Fara jucinta ma xanuun baa mise waa caado, sidee ayeysa u saameysaa caafimaadka?

inan faraha jucineysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Hase yeeshee, waxaa jira arrimo badan oo laga sheegayo caadadan, gaar ahaan in faraha oo joogto loo juciyo ay keeni karto xanuunka kala-goysyada. Dr. Donald Unger ayaa arrintan ku sameeyay tijaabo.

Markii uu yaraa, hooyadii, eeddadiis iyo markii dambe soddohdiis ayaa uga digay in faraha oo uu si joogto ah loo juciyo ay sababi karaan xanuunka kala-goysyada.

Isagoo go'aansaday inuu caddeeyo inay qaldan yihiin, wuxuu faraha gacantiisa bidix la qabad-siiyey in ugu yaraan laba jeer maalintii uu juciyo muddo 50 sano ah.

Guud ahaan, wuxuu sidaas sameeyay qiyaastii 36,000 jeer, halka uusan marna faraha gacantiisa midig ku sameynin.

Sannadkii 1998-kii, isagoo 72 jir ah, waxaa raajo laga qaaday labada gacmood si loo ogaado natiijada tijaabadiisa muddada dheer.

Waxaa la ogaaday in labada gacmoodba uusan ku dhicin xanuunka kala-goysyada, isla markaana uusan jirin farqi muuqda oo u dhexeeya labada gacmood.

Dabcan, tani waxay ahayd tijaabo lagu sameeyay hal qof oo keliya. Daraasado ayaa muujinaya in qiyaastii 20 ilaa 50 boqolkiiba dadka ay farahooda juciya ay la qabsadaan.

Haddaba, ma tahay arrin aan ka welwelno? Dhawaaq kasta oo ah qarqaryo, guux ama jab-jab ma sababi karaa dhaawac waara?

Maxaa keena dhawaaqa?

Qof gacanta juciniya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka qaar, faraha oo la juciyo waa caado ay sameeyaan iyaga oo aan si gaar ah uga fikirin. Qaar kalena waxay jecel yihiin dareenka ka dhasha kala-goysyada oo la kala qabsado.

Marka aan kala-goysyada kala qabsanno, dhab ahaantii waa hannaan fudud. Kala-goysku waa meesha ay laba lafood isku kulmaan.

Kala-goysyada faraha, qoorta iyo dhabarka waxaa ku hareeraysan dheecaanka synovial-ka, oo ah dareere u eg xuubka ukunta cad, kaas oo u shaqeeya sidii saliid fudud oo kala-goysyada ka caawisa inay si habsami leh u dhaqaaqaan.

Marka aad kala-goysyada rogto, jiiddo ama kala bixiso si ay u dhawaaqaan, booska gudaha kala-goysku muddo gaaban ayuu kala baxayaa ama jiidmaa.

Taas ayaa hoos u dhigta cadaadiska dheecaanka synovial-ka. Natiijadu waxay tahay in gaasaska ku milmay dheecaanka ay bilaabaan inay ka soo baxaan, iyagoo sameeya xumbo.

Dhawaaqa kala-goysyada ama jimcinta faraha waxaa keena xumbooyinkaas oo burburaya.

Waxaa yaab leh in dhawaaqu gaari karo ilaa 83 decibel, taas oo ku dhow dhawaaqa baabuur xamuul ah oo naafto ku shaqeeya oo soconaya xawaare dhan 64 kiiloomitir saacaddii.

Markii saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda California, Davis, ay isticmaalayeen sawirka ultrasound-ka si ay u eegaan kala-goys la kala qabsanayo, waxay dhacdada "qararacda" ku tilmaameen mid shaashadda uga muuqatay sidii rashka oo qarxaya.

Caado aan waxyeello lahayn

Faro la jucinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kim Heyrich, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada kala-goysyada oo ka tirsan Jaamacadda Manchester ee UK, ayaa sheegtay in xitaa haddii dhawaaq uu soo baxo, kala-goysyada oo la kala qabsado ay tahay "hannaan dabiici ah oo caadi ah oo jirka ka mid ah."

Laakiin wax caadi ah mar walba ma noqon karaan wax aan waxyeello lahayn?

Jay Jagannathan, oo ah dhakhtar qalliin oo ku takhasusay neerfaha kana howlgala gobolka Michigan ee Maraykanka, ayaa sheegay in ay jiraan calaamado digniin ah oo ay tahay in la fiiriyo, sida xanuun ama barar ku dhaca kala-goysyada.

Wuxuu arkay bukaanno uu qoortu ka dhaawacantay iyo kuwo dhibaatooyin kale kala kulmay markii ay si aad ah u kala qabsadeen jucinta, taas oo aan lagu talin.

