Xirashada xijaabka ama koofiyadaha bedqabka miyey sababi karaan timo daadasho?

Xijaab
    • Author, Sajal Das
    • Role, BBC Bangla
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Xirashada koofiyadda bedqabka dhab ahaan ma keentaa timaha oo luma? Xijaabku ma daciifiyaa xididdada timaha isagoo ka hortagaya in hawada ay gaarto madaxa? Beddelka shaambada ama saliidda maalin kasta ma ka hortagi karaa timaha oo daata?

Waxaa jira oraahyo badan oo caadi ah oo ku saabsan timaha, laakiin intee in le'eg ayaa run ah iyo fikradaheese khaldan?

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sababaha timahu la daataan, daaweyntooda, iyo siyaabaha looga hortago dhibaatadan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale jira su'aal ah inta ka run ah khuraafaadkan la xiriira timaha ee caadiga ah.

Haddaba maxay khubaradu ka yiraahdeen arrintan?

Sida ay sheegtay Hay'adda Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Boqortooyada Ingiriiska (NHS), waa wax caadi ah in qofku maalintii lumiyo 50 ilaa 100 timood.

Hase yeeshee, haddii aad dareento inaad luminayso timo ka badan intii caadiga ahayd, waa inaad sida ugu dhakhsaha badan ula tashataa dhakhtar takhasus leh.

Marka laga eego dhanka caafimaadka, xaaladda ah in la lumiyo timo ka badan intii caadiga ahayd, iyadoo aysan timo cusubi soo baxayn isla heerkaas, waxaa loo yaqaannaa 'alopecia'.

Sida lagu sheegay xogta NHS-ka, in ka badan 140 milyan oo qof oo adduunka ku nool ayaa qaba xaaladda loo yaqaan 'alopecia', taas oo ah bidaar dhammaystiran ama qayb ka mid ah madaxa oo timuhu ka daateen.

Khubaradu waxay sheegeen in timo daadashadu ay tahay hab dabiici ah oo ka dhaca jirka bini'aadamka. Hase yeeshee, mararka qaarkood waxaa sababi kara xanuun, isbeddel ku yimaada hormoonnada, nafaqo darro, ama xitaa walwal maskaxeed.

Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la ogaado heerka timo daadashada ee caadiga ah, goorta ay dhibaatadani noqoto mid aan caadi ahayn, iyo in la ogaado in qaar ka mid ah fikradaha caanka ah ee laga aaminsan yahay timaha aysan run ahayn.

Maxay timuhu la daataan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jiri kara sababo kala duwan oo keena daadashada timaha, kuwaas oo ay dadku ku kala duwan yihiin. Dadka qaar ayaa timaha waaya sababo la xiriira hidde sidayaasha (dhaxal), kuwa kale sababo la xiriira nadaafad darro, halka dadka qaarna ay timuhu ka daataan marka ay da'doodu sii weynaato. Intaas waxaa dheer, sababaha iyo qaababka ay timuhu u daataan way ku kala duwanaan karaan ragga iyo dumarka.

Nooca ugu badan ee bidaarta ragga waxaa dhanka caafimaadka loogu yeeraa 'androgenetic alopecia' ama bidaarta guud. Xaaladdan, timuhu waxay bilaabaan inay ka daataan labada dhinac ee foodda, waxaana sidoo kale bidaartu ka muuqataa bartamaha madaxa.

Dumarka badanaa waxaa kala furfurma ama sii ballaarta qaybta dhexe ee madaxa, timuhuna way sii khafiifaan. Tani waxay ka dhalan kartaa arrimo hidde side ah ama falcelinta jirka ee hormoonnada. Dhibaatadani waxay si cad u soo ifbixi kartaa marka da'du sii weynaato.

Dumarka, xaaladda loo yaqaan 'polycystic ovary syndrome' (PCOS), isbeddelada hormoonnada ee xilliga uurka iyo dhalmada ayaa iyaguna sababi kara daadashada timaha. Sidoo kale, heerarka hormoonnada qanjirka tayroodhka (thyroid) oo aad u sarreeya ama aad u hooseeya ayaa iyaguna keeni kara in timuhu daataan.

