Iiraan iyo Maraykanka oo ku hanjabay inay ballaarinayaan dagaalka; weerarro is-dhaafsi ah ayaa weli ka socda gobolka

Ma ahan markii ugu horeysay ee Trump uu xanibo dekedaha Iran ee ku yaalla Marinka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Qalibaf: Marka aysan Iiraan ka faa'iideysanayn heshiis is-fahamka, ma jirto sabab ay ugu hoggaansanto.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa soo saaray bayaan faahfaahsan isagoo yiri:"Waxaan ku jirnaa dagaal dhab ah oo jiritaan ah oo aan kula jirno Mareykanka."

    Wuxuu sheegay in ujeeddada cadowgu ay tahay "in la rido nidaamka dowladda" iyo "in dalka la kala qaybiyo."

    Qalibaf wuxuu sheegay in heshiiska is-afgaradka uu qiimo leeyahay oo keliya haddii qodobadiisa la dhaqan geliyo. Wuxuu yiri:"Haddii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran aysan ka faa'iideysan qoraalkan, ma jirto sabab aan ugu hoggaansanno heshiiskan."

    Sida uu sheegay, ciidamada qalabka sida ee Iran waxay haystaan xorriyad buuxda oo ay kaga jawaabaan weerar kasta oo cadowgu soo qaado, sidii ay horeba u sameyn jireen.

    Wuxuu intaas ku daray in go'aanka ku saabsan dagaal ama wadaxaajood uu yaallo gacanta Hoggaamiyaha Sare ee Iran, isagoo yiri:"Go'aanka ah in dagaal la galo ama lala xaajoodo cadowga waxaa lagu saleeyaa amniga iyo danaha qaranka. Cidda go'aanka ugu dambaysa leh waa Hoggaamiyaha Sare iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada."

  2. War deg deg ah, Iiraan: Maraykanka ayaa ‘’jebiyay’’ is-afgaradkii, heshiiskiina ‘’si dhab ah ayuu u dhammaaday

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Qoraalka sawirka, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in Mareykanku uu “jebiyey” is-afgaradkii isaga oo dib u billaabay hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan, isla markaana heshiiskaasi uu hadda “si dhab ah u dhammaaday.”

    Afartii maalmood ee lasoo dhaafay, Mareykanka iyo Iiraan waxay isweydaarsanayeen weerarro. Washington ayaa hawlgalladeeda milatari ku beegsanaysay deegaannada xeebaha ee Iiraan, halka Tehran ay sheegtay inay weerartay saldhigyo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka.

    Washington waxay sheegtay in ujeeddada hawlgalladu tahay in la wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku carqaladayn karto maraakiibta ganacsiga. Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku dhawaaqay xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Iiraan.

    Wadahadallada u dhexeeyey Mareykanka iyo Iiraan waxay ku socdeen dhexdhexaadinta Pakistan iyo Qatar, hase yeeshee Madaxweyne Trump ayaa muujiyey in wadahadalladii Tehran ay soo afjarmeen kaddib weerarkii lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in Iiraan aysan ka leexan doonin waddada diblomaasiyadda, balse sidoo kale aysan billaabi doonin wadahadallo cusub oo ay la yeelato Mareykanka.

    Waxa uu diiday aragtida ah in “cadaadis milatari lagu qasbi karo Iiraan inay gasho wadahadal ama ay beddesho mowqifkeeda ku aaddan Marinka Hormuz.”

  3. War deg deg ah, Iran oo ku goodisay marino kale ay xiri doonto

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Iran ayaa ku hanjabtay inay xirayso marino kale oo ganacsiga badda fure u ah kadib markii Maraykanku ay qaadeen mowjado cusub oo weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo milatari.

    Bayaan kasoo baxay ilaalada kacaanka ayaa lagu sheegay marin Hormuz uu sii xirnaan doono inta Maraykanku ka dhammaynayo ‘’talaabooyinka cadaawada.’’ Masuuliyiinta Iiraan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay xiri doonaan marino kale oo muhiim ah oo loo adeegado dhoofka gaaska iyo shidaalka ee gobolka.

    Bayaanka ayaa soo baxay iyada taliska dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay subaxnimadii Arbacada in ciidamada Maraykanku ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn iyo duqaymo dhanka hawada oo ay ku ekeeyeen bartilmaameedyo milatari oo dhaca Iiraan.

    Colaada u dambaysay ee xiisada ka dhex aloosan Maraykanka iyo Iiraan ayaa sii muujisay muhiimada marinka Hormuz u leeyahay dhaqaalaha gobolka.

    Qiimaha shidaalka ayaa sidoo kale laga arkay koror weyn oo uu dhaliyay dagaalka u dambeeyay, iyada oo marinkaasi muhiimka ah uu ku dhowaaday in uu istaago.

    CENTCOM ayaa ku sheegtay bayaankeeda weerarada subaxnimada Arbacada looga gol lahaa ‘’in lagu sii wiiqo awoodda Iiraan ay ku beegsan karto maraakiibta ganacsiga ee marinka Hormuz.’’

  4. War deg deg ah, Muwaadin Hindi ah oo la xaqiijiyay geeridiisa kadib weerar markab

    Qunsuliyada Hindiya ee Dubai ayaa xaqiijisay Arbacadii geerida muwaadiniin Hindi ah oo lagu waysanaa kadib weerar lagu qaaday markabka ganacsiga ee JFS Galaxy ee lagu weeraray xeebaha Cumaan.

    Soddoga Harambe Karmarkar oo 30 jir ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa. Harambe Karmarkar ayaa kaga shaqaynayay injineernimo markabka ku gooshayay calanka Qubrus ee lagu beegsaday xeebaha Cumaan Axadii.

    Sida laga soo xigtay masuuliyiinta Qubrus, shaqaalaha Markabka oo 24 ahaa ay ku jireen 11 Hindi ah, halka Markabka ay ku dhaceen gantaal aan la aqoonsan.

    Iiraan ayaa sheegtay inay Markabka beegsatay markii uu isku dayay inuu maro marina aan loo oggolaan iyada oo la siiyay digniin.

  5. War deg deg ah, Siciid Deni oo faahfaahin ka bixiyay cabashada ka dhalatay muranka Dekedda Boosaaso

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

    Xigashada Sawirka, H.E Said Abdullahi Deni

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad u jeedinayay shacabka deegaankiisa ayaa ka hadlay murankii maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dekedda Boosaaso ee la xiriirta cabashada ganacsatada ee ah in canshuur lagu kordhiyay, inkasta oo uu sheegay in aysan dhankooda wax canshuur kordhin ah aysan samayn.

    ‘’Dowladda Puntland wax canshuur kordhin ah oo ay samaysay ma leh, canshuurta kordhinteedu nidaam (process) ayay martaa, miisaaniyada dalkeey gashaa, oggolaansho baarlaman beey martaa, marka aan aragno inay dan tahay canshuurta aan qaadno weli kuma filna adeegyada bulshadeenu u baahan tahay, laakiin waxaan isla socod siinaa duruufta markaa jirta iyo kobaca dhaqaalaha ee ganacsatadeena. Waxaa kale oo intaa dheer Dekedda magaalada Boosaaso waxaad ogtihiin shirkad baa maalgelisay muddo badan ka shaqaynaysay, qof walba wuu qirayaa isbedelka ku dhacay dekeddeena, waxaa kordhay dhinacyadii ay kusoo xiran jiray maraakiibta, waxaa la qoday kanaalkii Maraakiibta waa weyn ay soo maraysay, waxaa lagu wadaa dib u casriyayn iyo ballaarin joogta ah’’

    Deni ayaa intaa ku daray in codsiyo ay u jeediyeen shirkada ay keentay in ay ugu dul qaataan marxalada ay ku jiraan oo aan la fulin canshuurihii ay heshiiska ku ahaayeen ‘’Muddada howshaasi socotay, waxaan shirkada gacanta ku haysa ka codsan jirnay inay marxaladaha adag ee aan ku jirno noogu dul qaataan, intaas toddobada sano aan joogay waxaan ka hoortaagnayn in canshuurihii heshiiska lagula galay aan la fulin, duruufo jira awgood, anaga oo u eexeynayna ganacsiga kobaciisa, anaga oo eegayna ganacsatada ay culays badan saaran tahay’’

