TOOS, Trump oo sheegay in Maraykanku “xannibi doono” marinka Hormuz kadib markii ay wadahadalladii fashilmeen sababo la xiriira “hamiga nukliyeerka” ee Iran.

Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo hoggaaminayay wafdigii Tehran ee wada-hadalladii Pakistan, ayaa sheegay in hadda ay tahay xilligii Maraykanku "uu go'aansan lahaa inuu kasban karo kalsoonideenna iyo in kale".

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo ka jawaabtay fariimaha Maraykanka ee go’doominta ah

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Tehraan ay "niyad sami" kala qayb gashay Mareykanka wadahadalladii nabadda ee ka dhacay Islamabad, Pakistan.

    Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu ku sheegay : "Markii aan u jirno wax yar oo keliya 'Heshiiskii Is-fahamka ee Islamabad', waxaan la kulannay sheegashooyin xad-dhaaf ah, beddelidda qodobbadii lagu heshiiyey, iyo go’doomin."

    Wuxuu qoraalkiisa kusoo xiray: "Niyad samidu waxay dhashaa niyad sami. Cadaawadduna waxay dhashaa cadaawad."

  2. Waqtiga ay dhagan gelayso go’doominta Maraykanka ee dekadaha Iiraan oo la shaaciyey

    Taliska Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in go’doominta maraakiibta galaysa iyo kuwa ka baxaya dekedaha Iiraan ay bilaaban doonto 10:00 subaxnimo ee maalinta Isniinta ah.

    Qoraal lagu daabacay barta X, maalintii Axadda, waxaa talisku sheegay in go’doominta loo fulin doono "si dhex-dhexaad ah oo ka dhan ah maraakiibta dalalka oo dhan ee soo gelaya ama ka baxaya dekedaha iyo deegaannada xeebaha ee Iiraan."

    Waxay sidoo kale sheegeen in aan la horistaagi doonin maraakiibta maraya Marinka Hormuz haddii ay ku sii jeedaan ama ka imanayaan "dekedaha aan Iiraan ahayn."

    Fashilka ku yimid in xal loo helo dib-u-furista Marinka Hormuz ayaa loo arkaa inay tahay mid ka mid ah sababihii ay u fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ee dhammaadkii toddobaadkan.

    Ka dib markii wadahadalladu dhammaadeen, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa barta Truth Social ku sheegay in Mareykanku uu "bilaabi doono hannaanka GO’DOOMINTA dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan, ama ka baxaan, Marinka Hormuz."

    Waxyar ka dib, Ciidammada Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in markab kasta oo milatari oo ku soo dhawaada Marinka Hormuz loo tixgelin doono inuu jebiyey xabbad-joojinta, isla markaana "tallaabo adag laga qaadi doono."

  3. Taliska dhexe ee Maraykanka Centcom oo war ka soo saaray go’doominta dekadaha Iiraan

    Taliska Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegtay in go’doominta loo fulin doono "si dhex-dhexaad ah oo ka dhan ah maraakiibta dalalka kala duwan oo dhan ee soo gelaya ama ka baxaya dekedaha iyo deegaannada xeebaha ee Iiraan."

    Wuxuu talisku sheegay tallabadaas ay ku jiraan dhammaan dekedaha Iiraan ee Gacanka iyo Gacanka Cumaan.

    "Ciidammada CENTCOM ma horistaagi doonaan xorriyadda socdaalka ee maraakiibta maraya Marinka Hormuz ee ku sii jeeda ama ka imanaya dekedaha aan Iiraan ahayn," ayay lagu yiri warka milatariga.

    Waxay intaas ku dartay in macluumaad dheeraad ah la siin doono hawl-wadeennada ganacsiga iyadoo loo marayo ogeysiis rasmi ah ka hor inta aanay go’doomintu bilaaban.

    Haddaba goor sii horraysay, Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku sheegay in Mareykanku uu "bilaabi doono hannaanka GO’DOOMINTA dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan, ama ka baxaan, Marinka Hormuz."

  4. Nin Soomaali ah oo saaxiibkiis oo madaxweyne ku-xigeen noqday awgeed waxbarasho ugu noqday

    .

    Xigashada Sawirka, bb

    Qoraalka sawirka, .