Sida ay sheegtay dhakhtarrada maqaarka iyo qalliinka qurxinta, Dr. Shaila Haq, daadashada timuhu waxay ka dhalan kartaa arrimo hidde side ah ama noocyo kala duwan oo ah dheellitir la'aanta hormoonnada.

Waxay u sheegtay BBC-da in "dadka qaba nafaqo darrada, gaar ahaan ay ku yar tahay birta (iron), fitamiin D-ga, iyo zinc, ay la kulmi karaan daadashada timaha. Sidoo kale, walwal maskaxeed oo daran iyo welwelka badan ayaa iyaguna sababi kara in timuhu daataan".

Timo daadasho

Sida laga soo xigtay Dr. Shaila Haq, qaabka ay timuhu uga daataan ragga iyo dumarka isku mid ma aha. "Inta badan daadashada timaha ee dumarka waxay ka dhalataa dheellitir la'aanta hormoonnada iyo yaraanta fitamiin D-ga" ayay tiri.

Timuhu waxay inta badan ka samaysan yihiin borotiin la yiraahdo 'keratin'. Yaraanta borotiinka, birta (iron), zinc, fitamiin D-ga, fitamiin B12-ka, iyo biotin-ka ee jirka ku jira waxay keeni kartaa in timuhu daciif noqdaan.

Haween badan oo ku nool dalka Bangladesh ayaa qaba dhiig yaraan ka dhalata yaraanta birta (iron deficiency anemia), taas oo ah sabab weyn oo keenta daadashada timaha. Sidoo kale, miisaanka oo si lama filaan ah hoos ugu dhaca sababo la xiriira cunto xaddidid, gaajo muddo dheer ah, ama cilladaha la xiriira cunista cuntada, ayaa iyaguna sababi kara in timuhu si xad dhaaf ah u daataan.

Intaas waxaa dheer, dadka qaar ayaa la kulma timo daadasho lama filaan ah laba ilaa saddex bilood ka dib marka ay la kulmaan walwal maskaxeed, qandho aad u sarreeya, cudurro ay ka mid yihiin kaduudiye, typhoid, iyo COVID, qalliin, ama dhalmo.

Agoolka, cudurka maqaarka ee seborrheic, iyo caabuqyada fungal-ka waxay saameyn karaan madaxa, taasoo horseedi karta timo lumis xad dhaaf ah. Sidoo kale, cudur uu jirku iska difaaco oo loo yaqaan alopecia areata ayaa sidoo kale sababi kara timaha oo daata.

Daawooyinka qaarkood, sida kiimoterabiga oo loo isticmaalo daaweynta kansarka, cadaadiska dhiigga, niyad jabka, iyo daawooyinka xanuunka kala goysyada, ayaa sidoo kale sababi kara timo lumis.

Sida laga soo xigtay Dr. Shaila Haq, mararka qaarkood isticmaalka xad dhaafka ah ee hababka kala duwan ee qurxinta timaha, sida daawaynta kiimikada iyo dib-u-xirka timaha, ayaa sidoo kale horseedi kara timaha oo daata.

Koofiyadaha bedqabka iyo xijaabka miyaa sabab u ah timaha daata?

Helmet

Xirashada koofiyadda badbaadada (helmet) muddo dheer, gaar ahaan meelaha cimiladoodu kulushahay oo qoyaanku sarreeyo sida dalal ku yaalla Afrika iyo Aasiya, waxay sababi karaan in dhididku ku ururo madaxa. Isku milanka dhididka, boorka iyo dufanka ayaa keeni kara caabuq fangas ah oo ku dhaca maqaarka madaxa, qolofta, ama barar ku yimaada xididdada timaha.

Haddii caabuqu uu muddo dheer ku sii jiro maqaarka madaxa, waxaa dhici karta in timo badan ay daataan. Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay sheegayaan in arrintani aysan ka dhalan xirashada xijaabka ama koofiyadda badbaadada.

