Albaabka uu Midowga Yurub u furayo Canada

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Madaxda Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Arbacadii u sheegtay Baarlamaanka Yurub inay doonayso inay Mark Carney kala shaqeyso “furitaanka albaabka si Kanada ay u noqoto dalkii ugu horreeyay ee xubin ka noqota Midowga Yurub oo bannaanka ka ah Qaaradda Yurub”.
Hase yeeshee, xaaladda “xubin isbahaysi ah” oo Midowga Yurub leeyahay hadda ma jirto, haddii la isku raacana, geeddi-socodku wuxuu qaadan karaa sannado.
Ilaa hadda ma cadda qaabka saxda ah ee xubinnimadan ay yeelan doonto, balse von der Leyen waxay tilmaantay dhowr dhinac oo ay Kanada iyo Midowga Yurub ku yeelan karaan xiriir dhow.
Fikraddan hore ayaa loo soo jeediyay. Tusaale ahaan, Chancellor-ka Jarmalka Friedrich Merz ayaa horraantii sanadkan soo jeediyay in Ukraine la siiyo xaalad la mid ah tan, balse arrintaas waxaa ka horyimid qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Midowga Yurub wuxuu hadda ka kooban yahay 27 dal, halka sagaal dal oo kale ay yihiin musharraxiin rasmi ah oo doonaya inay xubin buuxda ka noqdaan Midowga Yurub. Hase yeeshee, geeddi-socodka loogu biirayo Midowga Yurub wuxuu qaadan karaa sannado.
Ku dhowaad toban sano ka hor ayaa Midowga Yurub iyo Kanada ay kala saxiixdeen heshiis ganacsi oo xor ah, balse 10 dal oo xubno ka ah Midowga Yurub ayaan weli ansixin heshiiskaas.
Qaar ka mid ah dalalka ayaa sidoo kale doorbidaya in la xoojiyo heshiisyada iskaashiga difaaca iyo ganacsiga ee hore u jiray, halkii Kanada loo abuuri lahaa nooc cusub oo xubinnimo.
Waraar Dheeraad ah:














