Drones-ka Ukraine ee gaaraya 2,000 oo kilomitir oo xanuun ku noqday Putin

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

"Waan ka careysiin karnaa cadowga, maxaa yeelay dhulkiisa ayaan kula dagaallameynaa si markaas uu u dareemo saameynta".

Sidaas waxaa sheegay taliye milatari oo u dhashay Ukraine, cutubkiisuna uu dhisayo diyaarado aan duuliye lahayn oo masaafo dheer wax ka duqeeya si loogu weeraro Ruushka. Koox ka socotay BBC ayaa booqatay ciidamadaas.

Ukraine ayaa si weyn u kordhisay toddobaadyadii la soo dhaafay weerarrada gaara masaafada dheer, iyadoo xarumaha laga dhoofiyo shidaalka Ruushka la beegsanayo si ka badan sidii hore.

Taliyaha xukuma dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Ukraine ayaa wareysi dhif ah ugu sheegay BBC-da in weerarradan la sii xoojin doono, wuxuuna sheegay in ciidamada qeybaha drones-ku ay xitaa joojinayaan in ciidamada Ruushka ay hore u sii socdaan iyagoo khasaare culus gaarsiiyay milatariga Ruushka.

Taliye Robert Brody wuxuu sheegay in dhul cabirkiisu u dhexeeyo 1,500 ilaa 2,000 kiiloomitir oo ah gudaha Ruushka aanu mar dambe ahayn meel nabdoon.

"Shimbiraha xorriyadda jecel ee Ukraine waxay u duulikaraan meel kasta xilli kasta oo ay doonayhaan" ayuu yiri taliyaha oo farta ku fiiqaya Drone-ska Ukraine.

Drones-ka Ukraine ee loo yaqaan "Shimbiraha Duula" waxay gaarayaan masaafo dheer, waxaan lagu sameeyaa saldhig qarsoodi ah oo ku yaal beer ku taal bariga Ukraine.

"Kooxaheenu si degdeg ah ayey u shaqeeyaan, ka hor inta aanay ciidamada Ruushku na soo gaarin oo aanay nagu soo ridin gantaallada meelaha fog gaara," ayuu yiri Brody.

Madaxweynaha Ukraine, Zelensky ayaa weerarradan hore loo qorsheeyay ku tilmaamay kuwo "aad u xanuunjinaya" Moscow.

Sida uu sheegay, tani waxay keentaa khasaare weyn oo ku yimaada qeybaha tamarta ee Ruushka, laguna qiyaaso tobannaan bilyan oo doolar.

Teknoolojiyada waxay ka mid tahay waxyaabaha kordhiya weerarrada. Drone-yada dalka gudihiisa lagu sameeyo ayaa noqday kuwo jaban oo meel fog gaaraya, noocyada aan aragno hadda waxay dhaafi karaan kun kiiloomitir, halka qaar kalena ay gaareen laba jibbaar masaafadaas.

Dadka ku nool dhulka u dhow xeebaha badda Madow ee Ruushka ayaa ka cabanaya roob sun ah kaddib weerarkii labaad ee weyn ee lagu qaaday warshad sifeysa saliidda muddo laba maalmood gudahood ah.

Taliye Robert Brody wuxuu sheegay haddii warshadda sifeynta saliid ay tahay il dhaqaale oo loo adeegsado dagaal, taasi waxay ka dhigeysaa in ay noqoto bartilmaameed milatari oo sharci ah oo la burburin karo.

Goob Qarsoodi ah

Taliyayaashu waxay dagaalka ka maamulaan meel qarsoodi ah oo dhulka hoostiisa oo aad u dheer. Waxaa nalagu qaaday gaari daaqado madow leh, kaddibna jaranjaro ayaan ku degnay, ugu dambeynna waxaan galnay qol casri ah oo ballaaran oo leh shaashado waaweyn.

Askarta ka shaqeysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn waxay boqolkiiba labo ka yihiin ciidamada Ukraine, wuxuuna taliyaha sheegay in ay mas'uul ka yihiin saddex meelood meel bartilmaameedyada la beegsanayo.