    Cabdullaahi Yuusuf Kaariye oo ah aabbe 56 jir ah oo ku nool magaalada Jigjiga ayaa dhowr iyo soddon sano kadib ku noqday waxbarshada. Waxaa ka mashquulisay korinta iyo waxbarista 11 carruur ah oo uu dhalay. Afar ka tirsan carruurtiisa ayaa haysta shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda.

    Cabdullaahi wuxuu ku taamayay mar un in uu dib ugu noqdo waxbarashada. Sanadkii 1987 ayuu ka baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

    Maamulaha waxay fasal-wadaag ahaayeen yaraantoodii

    Sanadkii 2018 ayuu dib naqtiin ahaan ugu billaabay dugsi sare. Wuxuu ku biiray dugsiga sare ee Sheekh Cabdisalaan ee magaalada Jigjiga, halkaas oo uu maamule ka yahay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Axmed oo ay yaraantoodii fasal wadaag ahaan jireen Cabdullaahi Yuusuf Kaariye.

    Sanadkii la soo dhaafay ee 2021 ayuu dhibco-sare ku dhameeyay waxbarashadiisa dugsiga sare, taasoo u sahashay in uu helo fursad waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah.

    Cabdullaahi toddobaadkan ayuu iska diiwaan galiyay kuliyadda muhandasnimada ee jaamacadda Jigjiga.

  5. War hadda ka soo kordhay Israa’iil iyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu

    Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Prime Minister of Israel

    Bartiisa Bulsha ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa lagu baahiyay muuqaal gaaban oo uu ra’iisul wasaaruhu ku sheegayo inuu booqasho ugu tagay ciidamada Israa’iil ee ku sugan koonfurta Lubnaan.

    Isagoo ku hadlaya luuqadda Cibraaniga, ayuu sheegay in hawlgalladii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ku abuurtay aag ka caaggan dagaalka ama marin ammaan ay "fashiliyeen khatartii duullaan kaga imaanayay Lubnaan”, isagoo ula jeeday dagaalyahannada Xisbullah.

    Wuxuu sheegay in "shaqo baaxad leh" ay horay u qabteen ciidanka, balse wuxuu ballanqaaday in "wali ay jiraan wax badan oo dhiman, waana ku jirnaa samayntooda”.

    Mr. Netanyahu ayaa sheegay in tallaabada Israa’iil ee Lubnaan ay caddayn u tahay in Israa’iil ay "asal ahaan beddeshay wejiga Bariga Dhexe.” Tallaabadan ayaa si weyn loo dhaleeceeyay sababo la xiriira tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay.

    Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay dileen in ka badan laba kun oo qof tan iyo markii uu dagaalku billowday.

    Iiraan ayaa sheegtay inay dib u bilaabi doonto weerarrada ayna soo afjari doonto heshiiskii xabbad-joojinta ee ay la gashay Mareykanka haddii Israa’iil ay sii wadato duqeynta Lubnaan

    Sheekooyinka kale ee aad akhrisan karto:

  6. Madaxweynaha Iiraan oo hadal cusub sheegay ka dib wadahadal uu la yeeshay dhigiisa Ruushka

    Masoud Pezeshkian

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in heshiis lala galo Mareykanka "hubaal la heli doono" haddii "xukuumadda Mareykanka ay ka tanaasusho kali-talisnimada, ayna ixtiraamto xuquuqda qaranka Iiraan".

    Warbaahinta Iran ayaa werisay xog la xiriirta wadahadal dhexmaray Pezeshkian iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ka dib qoraal lagu baahiyey barta X, oo laga soo xigtay madaxweynaha Iirana ayaa lagu sheegay isagoo leh heshiis lala galo Mareykanka "ma aha mid aan la gaari karin".

    Trump ayaa sheegay in wadahadalladii tooska ahaa ee ka dhacay Islamabad ay fashilmeen sababtoo ah "Iiraan ma rabaan inay ka tanaasulaan hamigooda nukliyeerka". Wuxuu markaas ka dib u sheegay Fox News: "Waxaan saadaalinayaa inay dib u soo laaban doonaan, ayna na siin doonaan wax kasta oo aan rabno."

    Sheekooyinka kale ee aad akhrisan karto:

  7. Sarkaal Maraykanaka ah:madaxweyne xigeenka Maraykanka wuxuu aaminsan yahay in heshiis suurta gal yahay

    JD Vance

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance wuxuu aaminsan yahay in heshiis lala gaari karo Iran weli suurtogal yahay balse wuxuu ka baxay wadahadaladii Islamabad ka dib markii uu Tehran siiyay dalabkii ugu dambeeyay iyadoo dowladda Iiraan aysan u muuqan mid aan diyaar u ahayn inay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeer, sida uu sheegay mas’uul Mareykan ah.

