You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo loo bandhigayo qorshe ku saabsan suurtagalnimada tallaabo militari oo laga qaado Iran”

Saraakiil milatari ah ayaa la sheegayaa in ay wadaan qorshahaan oo ay la wadaagi doonaan Trump, balse lama oga waxa uu ka oron doono

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha Spain oo si adag uga hadlay tallaabada Israa'iil ku qabatay doomo gargaar u siday Qasa

    Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay “mar kale jebisay sharciga caalamiga ah” kadib markii ay qabatay ku dhawaad 20 doomood oo ku sugnaa xeebaha Giriigga, isla markaana ay xirtay qiyaastii 175 dhaqdhaqaaqe oo taageersan Falastiin, oo ay ku jiraan dad u dhashay Spain.

    “Israa’iil mar kale waxay jebinaysaa sharciga caalamiga ah iyadoo weerar ku qaadday doomo rayid ah oo ku sugan biyo aan iyadu lahayn,” ayuu Sanchez ku qoray bartiisa X, isagoo ugu baaqay Midowga Yurub inuu “hadda joojiyo heshiiska iskaashiga isla markaana ka dalbado Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ixtiraamo sharciga badaha.”

    Horey, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Spain ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ciidanka Israa’iil ee ka dhacday agagaarka jasiiradda Crete, waxayna xustay in muwaadiniin u dhashay Spain ay saarnaayeen doomahaas.

    Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa hore u sheegay in 175-ka dhaqdhaqaaqe ee ay xireen, kuwaas oo saarnaa ku dhawaad 20 doomood, loona wareejin doono Giriigga.

  2. War deg deg ah, Askar Israa'iiliyiin ah oo diyaarad qarax loogu xiray iyo khasaare ka dhashay

    Kanaalka Israa’iil ee Channel 12 News ayaa sheegay in sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada Israa’iil ay dhaawacmeen, kadib markii diyaarad yar qarax loogu xiray ay ku dhacday koonfurta Lubnaan.

    Warbixintu waxay sheegtay in diyaaraddaas drone-ka ah ay sababtay dhaawaca labadan askari xilli ay ku sugnaayeen aagga koonfureed ee Lubnaan.

  3. War deg deg ah, Weerar ka dhacay dalka Ciraaq

    Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa shegaya in gobolka Kurdistan uu ka dhacay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.Xog badan ilaa iyo hadda lagama hayo sida xaalku yahay.

    Wixii faahfaahin ah, halkaan ayaan idinkula socodsiin doonaa

  4. War deg deg ah, Imaaraadka oo muwaadiniintiisa ka mamnuucay in ay u safraan dhowr dal

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinteeda ka mamnuucday inay u safraan dalalka Iiraan, Lubnaan iyo Ciraaq.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo war soo saartay ayaa ugu baaqaday muwaadiniinteeda hadda ku sugan dalalkan inay ka baxaan oo ay ku laabtaan Imaaraadka sida ugu dhakhsaha badan.

    Lama faahfaahin sababta dowladdu ay tallaabadaan u qaaday.

  5. War deg deg ah, Mareykanka oo si aag ula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil iyo madaxweynaha Lubnaan

    Washington ayaa ku boorrisay in la qabto kulan u dhexeeya Madaxweyne Joseph Aoun iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo sheegtay in “waqtigii laba-labeynta ama dib u dhigistu uu dhammaaday.”

    Safaaradda Mareykanka ee ku taal Beyruut, ayaa ku dhiirrigelisay in si toos ah loo kulansiiyo Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyagoo sheegay in “waqtiga laba-labeyntu uu dhammaaday,” isla markaana kulankaas uu Lubnaan siin karo “dammaanado la taaban karo” oo la xiriira madax-bannaanideeda.

    War-saxaafadeedka safaaradda ayaa lagu yiri: “Lubnaan waxay taagan tahay meel kala-doorasho ah. Muwaadiniinteedu waxay haystaan fursad taariikhi ah oo ay dib ugu dhisi karaan dalkooda, kuna hagi karaan mustaqbalkooda sidii waddan si dhab ah u madax-bannaan.”

