TOOS , Trump oo shaaciyay xog ku saabsan dagaalka Iran iyo dhaqaalaha ku baxaya
Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post ayuu Trump ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay haystaan dhaqaale ay ku sii wadaan howlgallada milatari muddadaas.
War deg deg ah, Israa'iil oo eedeyn culus oo aaney caddeyn u keenin u jeedisay
Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Iiraan ku
eedeeyay inay horumarinayso hubka kiimikada, isaga oo sheegay in Israa’iil
aanay oggolaan doonin in Tehran ay hesho awooddaas.
Katz ayaa eedeyntan u sheegay saxafiyiin Israa’iiliyiin ah
intii uu socday kulan warbixin ah oo Talaadadii qabsoomay, hase yeeshee ma
uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya sheegashadiisa.
Sida ay baahisay BBC Persian, hadalka Katz waxaa sidoo
kale qoray warbaahinno kale oo Israa’iil laga leeyahay, oo ay ku jiro
telefishinka dowladda ee Kan.
Horey ayay warbaahinta Israa’iil u tabisay in saraakiisha
dalkaasi ay Mareykanka la wadaageen xog ku saabsan suuragalnimada in Iiraan ay
samaysato hub kiimiko ah.
Dhanka kale, Iiraan ayaa si joogto ah u beenisay eedeymaha
noocaas ah.
Saraakiil
Liibiyaan ah ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada dalkaas lagu
dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay Axaddii ku qaadeen
markab laga leeyahay Ruushka, kaas oo ku sugnaa dekedda Benghazi.
Wararka ayaa
sidoo kale sheegaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.
War deg deg ah, Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne hore Farmaajo
Xigashada Sawirka, GOO
Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka
Qaranka Soomaaliya ee Nisa, Fahad Yaasiin, ayaa dhaliilay soo dhweyntii madaxweynihii hore
ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda Yoweri
Museveni in uu booqasho ku yimaaddo Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Fahad Yaasiin, isku waydiyay su’aashaan“ Saaxiibkay hore
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, aaway wadaniyaddii iyo shisheeye
nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd”?.
Wuxuu sidoo kale muujiyay in tallaabada
Farmaajo ku soo dhaweyay imaanshiyaha Muqdisho ee madaxweynaha Uganda iyo
arrinta uu imaanayo in ay tahay wax aan laga fileynin,”“run ahaantii, lagama
filaynin inuu si fudud uga guurayo mabaadi’dii siyaasadeed ee ay dad badan
darteed ku taageereen. Dadka qaar waxay moodayeen inuusan sidaas mutuxan
banaanka isku soo dhigaynin.
Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay in tallaabada madaxweynaha
Uganda ay tahay mid muhiim ah isagoo yiri:" waa mid muhiimadda u leh dalka
si loo helo wadahadallo dhab ah oo loo dhan yahay, kuna qotoma dastuurka iyo
go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo kororsiga sharci darrada ah ee
Madaxweynaha".
Hase-yeeshee Fahad Yasiin, ayaa nasiib
darro ku tilmaamay hadalka madaxweyne hore Farmaajo oo mar ay aad isugu
dhawaayeen: “taagero badan oo uu shacabka Soomaaliyeed ka helay Madaxweyne
Farmaajo waxaa saldhig u ahaa diidmadii ka dhalatay 2011. Waa nasiib darro in sanadka 2026, uu Madaxweyne Farmaajo
soo dhaweeyo , iyadoo Xasan lagu xumaynayo”. Wuxuu intaa raaciyay”Wadaniyadda
waa mabaadi’ ee maahan afkaar is rog-rogta oo hadba danta shakhsiga ah la
jaanqaadda ama Aqalka Madaxtooyada logu soo hilmaamo”.
Fahad Yasiin ayaa la soo shaqeyay dowladdii madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka mid ahaa xilalka uu ka soo qabtay agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee Nis, waxaana markaa dadka ka aragtida duwanaa maamulkiisii ku tilmaami jireen Fahad ninkii ugu awodda badanaa dowladdaas.
War deg deg ah, Dowladda Imaaraadka oo ammaantay tallaabo ay qaadeen dalal qaarkood Soomaaliya deris la yihiin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si
diirran u soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dowladaha Jamhuuriyadda
Dimuqraadiga Congo iyo Kenya ee ku aaddan dib u soo celinta xiriirkooda
diblomaasiyadeed, iiyadoo ku tilmaantay tallaabo lagu xoojinayo nabadda iyo
xasilloonida qaaradda Afrika.
Imaaraadku wuxuu ammaanay dadaallada iyo
hoggaaminta madaxweyne William Ruto ee Kenya iyo madaxweyne Félix Tshisekedi ee
Congo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka
ayaa sheegtay in dalku xiriir taariikhi ah oo qoto dheer la leeyahay Kenya iyo
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayna ka go’an tahay xoojinta iskaashiga,
wada-hadalka iyo dadaallada lagu horumarinayo amniga, nabadda iyo horumar
waara.
War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan dagaalka Iran iyo sanadka soo socda
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in
dhaqaalaha lagu maalgelinayo dagaalka Iiraan la sii diyaariyay ilaa dhammaadka
bisha Janaayo ee sannadka 2027.
Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post ayuu
Trump ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay haystaan dhaqaale ay ku sii wadaan
howlgallada milatari muddadaas.
Wuxuu sidoo kale ka digay in haddii xisbiga Dimuqraadiga
uu bisha Janaayo la wareego gacan ku haynta Kongareeska, ay xaddidi karaan
awoodda maamulkiisa ee sii wadista dagaalka.
Trump ayaa ku andacooday in Mareykanku guul ka gaaray
dagaalka, balse uu sheegay in ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay in Iiraan laga hor
istaago inay hesho hub nukliyeer ah, ee aysan ahayn in xukunka dalkaas la
beddelo.
Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo kharashka dagaalka iyo
mustaqbalkiisa ay dood ka dhex abuureen siyaasiyiinta Mareykanka.