    Vance, oo hoggaamiyay guddigii Mareykanka, wuxuu ka baxay wadahadalada isagoo hubiyay in Iran ay si qaldan u fahantay awoodda ay ku leedahay wadahadalada ay la leedahay maamulka Trump, ayuu yiri mas’uulka oo magaciisa ka gaabsaday.

    Wadahadalada ayaa socday in ka badan 21 saacadood, iyadoo Vance uu hoggaaminayay kooxd Mareykanka oo ay ku jireen ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo wiilka sodoga u yaha Donald Trump Jared Kushner.

    Mareykanka iyo Iran ma gaareen heshiis ku saabsan arrimo badan, ayuu sheegay mas’uulka Mareykanka.

    Sida uu mas’uulku sheegay, arrimahaas waxaa ka mid ahaa joojinta kobcinta uranium-ka ee Iran, helitaanka qaab-dhismeed nabadeed oo ballaaran oo ay ku jiraan xulafada gobolka, iyo xalka dib-u-furista marin-biyoodka Hormuz.

    Donald Trump ayaa hore ugu sheegay Fox News in Mareykanka uu helay “ku dhowaad dhammaan qodobadii aan u baahnayn, marka laga reebo xaqiiqda ah in ay diideen inay ka tanaasushaan himiladooda nukliyeer.”

    Sidoo kale akhriso:

  8. Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo bayaan soo saaray markii dib ugu laabtay Iiraan

    Mohammad Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan oo ahaa madaxa wadahadaladii u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka ee ka dhacay Pakistan, ayaa soo saaray bayaan markii uu dib ugu laabtay Iiraan.

    Isaga oo ka jawaabaya hadallada ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayuu sheegay in “cajuglaynta noocaas ahi aysan wax saameyn ah ku lahayn dadka Iiraan” isla markaana Iiraan aysan “is dhiibi doonin marka loo hanjabo”.

    Sida ay weriyeen warbaahinta Iiraan, Ghalibaf ayaa ku yiri Trump: “Haddii aad dagaallantaan, waan dagaallamaynaa; haddii aad caqli iyo dood la timaaddaanna, waxaan idiinku jawaabaynaa caqli.

    "Uma hoggaansami doonno hanjabaad kasta. Haddii ay mar kale tijaabiyaan go’aankeenna, waxaan bari doonnaa cashar ka weyn kii hore.”

    Sidoo kale hadalkiisa waxaa uu Ghalibaf ku sheegay in Tehran ay bilowgiiba sheegtay inay “aaminsanayn Mareykanka” ayna tahay inay “kasbadaan” kalsoonida Iiraan, maadaama ay weerareen Iiraan laba jeer intii ay wadahadalladu socdeen muddo ka yar sannad gudahiis.

    Dagaalka billowday 28-kii Febraayo ee sannadkan iyo dagaalkii 12-ka maalmood qaatay ee dhacay bishii Juun ee sannadkii hore, ayaa labaduba billowday xilli Iiraan iyo Mareykanku ay ku jireen wadahadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan ee muddada dheer lagu muransanaa.

    Sidoo kale akhriso:

  9. Cumaan oo soo saartay baaq cusub

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan Badr Albusaidi, ayaa ku baaqay in la koridho xabbad-joojinta si ogolaado inay sii socdaan wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay habeenimadii tallaadada xabbad-joojin laba toddobaad ah. sharuuradaha waxaa ka mid aha ain Marinka Hormuz loo furo si deg deg ah.

    Cumaan, ayaa ahayd dhexdhexaadiye wadahadalladii Nukliyeerka ee u dhaxeeyey labada dhinac ka hor inta uusan qarxin dagalka 28-dii Febraayo.

    Albusaidi ayaa xilli hore oo galabnimadii ahayd soo dhigay qoraal bartiisa X, markaas

    Albusaidi ayaa galabnimadii hore ee maanta qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in markii uu la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance "saacado uun ka hor int aanu dagaalku bilaaban, aan ka qaatay aragti ah in isaga iyo Madaxweynuhub ay si dhab ah oo xooggan u doorbidayaan inay ka fogaadaan lug ku yeelashada dagaalka."