    Waxa uu ku tilmaamay wax kordhinta la sameeyay inay tahay khidmad oo aysan ahayn canshuur ‘’Waxaan rabaa in aan dadka maanta u caddeeyo waxa la kordhiyay oo dadku sheegayaan horta canshuur ma aha, waxa weeye khidmadaha laga qaado maraakiibta dalka badeecadaha keenta oo %95 ama %96 ama %99 ay leeyihiin dad ajaanib ah, waxa Soomaalidu leedahay waa dhowr fara-kutiris ah, maraakiibtaas ganacsatadeenu soo kiraystaan oo lacagta ka qaata oo dalka baddeecada keena, Dekedda u adeegaysa waxa ay u baahan tahay khidmad lamid ah khidmadaha dekedaha kale marka ay tagaan ay bixiyaan.

    Waxa kale oo uu sheegay in ballaarin lagu samaynayo dekedda Boosaaso.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  6. War deg deg ah, Kenya: Maxkamad ayaa diidday codsi bulshada Rastafarian ay ku doonayeen sharciyaynta xashiishada

    Maxkamad ku taalla Kenya ayaa diidday codsi ay bulshada Rastafarian-ka ay ku dalbanayeen in xashiishadda (cannabis) loo sharciyeeyo si isticmaal diimeed ah.

    Dadka codsiga gudbiyay ayaa ku dooday in xashiishaddu ay qayb muhiim ah ka tahay cibaadadooda, isla markaana mamnuuciddeedu ay ku xadgudbayso xuquuqdooda dastuuriga ah ee xorriyadda diinta.

    Garsooraha ayaa sheegay in caddeymaha ay soo bandhigeen aysan ku filnayn isla markaana ay is khilaafsan yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in Kenya ay u baahan tahay dood qaran oo ku saabsan sharciyeynta xashiishadda, isagoo tilmaamay in maandooriyahan si ballaaran looga isticmaalo bulshada dhexdeeda.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  7. War deg deg ah, Ukraine iyo Midowga Yurub oo iska kaashanaya ballaarinta soo saarista drones-ka

    Ukraine iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay inay hirgeliyaan mashaariic wadajir ah oo lagu ballaarinayo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

    Iyada oo ka hadleysay magaalada Kyiv, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegay in heshiiskani uu isku dari doono hal-abuurka Ukraine iyo awoodda wax-soo-saarka warshadaha Yurub.

    Ukraine waxay dhistay warshado casri ah oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga hortagto duullaanka Ruushka, waxayna khibraddeeda u iibisay sagaal dal, oo ay ku jiraan dalalka Khaliijka, kuwaas oo raadinaya habab ka jaban oo ay isaga difaacaan weerarrada Iiraan.

    Heshiiska maanta ayaa ah kii ugu horreeyay ee loogu talagalay inuu daboolo dalalka iyo shirkadaha ka kala tirsan Midowga Yurub.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  8. War deg deg ah, Kuwait iyo Baxrayn oo ka hortagay weeraro uga yimid dhanka Iiraan

    Sawir laga soo qaaday muuqaal ay sii daayeen milatariga Maraykanka oo ay ku sheegeen inuu muujinayo gantaal la riday intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday Iiraan

    Xigashada Sawirka, US Central Command/Handout via REUTERS

    Qoraalka sawirka, Sawir laga soo qaaday muuqaal ay sii daayeen milatariga Maraykanka oo ay ku sheegeen inuu muujinayo gantaal la riday intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday Iiraan

    Dowladaha gacanka ee Kuwait iyo Baxrayn ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro cusub oo uga yimid dhanka Iiraan, iyada oo Tehran iyo Washington ay u dagaalamayaan maamulka marinka Hormuz.

    Labada dhinacba waxaa ay cambaareeyeen in Iiraan ay iyaga beegsatay.

    Iiraan ayaa sheegtay inay weeraraysay saldhigyada Maraykanka ee gobolka iyada oo ka jawaabaysay duqaymaha Maraykanka.

    Labada dhinacba waxaa ay ku hanjabeen kordhinta weerarada.

