Nin la sheegay inuu dhintay oo maalin ka dib markii la aasay dib ugu soo laabtay gurigiisa

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dadka ku nool degmada Masindi Municipality ayaa si weyn uga naxay kadib markii nin la sheegay inuu dhintay uu dib u soo noqday isagoo nool, saacado yar kaddib markii la aasay mayd loo malaynayay inuu isagu yahay.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Daily Monitor, Godwin Baguma oo deganaa deegaanka Kijana wa Kijura ee gobolka Bartamaha Uganda, ayaa la waayey dhowr toddobaad, taasoo walaac weyn ku abuurtay qoyskiisa iyo deriskiisa.

Qoyskiisa ayaa sheegay in Baguma, oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka maskaxda ah, uu si lama filaan ah uga baxay guriga isaga oo aan cidna u sheegin, taasoo keentay in si weyn loo baadi-goobo.

Arrintu waxay is beddeshay dhammaadka toddobaadkii la soo dhaafay, markii qoysku helay war sheegaya in booliisku ay Jimcihii ka heleen mayd si xun isu badalay oo laga helay beer ku taalla deegaanka Kisanja.

Maydkaas ayaa loo qaaday qolka maydka ee Isbitaalka Masindi, halkaas oo la dhigay ogeysiisyo loogu talagalay dadka ay ehelkoodu maqan yihiin si ay u yimaadaan oo u aqoonsadaan maydka.

Yakobo Kamuturaki, oo ah aabbaha Baguma, ayaa sheegay in markii uu helay warkaas Axaddii, uu u diray wiilashiisa qolka maydka (morgue) si ay u xaqiijiyaan in maydka la helay uu yahay kan wiilkiisa maqan.

Kadib markii ay si taxaddar leh u eegeen maydka, ayay soo noqdeen waxeyna u sheegeen aabbihii in meydka ay soo arkeen uu yahay Baguma.

Aaska ayaa si rasmi ah loo sameyay.

"Waxaa naloo sheegay in maydku aad u burburay. Wiilashaydu way tageen waxayna u aqoonsadeen inuu yahay walaalkood. Waan rumaysannay oo waxaan aqbalnay inuu dhintay," ayuu yiri Kamuturaki.

Kadib xaqiijintaas, qoysku si degdeg ah ayay u diyaariyeen aaska sababo la xiriira maydka oo aad isku beddalay. Warka ku saabsan geerida Baguma ayaa si degdeg ah ugu faaftay Kijura iyo deegaannada ku xeeran, taasoo keentay in dad badan ay tacsiyayaan oo yimaadaan guriga qoyska.

Aaska ayaa dhacay Axaddii, iyadoo qoysku qorsheynayay in maalintii xigtay ee Isniinta la qabto xafladda aaska rasmiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, murugada qotoda dheer ayaa isu beddeshay yaab iyo jahwareer. Markii la bilaabay diyaarinta aaska kama dambaysta ah Isniintii, waxaana soo baxay warar sheegaya in Baguma lagu arkay isagoo nool tuulada Kihanguzi ee deegaanka Labongo, degmada Masindi.

"Markii hore wararka waan iska indho tiri jirnay. Hore ayaan u aaseynay maydka. Laakiin waxaan go'aansannay inaan hubinno," ayay tiri Jane Birungi oo ah walaashiis Baguma.

Waxay sheegtay in xubnaha qoyska ay si degdeg ah u tageen deegaankaas, halkaasna ay ka heleen Baguma oo nool, isagoo seexanaya guriga saaxiibkiis.

"Markii aan aragnay, waan naxnay. Ma rumaysan karin inuu yahay isagii oo nool," ayay tiri Birungi.

Baguma ayaa isla markiiba loo qaaday guriga qoyska, taasoo joojisay dhammaan diyaargarowgii aaska ee socday.

Soo saarista mayd la aasay.

Dhacdadan ayaa ku khasabtay qoyska inay galaan howl-adag oo ah qodista mayd loo aasay, maydkaas, oo markii hore loo malaynayay inuu yahay Baguma, hadda waxaa la tuhunsan yahay inuu yahay qof aan la aqoon.

"Waxaan horey u ooynay oo xitaa u aasanay maydka. Kadib si lama filaan ah ayuu qofkii aan u malaynaynay inuu dhintay u soo noqday isagoo nool. Tani waa wax aan weligeen hore u arag," ayay tiri Mrs. Janet Asiimwe oo ah deris qoyska ninkaan loo maleyay inuu dhintay.

Ms. Florence Bikorwa ayaa iyana dhacdadan ku tilmaamtay mid aad ula yaab badan oo aysan waligeed nolosheeda arag."Waa sida filim oo kale. Dadku way wareersanaayeen oo way baqeen. Qofna ma fahmi karin waxa dhacaya," ayay tiri.

Booliisku waxay xaqiijiyeen dhacdada, waxayna bilaabeen baaritaan si loo ogaado aqoonsiga maydka si qalad ah loo aasay.

Solomon Mugisa, oo ah sarkaalka xiriirka bulshada ee gobolka North Albertine isla markaana ah afhayeenka booliiska, ayaa sheegay in maydka la helay Jimcihii la soo dhaafay kadibna la geeyay qolka maydka.

"Qoysku way yimaadeen oo waxay aqoonsadeen maydka inay yahay wiilkooda, waxayna bilaabeen diyaargarowga aaska. Mar dambe ayay ogaadeen in wiilkoodii uu nool yahay, taasoo keentay jahwareer," ayuu yiri Mugisa.

Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay keentay in la qodo maydka kadibna dib loogu celiyo qolka maydka ee Isbitaalka Masindi.

Booliisku waxay shacabka ugu baaqeen inay taxaddar muujiyaan marka la aqoonsanayo maydadka, gaar ahaan kuwa sida xun isu badala.

"Xaaladaha noocan ah, aqoonsigu waa inuu noqdaa mid aad loo hubiyo, qoysaskuna waa inay si dhow ula shaqeeyaan shaqaalaha caafimaadka si looga fogaado khaladaad noocan ah," ayuu talo ahaan u sheegay Mugisa.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay in la raaco nidaamka sharciga marka la samaynayo qodista maydadka oo ay ka mid yihiin in la helo amar maxkamadeed, oggolaanshaha maamulka deegaanka, iyo ka-qaybgalka booliiska.