TOOS, Xaaladda magaalada Baydhabo oo saaka kacsan iyadoo iska hor imaadyo laga soo sheegayo magaalada

Xogta aan halkaas ka heleyo waxay sheeegeysaa, in dadka deegaanku ay arkeen ciidamo jihooyin kala duwan ka soo galaya magaalada, inkastoo uusan jirin dagaal xooggan oo haatan dhex maraya labada dhinac.

Kooban

Tebin toos ah

  1. In ka badan 80 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku qallibantay Jasiiradaha Islands

    Jasiiradda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    In ka badan 80 qof, oo ay ku jiraan ilmo yar, ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen doon ku dul sabbeyneysay Badweynta Atlaantik muddo 27 maalmood ah. Kooxaha Samatabbixinta Badda ee Isbaanishka ayaa markabka ka helay meel qiyaastii 65 mayl badeed koonfur-galbeed ka xigta magaalada xeebta ee Gran Canaria ee Arguineguín Arbacadii waxayna heleen 44 qof oo badbaaday, iyadoo shan meyd ah ay sidoo kale saarnaayeen.

    Doontu waxaa la rumeysan yahay inay ka baxday Gambia oo Galbeedka Afrika ah horraantii Agoosto iyadoo ay saarnaayeen 127 qof.

    Haweeney u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha Helena Maleno Garzón, oo ah aasaasaha hay'adda samafalka ee Isbaanishka Caminando Fronteras, ayaa sheegtay in 83 qof ay dhinteen.

    Samatabbixiyeyaasha ayaa lagu qasbay inay ka tagaan shanta meyd ee ay heleen xaaladaha badda ee kacsan awgood, sida ay sheegtay Maritime Rescue.

    Ururku wuxuu sheegay inaysan xaqiijin karin inta qof ee asal ahaan saarnaa markabka maaddaama uusan ku jirin meel ay ka soo degto.

    Waxaa la sheegay in 44-ta qof ee badbaaday ay yihiin rag ka yimid Saxaraha ka hooseeya Afrika, sida ay ku sheegtay bayaan ay soo saartay Maritime Rescue. "Markii samatabbixintu dhammaatay, xaaladaha cimilada xun ee aagga - oo leh dabaylo 20-gunti ah iyo hirar 2.5m ah - ayaa ka dhigay mid aan suurtogal ahayn in la soo helo shanta meyd ee laga helay markabka," ayay raacisay.

    Saddex ka mid ah dadkii badbaaday ayaa diyaarad loogu qaaday isbitaal iyagoo xaalad halis ah ku jira.

    Warar dheeraad ah:

  2. Madaxweyne Cirro oo u ambabaxay Mareykanka

    Cirro

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha JSL; naqshadeynta: BBC.

    Qoraalka sawirka, Cirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni usu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo rasmi ah ugu ambabaxay dalka Maraykanka, isaga oo sii mari doona Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay baahisay madaxtooyada Somaliland.

    Safarkan oo ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne ahaan ku tago Maraykanka, ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

    Inta uu ku guda jiro safarka ku , madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo gudbinaya codka, danaha iyo himilada Shacabka Somaliland, sida ay madaxtooyadu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta Facebook.

    Safarkani waxa uu muujinayaa in Somaliland ay dunida kula macaamilayso kalsooni, masuuliyad iyo aragti Qaran, isla markaana ay diyaar u tahay iskaashi istiraatiji ah oo ku dhisan danaha wadajirka ah, ayaa lagu yiri qoraalka.

  3. Madaxweynaha Kenya oo amray in baaritaan lagu sameeyo ganacsatada ajaanibta ah

    Madaxweyne Ruto

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Kenya

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ruto

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyay in dadka ajaanibta ah ee ku hawlan ganacsiyada yaryar gaar ahaan iibinta badeecadaha tafaariiqda ee dalka Kenya ay joojiyaan, isagoo sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin lagu ilaalinayo ganacsatada gudaha, lagana hortagayo tartanka aan caddaaladda ahayn.

