You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waddada isku xirta Nairobi iyo Gaarisa oo rabshado u xiran maalintii labaad
Shirkadaha basaska rakaabka qaada ayaa joojiyay safarradii ay ugu kala gooshi jireen magaalooyinka Gaarisa iyo Nairobi sababo la xiriira qalalaase ka taagan Waddada isku xirta magaalooyinka Mwingi iyo Garissa.
Shirkadaha Basaska qaarkood oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay naftooda iyo tan rakaabka u baqeen ka dib markii dhowr jeer lagu bartilmaameedsaday waddadaas.
Inkastoo maamullada waqooyi bari iyo kan dawladda Kenya aysan weli ka hadlin, haddana dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in mudaaharaadyo rabshado wata ay ka dheceen tuulooyin u dhaxeeya labada magaalo, kuwaasoo sababay in maalintii labaad ay waddadu xiran tahay.
Isaaq Ibraahim Cusmaan oo ka mid ah maamulka shirkadda Basaska ee Riyaan ayaa Axmed Badar uga waramay sida ay xaaladu tahay .