War deg deg ah, Ra'iisul Wasaare Abiy oo qaaday tallaabo muhiim u dalka Suudaan

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed Ali/Facebook
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadeed, milatari iyo bulshada rayidka ah ee Suudaan inay ka qaybqaataan wadahadallo nabadeed oo uu dalkiisu martigelinayo, si loo soo afjaro dagaalka dalkaas ka socda.
Farriin uu ku baahiyay baraha bulshada, kuna qoray afka Carabiga, ayuu Abiy ku sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay kharashkeeda ku martigeliso shir ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada Suudaan, si loo helo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda.
Wuxuu sheegay in dagaalka Suudaan oo galay sannadkiisii afraad uu sababay burbur xooggan iyo masiibo bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, taas oo saameyn ku yeelan karta dalalka gobolka.
Abiy ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, isaga oo sheegay in labada dal ay wadaagaan xiriir bulsho, derisnimo iyo danaha gobolka. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay masuuliyad ka saaran tahay inay ka qaybqaadato dadaallada lagu doonayo nabadda Suudaan.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay ciidamada milatariga, xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah inay ka qaybqaataan wadahadallo loo dhan yahay oo furan, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay joojinta dagaalka, colaadda iyo kala qaybsanaanta, iyo in la gaaro heshiis qaran oo saldhig u noqda nabad waarta.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hindisaha Itoobiya aanu ahayn mid dano siyaasadeed ama faa’iido gaar ah laga leeyahay, balse dalkiisu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaad ka ahaado dhinacyada, isla markaana abuuro jawi ay si daahfuran oo ixtiraam leh ugu wada hadli karaan.
Baaqan ayaa imanaya xilli dowladda Suudaan ay Itoobiya ku eedeysay inay la shaqeyso xoogagga RSF, eedeymahaas oo dowladda Itoobiya ay beenisay.
Abiy ayaa sidoo kale beesha caalamka, dalalka saaxiibka ah iyo ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ugu baaqay inay taageeraan dadaallada nabadeed iyo gurmadka bani’aadannimo ee loogu gargaarayo dadka ay saameeyeen dagaallada, oo ay ku jiraan barakacayaasha iyo qaxootiga.
Wuxuu sheegay in nabadda Suudaan aanay ahayn oo keliya arrin dan u ah dalkaas, balse ay muhiim u tahay amniga iyo xasilloonida Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.
Sii akhri sheekooyinka kale






