TOOS, Donald Trump: "Maraykanku wali kuma qancin heshiiska Iraan"

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan weli “ku qanacsanayn” shuruudaha heshiiska lagala xaajoonayo Iran.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Heshiiska Iran iyo Maraykanka dhex maraya dib ma u furi doonaa Hormus? TV-ga dowladda Iraan oo war ku saabsan baahiyay

    Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay inuu helay nuqul qabyo ah oo hordhac ah, aan rasmi ahayn, oo ah qaab-dhismeed heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka si loo soo afjaro colaadda u dhaxaysa labada dal.

    Sida ku cad qaab-dhismeedkaas, Iran waxay dib u soo celin doontaa maraakiibta ganacsiga ee mara marin-biyoodka Hormuz heerarkii uu joogay dagaalka ka hor muddo hal bil gudaheed ah, halka Maraykankuna uu ciidamadiisa militari kala bixi doono agagaarka Iran isla markaana uu qaadi doono go’doominta dhinaca badda.

    Telefishinka dowladda ayaa sheegay in qaab-dhismeedkan, oo aan ku jirin maraakiibta militari isla markaana dhigaya in Iran ay maamusho isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka iyadoo la kaashanaysa Cumaan, aanu weli dhamaystirnayn, ayna Tehran qaadi doonin wax tallaabo ah iyada oo aan helin “xaqiijin dhab ah oo muuqata.”

    Waxa kale oo uu sheegay in haddii heshiis kama dambays ah lagu gaaro 60 maalmood gudahood, loo ansixin karo qaraar waajib ku noqda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Heshiiska is-afgaradka ee u soo baxaya Maraykanka iyo Iran wuxuu ka dhashay wada-hadallo dadban oo billowday kadib dagaalkii qarxay bishii Febraayo, iyadoo Pakistan ay door dhexe ka ciyaarayso dhexdhexaadinta Tehran iyo Washington.

    Warbixintaan waxaa daabacday wakaalada wararka ee Reuters oo xiganaysa TV-ga dowladda Iran.

  2. War deg deg ah, Ukraine oo caawinaad degdeg ah weydiisanaysa Maraykanka

    ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu ka caawiyo Ukraine nidaamyada difaaca cirka iyo gantaallada looga hortago weerarrada cirka, iyadoo Ruushku ku hanjabayo duqeymo cusub. Wuxuu sheegay in gantaallada ballistic-ga ah ay weli yihiin “faa’iidada ugu dambeysa ee weyn ee Moscow ku leedahay goobta dagaalka.”

    Warqad uu u diray Trump iyo Kongareeska Maraykanka, oo Reuters aragtay, ayuu Zelenskiy ku yiri: “Waxaan kaa codsanayaa inaad naga caawiso ilaalinta hawada Ukraine ee gantaallada Ruushka. Waxaan horey u soo jeedinnay in Ukraine diyaar u tahay inay iibsato tirada nidaamyada Patriot iyo gantaallada qabta weerarrada ee aan u baahan nahay.”

    Habka keliya ee Ukraine ay ku soo ridi karto gantaallada ballistic-ga ah ee Ruushka waa gantaallada ka hortaga weerarrada ee uu Maraykanku sameeyo. Muddo afar sano ah oo dagaal socday, Kyiv waxay la daalaa dhacaysay yaraanta gantaalladan, balse dagaalka Iran ayaa sababay geliyay in agabku sii yaraado.

    Tan iyo markii Trump xilka qabtay, Ukraine waxay gantaallada Patriot ku iibsanaysay barnaamijka NATO ee loo yaqaan Prioritised Ukraine Requirements List (PURL), kaas oo ay maalgelinayaan xulafadeeda Yurub.

    “Laakiin xawaaraha hadda ee keenista qalabka ee barnaamijka PURL ma la jaanqaadayo xaqiiqada halista aan wajahayno,” ayuu Zelenskiy ku yidhi warqaddiisa.

    “Annaga — ka qaran ahaan annagoo u dagaallamaya jiritaankanaga, ma jirto wax ka xanuun badan in la arko baytariyada Patriot oo aan wax gantaallo ah lagu rakibin,” ayuu raaciyay.

  3. War deg deg ah, Trump: Qofna ma maamulayo marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay marinka in aysan cidna haggeynin, uuna Hormuz ahaan doono mid ‘’cid walba u furan’’.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay ‘’Qofna ma kaantarooli doonto isaga. Anaga ayaa la soconayna, weynu ilaalin doonaa laakiin cidna ma maamulayso. Taasi waa qayb kamid ah heshiiska aynu kula jirno’’.

    Trump ayaa intaasi ku daray ‘’jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan waxa ay doonaysaa kaantaroolida marinka Hormuz,’’ waxa uu sii raaciyay, ‘’Cidna ma kaantarooli karto, maxaa yeelay waxa ay ku taalaa biyaha caalamiga ah, Cumaana waxa ay u dhaqmaysaa sida cid walba.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  4. War deg deg ah, Trump oo ka hadlay wadaxaajoodka ay kula jiraan Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay wadaxaajoodka ay kula jiraan Iiraan uu yahay ‘’mid aan weli miro dhalin’’ sidoo kalana ‘’aysan ku faraxsanayn weli, laakiin ay ku farxi doonaan.

    Trump ayaa intaa ku daray ‘’In midkeed waddadaas ay noqon doonto ama ay qaadi doonaan talaabo dhammaystir ah’’

    Isaga oo u duurxulaya hoggaamiyayaasha Iiraan waxa uu yiri ‘’Wadaxaajoodka waxa ay uga jiraan boos liita, laakiin waynu arki doonaa wixii dhici doona. Laga yaabee in aan dagaalka ku laabano oo shaqada dhammaystirno ama laga yaabee in aysan sidaas noqon’’.

    Waxa uu mar kale ku celiyay inuu rumaysan yahay in hoggaamiyayaasha jamhuuriyadda Iiraan ay ‘’Si aad ah u doonayaan inay heshiis gaaraan’’’

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  5. War deg deg ah, Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir oo digniin diray

    Xildhibaan Saadiq Joon

    Xigashada Sawirka, Brig Gen Sadak Omar

    Qoraalka sawirka, Xildhibaan Saadiq Joon

    Taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Banaadir, haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saadiq Joon ayaa qoraal uu soo dhigay barta bulshada ku diray digniin uu u dirayo qof uu ugu magac daray 'duq Xasan' oo loo fasiranayo madaxweyne Xasan gaar ahaana inay isku xiran yihiin nabadda dhuusamareeb iyo deegaanka ay ku taalo Madaxtooyada Soomaaliya ee Caasimada Muqdisho.

    Saadiq Joon ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri ''Duq Xasanow nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda wardhiigleey waa isku xiran yihiin ogoow''

    Saadiq Joon ayaa dhowaan booqday magaalada Dhuusomareeb, halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug oo dhowaan sheegay inay jiraan dad dhibaato ku ah siyaasadda maamulkiisa.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  6. War deg deg ah, Ciidamada badda Iiraan: 23 Markab ayaa ka gudbay marinka Hormuz 24-saac gudahood

    Marinka Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Marinka Hormuz

    Ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee IRGC ayaa ku dhawaaqay in 23 markab ay ka gudbeen marinka Hormuz 24-tii saac ee lasoo dhaafay, iyaga oo haysta oggolaanshaha ciidamadooda, sida ay sheegeen.

    Ciidamada badda IRGC ayaa sheegay maalin sii horaysay 25 markab inay ka gudbeen marinka Hormuz oo oggolaanshahooda haysta.

    Waxaynu goor sii horaysay tabinay in warbaahinta Iiraan ay ku dhawaaqadat in Tehran ‘’ay heshay qabyo qoraal bilow ah oo aan rasmi ahayn oo muujinaya qaabka heshiis is-faham ah oo la qaateen Maraykanka’’.

    Sida ku xusan qabyo qoraalka, Iiraan waxaa ay dib u bilaabaysaa in gaadiidka ganacsiga ay marinka maraan, iyada oo taa beddelkeeda Maraykanka ay kala baxayaan milatarigooda inta ku hareeraysan Iiraan ayna qaadayaan xanibadda ciidamada badda Iiraan saaran.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  7. War deg deg ah, Heshiis laga gaaro colaada Iiraan oo hoos u dhigtay qiimaha shidaalka

    Gaari shidaal lagu shubayo

    Xigashada Sawirka, Hindustan Times via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gaari shidaal lagu shubayo

    Qiimaha shidaalka caalamiga ah ayaa hoos u dhacay kadib rajada laga qabo in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran la gaaro.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in heshiis qabyo ah uu horseedi doono in dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  8. Ciidamada Muqtada al-Sadr oo ku biiraya kuwa dowladda Ciraaq

    Hoggaamiyaha diimeed ee Ciraaq Moqtada al-Sadr

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha diimeed ee Ciraaq Moqtada al-Sadr

    Hoggaamiyaha diimeed ee Ciraaq, Moqtada al-Sadr, ayaa ku dhawaaqay in garabka militariga ee dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee Shiicada lagu biirin doono ciidamada ammaanka dowladda Ciraaq.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo cadaadis sii kordhaya uga imanayo Maraykanka dowladda Baghdad si loo yareeyo saameynta kooxaha hubeysan ee Iran taageerto.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  9. Mareykanka oo dalalka qaar waajib uga dhigaya inay fiisaha ku bixiyaan dammaanad $15,000 ah

    Muwaadiniinta ka imaanaya ilaa 50 dal ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump u uku waajibinayaa inay dhigaan dammaanad lacageed oo gaaraysa $15,000 si ay u codsadaan gelitaanka Mareykanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arbacadii.

    Sarkaalka diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in 12 dal lagu darayo liis horey uga koobnaa 38 dal oo kale, kuwaas oo intooda badan ku yaalla Afrika.

    Barnaamijka dammaanadda fiisaha ee la ballaariyay ayaa ku khasbaya ajaanibta inay bixiyaan $15,000 si ay u helaan fiisaha nooca B1 ama B2 oo kala ah (ganacsiga iyo dalxiiska), ayaa dhaqan galaya 2-da Abriil. Ujeeddadu waa in laga hortago in dadka booqanaya dalkaasi ay ka badsadaan joogitaanka muddada fiisahooda, ayuu yiri sarkaalka.

  10. Sidee buu "Xisbiga baranbarada" caan uga noqday Hindiya?

    Waxaa siyaasadda Hindiya kasoo ifbaxay astaan xisbi oo layaab leh: Baranbaro.

    Ma aha ubax sida xisbiga ugu weyn dalka (BJP), ama calaamad gaar ah oo xisbiga mucaaradka ah, balse waa baranbaro adag, dhib badan, isla markaana aan si fudud loo baabi'in karin—taas oo dhowaan noqotay astaan caan ah oo lala xiriiriyo dhalinyarada siyaasadda Hindiya.

    Baranbaro ayaa si weyn looga hadlayaa Hindiya tan iyo usbuucii hore kadib hadal uu jeediyay Wasiirka Sharciga ee dalka, Surya Kant.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  11. War deg deg ah, WHO oo ku baaqday xabbad-joojin si loo xakameeyo cudurka Ebola

    Baaritaanka xummada ee laga eegayo calaamadaha cudurka Ebola

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Baaritaanka xummada ee laga eegayo calaamadaha cudurka Ebola

    Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay adkaynayso dadaallada lagu xakameynayo cudurka dilaaga ah ee Ebola.

    Waxay ku baaqday xabbad-joojin degdeg ah.

    Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo oo horay la daalaa dhacaysay colaado iyo dagaalo gudaha ah ayaa hadda waxaa ugu darsamay cudurka Ebola.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  12. War deg deg ah, Dad lasoo badbaadiyay iyo kuwo kale oo lagu la'yahay god ay toddobaad ku xanibnaayeen

    Godka dadka laga soo badbaadiyay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Godka dadka laga soo badbaadiyay

    Shan qof oo muddo toddobaad ah ku xayirnaa god ku yaalla Laos ayaa lasoo helay iyaga oo nool. Kooxaha samatabbixinta ayaa wali raadinaya laba kale oo ku maqan shabakadda godadka fogfog, halkaas oo raggaasi la sheegay inay galeen iyagoo dahab raadinaya.

    ''Waxaynu nolol ku helnay Shan qof oo dhammaantood bad qaba,'' ayaa lagu yiri qoraal ay soo dhigeen barta bulshada kooxda is-xil qaanka badbaadinta ee Laotian.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  13. War deg deg ah, Shaqaalaha shirkadda Sumsung oo qaybsanaya faa’iidada shirkadda

    Samsung

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Samsung

    Shaqaalaha shirkadda Samsung Electronics ee Kuuriyada Koonfureed ayaa u codeeyay inay aqbalaan heshiis taariikhi ah oo ku saabsan qaybsiga faa’iidada shirkadda.

    Tobannaan kun oo shaqaale ah oo ka tirsan qaybta samaysa qalabka chips-ka ayaa heli doona gunno sannadle ah oo celcelis ahaan ku dhow afar boqol oo kun oo doollar.

    Heshiiskan ayaa ka hortagay shaqo-joojin khatar gelin lahayd sahayda caalamiga ah ee chips-ka memory-ga ee loo isticmaalo garaadka macmalka ee AI-ga.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  14. War deg deg ah, Israa’iil oo Xamaas ka dishay Laba taliye bil gudaheed

    Janaasada Arbacadii la geeyay masjidka Odeh ee Gaza City

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Janaasada Arbacadii la geeyay masjidka Odeh ee Gaza City

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa duqayn ay ka gaysteen marinka Qaza ku dilay taliyihii cusbaa ee ciidamada milatariga Xamaas.

