You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dilkii Cusama Bin Laden ee Abbottabad iyo jahwareerkii ka dhacay habeenkaas aqalka madaxtooyada Pakistaan
Faahfaahinta ku saabsan sida hoggaamiyihii Al-Qaacida, Cusama bin Laden, ay u dileen ciidamada Maraykanka magaalada Abbottabad ee Pakistan 2-dii May 2011, ayaa marar badan lagu soo bandhigay buugaag, maqaalo iyo filimaan.
Si kastaba ha ahaatee, wax yar ayaa laga hadlay wixii ka socday gudaha xarumaha awoodda ee Pakistan isla markiiba kadib geerida Osama bin Laden.
Dhawaan, waxaa la daabacay buug cinwaankiisu yahay "The Zardari Presidency, Now It Must Be Told", oo uu qoray Farhatullah Babar, oo ah siyaasi caan ah oo Pakistani ah kana ahaa afhayeenkii madaxweynihii waqtigaas, Asif Ali Zardari. Buuggan ayuu si faahfaahsan uga hadlay maalmahaas.
Sida ku xusan buugga, 6:30 subaxnimo 2-dii May 2011, sarkaalka ADC ee madaxweyne Zardari ayaa wacay Farhatullah Babar isaga oo ku amray inuu si degdeg ah u yimaado Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah awgiis.
Farhatullah Babar wuxuu qoray: "Madaxweynuhu badanaa xafiiska wuxuu iman jiray galabtii. Waxay ahayd wax la yaab leh in la i soo waco waqti hore oo subaxnimo ah. Waxaan dareemay in wax khaldan jiraan, laakiin ma aanan garan karin waxa ama meesha dhibaatadu ka jirto. Waxaan isku dayay inaan la xiriiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Hina Rabbani Khar iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Salman Bashir, laakiin kuma aanan guulaysan."
Dhanka kale, Babar waxa soo wacay weriye Mazhar Abbas oo jooga Karachi.
Farhatullah Babar waxa uu qorayaa in Mazhar Abbas uu taleefanka ku yiri: "Babar Sahib, waxaan u malaynayaa in Maraykanku ogaadeen in Cusama ku dhuumanayo Abbottabad."
"Markii aan erayadan maqlay, ayaan markii ugu horraysay garwaaqsaday sababta kulankan loogu yeedhay subaxdan hore."
Yaa ugu hor ogaaday ?
Dhanka kale, Farhatullah Babar waxa uu ogaaday in ADC-ga Madaxweynaha, Squadron Leader Jalal, aanu seexan tan iyo markii uu ka soo laabtay Qasriga Madaxtooyada. Waxa uu saacadu markay ahayd 2:30 habeenimo ogaaday in diyaarad qumaatiga u kaca (helicopter) ay ku dhacday meel u dhow Abbottabad. Maadaama uu ahaa duuliye ka tirsan Ciidanka Cirka Pakistan, arrimo dhowr ah ayaa la yaab ku noqday.
Marka koowaad, maxaa keenay in helicopter uu duulo xilli habeen dambe ah, gaar ahaan meel buuraley ah sida Abbottabad? Marka labaad, isaga oo xubin ka ah Ciidanka Cirka, waxa uu ogaa in duuliyeyaasha Pakistan laga mamnuucay inay habeenkii duulaan.
Squadron Leader Jalal waxa uu is weydiiyay: "Haddii aanu ahayn helicopter Pakistani ah, yaa iska leh?"
Isaga oo welwelsan ayuu dib ugu laabtay xafiiskiisa. Waxay ahayd saddexdii habeenimo. Wuxuu bilaabay inuu la xiriro dadka uu ka yaqaan Ciidanka Cirka Pakistan.
Isaga ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan shaqaalaha madaxweynaha ee fahmay sida ay arrintu u ahayd mid halis ah.
Markii uu madaxtooyada gaaray Taliyihii ciidanka qalabka side
Farhatullah Babar waxa uu qorayaa in Mazhar Abbas uu taleefanka ku yidhi: "Babar Sahib, waxaan u malaynayaa in Maraykanku ogaadeen in Osama ku dhuumanayo Abbottabad."
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo arrintan uu maqlay, Babar ma uusan muujin cabsi uu ka qabo Madaxweynaha, Asif Ali Zardari. Wuxuu ogaa in khadka tooska ah ee taleefoonka Qasriga Madaxtooyada uu dhawaan yeeri doono. Qiyaastiisuna way noqotay sax noqotay. Markii taleefanka xafiiskiisa uu dhacay, waxa uuna ahaa qofka soo wacayay abaanduulaha howlgalinta militariga.
