT.

    Maamulka Puntland ayaa sheegay inay tallaabo ciidan ka qaadi doonaan kooxaha haysta Markabka, wasiirka Madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur oo BBC Somali la hadlay ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in laga hortago dhibaatada kooxahan, xitaa haddii ay ku qasbadaaan in ay qaadaan tallaabo ciidan ay qaadi doonaan, wasiirka mar uu hadlayey waxa uu yir "waxaanu sameyn doonnaa hawl-gallo ciidan oo runtii sharciga lagu horkeeni doono nimankaas fal dambiyeedka sameeyey, waxa ayna puntland qaadi doontaa tallaabooyinka lagu yaqaanay".

  7. Yaa awood badan Pakistan iyo Afghanistan?

    Xiisada u dhaxeysa Pakistan iyo Afgaanistaan ​​ayaa gaartay meeshii ugu sareysay kadib dagaaladii habeenkii Khamiista ka dhacay xuduuda iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada cirka Pakistan ay ka fuliyeen gudaha Afgaanistaan.

    Labada dal waxay sheegteen inay dileen tobonaan askari oo midba midka kale ka dilay, sidoo kalena ay qabsadeen saldhigyo xuduudeed, ayna khasaare xooggan u geysteen bartilmaameedyo ciidan. BBC way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso khasaarahan.

    Hawlgalladan militari ee ka dhanka ah Afqaanistaan ​​ee Pakistan ayaa loogu magac daray 'Ghadbullah Haqq'.

  8. War deg deg ah, Iiraan oo diiwaan gelisay dhacdooyin ka dhashay duqeymihii iyo weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil

    Maxamed Reza Zafarghandi, wasiirka caafimaadka ee Iran, ayaa sheegay in qoraalladiisii ugu dambeeyay intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iran, “ku dhowaad 240 weerar lagu qaaday xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada la diiwaangeliyay, oo ay ku jiraan 50 isbitaal iyo ku dhowaad 50 xarumood oo gurmad degdeg ah oo waxyeello soo gaartay.”

    Sarkaalkan dowladda Iran ayaa sheegay in faahfaahinta weerarradan la diiwaangeliyay oo la kaydiyay.

    Maalmihii ugu horreeyay ee duqeymaha cirka ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen Tehran, sawirro muujinaya burburka dhowr isbitaal oo ku yaalla caasimadda ayaa la baahiyay, taasoo keentay in war-baahinta caalamka ka hadlaan.

  9. Xaaska Trump oo ka carootay hadal uu yiri nin majaajileyste ah

    Xaaska madaxweyne Trump ee Melania ayaa ku tilmaantay majaajiliistaha lagu magacaabo Jimmy Kimmel nin fulay ah, ka dib markii uu sheegay inay “ula muuqato haweeney sugaysa inay noqoto carmal.”

    Ninkaan ayaa soo jeedinayay khudbad majaajilo ah ka hor munaasabaddii Sabtida Washington ka dhacday, oo markii dambe lagu kala cararay kadib markii uu nin isku dayay inuu weeraro xafladda kaas oo lagu eedeyay inuu doonayay inuu dilo Trump iyo saraakiil kale oo Mareykan ah.

  10. Trump muxuu ka yiri soo jeedinta ka timid Iiraan?

    Sarkaal Mareykan ah ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump uusan ku qanacsanayn soo jeedin ka timid Iiraan, sababtoo ah ma aysan ka hadlin barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Reuters ayaa soo xigatay sarkaalka Mareykanka isagoo oronayaTrump: “Ma jecla soo jeedintan.”Trump ayaa kala hadlay soo jeedinta la-taliyeyaashiisa sare-sare ee amniga qaranka Mareykanka.

    Khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa weli meel sare taagan, iyadoo sahayda tamarta ee gobolka ay hoos usii dhacayso.

    Ilo dhanka Iiraan ah ayaa horrey u sheegay in soo jeedintu ay dib u dhigeyso wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ilaa uu dagaalku dhammaado, lana xalliyo khilaafaadka la xiriira maraakiibta iyo marin-biyoodka Hormuz.

    Washington ayaa sheegtay in arrimaha nukliyeerka ay tahay in la wajaho bilowga hore.

    Ilo ka socda Pakistan, oo dhexdhexaadin ka dhex wada, dhinacyada ayaa sheegay in dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo farqiga u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan aysan istaagin.

    Si kastaba ha ahaatee, rajada dib u soo nooleynta dadaallada nabadda ayaa sii yaraanaysa tan iyo markii Trump uu toddobaadkan dhammaadkiisa ku dhawaaqay inuu baajiyay booqasho ay ku tegi lahaayeen magaalada caasimadda Pakistan ee Islamabad ergaygiisa gaarka ah Steve Wittkopf iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner.