    Mohammed Odeh ayaa xilka loo magacaabay kadib markii taliyihii ka horreeyay la dilay horaantii bishan.

    Ururka Xamaas ayaa xaqiijiyay dilka Odeh.

    Bayaan kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay weerarkii dhowaan dhacay lagu dilay Mohammad Odeh oo loo yaqaanay Abu Amr, hooyadiis, xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo uu dhalay.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  15. Madaxweynaha Soomaaliya ‘’Caalamka aan muslimka ahayn ayaa ka xishooday safaaradooda keenaan Baytu-almaqdis’’

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay safaarada la sheegay in Somaliland ay ka furanayso Qudus, isaga oo sheegay in caalamka aan muslimka ahayn ay ka xishoodeen inay safaaradooda geeyaan Baytu-almaqdis.

    ''Maanta sina suurtagal noogama aha in qayb kamid ah dalkeena ay timaado Israa’iil. Israa’iil kumaanan duulin, dowladnimadeeda ma diidin, dowlad hanoqotaan dhahnay. Waxaa nasiib daro ah in aan dhahno calankii ay ugu qornayd ‘Laa illaaha illalaahu Maxada rasuulu laah ayaan ka taagaynaa oo aan leenahay Israa’iil baa iska leh oo caasimadii Israa’iil. Caalamka aan muslimka ahayn aa ka xishooday inay yiraahdaan oo soo qaadaan safaaradooda oo keenaan Baytu-almaqdis’’

    Madaxweynaha ayaa intaa ku daray ''Maanta wiil Soomaaliyeed inuu calan meeshaa ka taago uu yiraahdo safaaradeenii waxaan ka furaynaa meeshaas ‘magaaladii saddexaad ee magaalooyinka islaamka ugu Sharaf badnayd, qibaladii koowaad’’

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  16. War deg deg ah, Cirro ''Xasan Sheekh haddii aad dowlado kale noo soo kaxaysato waan iskaga kaa filanahay''

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

    Xigashada Sawirka, SLTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayay munaasabada Ciidu-Aladxa ayaa soo hadal qaaday faragalin uu sheegay inay ku hayaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

    ‘’Waxaad ka war qabtaan in dalal badan ay Somaliland u muujiyeen cadaawad, laakiin inagu waxba uma aynaan gaysan, geelna kama aynaan dhicin, arrina kama aynaan dhicin, wax kalana uma aynaan gaysan. Somaliland siyaasadeeda arrimaha dibaddu waa daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, gaar ahaan dalalka aanu jaarka nahay Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaan u sheegayaa inay ixtiraamaan nabadda, daris wanaaga iyo ixtiraamka dowladaha jaaarka’’

    Qoraal lasoo dhigay taleefishinka qaranka Somaliland ayaa kasoo xigtay madaxweyne Cirro farriin uu u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ''Xasan Sheekh waxaan leeyahay haddii aad dowlado kale noo soo kaxaysataan Somaliland kali ma aha. idinkana waanu isaga kiin filanahay''

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  17. Maxay dumarku uga nolol dheer yihiin ragga?

    Sababaha dhabta ah ee cimriga dumarka dheereeya si buuxda looma garanayo

    Xigashada Sawirka, Half point images/Getty Images

    Haddii aad tahay qof dumar ah, waxay u badan tahay inaad sii noolaan karto in ka badan inta walaalahaaga ama asxaabtaada nool yihiin - ilaa 5 sano, haddii loo eego celceliska caalamiga ah.

    Sababaha dhabta ah ee cimriga dumarka dheereeya si buuxda looma garanayo, laakiin saynisyahannadu waxay hayaan fikrado yar.

    Waxayna xitaa caawin karaan inay sharaxaan sababta noocyada noolayaasha qaar sida shimbiraha qaarkood, ay kuwooda lab u helaan cimri dheeri.

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto

  18. Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay warshad ku taalla Maraykanka

    Sagaal qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena weli waa la la’yahay kadib qarax weyn oo kiimiko ah oo ka dhacay warshad sameysa waraaqaha oo ku taalla gobolka Washington, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

    Qaraxan ayaa dhacay 7:15 subaxnimo waqtiga maxaliga ah gudaha xarunta Nippon Dynawave Packaging ee magaalada Longview, oo qiyaastii 210 km koonfur ka xigta Seattle.