    Iiraan ayaa ku hanjabtay inay duqayn karto saldhigyada Maraykanka ee gobolka iyada oo ka jawaabaysa duqaymaha Maraykanka, halka Madaxweyne Trump uu ka digay in beegsigooda xiga uu noqon doono warshadaha korontada iyo buundooyinka haddii ay Tehran diido wadahadalada.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  9. War deg deg ah, CENTCOM: Waxaynu qaadnay weeraro cusub oo ka dhan ah Iiraan subaxnimadii Arbacada

    Milatariga Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay qaadeen weeraro cusub oo ka dhan ah Iiraan, subaxnimadii Arbacada, wakhtiga Iiraan.

    Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa kaga dhawaaqay barta bulshada ee X: ‘’Weeraradan waxaa loola jeeday in lagu soo daciifiyo milatari ahaan awoodda ciidamada Iiraan; awood ahaan ciidamada ay ugu adeegsanayeen inay ku weeraraan maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz’’.

    Dhankooda saraakiisha Iiraan iyaga oo ka jawaabaya weerarada Maraykanka waxa ay beegsadeen qaybo kamid ah danaha Maraykanka ee dalalka gobolka, oo ay ku jirto Urdun, Baxrayn iyo Kuwait.

    Maraykanku waxa ay dib u bilaabeen go’doominta badda ee Iiraan ee dhanka Koonfurta maalinkii shalay.

    Iiraan waxaa ay sheegtay heshiiskii is-afgaradka ee Islamabad ee qaybta ka ahaa xabbad joojinta ee u dhaxeeyay labada dal uu dhammaaday.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  10. War deg deg ah, Japan oo raadinaysa waddo beddel u ah shidaalka u soo mara marinka Hormuz

    Madaxa midowga shidaalka Japan ayaa sheegay in shirkadaha sifeeya shidaalka ee dalkaasi ay doonayaan inay kala duwaan ilaha ay saliidda ceeyriin kasoo dhoofsadaan, isla markaana ay taageeraan qorshayaasha lagu horumarinayo dhuumaha shidaalka ee ka leexda marin-biyoodka Hormuz.

    Shunichi Kito ayaa sheegay in samaynta waddo wax ku ool ah oo lagu qaado saliidda ceeyriin iyada oo aan la marin marin-biyoodka Hormuz ay ka muhiimsan tahay in shidaalka Bariga Dhexe lagu beddelo shidaal laga keeno gobollo kale.

    Sida uu sheegay, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya waxay dowladda Japan ka codsadeen inay ka qayb qaadato ama taageerto qorshayaasha lagu dhisayo dhuumo shidaal oo beddel u noqda kuwa hadda jira.

    Wuxuu sheegay in shidaalka Maraykanku uu noqon karo ikhtiyaar lagu kala duwanaan karo ilaha shidaalka, balse wuxuu xusay in warshadaha sifaynta shidaalka ee Japan inta badan loogu talagalay inay farsameeyaan shidaalka ka yimaadda Bariga Dhexe, sidaas darteedna aysan hadda awood u lahayn inay qaabilaan tiro badan oo shidaalka Maraykanka ah.

    Imaaraadka Carabta wuxuu qorsheynayaa inuu labanlaabo awoodda dhoofinta shidaalka ee dekedda Fujairah marka la gaaro sannadka 2027, isagoo dhisaya dhuun cusub oo shidaal. Sacuudi Carabiya sidoo kale waxay ka fiirsanaysaa inay ballaariso dhuunta shidaalka ee gaarta xeebta galbeed ee Badda Cas.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  11. War deg deg ah, Degdeg: Ilaalada Kacaanka Iiraan oo war cusub ka soo saaray Marin-biyoodka Hormuz

    .

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz uu sii xirnaan doono ilaa Maraykanku joojiyo weerarrada uu ku hayo dalka, maalin kadib markii ciidamada Maraykanku mar kale xannibeen dekedo ku yaalla Iiraan.

    Ciidamadu waxay sidoo kale ka digeen inay ballaarin karaan weerarradooda oo ay ku beegsan karaan ilo kale oo dhoofinta shidaalka.

    Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday weerarro habeenkii ah, iyadoo warbaahinta Iiraan ay sheegtay in weerarro lagu qaaday saldhigyo ciidamada Maraykanka ku leeyihiin Baxrayn, Kuweyt iyo Urdun.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay muddo toddobo saacadood ah weerarro ku hayeen Iiraan.