    Isagoo ka hadlayay kulan uu Arbacadii, 2-dii Sebtembar, Qasriga Madaxtooyada ee Nairobi kula yeeshay ganacsatada ganacsiyada yaryar, kuwa dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweyn (MSME), Ruto wuxuu soo hadal qaaday walaac laga muujiyay in qaar ka mid ah dadka ajaanibta ay dalka ka sameysteen ganacsiyo ay ku iibiyaan badeecado ay ka mid yihiin bustayaal iyo alaabooyin kale, taas oo ay si toos ah ugu tartamayaan ganacsatada yaryar iyo kuwa tafaariiqda iibiya ee gudaha.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hindise-sharciyeed haatan horyaalla Baarlamaanka Kenya uu ujeedkiisu yahay in laga hor istaago muwaadiniinta ajaanibta ah inay ku lug yeeshaan noocyo ganacsi oo gaar ah oo dalka ka jira.

    Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo daneeyayaasha kale inay ka doodaan sharciga la soo jeediyay ka hor inta aan la ansixin, si loo hubiyo in la xiro dhammaan meelaha sharciga ka baxsan ee u oggolaan kara ajaanibta inay ku lug yeeshaan ganacsiga tafaariiqda iyo ganacsiyada kale ee yaryar.

    “Waxaa jira hindise-sharciyeed Baarlamaanka horyaalla oo qeexaya in ay jiraan qaar ka mid ah hawlaha ganacsi ee aysan ajaanibtu ka samayn karin Kenya. Sida uu sharcigu dhigayo, waxaan rabaa inaad fariisataan oo aad ganacsatada kala tashataan, maadaama aan weli la ansixin, si aan u xirno dhammaan meelaha sharciga ka baxsan si uusan qof Shiinaha ka yimid uga noqon ganacsade tafaariiqle ah,” ayuu yiri Ruto.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xitaa inta dowladda ay sugayso in Baarlamaanku ka doodo oo uu ansixiyo sharciga la soo jeediyay, la qaadi doono tallaabooyin maamul oo lagu wajahayo muwaadiniinta ajaanibta ah ee ka shaqeeya tafaariiqda iyo ganacsiyada yaryar.

  4. Maxaa ka jira inay isu milmeen Al-Shabaab iyo ciidanka Laftagareen?

    Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Al-Shabab

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

    Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:

  5. Laftagareen oo sheegay in ciidamadiisa duleedka Baydhabo jooga aaney kaligood ahayn

    Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed
    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa shegay in ciidamada isaga taabacsan ee jooga duleedka magaalada Baydhabo ay la socdaan wasiirro, agaasimayaal iyo guddoomiyaal horey uga tirsanaa maamulkiisii.

    Wuxuu sheegay in ay duurka ku shaqeeyaan isla markaana ay qabtaan howlahoodii caadiga ahaa.

    Qodobkaan ayaa madaxweyne hore Lafta gareen ku sheegay waraysi uu siiyay BBCSomali, isagoo intaa ku daray in ciidamadiisu aaney ka dheereyn magaalada.

    Dhanka kale, Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo ka hor mar kale ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

    War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.

    Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

    Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.

    Sidoo kale akhriso:

  6. War deg deg ah, Iska hor imaad aga soo sheegayo magaalada Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada mamulka KGS iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen

    Xogta aan halkaas ka heleyo waxay sheeegeysaa, in dadka deegaanku ay arkeen ciidamo jihooyin kala duwan ka soo galaya magaalada, inkastoo uusan jirin dagaal xooggan oo haatan dhex maraya labada dhinac.

    Dadka deeganka waxay kaloo sheegeen inay arkeen ciidamo afka u duuban yahay, balse BBC-da si madax banana uma xaqiijin karto waxa ay yihiin ciidankaas.

    Isu socodka magaalada ayaa hakad galay iyadoo dadka ay intooda badan ku sugan yihiin guryaha, iyagoo ka cabsi qaba waxa ka socda magaalada.

    Weerarkan ayaa bilowday aroortii, gaar ahaan markii laga soo baxay salaadda subax.

    Wixii ka ka soo kordha iska hor imaadkan Baydhabo, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

    Sidoo kale akhriso: