Waqtiga ay dhagan gelayso go’doominta Maraykanka ee dekadaha Iiraan oo la shaaciyey
Taliska Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in go’doominta maraakiibta galaysa iyo kuwa ka baxaya dekedaha Iiraan ay bilaaban doonto 10:00 subaxnimo ee maalinta Isniinta ah.
Qoraal lagu daabacay barta X, maalintii Axadda, waxaa talisku sheegay in go’doominta loo fulin doono "si dhex-dhexaad ah oo ka dhan ah maraakiibta dalalka oo dhan ee soo gelaya ama ka baxaya dekedaha iyo deegaannada xeebaha ee Iiraan."
Waxay sidoo kale sheegeen in aan la horistaagi doonin maraakiibta maraya Marinka Hormuz haddii ay ku sii jeedaan ama ka imanayaan "dekedaha aan Iiraan ahayn."
Fashilka ku yimid in xal loo helo dib-u-furista Marinka Hormuz ayaa loo arkaa inay tahay mid ka mid ah sababihii ay u fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ee dhammaadkii toddobaadkan.
Ka dib markii wadahadalladu dhammaadeen, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa barta Truth Social ku sheegay in Mareykanku uu "bilaabi doono hannaanka GO’DOOMINTA dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan, ama ka baxaan, Marinka Hormuz."
Waxyar ka dib, Ciidammada Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in markab kasta oo milatari oo ku soo dhawaada Marinka Hormuz loo tixgelin doono inuu jebiyey xabbad-joojinta, isla markaana "tallaabo adag laga qaadi doono."














