Madaxweynaha Kenya oo ka caraysiiyey dadka Nayjeeriya ka dib markii uu ku "jeesjeesay" sida ay ugu hadlaan af-Ingiriiska

Xigashada Sawirka, X
- Author, Wycliffe Muia
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la kulmay dhaleeceyn dhanka baraha bulshada ah kadib markii uu aan qarsoodi lahayn u soo jeediyay in English-ka dhawaaqa Nayjeeriyaanka leh uu yahay mid aan la fahmi karin oo loo baahan yahay turjubaan.
Isagoo la hadlayay dadka Kenyanka ah ee ku nool Talyaaniga Isniintii, ayuu Ruto yiri: "Haddii aad maqashid qof Nayjeeriyaan ah oo hadlaya, ma garanaysid waxay ku hadlayaan - waxaad u baahan tahay turjubaan" isagoo ku faanay in Kenyanku ay ku hadlaan "qaar ka mid ah Ingiriisiga ugu fiican adduunka".
Hadalkiisa ayaa dhaleecayn kulul kala kulmay dadka reer Nayjeeriya iyo Afrikaanka kale oo online isticmaala oo ku eedeeyay hoggaamiyaha Kenya inuu hoos u dhigay waddan Afrikaan ah.
"Ingiriisigu waa luqad gumeysi, ma aha cabbirka garaadka, kartida, ama horumarka qaranka" ayuu qoray Hopewell Chin'ono, oo ah wariye u dhashay Zimbabwe.
Sida gumeysigii hore ee Ingriiska, Kenya iyo Nayjeeriya labaduba waxay wadaagaan Ingiriisi ahaan luqad rasmi ah, laakiin waddan kastaa wuxuu soo saaray noocyo kala duwan oo lagu hadlo oo leh qaabab dhawaaqeedyo kala duwan.
Kala duwanaanshahan ayaa ka tarjumaya saamaynta afafka asaliga ah. Nayjeeriya waxa ay leedahay in ka badan 500 oo luqadood kuwaas oo qaabeeya qaab-dhismeedkeeda iyo hab-dhaqankeeda, halka Kenya oo ay k nool yihiin Bantu, Nilotic iyo Kushitic si gaar ah ugu dhawaaqaan.
Laakin khudbadii uu u jeediyay dadka qurba joogta ah ayuu Ruto ku sheegay in nidaamka waxbarashada Kenya uu soo saaray aqoon xoogan oo luqadda English-ka ah, isla markaana ay adag tahay in dadka Nayjeeriya ay fahmaan marka ay ku hadlayaan luuqada English-ka.
"Waxbarashadayadu waa wanaagsan tahay, Ingiriisigu waa wanaagsan yahay, waxaan ku hadalnaa qaar ka mid ah Ingiriisiga ugu wanaagsan adduunka, haddii aad maqasho qof Nayjeeriyaan ah oo ku hadlaya, ma garanaysid waxay ku hadlayaan, waxaad u baahan tahay turjubaan xitaa marka ay ku hadlayaan Ingiriisiga" ayuu yiri isagoo qoslaya qolka dhexdiisa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaan heysanaa qaar ka mid ah raasamaal aadanaha ugu wanaagsan meel kasta oo adduunka ah. Waxaan u baahanahay kaliya inaan hagaajino oo la sameeyo tababarro dheeraad ah" ayuu yiri Ruto.
Hadaladiisa ayaa baraha bulshada ka dhaliyay falcelin baahsan, iyadoo dad badan oo adeegsada ay ku dhaleeceeyeen hoggaamiyaha Kenya inuu soo bandhigay "cuqdad hoose oo qoto dheer oo salka ku haysa xaalad gumeysi".
"Ruto waxa uu ku jeesjeesayaa Ingiriisiga dalka haysta abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta. Dalkii Achebe iyo Chimamanda" Senator hore oo Nigeria Shehu Sani ayaa hadalkaas soo dhigay barta X, isaga oo tixraacaya Wole Soyinka - oo ah qofka kaliya ee ku guuleystay Nobel Prize, oo ay weheliyaan qoraayaasha caanka ah ee Chinua Achebe iyo Chimamanda Ngozi Adichie.
Isticmaalayaasha kale ee baraha bulshada ayaa ku booriyay Ruto in uu diirada saaro wax ka qabashada arrimaha cakiran ee soo wajaha muwaadiniintiisa - sida qiimaha maciishada iyo shaqo la'aanta - halkii uu ku mashquuli lahaa wax ay ku tilmaameen kuwa indho-ka-jeedin.
Xifaaltanka internetka ee u dhexeeya Kenya iyo Nayjeeriya waa dhacdo soo noqnoqota, oo inta badan lagu asteeyay dagaal internet oo aad u daran, kaftan iyo mararka qaarkood kacsan oo ka dhaca goobaha sida X.
Arrimha axifaaltanka leh waxay caadi ahaan isugu jiraan isbarbardhigga dhaqaalaha, dhaqanka, muusigga iyo ciyaaraha iyo, dhawaanahan, oraahyo siyaasadeed.
Horaantii bishan, madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu waxa uu la kulmay diidmo uga timid Kenyanka dhanka internetka ka dib markii uu sheegay in dadka Nigeria ay "ka wanaagsan yihiin kuwa Kenya iyo dalalka kale ee Afrika" inkastoo qiimaha shidaalka ee gudaha uu kor u kacay.
Inkastoo Ruto uusan si toos ah u tixraacin faallooyin gaar ah, qaar ka mid ah tafsiirrada internetka ayaa soo jeediyay in hadalkiisa uu jawaab u yahay faallooyinka Tinubu.