    Iyadoo heshiiska xabbad-joojinta la sheegay inuu burburayo, Madaxweyne Trump ayaa mar kale ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha korontada iyo buundooyinka Iiraan haddii aanay dib ugu soo laaban miiska wadaxaajoodka.

  12. War deg deg ah, Weearrada Mareykanka ee Iiraan oo dad badan oo rayid ah ay ku geeriyoodeen

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka dowladda Iiraan, Fatemeh Mohajrani, ayaa sheegtay in in ka badan 30 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymihii ugu dambeeyay ee Maraykanku ka geystay koonfurta Iiraan.

    “In ka badan 30 qof oo rayid ah ayaa naftooda ku waayay weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybaha koonfureed ee dalka,” ayay Fatemeh Mohajrani ku qortay bayaan ay ku baahisay barta bulshada ee X.

    Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Iiraan, khasaaraha rayidka ee weerarradan ayaa laga soo sheegay deegaanno kala duwan.

    Sida ay qortay BBC Persian, mas'uuliyiinta waaxda deegaanka ee gobolka Hormozgan ayaa shalay sheegay in saddex qof ay ku dhinteen weerar gantaal oo uu Maraykanku ku qaaday magaalada Hajiabad, oo ku taalla waqooyiga gobolka.

    Waxay sidoo kale sheegeen in saddexda qof ee dhintay ay ku jireen xubno ka tirsan qoyska qof u ololeeya ilaalinta deegaanka.

  13. War deg deg ah, Askari Israa'iili ah oo muuqaallo u diray Iiraan oo xukun lagu riday

    Militariga Israa’iil ayaa saaka ku dhawaaqay in askari ka tirsan ciidankooda lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kadib markii uu u diray muuqaallo ku saabsan qabashada gantaallada qof u shaqeynayay dhinaca Iran.

    Askariga ayaa diray laba muuqaal oo noocaas ah intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iran iyo Israa’iil xagaagii hore, waxaana uu “lacag ku helay arrintaas,” sida ay sheegeen ciidamada dalkaasi.

    Waxa kale oo ay ciidamadu intaas ku dareen in askarigu uu sidoo kale la wadaagay “wakiil Iiraani ah” dhowr muuqaal oo lagu duubay goobo magaalooyin ah.

    Intii uu socday dagaalka Israa’iil iyo Iran, dalkaasi wuxuu saaray xannibaado adag oo ku saabsan duubista goobaha ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka.

  14. War deg deg ah, Trump oo ku hanjabay duqeyn xooggan oo Iiraan uu ka gaysanayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu toddobaadka soo socda duqeyn doono buundooyinka iyo xarumaha korontada ee Iran haddii dalkaasi uusan dib ugu soo laaban wada-hadallada.

    Hadalladan oo lagu sheegay wareysi uu siiyay Fox News ayaa soo baxay xilli labada dal ay is-weydaarsanayeen weerarro maalintii afraad oo xiriir ah.

    Trump ayaa horay uga laabtay hanjabaad uu ku sheegay in lagu soo rogi doono khidmad dhan 20% dhammaan maraakiibta xamuulka ee maraysa Marinka Hormuz, balse wuxuu dib u bilaabay xannibaadda dekedaha Iran.

    “Toddobaadka soo socda xaaladdu aad bay ugu sii xumaan doontaa iyaga,” ayuu Trump yiri. “Waxaan burburin doonnaa dhammaan xarumahooda korontada. Waxaan burburin doonnaa dhammaan buundooyinkooda haddii aysan miiska wada-hadalka imaan oo aysan gorgortan gelin.”

  15. War deg deg ah, Weerarka Mareykanku saaka ku qaaday Iiraan oo dad ku dhinteen

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Iran ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in 7 qof ay ku dhinteen weerar uu Maraykanku ku qaaday xerada Ciidanka Dhulka ee ku taalla Bampour, gobolka Sistan iyo Baluchestan.

    Subaxnimadii saaka, militariga Maraykanka ayaa “13 gantaal ku dhuftay xarun caafimaad iyo xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee Bampour,” ayay waaxdu sheegtay.