    "Sidaas darteed, waxaan ku baaqayaa in xabbad-joojinta la kordhiyo, wadahadalladuna ay sii socdaan. Guushu waxay u baahan kartaa in qof kastaa sameeyo tanaasul xanuun badan, laakiin taasi waxba ma aha marka la barbardhigo xanuunka guul-darrada iyo dagaalka," ayuu yiri.

    Sidoo kale akhriso:

  10. Digniin culus oo ay soo saareen ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan

    Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in markab kasta oo milatari oo ku soo dhawaada Marinka Hormuz loo aqoonsan doono mid jebiyey xabbad-joojinta, isla markaana "tallaabo adag laga qaadi doono".

    Bayaan ay baahiyeen warbaahinta Iiraan oo ka soo baxay xafiiska xiriirka dadweynaha ee IRGC, lagana soo xigtay Ciidanka Badda, ayaa lagu sheegay in "si ka duwan sheegashooyinka beenta ah ee qaar ka mid ah mas'uuliyiinta cadowga", uu Marinka Hormuz "u furan yahay marinka nabdoon ee maraakiibta rayidka ah, iyadoo lagu maamulayo kormeer caqliyeysan iyo u hoggaansanaanta xeerarka gaarka ah" ee Iiraan.

    Bayaanka laguma xusin magacyada mas'uuliyiin "cadow" ah, balse Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in Ciidanka Badda ee Mareykanka ay "xanibi doonaan dhammaan maraakiibta" isku daya inay galaan ama ka baxaan Marinka.

    Sidoo kale akhriso:

  11. Trump oo sheegay in Iran ay ku soo laaban doonto wada xaajoodka oo ay na siin doonto wax walba

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay ku soo laaban doonto miiska wada xaajoodka ayna "na siiso wax walba oo aan rabno".

    Isla wareysigii hore ee uu siiyay Fox News Sunday Morning Futures, Trump waxa uu sheegay in gorgortanka Mareykanka ay heleen "wax walba oo aan u baahannahay, marka laga reebo xaqiiqda ah inay diideen inay ka tanaasulaan hammigooda nukliyeerka".

    Waxa uu sheegay in Iran aysan "ka bixin miiska gorgortanka".

    "Waxaan saadaaliyay inay soo laaban doonaan, waxayna na siinayaan wax walba oo aan rabno," ayuu yiri.

    Inta lagu jiro daqiiqad kale oo wareysiga, Trump wuxuu ugu hanjabay Shiinaha 50% canshuur haddii uu caawiyo militariga Iran. Waxa uu sidoo kale sheegay in qiimaha saliidda iyo gaaska uu ugu dambeyntii hoos u dhici doono colaadda ka dib.

    Sidoo kale akhriso:

  12. Trump oo sheegay in NATO ay ka caawin doonto “nadiifinta” Marinka Hormuz

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Trump wuxuu sheegay in NATO ay soo bandhigtay inay ka caawiso “nadiifinta” Marinka Hormuz, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Fox News, wax yar kadib markii uu ku dhawaaqay qorshihiisa xannibaadda marin-biyoodkaas muhiimka ah.

    Wuxuu sheegay in Maraykanku “aad uga niyad jabay NATO,” balse hadda “ay doonayaan inay yimaadaan oo ay ka caawiyaan marinka.”

    “Ma qaadan doonto waqti dheer in la nadiifiyo, sidaas darteed waan nadiifin doonnaa marinka,” ayuu u sheegay warbaahinta, isagoo intaa ku daray inuu rumeysan yahay in mar kale si xor ah loo isticmaali doono “waqti aan sidaas uga fogeyn.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku uu keenayo maraakiibta miino-baarista, isla markaana Boqortooyada Midowday (UK) — oo xubin ka ah NATO — ay iyaduna sidaas oo kale samaynayso.

    “Waxaan fahamsanahay in UK iyo dalal kale ay dirayaan maraakiib miino-baaris ah,” ayuu u sheegay Fox News.

    BBC-da ayaa la xiriirtay Wasaaradda Difaaca ee UK si ay uga jawaabto arrintan.

    Sidoo kale akhriso:

  13. Israa'iil si weyn ayay iskaga indha-tirtay wada-hadalladii Mareykanka iyo Iran ee ka dhacay Pakistan

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ma uusan doonayn in wada-hadalladan ay dhacaan markii hore.