  11. War deg deg ah, Faahfaahin kiiska ninkii isku dayay inuu dilo Trump

    Dhageysiga xiga ee kiiska Cole Thomas Allen, oo lagu tuhunsan yahay isku day dilka madaxweynaha Maraykanka, ayaa loo qorsheeyay Khamiista.Dhageysigan waxaa lagu go’aamin doonaa inta uu Allen ku sii jiri doono xabsiga ilaa maxkamaddiisa ay ka bilaabanayso.

    Halkan waxaan faahfaahin doonaa eedeymaha loo haysto iyo ciqaabaha suurtagalka ah:Eedda koowaad: Isku day dilka Madaxweynaha Maraykanka. Haddii lagu helo dembi, wuxuu wajihi karaa xabsi daa’in oo federaal ah.

    Eedda labaad: Gudbinta hub gobol ilaa gobol si loogu fuliyo dembi culus. Haddii lagu helo dembigan, wuxuu wajihi karaa ilaa 10 sano oo xabsi federaal ah.

    Eedda saddexaad: Rasaas ku ridid hub inta lagu jiro fal dembiyeed rabshado wata. Haddii lagu helo dembigan, wuxuu wajihi karaa ilaa 10 sano oo xabsi federaal ah.

  12. Madaxweynihii Mali iyo saraakiil kale oo war iyo wacaal aan laga haynin

    Madaxii dowladda milatariga ee dalka Mali iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha ugu sarreeya dalkaas ayaan wax war ah laga maqal tan iyo weerarradii ay fuliyeen kooxda Al-Qaacida iyo kooxda gooni u goosadka ah oo ka dhacay dalkaas.

    Tani waxay dhalisay warar sheegaya in madaxweynaha la dhaawacay, ama laga yaabo in laga saaray dalka.

    Waxa kale oo jira warar ku saabsan loollan awoodeed oo dalka ka dhex jira, iyadoo la rumeysan yahay in la isku dayayo in lagu beddelo General Malick Diaw oo laga dhigo madaxweyne ku meel-gaar ah , sida uu sheegay wargeyska madaxa-bannaan ee Nouvel Horizon.

    Ururka Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin, ayaa hoggaamiyay weerarro lagu qaaday saldhigyo milatari oo ku yaal Bamako, kuwaas oo lagu dilay wasiirkii difaaca dalka, t General Sadio Camara.

    Mas'uuliyiinta aan war iyo wacaal laga hayn waxaa ka mid ah Madaxweynaha, General Assimi Goïta, La-taliyaha Amniga Madaxweynaha, General Modibo Kone, Wasiirka SAmniga, General Ismael Wagué, iyo kuwo kale.

  13. Aqalka Cad oo lagu lafa-guray qorshaha Iiraan ee Hormuz

    Afhayeenka Aqalka Cad ee dalka Mareykanka Carolyn Levitt, ayaa la waydiiyay in madaxweynaha Mareykanka uu aqbali doono dalabka Iiraan ee ku saabsan in la is-dhaafsado furitaanka Marinka Hormuz iyo shuruudaha ay wataan, afhayeenka Aqalka Cad Carolyn Levitt ayaa tiri:“Waxaan xaqiijin karaa in madaxweynuhu uu la kulmay kooxda amniga qaranka subaxnimadii maanta.

    Kulankaas wuu sii socon karaa. Si dhab ah uma sheegi karo, balse dalabkaas weli waa la tixgelinayaa. Levitt waxay carrabka ku adkaysay in qadka casaanka ah ee Donald Trump ee ku saabsan Iiraan ay si cad ugu sheegeen shacabka Mareykanka iyo sidoo kale dowladda Iiraan.

    Afhayeenka Aqalka Cad waxay hadalkeeda ku soo gabagabeysay in Madaxweynaha Mareykanka uu si dhow oo shakhsi ah uga hadli doono arrintan.

  14. War deg deg ah, Degdeg: "Soo jeedinta Iiraan ma waafaqsana dalabka Mareykanka"

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in mowqifka Iiraan ee ku aaddan Marinka Hormuz, oo ay maraan ku dhawaad shan meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee adduunka, uusan waafaqin dalabaadka Washington.

    Wuxuu u sheegay Fox News: “Haddii waxa ay uga jeedaan furitaanka marinka ay tahay in marinku furnaado kaliya marka lala socdo Iiraan oo oggolaansho laga helo, haddii kalena ay weerari doonaan oo lacag laga qaado maraakiibta, markaa tani ma aha furitaan marin.”