NASA oo daaha ka qaadday talaabooyinka xiga ee ay saldhig kaga dhisayso oogada dayaxa

Xigashada Sawirka, NASA
Nasa ayaa soo bandhigtay faahfaahin ku saabsan diyaarado Robot ah, kuwaas oo qaadaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gaadiidka ay doonayso inay u dirto dayaxa, taasoo qayb ka ah qorshaha Maraykanku ku dhisayo saldhiga dayaxa.
Aasaasaha Amazon jeff Bezos ayaa shirkaddiisa Blue Origin waxay ka mid tahay dhowr shirkadood oo loo doortay inay dhisaan mishiinnada.
Mareykanka ayaa doonaya inuu dib ugu soo celiyo dadka Mareykanka ah Dayaxa ka hor inta uusan Madaxweyne Donald Trump ka tagin xafiiska sanadka 2029-ka.
Laakiin Nasa ayaa Shiinaha kula tartameysa in ay bini'aadamka dib ugu celiso dayaxa dushiisa, taasoo la micno ah in wakaaladda hawada sare cadaadis ku saaran tahay inay u muuqato inay ku guuleysato tartanka cusub ee hawada sare.
Shiinuhu waxa uu wadaa qorshayaal isaga u gaar ah oo uu bini'aadamka ku dejinayo dayaxa marka la gaaro 2030ka.
Isniintii ayay hawada sare u dirtay dayax gacmeedkeeda Shenzhou-23, iyadoo u dirtay shaqaale cirbixiyeenno ah saldhigga hawada sare ee Tiangong ee dalkaasi leeyahay.

Xigashada Sawirka, NASA
Bishii Maarso, Nasa waxay ku dhawaaqday barnaamij $20 bilyan ah oo lagu dhisayo saldhig joogto ah oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka iyo tamarta qorraxda ee cirifka koonfureed ee Dayaxa marka la gaaro 2032.
Maamulaha Nasa Jared Isaacman ayaa Talaadadii sheegay in ku dhawaaqista ay la macno tahay in Maraykanku "uusan mar dambe ka tanaasuli doonin Dayaxa".
Saldhigu wuxuu u oggolaanayaa Maraykanka inuu sameeyo tijaabooyin saynis ah, ayadoo laga yaabo inay qotaan macdanta iyo kheyraadka qiimaha leh, iyo inay si fudud ugu safraan Mars.
Laakiin khubarada intooda badani waxay isku raaceen in wakhtiga Nasa uu yahay mid aan macquul ahayn.
Inkasta oo Maraykanku uu ku guulaystay inuu afar cirbixiyeen u diro dayaxa hawlgalkiisa Artemis II ee bishii Abril, misna saynis yahanada qaar ayaa aaminsan in Shiinuhu ay u badan tahay inuu noqdo dalka ku xiga ee bini'aadamka ku dejinaya dayaxa dushiisa.
"La yaab iguma noqon doonto haba yaraatee haddii uu Shiinuhu marka hore halkaas yimaado" ayuu yiri Dr Simeon Barber oo ah saynisyahan ku takhasusay cilmiga dayaxa oo ka tirsan jaamacadda Open University oo u warramayey BBC, isagoo soo xiganaya dib u dhacyada Nasa ka soo wajahay in la helo farsamo bini'aadam ku dejin karta Dayaxa.

Xigashada Sawirka, NASA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Barnaamijka saldhigga dayaxa ee NASA wuxuu leeyahay saddex weji.
Kahor intaanu aadanuhu u safrin halkaas, hay'adda hawada sare waxay doonaysaa inay u dirto Robot-ka duula iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u sahamiyaan oo ay u sawiraan dhulka adag ee Dayaxa.
Gawaarida alaabta qaadda ayaa sidoo kale la qaadi doonaa kuwaas oo ku kaxeyn kara cirbixiyeenada dayaxa dushiisa, isla markaana qaadi kara isgaarsiinta iyo qalabka sayniska.
Talaadadii ayaa Nasa waxay sheegtay in shirkado ay ka mid yihiin Blue Origin, Intuitive Machines, iyo Astrobotic la siiyay qandaraasyada lagu dhisayo mishiinnada.
Nasa waxa ay doonaysaa in aaladda dayaxa ku dul degta ee Blue Origin ee loo yaqaan Endurance, ay awood u yeelato inay samayso degitaan sax ah, iyo sidoo kale hagid iyo koontarool madaxbanaan.
Astrobotic's Griffin-1 oo ah qalab isna dayaxa ku dul degi kara ayaa la filayaa inuu ku soo dego bohosha Nobile Crater oo u dhow cirifka koonfureed.
Mashiinada ayaa sidoo kale keeni doona qalabka sayniska ee Nasa, oo ay ku jiraan kamaradaha sawirrada sare qaada iyo qalabka isticmaala iftiinka laysarka si uu u caawiyo degitaanka.
Sahmintan Robot-ku waa inay socotaa ilaa 2029, iyadoo 25 ganitaan iyo xamuul gaaraya 4 metrik tan ay ku degeen Dayaxa, sida uu talaadadii sheegay Carlos García-Galan, maamulaha barnaamijka saldhigga dayaxa.
Nasa waxay kaloo dooneysaa inay Dayaxa ka dhisto tas-hiilaad koronto oo nukliyeer ah iyo tamarta qoraxda, oo ay ku jiraan qalabka nukliyeerka u beddela tamarta.
Marka la gaaro 2032 wakaaladda hawada sare waxay doonaysaa in bini'aadamku ay ku noolaan karaan guryaha dayaxa.
Qalabka la yiraahdo Rovers waxay sidoo kale u sahlayaan cirbixiyeenada inay u safraan masaafo dheer oogada dhagaxa ah.
Cirifka Koonfureed ee dayaxa ayaa si gaar ah u soo jiidanaya sababtoo ah biyaha barafaysan ayaa loo isticmaali karaa biyaha la cabbo ama soo saarista ogsijiinta.
Si kastaba ha ahaatee, qorshayaasha Nasa waxay ku tiirsan yihiin dayax-gacmeed diyaarsan oo si badbaado leh bini'aadamka ugu qaadi kara Dayaxa.
Shirkadda Elon Musk ee SpaceX ayaa qandaraas ku qaadatay inay dhisto farsamo lagu magacaabo Starship Human Landing System, balse waxay la kulantay dib u dhacyo badan.