Wuxuu Madaxweynaha ku wargeliyay in Taliyaha Ciidanka, Janaraal Ashfaq Kayani, uu u soo baxay dhanka Qasriga Madaxtooyada. Taliyaha Ciidanka ayaa hore si toos ah ula hadlay Madaxweyne Zardari isaga oo adeegsanaya taleefoonka tooska ah ee qasriga madaxtooyada.
Farhatullah Babar waxa uu qoray: "Markii aan gaaray Qasriga Madaxtooyada 7-da subaxnimo, mid ka mid ah shaqaalaha Madaxweynaha ma joogin marka laga reebo kaaliyaha madaxwaynaha Jalal. Waxaan ka dareemay hadal-hoosaadka ilaalada iyo kaaliyeyaasha in wax aan caadi ahayn jiraan. Kadibna waxaan ogaaday in Madaxweynaha Maraykanka, Obama, uu taleefoon kula hadlay Madaxweyne Asif Zardari."
Obama oo soo wacay Zardari
Arrintan la xiriirta wicitaanka taleefanka, Madaxweyne Obama waxa uu ku qoray buuggiisa xusuus-qorka ah ee "A Promised Land" in: "Waxa ugu adkaa aniga waxay ahayd inaan waco Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari."
"Waxaan ogaa inuu wajahayo dhaleeceyn badan gudaha dalkiisa sababtoo ah jabinta hawada Pakistan, laakiin markii aan wacay oo aan la wadaagay xogta, wuu ii hambalyeeyay isla markaana wuxuu ii muujiyay taageero."
"Wuxuu yiri, 'Natiijo kasta ha noqotee, tani waa war wanaagsan.'" Waxa uu sidoo kale noqday mid xoogaa dareen leh markii uu xasuustay in xaaskiisa, Benazir Bhutto, ay dileen xagjiriin xiriir la leh Al-Qaacida.
Madaxa CIA oo la hadlay madaxa sirdoonka Pakistan ee ISI
Kadib wicitaankii Mike Mullen, Madaxweyne Barack Obama wuxuu la hadlay Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari iyo Madaxweynaha Afgaanistaan Hamid Karzai. Sidoo kale Leon Panetta ayaa wacay madaxa sirdoonka pakistan ee ISI, Ahmed Shuja Pasha.
Leon Panetta wuxuu qoray in "wakhtigaas Pasha uu hore uga ogaaday arrintan ilo kala duwan oo uu lahaa."
"Waxaan ku iri, 'Si ula kac ah ayaan hay'addiinna uga fogeynay hawlgalkan si aanan idiinku eedeyn in aad nala shaqeyseen.'"
"Wuxuu kaga jawaabay cod muujinaya niyad jab, 'Wax badan oo aan sheegno ma hayno. Waan ku faraxsanahay inaad heshay Cusama bin Laden.'"
"Waxaan ogayn in saaxiibtinimada labada dal aysan mar dambe ahaan doonin sidii hore, isla markaana xiriirka uu adkaan doono, laakiin tani waa qiimaha laga bixinayo hawlgal sidan oo kale ah."
Saacadu markay ahayd 8:35 subaxnimo waqtiga Pakistan, Madaxweyne Obama ayaa si toos ah uga soo muuqday telefishanka. Wuxuu isku dayay inuu dejiyo Pakistan isagoo yiri: "Waxaan rajeyneynaa in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada ay naga siiso dagaalka ka dhanka ah al-Qaacida."
Athar Abbas, oo ahaa madaxa waaxda warfaafinta ciidanka , ayaa weydiistay oggolaansho Ashfaq Kayani iyo Ahmed Shuja Pasha si uu war rasmi ah u soo saaro, balse waa loo diiday.
Madaxa CIA oo la hadlay madaxa sirdoonka Pakistan ee ISI
Kadib wicitaankii Mike Mullen, Madaxweyne Barack Obama wuxuu la hadlay Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari iyo Madaxweynaha Afgaanistaan Hamid Karzai. Sidoo kale Leon Panetta ayaa wacay madaxa sirdoonka pakistan ee ISI, Ahmed Shuja Pasha.
Leon Panetta wuxuu qoray in "wakhtigaas Pasha uu hore uga ogaaday arrintan ilo kala duwan oo uu lahaa."
"Waxaan ku iri, 'Si ula kac ah ayaan hay'addiinna uga fogeynay hawlgalkan si aanan idiinku eedeyn in aad nala shaqeyseen.'"
"Wuxuu kaga jawaabay cod muujinaya niyad jab, 'Wax badan oo aan sheegno ma hayno. Waan ku faraxsanahay inaad heshay Cusama bin Laden.'"
"Waxaan ogayn in saaxiibtinimada labada dal aysan mar dambe ahaan doonin sidii hore, isla markaana xiriirka uu adkaan doono, laakiin tani waa qiimaha laga bixinayo hawlgal sidan oo kale ah."
Saacadu markay ahayd 8:35 subaxnimo waqtiga Pakistan, Madaxweyne Obama ayaa si toos ah uga soo muuqday telefishanka. Wuxuu isku dayay inuu dejiyo Pakistan isagoo yiri: "Waxaan rajeyneynaa in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada ay naga siiso dagaalka ka dhanka ah al-Qaacida."
Athar Abbas, oo ahaa madaxa waaxda warfaafinta ciidanka , ayaa weydiistay oggolaansho Ashfaq Kayani iyo Ahmed Shuja Pasha si uu war rasmi ah u soo saaro, balse waa loo diiday.
Shirka madaxda Pakistan
Daqiiqado gudahood markii Farhatullah Babar uu gaaray Qasriga Madaxtooyada, Ra'iisul Wasaaraha, Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo madaxa ISI ayaa sidoo kale yimid. Wasiirka Arrimaha Dibadda Hina Rabbani Khar, oo dhawaan ka soo laabatay safar dibadeed, ayaa timid wax yar kadib.
Shirkii ka dhacay qolka shirarka ayaa socday 90 daqiiqo.
Farhatullah Babar waxa uu qoray: "Madaxweyne Asif Ali Zardari ayaa dhinac i geeyay wuxuuna i weydiiyay waxa aan ka qabay arrintan."
"Aniguna si aan ka labalabeyn ayaan ugu jawaabay in ay tahay laba midkood: iskaashi qarsoon (collusion) ama karti-darro . Waxaan sidoo kale soo jeediyay in la eego haddii wax tallaabo ah laga qaadi karo ciidanka iyo ISI."
Madaxweyne Zardari wax jawaab ah kama bixin hadalkaas. Kadib markii uu muddo yar ka fikiray, wuxuu yiri: "Arrintan mar kale ayaan ka hadli doonaa.
Aamusnaanta iyo jahawareerka maamulka Pakistan
Warbaahinta gudaha Pakistan iyo dibaddaba waxay doonayeen inay ogaadaan falcelinta rasmiga ah ee dowladda Pakistan ee arrintan oo dhan, balse waxaa jiray jahawareer iyo fowdo aad u weyn oo ka dhex jirtay dowladda, taas oo keentay in cidna aysan diyaar u ahayn inay hadal rasmi ah ka bixiso.
Jawi jahawareer ah ayaa meel kasta ka jiray.Farhatullah Babar waxa uu qoray in "14 saacadood kadib dhacdada, jawaabtii ugu horreysay ee rasmi ah ay timid, taas oo sheegtay in 'aan leenahay nidaam aad u wax ku ool ah oo xog-wadaag ah oo aan la leenahay hay'adaha sirdoonka kala duwan, oo ay ku jirto Mareykanka.'"
Farhatullah Babar waxa uu sidoo kale qorayaa in "Pakistan aysan awoodin inay sheegato guusha hawlgalkan, isla markaana aysan si cad u qiran karin fashilka sirdoonkeeda iyo jahawareerka ciidankeeda. Waxaa caddaatay in maamulka oo dhan uu ku jiray xaalad jahawareer iyo go'aan la'aan, xaalad u eg qof mugdi ku tooganaya fallaaro."
Su'aal ku saabsan sumcadda ciidamada Pakistan
Wasiirkii Difaaca ee Maraykanka waqtigaas, Robert Gates, ayaa sidoo kale ku qoray buuggiisa "Duty" in:
"Waxii ugu ceebta badnaa ee dhacdadan ku saabsan ee ciidanka Pakistan waxay ahayd sida aan hawlgalkan uga fulinay bartamaha cantonment-ka, 150 mayl gudaha xuduudda Pakistan, kadibna aan si nabad ah uga baxnay ka hor inta aysan ciidankoodu xitaa waxba ogaan. Tani waxay ku filnayd inay dhaawacdo sumcaddooda."
Baaritaankii Pakistan ay markii dambe bilowday, diiradda laguma saarin sida argagixisadii ugu doonista badnayd dunida uu ugu noolaan karay Pakistan isaga oo aan wax xaddidaad ah lahayn, balse waxa diiradda la saaray cidda Pakistan gudaheeda ka caawisay Maraykanka fulinta hawlgalkan.
Dhammaadkii bishii May, waxaa la go'aamiyay in la difaaco doorka ISI iyo hoggaanka ciidamada ee dhacdadan oo dhan.
"Inkasta oo hawlgalkii Axaddii (May 2) aanu ahayn mid ay iska kaashadeen Pakistan iyo Maraykanka, haddana waxa uu ahaa iskaashi muddo tobanaan sano socday oo labada dal u dhexeeyay, taas oo keentay in la ciribtiro Usaama Bin Ladin," ayuu qoray Zardari.