    Waxay intaa ku dartay in “kulanka tooska ah ee Madaxweyne Aoun iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, oo uu fududeynayo Madaxweyne Donald Trump, uu Lubnaan siin doono fursad ay ku hesho dammaanado dhab ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda buuxda, ilaalinta dhulkeeda, amniga xuduudaheeda, iyo taageero bani’aadamnimo iyo dib-u-dhis.”

    Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale ku adkaysatay: “Waa waqtigii Lubnaan ay go’aansan lahayd mustaqbalkeeda, waqtigii laba-labeyntu wuu dhammaaday.”

  6. War deg deg ah, Degdeg: Hawada Tehran oo ay dul-heehaabayaan diyaarado iyo Iiraan oo feejignaan gashay

    Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim News Agency, ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka ee Iran ay ka hawlgaleen si ay u qabtaan diyaarado yaryar iyo diyaarado sahamin ah oo dulmarayay qaybo ka mid ah caasimadda Tehran.

    Sida warbixintu sheegtay, difaaca cirka ayaa la furay kadib markii la arkay drones yaryar oo ku wareegayay hawada Tehran, gaar ahaan aagagga qaar ee magaalada.

    Waxa kale oo la sheegay in rasaasta difaaca cirka laga maqlayay qaybo kala duwan oo magaalada ka mid ah, sida galbeedka, bartamaha iyo koonfur-bari Tehran.

  7. Trump maskax ahaan ma u qalmaa in uu noqdo taliyaha guud Ciidanka Mareykanka?

    Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka Iran hortagey Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Aqalka Wakiillada Arbacadii, halkaas oo uu su'aalo kaga jawaabay sharci-dejiyeyaasha Dimuqraadiga.

    Dhageysigan oo socday lix saacadood ayaa waxaa ka dhacay su'aalo kulul, jawaabo adag iyo hadallo xanaf leh.

    Markii Pete Hegseth uu hortagay guddiga, waxaa la socday Abbaanduulka Taliyeyaasha Isku-dhafka ah, Jeneraal Dan Keane, iyo Madaxa Maaliyadda ee Wasaaradda gaashaandhigga, Jules Hurst.

    Ujeeddada dhageysigan waxay ahayd in laga jawaabo su'aalaha ku saabsan codsiga miisaaniyadda milatariga Mareykanka ee gaaraya $1.5 trillion, kaas oo loo soo bandhigay Kongareeska si dib loogu eego loona ansixiyo. Halkan ka akhi wax badan.

  8. Maxaa ugu wacan Arsenal in aysan weligeed ku guulaysan Champions League?

    Arsenal waligeed kuma guuleysan Champions League iyo Europa League. Hadda waxay soo gaartay Semifinalka, waxayna barbarro 1-1 ah la gashay Atletico Madrid oo ay marti ugu ahayd gurigeeda lugtii hore ee labada cayaarood ee semifinalka, ayadoo lugta labaad loo ballansan yahay todobaadka dambe magaalada London.

    Liverpool waxay qaadday lix jeer, Manchester United seddex jeer, Chelsea labo jeer iyo Manchester City hal mar.

    Tottenham sidoo kale waxay haysataa hal koob oo Europa League ah. Arsenal waligeed kuma guulaysan koobkan.

    Arsenal ayaa rikoor fiican ka heysata Champions League. Haddaba maxay samayn kareen laakinse aysan samayn si ay koobka u qaadaan.

  9. War deg deg ah, Trump oo sheegay hadda xog cusub oo kale oo ku saabsan xaaladda Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku si buuxda u burburiyey awoodda nukliyeerka ee Iran, si aysan u helin bam nukliyeer ah.

    Isagoo kula hadlayay warfidiyeennada gudaha Aqalka Cad, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay: “Waxaan idiin sheegi karaa in Iran ay aad u doonayso inay heshiis sameyso.”

    Wuxuu sidoo kale ku andacooday in Mareykanku burburiyay ciidamada badda iyo kuwa cirka ee Iran, isla markaana 82% ka mid ah warshadaha drones-ka ama diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo 90% ka mid ah warshadaha gantaallada la burburiyay.

    Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan burburinay gantaallo badan oo iyaga u yaallay.”Donald Trump ayaa sheegay inuusan marnaba oggolaan karin in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.

    Isagoo ka hadlayay xannibaadda badeed ee Iran, wuxuu ku andacooday in “dhaqaalahoodu burburayo,” isla markaana “xannibaaddeennu ay aad u shaqeysay, Iran-na aysan hadda wax dakhli ah ka helin saliidda” ayuu yiri.

    Akhri sheekooyin kale:

  10. War deg deg ah, Iiraan oo si adag uga hadashay weerarkii uu gaystay ninka Soomaaliga ah ee London

    Safaaradda Iran ee ku taal dalka Ingiriiska ayaa si adag u beenisay eedeymaha sheegaya in Iiraan ku lug leedaha “falal rabshado ah ama dhacdooyin ka dhacay gudaha UK,” kadib weerarkii ka dhacay Golders Green shalay.

    Bayaan ay ku daabacday barta X, safaaraddu waxay ku sheegtay in “eedeymahan aaney sal iyo raad lahay oo aan loo lahaynin wax caddeyn ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay u muuqdaan kuwo u adeegaya dano siyaasadeed oo gaar ah.”

    Shalay, koox lala xiriirinayo Iran ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah. Horey, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Shabana Mahmood, ayaa u sheegtay BBC in aysan “caadi ka ahayn” in kooxo noocaas ah ay sheegtaan mas’uuliyadda, isla markaana baaritaanku weli socdo.

    Sidoo kale, madaxa booliska Magaalada London Mark Rowley, ayaa Arbacadii sheegay in ay “wali goor hore tahay in la sheego” haddii Iran ay ku lug leedahay weerarka.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, oo ka hadlayay Downing Street maanta, ayaa sheegay in dowladdu soo bandhigi doonto “awoodo cusub oo adag si wax looga qabto khatarta xun ee ay keeni karaan dowlado sida Iran,” isagoo ku eedeeyay inay doonayaan “inay waxyeelleeyaan Yuhuudda British-ka ah.”

    Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah dedejinta sharciyo cusub oo awood u siinaya dowladda inay si adag ula tacaasho shaqsiyaadka ama kooxaha u shaqeeya hay’ado ay dowlado taageeraan.

    Akhri sheekooyin kale:

  11. Nin la sheegay inuu dhintay oo maalin ka dib markii la aasay dib ugu soo laabtay gurigiisa

    Dadka ku nool degmada Masindi Municipality ayaa si weyn uga naxay kadib markii nin la sheegay inuu dhintay uu dib u soo noqday isagoo nool, saacado yar kaddib markii la aasay mayd loo malaynayay inuu isagu yahay.

    Sida ay sheegtay Warbaahinta Daily Monitor, Godwin Baguma oo deganaa deegaanka Kijana wa Kijura ee gobolka Bartamaha Uganda, ayaa la waayey dhowr toddobaad, taasoo walaac weyn ku abuurtay qoyskiisa iyo deriskiisa.

    Qoyskiisa ayaa sheegay in Baguma, oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka maskaxda ah, uu si lama filaan ah uga baxay guriga isaga oo aan cidna u sheegin, taasoo keentay in si weyn loo baadi-goobo.

    Arrintu waxay is beddeshay dhammaadka toddobaadkii la soo dhaafay, markii qoysku helay war sheegaya in booliisku ay Jimcihii ka heleen mayd si xun isu badalay oo laga helay beer ku taalla deegaanka Kisanja.

    Maydkaas ayaa loo qaaday qolka maydka ee Isbitaalka Masindi, halkaas oo la dhigay ogeysiisyo loogu talagalay dadka ay ehelkoodu maqan yihiin si ay u yimaadaan oo u aqoonsadaan maydka.

  12. Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in tallaabooyina Mareykanka ay fashil ku dambeyn doonaan

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in xannibaadda badeed ee uu Mareykanku ku soo rogay dekedaha Iran ay sii kordhin doonto amni darrada ka jirta Gacanka, isla markaana uusan gaari doonin ujeeddooyinkiisa.