    War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in intii uu socday weerarka Maraykanka, “7 shaqaale oo ka tirsanaa Guutada 388-aad ee Iranshahr ay dhinteen, halka tiro kale oo shaqaale ah ay dhaawacmeen, waxaana ay ku jiraan daaweyn.”

    Warbaahinta Iran ayaa hore u sheegtay in qaraxyo laga maqlay Bampour ee gobolka Sistan iyo Baluchestan, iyo sidoo kale dhowr magaalo oo xeebeed oo ku teedsan Gacanka Faaris iyo Marinka Hormuz.

  16. Kenya: Cabsi laga muujinayo doorashada soo socota iyo waxa dhici kara

    Kenya

    Xigashada Sawirka, CARL DE SOUZA/AFP/Getty Images

    Kenya waxay wajahaysaa 84.1% khatar ah inuu dhaco nooc ka mid ah rabshadaha la xiriira doorashada inta lagu jiro Doorashada Guud ee sannadka soo socda ee 2027, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Kofi Annan.

    Warbixintu waxay caddeyneysaa in qiimeyntu tahay mid ku saleysan heer khatar ah, balse aysan macnaheedu ahayn in rabshado ay si dhab ah u dhici doonaan. Sidaas darteed, waxay ugu baaqaysaa dowladda, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah iyo shacabka inay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu xoojinayo dadaallada nabadda iyo ka hortagga rabshadaha ka hor inta aysan dhicin.

    "Tirooyinkani waa qiimeyn khatar, mana aha xaqiijin waxa dhici doona. Waa inay noqdaan baaq lagu dhaqaaqo goor hore si loo xoojiyo dadaallada nabadda loogana hortago rabshadaha ka hor inta aysan dhicin," ayay warbixintu sheegtay.

    Sida uu sheegay Machadka Kofi Annan, doorashadu waxay noqon kartaa fursad lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, balse sidoo kale waxay kordhin kartaa xiisadaha haddii ay jiraan kala qaybsanaan siyaasadeed, hay'ado daciif ah ama hoos u dhac ku yimaadda kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada.

    Warbixintu waxay sheegtay in Tusmada Khatarta Doorashada ay adeegsato tilmaamayaal siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo maamul si loo qiimeeyo xaaladda doorashada, isla markaana loo bixiyo digniin xilii hore oo ku socota dejiyeyaasha siyaasadaha, maamulka doorashada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

    Kenya waxay ka mid tahay 10 waddan oo warbixinta lagu sameeyay falanqayn qoto dheer, taas oo isku daraysa qiimeyn tirakoob iyo falanqayn ku saabsan xaaladda siyaasadeed, caqabadaha doorashada iyo tallaabooyinka la qaadi karo si loo yareeyo khatarta rabshadaha ka hor Doorashada Guud ee sannadka 2027.

  17. War deg deg ah, Qaraxyo laga soo sheegayo Koonfurta Iiraan iyo Iiraan oo sheegtay in si dhab ah u burburay heshiiskii

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kadib weerarrada cusub ee Maraykanku ku qaaday xeebaha koonfureed ee Iran iyo ku dhawaaqistii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM, ee dib loogu soo celiyay go'doominta dhinaca badda ee koonfurta Iran, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazim Gharibabadi, ayaa sheegay in gebi ahaanba uu burburay qaab-dhismeedkii aasaasiga ahaa ee isfahamka u dhexeeyay Tehran iyo Maraykanka.

    Wuxuu sheegay in waxa loogu yeero "Heshiiska Islamabad" uusan hadda jirin. Isla saaka oo Arbaco ahna, waxaa sidoo kale la soo sheegay dhowr qarax oo ka dhacay koonfurta Iran.

    Iyagoo ka jawaabaya weerarrada Maraykanka, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee IRGC, iyo ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa sheegay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Kuweyt, Baxreyn iyo Urdun.

  18. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil oo hanjabaad cusub u diray Iran

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay qaadi doonto weerarro aargoosi ah haddii Iran ay mar kale weerarto.

    Muuqaal uu ku baahiyay baraha uu ku leeyahay warbaahinta bulshada, ayuu Netanyahu ku yiri:

    "Waxaan rabaa inaan hoggaamiyeyaasha Iran u sheego inaysan u malayn in nabadi ay jiri doonto, haddii ay na soo weeraraan."