    Rabitaankiisu wuxuu ahaa in weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ee Iran ay sii socdaan, waxaana lagu qasbay inuu beeniyo warar sheegaya inuu daqiiqaddii ugu dambeysay ah u ogaaday in Madaxweyne Trump uu oggolaaday xabbad-joojin ku-meelgaar ah, xilli xiisad caalami ah ay sii kordheysay.

    Maanta, ma jirto jawaab rasmi ah oo ka timid Israa’iil oo ku saabsan in Maraykanka iyo Iran ay ku guuldarreysteen inay gaaraan heshiis degdeg ah oo lagu gaaro Islamabad — inkastoo ay ahayd mid aan si fudud u suurtoobayn.

    Hase yeeshee, warbaahinta Israa’iil ayaa hadda sheegaysa in Taliyaha Ciidamada IDF Eyal Zamir uu amray in ciidamadu galaan heer feejignaan sare — heer la mid ah kii la arki jiray ka hor hawlgallo militari oo hore.

    Waxaan IDF ka codsannay xaqiijin, balse weli kama aanan helin. Si kastaba ha ahaatee, hadalladan waxay la jaan qaadayaan waxa Netanyahu uu horay u sheegay.

    Dhowr maalmood ka hor wuxuu yiri “farta weli waxay saaran tahay kiciyaha,” habeenkiina wuxuu mar kale ku celiyay in dagaalka Iran uusan dhammaan.

    Isla waqtigaas, IDF waxay sii waddaa duqeymaha Lubnaan, iyadoo sheegaysa inay beegsanayso xarumaha Hisbullah.

    Mas’uuliyiinta Beirut waxay sheegayaan in hawlgalladan Israa’iil ay dileen in ka badan 2,000 oo qof toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Arbacadii la soo dhaafay, in ka badan 350 qof ayaa la dilay — saddex meelood meelna waxay ahaayeen haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

    Sidoo kale akhriso:

  14. Mustaqbalka Marinka Hormuz waa mid walaac leh

    Markaan eegno in maalmaha soo socda ay keeni doonaan wada-hadallo dheeraad ah ama dib u bilowga dagaal, madaxweynaha Maraykanku wuxuu sameeyay hanjabaado kala duwan oo ku jira qoraal dheer oo uu soo dhigay barta Truth Social.

    Waxaan hore u ogeyn in qodobka nukliyeerka Iran uu ahaa midka ugu weyn ee khilaafka, isla markaana Trump uu xaqiijiyay in gorgortamayaashu aysan ka gudbi karin.

    Mustaqbalka Marinka Hormuz ayaa si cad u ah walaac degdeg ah, Maraykankuna hadda wuxuu ku hanjabayaa xannibaad. Intaas kaliya ma aha, Trump wuxuu sidoo kale u hanjabayaa dal kasta oo siiya Iran “lacag sharci-darro ah” si uu uga gudbo marin-biyoodkaas muhiimka ah.

    Waxaa jiray warar sheegaya in maraakiib qaar ay mareen kadib markii ay bixiyeen lacag aad u badan oo ay Iran siiyeen.

    Kahor wada-hadalladan, wuxuu sheegay in Iran uu ka dhacay isbeddel nidaam, isla markaana hoggaamiyayaal cusub oo “ka macquulsan” ay yimaadeen, balse hadda uu ku tilmaamay inay yihiin “dad kacsan, adag, oo aan la saadaalin karin.”

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in ay jireen qodobbo lagu heshiiyay intii lagu jiray wada-hadalladaas, taas oo ahayd aragti aan annaguna ku aragnay Islamabad, markii aan maqalnay in khubarro farsamo ay ku biireen wadahadallada, isla markaana ay socdeen ilaa saacadaha hore ee subaxda.

    Trump sidoo kale wuxuu sheegay in wafdiga Maraykanka ay noqdeen “kuwo saaxiibtinimo badan” oo ay “ixtiraam u muujiyeen” wafdiga Iran, taas oo muujinaysa in la dhisi karo nooc xiriir shaqo ah oo hore aan la malayn karin ka hor dhammaadka toddobaadkan.

    Sidoo kale akhriso:

  15. Sidee ayuu Marin-biyoodka Hormuz u noqday hubka ugu xoogga badan ee Iiraan?

    Ka dib dagaal socday 40 maalmood oo dhex maray Iran, Maraykanka, iyo Israa'iil, natiijo lama filaan ah ayaa soo baxday oo muujinaysa in kaarka ugu xooggan ee Tehran aysan ahayn awooddeeda nukliyeerka, balse uu yahay awooddeeda ay ku carqaladeyn karto marin- biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

    Bilowgiiba dagaalka, waxaa si ballaaran loogu arkayey inuu ahaa isku day lagu doonayay in lagu beddelo nidaamka xukunka Iran, iyadoo lagu fulinayo olole duqeyn culus oo lagu beegsanayo goobaha muhiimka ah iyo hoggaamiyeyaasha dalka.

    Iran waxay kaga jawaabtay inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacdo xulafada Maraykanka ee Khaliijka, balse markii uu dagaalku sii xoogaystay, waxay u weecisay dareenkeeda inay carqaladayso isu-socodka maraakiibta marta marin-biyoodka ciriirga ah ee isku xira Khaliijka suuqyada caalamka.

    Tallaabadan ayaa si degdeg ah cadaadis weyn u saartay Maraykanka iyo xulafadiisa, kuwaas oo ku tiirsan socodka aan kala go'a lahayn ee shixnadaha saliidda iyo gaaska ee ka gudba marin-biyoodka.

    Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa qirtay in adkaynta xakamaynta marin-biyoodkan muhiimka ah ay siin karto faa'iido istiraatiijiyadeed oo ka culus guulaha laga gaadhi karo sare u qaadista iska horimaadka milatari. Iyadoo Iran ay ku hanjabtay inay carqaladeyn karto sahayda tamarta caalamiga ah, waxay ku qasabtay Washington inay dib u eegto habkeeda, taasoo keentay in dib-u-furidda iyo sugidda ammaanka marin-biyoodka lagu daro shuruudaha muhiimka ah ee wada-hadallada xabbad-joojinta.

  16. War deg deg ah, Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa bilaabi doona “inay xannibaan dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan ama ka baxaan marinka Hormuz,” ayuu yiri Trump.

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Madaxweyneha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku bilaabi doono “IN UU XANNIIBO dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan ama ka baxaan marinka Hormuz.”

    Qoraal dheer oo cusub oo uu ku daabacay Truth Social, wuxuu ku sheegay in “kulanku si wanaagsan u dhacay, inta badan qodobbadii waa lagu heshiiyey, laakiin qodobka kaliya ee runtii muhiimka ahaa, NUKLIYEERKA, lagama gaarin heshiis.”

    Wuxuu sheegay in “mar uun” la gaari doono heshiis ku saabsan marin xor ah, balse “Iran ma oggolaan inay taasi dhacdo iyagoo kaliya leh, ‘Waxaa laga yaabaa in meesha ay miino ku jirto,’ taas oo aan cidna ogeyn iyaga mooyee.”

    Qoraalkaas dhexdiisa, Trump wuxuu sidoo kale ku sheegay inuu “amray ciidamadeenna badda inay raadiyaan oo qabtaan markab kasta oo ku sugan biyaha caalamiga ah oo lacag marin ah siiyay Iran,” isla markaana ciidamada badda Maraykanku ay bilaabi doonaan “burburinta miinooyinka ay Iiraaniyiintu ku rideen marinnada.”

    “Qof kasta oo bixiya lacag marin sharci-darro ah ma heli doono marin ammaan ah badaha caalamiga ah,” ayuu yiri, isagoo ku daray, “Iiraani kasta oo nagu soo rida rasaas, ama ku rida maraakiib nabdoon, waa la BAABI’IN doonaa!”

    “Xannibaaddu dhowaan ayay bilaaban doontaa,” ayuu yiri.

    Warar dheeraad ah:

  17. Vance oo la sawiray isagoo u safraya dalkiisa kana yimid Islamabad

    Isagoo ka tagay Islamabad, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa la sawiray isagoo ku laabanaya Mareykanka.

    Kuwani waa sawirradii ugu dambeeyay ee nagaga imaanaya Ramstein Air Base, ee Jarmalka, halkaas oo diyaaraddiisu ay ku hakatay si ay ugu shubato shidaal.

    Vance

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Vance

    Xigashada Sawirka, Reuters

  18. Waa kuma afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf?

    Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa la sawiray intii lagu guda jiray doorashada madaxtinimada Iran ee 2024

    Mohammad Bagher Ghalibaf waa siyaasi muxaafid ah oo reer Iran ah oo leh asal militari, kaasoo ahaa afhayeenka baarlamaanka Iran ilaa May 2020.