    War-qoraal ah oo maanta ka soo baxay madaxweynaha Iran wuxuu ku yiri: “Isku day kasta oo lagu soo rogo xannibaad badda ama cunaqabateyn kasta oo ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah waa mid fashil ku dambeyn doonta,” sida ay werisay BBC Arabic.

    Masoud Pezeshkian ayaa intaa ku daray in tallaabooyinka noocaas ah “aysan kaliya ku guuldareysan doonin inay xoojiyaan amniga gobolka, balse ay dhab ahaantii horseedi doonaan xiisad iyo inay wiiqaan xasilloonida Gacanka.”

  13. War deg deg ah, Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan oo farriin u diray Mareykanka

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in aysan jirin meel ay ku habboon yihiin shisheeyaha fidinaya qalalaasaha, iyagoo ku saleynaya dano gaar ah, marka laga reebo gunta hoose ee Gacanka Faaris, xilli ay ka joogaan kumannaan kiiloomitir meel fog.

    Wuxuu hadalkan soo saaray munaasabadda Maalinta Gacanka Faaris. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, Islamic Republic News Agency ayaa baahisay warkiisa.

    War-saxaafadeedka hoggaamiyaha Iran wuxuu ku yiri: “Iran waxay furi doontaa bog cusub oo ku saabsan Gacanka Faaris iyo marin-biyoodka Hormuz.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay: “Mustaqbalka Gacanka Faaris wuxuu noqon doonaa mid ka madax-bannaan Mareykanka.”

    Mojtaba Khamenei ayaa intaa ku daray in mustaqbalka ifaya ee gobolka aysan jiri doonin “faragelin Mareykan ah,” isla markaana “nidaamka cusub” ee marin-biyoodka Hormuz uu faa’iido u yeelan doono dhammaan dalalka.

    Ugu dambayn, wuxuu ku dooday in sababta ugu weyn ee amni darrada ka jirta Gacanka Faaris ay tahay joogitaanka Mareykanka ee halkaas.

  14. War deg deg ah, Mareykanka oo sii wada dib u celinta maraakiibta Iiraan

    Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka, ciidamada badda Mareykanka ee saaran markabka USS New Orleans ayaa ka howlgalaya Badda Carabta iyagoo qayb ka ah hawlgallada xannibaadda badeed ee ka dhanka ah Iran.

    Warkan oo ah qoraal kooban oo la soo saaray ayaa intaas ku daray in ilaa hadda 44 markab oo ganacsi lagu amray inay dib u laabtaan ama ku noqdaan dekedihii ay ka yimaadeen.”

  15. Shiinaha oo muujiyay in Khatarta ugu weyn ee xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka ay tahay arrinta Taiwan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa maanta ku boorriyay Mareykanka inuu “ilaaliyo xiriirka laba geesood ah oo si deggan loo siiyo muhiimad gaar ah” kadib wada hadal dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Mareykanka, Marco Rubio, sida ay sheegtay Beijing.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in Wang uu sidoo kale u sheegay Rubio intii lagu jiray wadahadalkaas, oo dhacay laba toddobaad ka hor safarka qorshaysan ee Donald Trump uu ku tegi lahaa Shiinaha, in arrinta Taiwan ay tahay “qodobka ugu weyn ee khatarta ku ah” xiriirka u dhexeeya labada dal.

    Safarka Trump ee Shiinaha ayaa markii hore loo qorsheeyay dhammaadka bishii Maarso, balse dib ayaa loo dhigay ilaa bartamaha bisha May sabab la xiriirta dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, oo ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Beijing.

  16. War deg deg ah, Duqa London oo ka hadlay weerarkii la sheegay inuu gaystay nin Soomaali ah

    Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa ka hadlay kororka heerka khatarta argagixisada, isagoo sheegay inuu doonayo inuu “u xaqiijiyo dhammaan dadka London ku nool iyo kuwa booqashada ku jooga in la samaeynayo wax kasta oo suurtagal ah si loo aan ilaaliyo amniga magaaladeenna oo aan u hubinno badbaadada dhammaan bulshooyinkeenna.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in adeegyada degdegga ahi ay isu diyaariyaan xaaladaha noocan oo kale ah “maalin kasta, maalin walba,” ayna leeyihiin “qorshayaal si wanaagsan loo hagaajiyay,” iyadoo saraakiil khibrad leh ay shaqeynayaan “habeen iyo maalin.”

    Wuxuu intaa ku daray: “Maalmaha soo socda waxaa jiri doona booliis dheeraad ah oo lagu arki doono waddooyinka London, oo ay ku jiraan askar hubeysan oo dheeraad ah, kuwaas oo halkaas u joogaya inay ka caawiyaan booliiska ilaalinta badbaadada dhammaanteen.”

  17. War deg deg ah, Muxuu yahay qorshaha ka dhanka ah Iiraan ee ay wadaan milatariga Mareykanku

    Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee milatariga Mareykanka, oo uu ka mid yahay Admiral Brad Cooper, taliyaha Taliska Dhexe, ay Madaxweyne Donald Trump gelinka dambe ee xilliga Mareykanka u soo bandhigi doonaan faahfaahinta qorshe suurtagal ah oo tallaabo militari ah oo ka dhan ah Iran.”

    Arrintaan wax badan oo faahfaahin ah lagama hayo hase-yeeshee waxaa ay ku soo aadaysaa xilli ay weli jirto xabad-joojin u dhaxeeysa Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Sidoo kale waxaa weli lagu jaha-wareersanyahay wadahadallada labada dhinac iyo sababha ay u bilaaban la’yihiin.

    Waxaa sidoo kale aan la ogeyn waxa uu Trump ka dhihi doono qorshahaan marka hoggaamiyaasha milatarigu ay la wadaagaan.

  18. Ninkii lagu eedeeyay in uu weeraray labada nin ee yahuudda ah oo magaciisa la shaaciyay

    BBC-da ayaa fahansan in tuhmanaha la hayo kadib weerarkii mindi loo adeegsaday ee Golders Green shalay uu yahay Essa Suleiman oo 45 jir ah oo ka degan koonfurta bari ee London.

    Waxa uu ku dhashay Soomaaliya, laakiin waxa uu yimid Ingiriiska isaga oo caruur ah horraantii sagaashamaadkii. Si sharci ah ayuu ku yimid, haddana wuxuu haystaa dhalashada Ingiriiska.

    Taliyaha Bilayska Weynta Mark Rowley ayaa hore u sheegay inuu leeyahay "taariikh rabshadaha halista ah iyo arrimaha caafimaadka dhimirka.

    Waxa loo gudbiyay barnaamijka ka hortagga argagixisada ee dawladda sanadka 2020.

    Markii la xiray ka dib, Suleymaan ayaa muddo kooban lagu daweeyay isbitaalka, waxaana uu hadda ku xiran yahay xabsiga.

  19. Caasimadda Mali oo wali go'doonsan

    Waxaa sii adkaanaya go’doominta lagu hayo caasimada Mali ee Bamako.

    Koox jihadi ah oo lagu magacaabo JNIMI ayaa xiray dhowr waddo oo gala magaalada.

    Weeraro abaabulan oo ay qaadeen kooxo jihaadiyiin ah iyo kuwo gooni-u-goosata ah dhammaadkii toddobaadka ayaa dharbaaxo weyn gaarsiiyay dowladda milatariga ee Mali.

    WARAR DHEERAAD AH

  20. War deg deg ah, Ciidamada badda Israa'iil oo qabtay kolonyo doonyo gargaar u waday Qaza

    Ciidamadab badda Israa’iil ayaa qabtay kolonyo doonyo ah oo gargaar u waday Qaza, xilli ay gooshayeen biyaha caalamiga ah ee ka baxsan xeebaha Crete.

    Wasaaradda Arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in ku dhowaad boqol iyo toddobaatan qof oo u dhaqdhaqaaqayaal bulsho ah la xiray.

    Qabanqaabiyayaasha socdaalkaasi ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid burcad-badeednimo.

    WARAR DHEERAAD AH