Sida ay sheegtay dhakhtarrada maqaarka Dr. Tohida Rahman Eren, in timahaaga la daboolo muddo dheer waxay sababi kartaa in qoyaan iyo dhidid ay halkaas ku ururaan, taas oo saameyn ku yeelata halka ay timaha ka soo dhashaan ee lafta madaxa.

Waxay sidoo kale sheegtay in 'xirashada koofiyadda badbaadada, koofiyadaha caadiga ah, ama xijaabka muddo dheer, xilli cimiladu kulushahay oo qoyaanku sarreeyo, ay keeni karto caabuqyo fangas ama bakteeriya ah oo ku dhaca halka ay timuhu ka soo baxaan.'

Haddii qaybta hore ee xijaabka ama koofiyadda badbaadada si aad u adag loo xiro, taas oo keenta in timaha meel gaar ah laga jiido maalin kasta, waxay sababi kartaa nooc gaar ah oo bidaar ah. Dhanka caafimaadka, xaaladdan waxaa loo yaqaan 'traction alopecia'.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani badanaa kama dhalato xirashada koofiyadda lafteeda, balse waxay ka dhalataa in timaha si aad u adag loo xiro ama si isku mid ah loogu celceliyo jiididda timaha.

Arrimaha sida khaldan loo fahmay in lagu daweeyo

Dadku waxay qabaan fikrado khaldan oo badan oo ku saabsan sababaha keena timo-daadashada iyo hababka loo daweeyo. Dad badan ayaa waqtigooda iyo lacagtooda ku lumiya isku dayga dawooyin kala duwan, halkii ay la tashan lahaayeen dhakhtar.

Beddelidda shaambada (saabuunta timaha) waxay joojin kartaa timo-daadashada.

Dad badan ayaa sidaas aaminsan, balse shaqada shaambadu waa inay nadiifiso timaha, ee ma aha inay korriimadooda caawiso. Shaambo tayo leh waxay kaa caawin kartaa in maqaarka madaxu nadiif ahaado, isla markaana waxay ka hortagtaa inay timuhu jabaan, laakiin ma daweyn karto dhibaatooyinka gudaha ee jirka, sida isbeddelada hormoonnada ama nafaqo-xumada.

Haddii aadan timahaaga saliid marin maalin kasta, waxay bilaabi doonaan inay daataan.

Saliiddu waxay ka caawisaa in timuhu jilicsanaadaan, waxayna yaraysaa qallaylka maqaarka madaxa, balse ma siiso nafaqo xididdada timaha. Xaqiiqdii, haddii maqaarka madaxa lagu badiyo saliidda, waxay keeni kartaa inuu kordho qolofta madaxa (dandruff) iyo caabuqyada fangaska.

Casiirka basasha, sinjibiisha iyo toonta ayaa daawo u ah bidaarta.

Ma jirto caddeymo cilmiyeysan oo taageeraysa isticmaalka alaabtan si loogu daweeyo bidaarta. Taa beddelkeeda, isticmaalkoodu wuxuu dadka qaar ku keeni karaa cuncun iyo xasaasiyad ku timaada maqaarka madaxa.

Dr. Shaila Haque ayaa u sheegtay BBC Bangla in kuwani ay yihiin fikrado khaldan. Sida ay sheegtay, halkii la isticmaali lahaa shaambooyin ay ku jiraan kiimikooyin badan, waxaa maqaarka madaxa u wanaagsan shaambooyinka aan lahayn 'sulfate' ama kuwa khafiifka ah. Sidoo kale, waxaa lagula talinayaa in timaha la mariyo saliid si ay u sii haystaan qoyaanka.

Intaas waxaa dheer, dad badan ayaa aaminsan in timo-daadashadu ay calaamad u tahay kansar ama xanuun halis ah, ama marka qofku bidaar yeesho, inaysan timuhu dib u soo bixi karin.

Khubaradu waxay sheegeen in inta badan xaaladaha, sababaha timo daadashadu ay yihiin kuwo fudud. Si kastaba ha ahaatee, haddii timo badan ay si lama filaan ah u bilaabaan inay xirmo-xirmo u daataan, ama haddii aad dareento nabarro ama cuncun ka jira maqaarka madaxaaga waa inaad isla markiiba la tashataa dhakhtar.