    Wuxuu hoggaaminayay wafdiga Iran wadahadalladii ay Mareykanka kula yeesheen Pakistan. Ghalibaf waxa uu dhashay sannadkii 1961-kii, waxa uu ku biiray Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee IRGC sannadkii 1980-kii, waxaanu ka mid noqday Taliyeyaasha Ciidankaas intii uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq.

    Ghalibaf waxaa loo yaqaannaa duqii hore ee Tehran. Waxa uu xilkaasi hayay 12 sano laga soo bilaabo 2005. Waxaa lagu tiriyaa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada, balse waxaa sidoo kale lagu eedeeyay dhaqaale xumo.

    Afar jeer ayuu ku guul darreystay inuu u tartamo madaxweyne, isagoo kaalinta afraad galay 2005tii, 2013-kiina wuxuu galay kaalinta labaad, wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii 2017 ka hor doorashada, wuxuuna galay kaalinta saddexaad ee doorashadii hore ee 2024.

    Akoonkiisa X ayaa ahaa mid firfircoon dhawaanahan, in kasta oo ay dawladdu ku soo rogtay xannibaad internet-ka ah guud ahaan Iran tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka 28-kii Febraayo kaas oo weli socda.

    Warar dheeraad ah:

  19. Siday ayay hormuudka dhexdhexaadinta u arkaan wada-hadallada?

    Waxaan hadda maqalnay Mohammad Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iran, ahna madaxa wada xaajoodka wadahadallada Mareykanka ay kula jiraan.

    Waa markii ugu horeysay ee qof ka socda Iran, oo runtii qolka doodaha ku jiray uu hadlo - marka sidee falcelintiisu ula barbar dhigmeysaa tii madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance?

    Ghalibaf waxa uu sheegay in ka hor wada-hadallada, Iran aysan "kalsooni ku qabin dhinaca ka soo horjeeda" sababtoo ah "labadii dagaal ee hore".

    Waxa uu sheegay in inkasta oo Maraykanku uu "fahmey caqli-galkeenna iyo mabaadi'dayada", hadda waa waqtigii Maraykanku go'aansan lahaa haddii "uu heli karto kalsoonideenna".

    Waxa uu intaa ku daray: "Ma joojin doonno wax yar dadaalkeenna ku aaddan xoojinta guulaha 40-ka maalmood ee difaaca qaranka Iran."

    Goor sii horreysay, Vance wuxuu sheegay in Maraykanku uu u yimid wada xaajoodka "si daacad ah".

    "Waxaan u malaynayaa inaan aad u dabacsannahay, aad baannu u qaabilnay," ayuu yiri, laakiin wuxuu raaciyay: "Kaliya ma aannu gaari karin xaalad ay Iiraaniyiintu aqbali doonaan shuruudaheenna."

    Warar dheeraad ah:

  20. War cusub oo hadda ka soo kordhay madaxa waftigii Iiiran ee wadahadallada Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters/ Pakistan’s Prime Minister Office

    Qoraalka sawirka, .

    Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo hoggaaminayay wafdigii Tehran ee wada-hadalladii Pakistan, ayaa sheegay in hadda ay tahay xilligii Maraykanku "uu go'aansan lahaa inuu kasban karo kalsoonideenna iyo in kale".

    Qoraal uu soo dhigay barta X, Ghalibaf wuxuu ku sheegay oo uu carrabka ku adkeeyay ka hor wada-xaajoodyada in Iran ay leedahay "niyad wanaag iyo doonis", balse waayo-aragnimadeeda labadii dagaal ee hore awgeed aysan "wax kalsooni ah ku qabin dhinaca kale".

    Wuxuu sheegay in wafdiga Iran ay "soo bandhigeen hindisayaal hore u socod leh, laakiin dhinaca kale ay ugu dambeyntii ku guuldarraysteen inay kasbadaan kalsoonida wafdiga Iran intii ay socdeen wada-hadalladan".

    Wuxuu sii raaciyay: "Ma joojin doonno marnaba dadaalkeenna aan ku xoojinayno guulihii laga gaaray afartankii maalmood ee difaaca qaranka Iran."

    Wuxuu kaloo intaas ku daray in wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo "aad u adag", isagoo uga mahadceliyay dalka Pakistan fududeyntooda.