War deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha Spain oo si adag uga hadlay tallaabada Israa'iil ku qabatay doomo gargaar u siday Qasa
Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay “mar kale jebisay sharciga caalamiga ah” kadib markii ay qabatay ku dhawaad 20 doomood oo ku sugnaa xeebaha Giriigga, isla markaana ay xirtay qiyaastii 175 dhaqdhaqaaqe oo taageersan Falastiin, oo ay ku jiraan dad u dhashay Spain.
“Israa’iil mar kale waxay jebinaysaa sharciga caalamiga ah iyadoo weerar ku qaadday doomo rayid ah oo ku sugan biyo aan iyadu lahayn,” ayuu Sanchez ku qoray bartiisa X, isagoo ugu baaqay Midowga Yurub inuu “hadda joojiyo heshiiska iskaashiga isla markaana ka dalbado Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ixtiraamo sharciga badaha.”
Horey, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Spain ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ciidanka Israa’iil ee ka dhacday agagaarka jasiiradda Crete, waxayna xustay in muwaadiniin u dhashay Spain ay saarnaayeen doomahaas.
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa hore u sheegay in 175-ka dhaqdhaqaaqe ee ay xireen, kuwaas oo saarnaa ku dhawaad 20 doomood, loona wareejin doono Giriigga.