Maraykanka oo diidmada Cartan la xiriiyay argagixiso iyo FIFA oo nasiib daro tilmaantay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo diiday inuu galo dalka Maraykanka sababo la xiriira waxa uu sarkaal Maraykan ah ku sheegay "xiriir uu la leeyahay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururro argagixiso".
Ninkan oo 34 jir ah, kana mid ahaa garsoorayaasha ugu magaca dheer Afrika isla markaana loo doortay Garsooraha Sanadka Afrika 2025, ayaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex-dhexaadiya tartan Koobka Adduunka. Hase yeeshee, waxaa laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Miami Isniintii, inkasta oo uu watay baasaboorka diblomaasiga ah iyo fiisaha hal-mar-galka ah ee Maraykanka.
Soomaaliya waxay ka mid tahay 12 dal oo uu saaray xayiraadda socdaalka madaxweyne Donald Trump.
Cartan ayaa Arbacadii dib ugu laabtay Soomaaliya.
Ilo ka tirsan maamulka Trump ayaa yiri: "Qofkani wuxuu doonayay inuu galo Maraykanka. Markii baaritaan dheeraad ah ay sameeyeen Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha (CBP), waxaa la helay xog taban oo ay ku jirto xiriir lala leeyahay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururro argagixiso, taasoo ka dhigtay inuusan u qalmin gelitaanka Maraykanka sida uu dhigayo Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadda (INA)."
Waxay intaas ku dareen in loo diiday gelitaanka dalka lana siiyay dukumentiyada sharciyeed ee la xiriira masaafurinta degdegga ah.
"Maamulka Madaxweyne Trump ma oggolaan doono in wax khatar amni ah ay soo galaan dalkeenna, si kasta oo ay ahaato."
BBC Sport ayaa isku dayday inay la xiriirto Cartan si ay uga hesho faallo. Talaadadii ayuu u sheegay wargeyska New York Times in saraakiisha xuduudaha ay wax ka weydiiyeen xiriir la sheegay inuu la leeyahay kooxda Al-Shabaab, balse uu u sheegay inuusan wax aqoon ah u lahayn kooxdaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii uu kasoo degay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin dowladda ka tirsan, xubno ka socday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, garsoorayaal kale iyo dadweyne. Intaas kadib wuxuu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku qaabilay Madaxtooyada.
Waxaa sidoo kale uu ka qayb galay ciyaar ka dhacday Garoonka Muqdisho isla taasi oo ay isaga horyimaadeen Heegan iyo Dekedaha.
Cartan ayaa warbaahinta si kooban ula hadlay isagoo sheegay inuu weli ku rajo weyn yahay inuu garsoore ka noqdo Koobka Adduunka 2030, balse kama jawaabin wax su'aalo ah.
Wuxuu yiri: "Waxaan u mahadcelinayaa masuuliyiinta, wasiirrada, xildhibaannada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Taageerada aan halkaan ka helay, waxaan ogahay inaan ka heli doono meelo kale oo badan."
Wuxuu intaas ku daray: "Wax walba waa qaddar Alle. FIFA si wanaagsan ayay ii taageertay waxayna ila xiriireysay ilaa aan Muqdisho soo gaaray."
"Waxaan idiin ballanqaadayaa inaan dhex-dhexaadin doono Koobka Adduunka ee xiga. Soomaaliya iyo meel kasta oo aan joogo, taas ayaan idiin sheegayaa."
Cartan oo ay sanadkii 2025 Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) u magacaabeen Garsooraha Sanadka, wuxuu ka mid ahaa 52 garsoore oo loo xushay Koobka Adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, riyadiisii ayaa burburtay markii uu isku dayay inuu u safro xarunta garsoorayaasha ee gobolka Florida. Wuxuu New York Times u sheegay inuu maray wareysi socdaal oo qaatay 11 saacadood, laguna hayay xabsi dhowr saacadood ka hor inta aan la saarin diyaarad ku socotay Istanbul ee dalka Turkiga.
Andrew Giuliani, oo hoggaamiya guddiga Aqalka Cad ee u qaabilsan Koobka Adduunka, ayaa BBC World Service u sheegay: "Inkasta oo aanan faahfaahin karin xogta taban ee arrintan la xiriirta, waxaan aaminsanahay in go'aanka Kastamka iyo Ilaalinta Xuduuduhu uu ahaa mid sax ah, waanan taageerayaa."
Suurtagal ma ahayn in Cartan uu ka hawlgalo Kanada ama Mexico isagoo aan tagin Maraykanka, maadaama dhammaan garsoorayaasha la siinayay tababar loogu diyaarinayo tartanka.
Bishii Juun 2025, Madaxweyne Trump wuxuu soo saaray xayiraad buuxda oo gelitaanka Maraykanka ah ee ilaa 12 dal, kuwaas oo Soomaaliya ay ku jirto.
Laba maalmood ka hor isku-aadka Koobka Adduunka ee Diseembar 2025, Trump wuxuu hadallo muran badan dhaliyay ka sheegay Soomaaliya isagoo yiri:
"Soomaaliya wax nidaam ah ma laha. Dadku way is dilayaan, qaab-dhismeed dowladeedna ma jiro."
Wuxuu sidoo kale sheegay in muhaajiriinta Soomaaliyeed ay tahay inay "dib ugu laabtaan halka ay ka yimaadeen", isagoo ku dooday in Maraykanku "jid khaldan ku socon doono haddii uu sii qaabilo dadka aan faa'iidada lahayn".
Markii uu dalka kusoo laabtay, Cartan wuxuu dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan niyad jabin.
Wuxuu yiri: "Aan wada difaacno sharafta Soomaaliya. Soomaali ayaan nahay, dalkeenna ha fiicnaado ama ha xumaado."
"Calankaas annagaa leh, baasaboorkaasna annagaa leh, aan difaacno."
"Dhallinyaradu yaanay ka quusan dalkooda. Inkastoo arrintan ay igu dhacday, haddana waxaan sii ahaanayaa qof dalkiisa u taagan."
"Waxaan rabaa inaan safarkayga halkaan kasii wato, dhalinyaradana waxaan ku boorrinayaa inay sidaas oo kale sameeyaan."
Muxuu madaxa FIFA ka yiri diidmada Maraykanka ee Garsoore Cumar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha xiriirka kubbada cagta adduunka FIFA, Gianni Infantino, ayaa shir jaraa'id oo ka dhacay Garoonka Azteca ka hor kulankii furitaanka ee Mexico iyo Koonfur Afrika ka sheegay:
"Waxa ku dhacay garsooraha Soomaaliga waa arrin nasiib darro ah. Laakiin annagu wax walba ma maamulno."
Wuxuu sii raaciyay: "Waxaan isku dayi doonnaa inaan ka wada hadalno arrinta, waan la xiriiri doonnaa cidda ay khuseyso. Mararka qaarna waxaa fiican in la is dejiyo oo la nasto."
Hadalkaas ayaan u muuqan mid qalbi qaboojin u ah Cartan, oo Arbacadii dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoo riyadiisii Koobka Adduunka ay meesha ka baxday.
Infantino ma uusan muujin taageero toos ah ama qoomamo muuqata oo ku aaddan wixii ku dhacay garsooraha Soomaaliyeed, wuxuuna ku koobay dhacdada inuu ku tilmaamo "nasiib darro".