    Sagaal qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, oo ay ku jiraan siddeed shaqaale iyo hal dab-demiye, sida ay sheegtay Waaxda Dab-damiska Longview, iyadoo intaas ku dartay in taangiga qarxay uu weli yahay mid aan degganeyn.

    Shirkaddu waxay bayaan ku sheegtay in qaraxu uu ka dhashay “dillaac ku yimid taangi ay ku jirtay maaddada ” White liquor oo ah kiimiko aad u daxal badan oo loo isticmaalo habka samaynta waraaqaha.

    Waaxda dab-damiska ayaa warbixin fiidnimo ah ku sheegtay: “Hawlaha samatabbixinta ayaa weli adag sababtoo ah weli waxaa jira walaacyo amni oo ka jira goobta.”

    Sheekooyinka kale ee aad akhrisan karto

  19. Cadaymo soo bandhigay dalalka Imaaraadku Carabtu mariyey calooshood u shaqaystayaasha uu geeyey Suudan

    Baaritaanka Human Rights Watch ayaa soo bandhigay cadeymo

    Xigashada Sawirka, Human Rights Watch

    Baaritaan ay sameeyeen koox hormuud u ah xuquuqda aadanaha ayaa lagu helay cadaymo Imaaraatka Carabtu ku lug leeyihiin oo ah qoritaanka calooshood u shaqeystayaasha Colombia si ay uga qeyb qaataan dagaalka Suudaan. Human Rights Watch ayaa sheegtay in shirkad amni oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi, oo xiriir la leh qoyska talada haya, ay abaabushay duulimaadyo iyo tababar ka hor inta aysan si qarsoodi ah u qaadin dagaalyahanno si ay u caawiyaan ciidamada fallaagada ee Suudaan.

    Caddaynta ay ururisay Human Rights Watch ayaa tilmaamaysa in tan iyo 2024-kii, shirkad amni oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi – taas oo shati u haysata inay u shaqeyso dawladda Imaaraatka isla markaana xiriir la leh qoyska talada haya iyo saraakiisha sarsare ee Imaaraadka Carabta ay u muuqatay inay shaqaaleysiiso qandaraaslayaasha millatariga gaarka ah ee Colombia (PMCs) kuwaas oo loo diray Suudaan si ay uga barbar dagaalamaan RSF. Human Rights Watch waxa ay aaminsan tahay in dagaalyahanada lebisan dharka cad ee ay gabar goob jooge ah tilmaantay in ay u badan yihiin Qandaraaslayaasha milateriga gaarka ah Colombia, kuwaas oo garab istaagay halka dagaalyahanada RSF ay dileen rag iyo dumar, oo ay ku jiraan dadka naafada ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhin karto

  20. Maxkamad Talyaani ah oo xukun la yaab leh ka soo saartay dacwad dhexmaray Kabalyeeri iyo dalxiise

    Xukunka waxaa soo saartay maxkamadda ugu sarreysa Talyaaniga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamadda ugu sarreysa Talyaaniga ayaa go’aamisay in hoteel shan-xiddigle ah oo ku yaalla buuraha Dolomites uu si sharci ah u dhaqmay markii uu diiday inuu biyaha tuubada siiyo dalxiise.

    Haweeneydan ayaa ku dooday in “biyuhu yihiin kheyraad dabiici ah iyo xuquuq bani’aadanimo oo caalami ah” kadib markii shaqaale maqaayadda ka tirsan uu u soo bandhigay keliya biyo dhalada ku jira oo qiimahoodu ahaa 7 lacagat yuurada ah intii lagu jiray xilligii barafka ee 2019, gudaha hoteelka Hotel Sassongher ee magaalada Corvara.

    Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Maxkamadda Sare ee Talyaanigu ay diidday codsigeedii ahaa magdhow dhan 2,700 oo yuuro oo ay ku sheegtay dhaawac nafsi ah iyo khasaare dhaqaale.

    Silvio Belardi, oo ah qareenka matalayay hoteelka, ayaa wargeyska Corriere Alto Adige u sheegay in maxkamaddu ay go’aamisay in “aysan jirin waajib lagu bixiyo biyaha tuubada.”

    Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in haweeneydan ay markii hore dacwadda ka gudbisay maxkamad hoose oo ku taalla magaalada Rome. Ilaa hadda lama shaacin aqoonsigeeda ama asalkeeda.

    Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Italy ayaa diiday dacwadeeda, iyagoo xukumay in sharciyada iyo xeerarka Talyaanigu aysan ku qasbayn goobaha adeegga inay martida siiyaan biyo tuubo ah, isla markaana go’aanka bixinta biyahaas uu u yaallo goob kasta si gaar ah.

    Sheekooyinka kale halkan ka sii akhriso