    Wuxuu sheegay in jawaabta Israa’iil aysan la mid noqon doonin sidii ay uga falcelisay weerarradii hore ee Iran, inkastoo uu sheegay in jawaabtii xilligaas ay ahayd "mid aad u xooggan."

    "Waqtigii nala soo weerari jiray iyadoo aan wax jawaab ah laga bixin wuu dhammaaday," ayuu yiri.

    Netanyahu wuxuu intaas ku daray:

    "Waxaan tallaabooyinkan u qaadaynaa si aan ula tacaalno khatarta Iran, waxaana sii wadi doonnaa inaan sidaas ula dhaqanno cid kasta oo na waxyeellaysa. Taasi waa waxa aan sameyneyno."

    Sii akhri:

  19. Cudur laga qaado Jiirka ama Dooliga oo dad badan ku laayay dal Afrikaan ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Nigeria ayaa muujiyay walaac ku saabsan sii faafitaanka cudurka Lassa fever, kadib markii uu cudurku sababay dhimashada 221 qof lixdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan.

    Tirokoob ay soo saartay Xarunta Nigeria ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (NCDC) ayaa muujisay in 922 kiis oo cudurka ah la xaqiijiyay ilaa dhammaadkii bisha Juun.

    Xogta ayaa sidoo kale muujisay in 24% dadka cudurka qaaday ay dhinteen, taasoo ka sarreysa 18.7% oo la diiwaangeliyay isla muddadan sanadkii hore.

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in kiisaska cusub ay kordheen muddo saddex toddobaad oo xiriir ah.

    "Bishii 24-aad ee sanadkan waxaa la xaqiijiyay 13 kiis, toddobaadka 25-aad waxay noqdeen 22 kiis, halka toddobaadka 26-aad ay gaareen 31 kiis," ayaa lagu yiri bayaanka NCDC.

    NCDC waxay sheegtay in cudurku uu si weyn ugu faafay 23 ka mid ah 36-ka gobol ee Nigeria, iyadoo gobollada Bauchi, Ondo, Taraba, Benue iyo Edo ay yihiin kuwa ugu badan ee kiisaska laga diiwaangeliyay, kuwaas oo wadajir u ah qiyaastii 85% dhammaan kiisaska sanadkan.

    Daraasadda ayaa sidoo kale muujisay in dadka da'doodu u dhaxayso 21 ilaa 30 sano ay yihiin kuwa ugu badan ee uu cudurku saameeyay, halka shaqaalaha caafimaadkuna ay weli ku jiraan halis, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ay kordheen caabuqyada cusub ee lagu arkay.

    Lassa fever waa cudur keena dhiig-bax, waxaana inta badan lagu kala qaadaa cunto ama agabka guryaha oo ay wasakheeyeen kaadida ama saxarada noocyo ka mid ah jiirka sida gaarka ah u sida fayraska.

    Fayrasku ayaa dadku isu gudbi karaan, gaar ahaan goobaha caafimaadka haddii aan si sax ah loo raacin tallaabooyinka ka hortagga caabuqa.

    Sii akhri:

  20. War deg deg ah, Mareykanka oo shaaciyay waxyaabaha loo adeegsaday weerarka uu Iran ku qaaday

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku sheegay in wejiga hadda socda ee weerarrada ka dhanka ah Iran uu soo dhammaaday.

    Sida ay sheegtay CENTCOM, howlgalka ayaa la soo gabagabeeyay 10:00 habeenimo waqtiga Maraykanka, waxaana lagu beegsaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla agagaarka marin-biyoodka Hormuz iyo xeebaha Iran.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in weerarradu ay beegsadeen xarumaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, awooddeeda ciidamada badda iyo nidaamyada difaaca xeebaha. Howlgalka waxaa loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn, diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda.

    Sida ay CENTCOM sheegtay, howlgalka waxaa la fuliyay iyadoo dib loo soo celiyay go'doominta dhinaca badda iyo xeebaha ee Iran, waxaana lagu soo gabagabeeyay muddo toddobo saacadood ah.

    War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ujeeddada weerarradu ay ahayd "in la yareeyo khatarta ay Iran ku hayso maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalahooda."

    Sii akhri: