Masar iyo Shiinaha ma waxay ballaarinayaan iskaashigooda milatari?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Talaadadii, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa soo gaaray Qaahira, waana booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tego Masar muddo 10 sano ah. Booqashadan ayaa ku soo beegantay maalmo un ka dib markii lasoo gabagabeeyay dhoolatus wadajir ah oo ciidamada cirka ah oo ay sameeyeen Masar iyo Shiinaha, kaas oo markii ugu horreysay Afrika lagu arkay diyaaradaha dagaalka Shiinaha ee J-16.
Inta lagu guda jiro booqashada saddexda maalmood ah, Xi wuxuu la kulmi doonaa Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi, iyadoo xilligan uu iskaashiga militari ee u dhexeeya Qaahira iyo Beijing uu sameynayo horumar weyn, oo ay ku jirto ka qeybgalka diyaaradaha casriga ah ee Shiinaha ee dhoolatusyada wadajirka ah.
Horumarradan ayaa kusoo beegmaya xilli warbixino ay sheegayaan in Masar ay daneyneyso inay Shiinaha ka iibsato hub dheeraad ah, iyadoo Qaahira ay muddo sanado ah ku dadaaleysay si aysan hubkeeda ugu tiirsanaan hal il oo keliya, balse ay ilo kala duwan ka soo iibsato.
Ka qeybgal aan horay loo arag oo dhinaca Shiinaha ah

Xigashada Sawirka, Bogga Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Masar.
Maalmo ka hor inta uusan Xi tagin Qaahira, Beijing waxay markii ugu horreysay soo bandhigtay nidaam dhameystiran oo lagu maamulo howlgallada cirka ee dhoolatuska. Waxaa ka qeyb galay diyaaradaha dagaalka iyo weliba diyaarado nooca hawada shidaal ku siiya diyaaradajha kale oo ah nooca YY-20A, iyo diyaarado digniinta bixiya islamarkaana hawada koontaroola oo ah nooca KJ-500, iyo sidoo kale diyaarado saadka qaada.
Isku dhafkan dhanka cirka ah wuxuu ka bilowday caasimadda Shiinaha isagoo ku sii jeeda Qaahira, wuxuuna maray masaafo ka badan 6,000 oo KM, taasoo muujineysa awoodda Beijing ay u leedahay inay nidaamkeeda cirka ku gaarsiiso meelo fog.
Waxaa hogaaminayay diyaaradaha dagaalka ee J-16, kuwaasoo markii ugu horreysay ka soo muuqday Afrika, iyagoo beddelay diyaaradaha fudud ee J-10C ee ka qeyb galay dhoolatuskii hore ee sanadkii lasoo dhaafay.
Inta uu socday dhoolatuska waxaa kaloo la sameeyay dagaallo cirka ah oo tijaabo ah iyo tababbarro u eg dagaal dhab ah, waxaana ka mid ahaa markii ugu horreysay iska hor imaad dhex maray diyaaradaha Rafale ee uu Faransiisku sameeyay iyo diyaaradaha J-16 ee Shiinaha.
Sami Orfali, oo ah Agaasimaha Guud ee mareegta Defense Arabia ee ku takhasusay arrimaha milatariga oo BBC-da u warramay ayaa yiri: "Haddii laga eego dhanka Beijing, ujeedadu ma ahan oo kaliya tababar, balse waa muujinta awoodda lagu gaari karo meelo fog oo ka baxsan dhulka Shiinaha, waxaana sidoo kale loo fasiran karaa inay tahay fariin suuqgeyn ah oo loo dirayo macaamiisha mustaqbalka ee gobolka ku sugan".
Gen. Samir Farag, oo horey u ahaa ku-xigeenka Agaasimaha Sirdoonka Milatariga iyo Sahanka, ayaa rumeysan in Masar ay ka mid noqon karto "macaamiisha mustaqbalka", wuxuuna yiri: "Waxaa dhici karta in mustaqbalka Masar ay doonayso inay iibsato diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha, sidaas darteed aad ayey muhiim u tahay in diyaaradaha lagu tijaabiyo halkaas, in duuliyayaasheena ay gacanta ku qabtaan oo ay isbarbar dhigaan diyaaradihii aan horay u heysanay".
Shiinaha ma noqon karaa beddelka hubka reer Galbeedka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soo muuqashada diyaaradaha J-16 ayaa ku soo beegantay xilli wada-hadalladii Masar ay kula jirtay Mareykanka ee ku saabsanaa iibsashada 46 diyaaradood oo ah nooca F-15 ay hakad ku jireen muddo sanado ah iyadoo aan la helin oggolaansho kama dambeys ah.
Warbixinnada ayaa sheegaya in Washington aysan weli si rasmi ah heshiiska ugu gudbin Aqalka Congress-ka, iyadoo ay jiraan tixgelinno la xiriira Israa'iil. Waxaa intaas dheer in sharci-dejiyeyaal Mareykan ah qaarkood ay walaac ka muujinayaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Masar.
Marka laga hadlayo in J-16 ay buuxin karto booska F-15, Col. Samir Ragheb oo ah Madaxa Hay'adda Carabta ee Horumarinta iyo Daraasaadka Istaraatiijiyadeed oo BBC-da u warramay ayaa yiri: "J-16 xagga farsamada iyo shaqada waxay noqon kartaa beddelka F-15, hase yeeshee F-15 ayaa ah xulashada ugu habboon si ay ula jaanqaaddo nidaamyada talada, kantaroolka iyo isgaarsiinta ee Masar ay horey u heysatay kuwaas oo la shaqeeya diyaaradaha reer Galbeedka oo keliya sida Rafale iyo F-16".
Damaca Masar ee ku aaddan iibsashada hubka Shiinaha ayaa mowduuc u ahaa warbixinno dhowr ah sanadihii la soo dhaafay, waxaana bandhigyadii ugu dambeeyay ay sii xoojiyeen xiisaha loo qabo arrintan.
Warbixinno ayaa sheegay in Masar ay soo gabagabeysay heshiis lagu iibsanayo diyaaradaha dagaalka ee J-10C, balse Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa beenisay warkaas.
Sidoo kale warbixinno ayaa sheegay in Masar ay iibsanayso 10 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dagaal ah oo ah nooca WJ-700 Falcon, kuwaas oo qaada gantaallo isla markaana qaban kara howlgallo dagaal iyo sahmin fog-fog, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo 400 oo milyan oo dollar, waxaana intaas u dheer in ay iibsanayso quusayaasha Shiinaha ee nooca 039A iyo nidaamka difaaca cirka ee RAAD 300.
Hase yeeshee heshiisyadani waxay weli ku jiraan heer warbixinno warbaahineed, maadaama aanay jirin xaqiijin rasmi ah oo ka timid Masar iyo Shiinaha midkoodna.