Weerar kasta noocuu doono ha noqdee waa la duubaa, lana kaydiyaa, iyadoo natiijooyinka oo faahfaahsan si toos ah loogu cusbooneysiiyo shaashadaha darbiga ku yaal.

Toddobaadkii hore, Taliye Robert Brody wuxuu sheegay in ciidamadiisu ay beegsadeen dhowr iyo toban sarkaal oo ka tirsan FSB-da Ruushka ee jooga dhulka la haysto iyo sidoo kale xarumo tamareed oo ku yaalla gudaha Ruushka.

Waxay sheegayaan in ciidamadoodu ay door muhiim ah ka ciyaarayaan sidii looga hortagi lahaa in Putin gaaro guulo waaweyn.

Ganacsde noqday taliye

Afar sano ka hor, Brody wuxuu ku raaxeysan jiray goobaha lagu iibiyo xaraashka, balse hadda wuxuu ku qasban yahay in uu ku noolaado godad madow oo dhoobo leh. Wuxuu ahaa ganacsade raashiinka iibiya.

Asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa Hungary, wuxuuna ka yimid magaalada Uzhhorod ee galbeedka Ukraine, waxaana si fiican loogu yaqaannaa naanaystiisa milatari ee "Magyar". Ka hor dagaalka wuxuu ahaa nin garka iska xiira balse hadda wuu sii daayay.

Ganacsatadan ayaa isdiiwaangeliyay si ay u dagaallamaan wax yar ka hor duullaankii Ruushka. "Waan ogayn in dagaalku lama huraan yahay," ayay yiraahdeen. Waxay sidoo kale ka qeyb galeen dagaallo aad u kulul.

Drone-yadoodu waxay dul mari karaan dhulka Ruushka, waxayna soo diri karaan muuqaal toos ah oo loo gudbinayo madaafiicda u dhow, taasoo suuragelineysa in weerar la qaado.

Muddo bilo gudaheed ah, askartu waxay bilaabeen in ay sameystaan drone-yadooda oo rasaas wata. Waxay si degdeg ah u noqdeen Guutada 414-aad, waxaana lagu naaneysaa "Shimbiraha Magyars".

Ukraine waxaa haystay dhibaato la xiriirta sidii lagu qori lahaa askar dagaalanta oo safka hore ee dagaalka gasha. Iyado taas lagu duulayo ayuu la yimid Robert Brody qorshe weeraro masaafo dheer ah lagu fulinayo. Wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay sidii lagu joojin lahaa guulaha Ruushka.

Taliye Robert Brody wuxuu yiri, "Kuwa doonayay in ay dagaallamaan hore ayay u dagaallamayaan."

Taliye Robert Brody wuxuu sheegay in 30 boqolkiiba ciidamada Ruushka lagu bartilmaameedsanayo weerarradan drone-yada. Brody wuxuu sheegay in ay gaareen ujeedkooda

Taliyayaashu waxay ku adkaysanayaan in aysan ku qanacsanayn, yoolkoodu waa ka hortag, ma ahan bilaabidda weerarro cusub ama dib u qabsashada dhul ballaaran.

Waxay yiraahdeen waxaan haynaa hub wax ku ool ah oo lagu dagaallamo si looga hortago in cadowgu u soo dhaqaaqo dhulkeenna.

Waxay sidoo kale aaminsan yihiin in Putin uusan awoodin in uu joojiyo duullaankiisa sababtoo ah khataraha fashilka ayaa aad u weyn.

Muuqaal dhowaan si weyn looga daawaday Ukraine ayaa muujinaya haweeney Ruush ah oo ooyaysa iyadoo aad u murugaysan.

"Waxaan rabay oo keliya in aan badda agteeda la joogo wiilkayga, balse wax walba way burbureen. Drone-yadani waa duulaan oo wax walba way burburiyaan," ayay tiri.

Ujeedada drone kasta oo ay diraan waa in ay ka dhigaan dad badan oo Ruush ah in ay su'aal geliyaan dagaalka dalkooda iyo madaxweynihii bilaabay.