"Guud ahaan, marka aad dareento inaad kala-goysyada la qabsanayso, waxaa loo arkaa arrin inta badan aan waxyeello lahayn," ayuu yiri Jagannathan.

Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa weli ka walaaca in faraha oo si xoog leh loo juciyo ay keeni karto in fartu meesha kala-goyska ka baxdo, gaar ahaan haddii xoog badan la isticmaalo ama farta si xad-dhaaf ah loo jiido.

Xaalado noocaas ah ayaa oo badan ayaa sheegaa. Tusaale ahaan, sannadkii 1999-kii, dhakhtar qalliin oo ku takhasusay gacmaha oo ku sugnaa Philadelphia ayaa sheegay in laba bukaan ay faraha dhaawaceen, kadib markii ay si xooga ah iskugu dayeen inay maqlaan dhawaaqa farahooda si a ay ku raaxaystaan ee kala-goysyada.

Laakiin dhacdooyinka noocaas ah aad ayay u yar yihiin marka kala-goysyada ama faraha si tartiib ah loo juciyo.

Gabar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma keentaa lafo-goysyada?

GABAR FARAHEEDA

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka sida joogtada ah ula qabsada farahooda in ay kala bixiyaan waxa ay aad uga baqaan waa inay ku dhacaan osteoarthritis, oo ah nooca ugu badan ee xanuunka kala-goysyada, kaas oo ka dhasha duugista carjawda.

Carjawdu waa unug ilaaliya kala-goysyada, waxayna lafaha siisaa taageero u eg barkin marka lagu sameeyo jucin.

"Dad badan ayaa arrintan i weydiiya marka ay rugtayda caafimaad yimaadaan iyo xitaa marka aan miiska cuntada wada joogno," ayay tiri Heyrich. "Jawaabta fudud waa: maya, ma dhacdo."

Daraasado badan ayaa beeniyay aaminsanaantan hore.

Daraasad la daabacay sannadkii 1975-kii ayaa lagu sameeyay 28 qof oo ku noolaa xarumo daryeelka dadka waayeelka ah. Waxaa la ogaaday in dadka si joogto ah faraha u jucin jiray ay lahaayeen heer la mid ah kan dadka aan sidaas samayn ee xanuunka kala-goysyada ee ka dhasha duugista.

Daraasad kale oo dib-u-eegis ah oo dhowaan la sameeyay ayaa baaraysay taariikhda ay joogteeyeen faro jucinta 215 qof oo qaba osteoarthritis. Waxaa lala barbardhigay dad aan qabin cudurka.

Natiijaduna waxay ahayd isla mid ah, inta jeer iyo muddada uu qofku noloshiisa oo dhan faraha jucin jiray wax saameyn ah kuma yeelan khatarta uu ugu jiro osteoarthritis.

Ma leedahay wax faa'iido ah?

Dadka qaar waxay dareemaan in faraha oo la juciyo ay u keento nafis, waxaana dhaqdhaqaaqa kala-goysyadu muddo gaaban dareemi karaan dabacsanaan.

Tani waxay kala bixisaa kala-goysyada waxayna u oggolaan kartaa inay muddo kooban ku dhaqaaqaan xad ka ballaaran kii hore.

Hal aragti ayaa sidoo kale sheegaysa in faraha oo la juciyo ay kiciyaan dareemayaasha ku hareeraysan kala-goyska, taas oo dabcin karta murqaha ku xeeran, yareyn karta xanuunka, isla markaana sii deyn karta endorphins, oo ah kiimikooyin jirka ka caawiya dareenka raaxada. Laakiin arrintan weli si buuxda looma xaqiijin.

Maadaama faraha oo la juciyo aanu si gaar ah waxyeello ugu lahayn kala-goysyada, ma jirto sabab caafimaad oo khasab ka dhigaysa in la joojiyo.

Haddii aad rabto inaad caadadaas iska joojiso, Jagannathan wuxuu kugula talinayaa farsamooyin ay ka mid tahay daaweynta garashada iyo dabeecadda, si aad u fahanto waxa kugu kallifa inaad sidaas samayso, una hesho habab aad uga fogaan karto.

Tusaale ahaan, waxaad qori kartaa sababaha kugu kallifa inaad faraha kala bixiso, kadibna isku day inaad gacmaha ku mashquuliso kubbad ama shey kale oo cadaadis lagu saaro ama qalabka faraha lagu mashquuliyo.

Guud ahaan, Heyrich waxay sheegtay in faraha oo la juciyo aanu waxyeello u geysan kala-goysyada, isla markaana aanu keenin osteoarthritis.

Waxayse kaftan ahaan ku dartay in caadadani ay saameyn xun ku yeelan karto xiriirrada aad la leedahay dadka, haddii dhawaaqa faraha aad si joogto ah u kala qabsato waxa uu saaxiibbadaa ka dhigi karaa kuwo aan jecleesan.