Sheekada gooldhaliyihii ugu fiicnaa taariikhda Koobka Adduunka: Wuxuu doortay kabo amaah ah iyo qori hawada lagu toogto halkii laga siin lahaa Kabta Dahabka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rikoorka goolasha ciyaaryahan dhaliyo hal koob adduun gudahiis waa 13, waxaana haysta Just Fontaine oo dhaliyey muddo haatan laga joogo 68 sano. Laakiin waxaa ka sii yaab badan in uusan xilligaas xiranayn kabo uu isagu leeyahay, islamarkaana aan markii horeba lagu talogelin in uu ka mid noqdo safka hore ee xulka Faransiiska.
Xitaa ma uusan helin abaalmarinta Kabta Dahabka ee la siiyo ciyaartoyga ugu goolsha badan tartanka, maadaama abaalmarintaas aanay jirin xilligii Koobkii Adduunka ee 1958. Taas beddelkeed, wargeys laga leeyahay Sweden ayaa guddoonsiiyay qori hawada lagu toogto (air rifle), si loogu maamuuso saxnaanta gool dhalintiisa.
Magaciisa waxaa la xusuustaa afartii sanoba mar, si loola barbar jiilka cusub ee gooldhaliyeyaasha Koobka Adduunka. Inta kalese magaciisu wuxuu ku kooban yahay su'aalaha la isku weydiiyo tartamada aqoonta guud.
Koobka Adduunka ee 2026, qaar ka mid ah weeraryahannada ugu waaweyn dunida ayaa isku dayaya in ay u dhowaadaan rikoorkiisa, iyadoo Lionel Messi, Kylian Mbappé iyo Harry Kane ay u tartamayaan Kabaha Dahabka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga soo billaabo 1970, gooldhaliyahii ugu sarreeya Koobka Adduunka wuxuu dhaliyay lix gool oo qura. Koobkaanna Mbappé iyo Messi waxay hadda leeyihiin siddeed gool, Erling Haaland toddobo gool, halka Harry Kane iyo Jude Bellingham ay mid lix gool fadhiyaan.
Dabcan, tartanka 2026 oo ay ka qaybgalayaan 48 waddan ayaa yeelan doona kulamo dheeraad ah, taas oo siinaysa weeraryahannada fursad ay ku dhaliyaan goolal badan haddii xulalkoodu sii gudbaan. Hayeeshee xitaa iyadoo kulamo dheeraad ahi jiraan, weli waxay aad uga fog yihiin rikoodhkii uu Fontaine dhigay lix kulan oo keliya.
Maanta, Fontaine si weyn looma yaqaan marka loo eego halyeeyada sida Pelé ama Messi. Hase yeeshee, muddo ku dhow 68 sano, cidina ma aysan jabin rikoorkiisii, taasoo ka dhigtay halbeeg lagu cabbiro ogaalka dadweynaha ee gooldhaliyeyaasha Koobka Adduunka.
Aragtidaasina waxay yaraynaysaa qiimaha noloshii iyo xirfaddii cajiibka ahayd ee Fontaine. Waayo haddii uu maanta ciyaari lahaa, waxay u badan tahay in uu matali lahaa waddan kale.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kulankii rubuc-dhamaadka Koobka Adduunka 2026 ee dhex maray Faransiiska iyo Morocco waxaa lagu tilmaami karay "derbiga Just Fontaine". Waayo wuxuu ku dhashay dalka Morocco bishii Agoosto 1933, xilli Morocco ay gumeysi hoos imanaysay Faransiiska.
Morocco waxay xorriyaddeeda qaadatay laba sano ka hor Koobkii Adduunka ee 1958. Laakiin waqtigaas Fontaine wuxuu hore uga tirsanaa xulka Faransiiska, isagoo sidoo kale magac ku lahaa horyaalka Faransiiska. Sidaas darteed wuxuu u ciyaaray xulka loo yaqaan Le Bleus.
Sida uu BBC Sport u sheegay taariikhyahanka ciyaaraha Philip Barker, Fontaine xitaa ma geli lahayn safka hore ee Koobka Adduunka ee Sweden haddii wax walba u dhici lahaayeen sidii Faransiisku qorsheeyay.
"Wuxuu ahaa dooqa labaad. Mid ka mid ah ciyaartoydii safka hore, René Bliard, ayaa dhaawacmay kulan saaxiibtinimo," ayuu yiri Barker.
"Isbeddelku wuxuu dhacay daqiiqaddii ugu dambeysay, sidaas darteed Fontaine wuxuu amaahday kabihii saaxiibkiis Stéphane Bruey kulankii ugu horreeyay, maadaama uusan haysan kabo ku habboon. Arrintaas maanta way adag tahay in la qiyaaso."
Intii lagu jiray xilli ciyaareedka, Fontaine waxaa laga qalay jilibka, waxaana shaki laga qabay inuu ka qayb geli karo tartanka. Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay u noqotay faa'iido, maadaama uu koobka yimid isagoo nasasho fiican helay, halka ciyaartoy badan ay ka daaleen xilli ciyaareed dheer.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii tababarihii Faransiiska Albert Batteux uu safka hore geliyay Fontaine, wuxuu u ciyaaray xulka shan kulan oo keliya, balse hore ayuu magac ugu lahaa horyaalka.
Wareysi uu BBC siiyay Abriil 2002 ayuu Fontaine ku yiri:
"Marnaba kama fikirin in aan noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya. Waagaas cadaadis badan ma jirin. Laba wariye oo keliya ayaa nala socday."
Wuxuu intaas ku daray:
"Mas'uuliyiinta xulkayagu waxay filayeen inaan si degdeg ah uga harno tartanka, sidaas darteed saddex funaanadood oo keliya ayay ciyaaryahan kasta na siiyeen. Waxaan ciyaaraynay annagoo aan wax cadaadis ah qabin. Xitaa waan diiday inaan rigoore tuuro kulankii kaalmaha lagu kala baxay."
Fontaine wuxuu markaas u ciyaarayay kooxda Stade de Reims, oo ku guuleysatay horyaalka Faransiiska iyo Koobka Faransiiska xilli ciyaareedkii 1957–58. Guud ahaan wuxuu ku guuleystay afar horyaal oo Faransiis ah.
Sanad kadib Koobka Adduunka, wuxuu Reims geeyay finalka Koobka Kooxaha Yurub, inkastoo ay halkaas kaga adkaatay Real Madrid. Wuxuu sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka isagoo dhaliyay 10 gool.
Saaxiibbadiis oo uu ku jiro Raymond Kopa, oo ku guuleystay Ballon d'Or sanadkii 1958, waxay aad u qaddarin jireen Fontaine. Wuxuuna Bakar xiriirka labada ciyaartoy ka dhexeeyey ka hadlayana wuxuu yiri:
"Fontaine iyo Kopa way wada deggi jireen marka xulka qaranku tababarka ku jiro. Waxay si qoto dheer uga wada hadli jireen kubadda cagta, taasina waxay sababtay in uu si degdeg ah ula qabsado kooxda."
Kulankii ugu horreeyay ee Faransiisku la yeeshay Paraguay ayuu Fontaine dhaliyay saddexley (hat-trick), iyadoo Faransiisku ku badiyay 7–3. Taasina waxay ahayd billowgii bandhiggiisii cajiibka ahaa.
Wuxuu gool dhaliyay kulan kasta oo uu ciyaaray, oo ay ku jirto semi-finalkii ay Faransiisku 5–2 kaga adkaatay Brazil oo uu hoggaaminayay Pelé oo markaas jiray 17 sano.
Kulankii kaalinta saddexaad ayuu markii ugu dambeysay xirnaa kabihii uu amaahda ku watay, wuxuuna afar gool ka dhaliyay Galbeedka Jarmalka, iyadoo Faransiisku ku badiyey 6–3.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka la daawado muuqaallada ciyaarihiisii 1958, waxay u muuqataa in Fontaine uu si fiican uga ciyaari kari lahaa kubadda cagta casriga ah. Wuxuu lahaa xawaare, dhaqdhaqaaq fiican iyo awood uu ku jebiyo difaacyada.
Barker oo sii hadlayana wuxuu yiri:
"Fontaine wuxuu u ekaa weeraryahan casri ah. Wuxuu lahaa xawaare aad u sarreeya. Wargeyska L'Équipe wuxuu ku tilmaamay in uu ahaa weeraryahan geesi ah, adkaysi badan islamarkaana dagaalyahan ah."
Goolkiisii saddexaad ee uu ka dhaliyay Galbeedka Jarmalka wuxuu ahaa mid qurux badan; wuxuu kubadda ka qaatay khadka dhexe, isagoo xawaare kaga baxay difaacayaasha, kadibna kubadda geeska fog ee goolka ayuu dhigay. Goolkaasi wuxuu aad ugu ekaa goolkii Michael Owen uu ka dhaliyay Argentina Koobkii Adduunka 1998.
Koobkii Adduunka ee 1958 wuxuu ahaa tartan goolal badan la iska dhaliyey, iyadoo guud ahaan la dhaliyay 126 gool. Faransiisku wuxuu ahaa xulka ugu goolasha badan, isagoo dhaliyay 23 gool.
Barker wuxuu aaminsan yahay in xulka Faransiiska ee 1958 uu la tartami karo kooxihii ugu fiicnaa taariikhda Faransiiska.
Inkasta oo Fontaine noqday gooldhaliyihii ugu sarreeyay Koobka Adduunka ee 1958, ma uusan helin Kabta Dahabka, maadaama abaalmarintaas la billaabay 1982.
Sanadkii 2014, FIFA waxay siisay Kab Dahab ah oo Platinum ah si loogu aqoonsado rikoorkiisa aan wali la jabin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo 1958, Gerd Müller oo keliya ayaa dhaliyay laba lambar oo goolal ah hal Koob Adduun gudaheed, isagoo 10 gool dhaliyay 1970, balse weli saddex gool ayuu ka hooseeyay rikoodhka Fontaine.
Sababta Fontaine aan loogu tirin halyeeyada ugu waaweyn kubadda cagta waa dhaawacii soo gaaray.
Bishii Maarso 1960 ayuu lugta ka jabay kulan horyaalka Faransiiska ah. Dhowr jeer oo uu isku dayay in uu soo laabto ayaa dhaawacu sii xumaaday, ugu dambaynna wuxuu ciyaaraha ka fariistay 1962 isagoo jira 28 sano oo keliya.
Tirakoobkiisii xulka Faransiiska wuxuu noqday 30 gool 21 kulan oo uu saftay.
Sidaas darteed mar dambe kama qaybgelin Koob Adduun. Dad badan ayaana is weydiiya waxa Faransiisku gaari lahaa haddii uu Fontaine u sii ciyaari lahaa koobabkii 1962 ama 1966.
Markii uu ciyaaraha ka fariistay, Fontaine wuxuu sii joogay kubadda cagta. Wuxuuna ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Ciyaartoyda Faransiiska (UNFP), wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horreeyay sannadkii 1961.
Wuxuu sidoo kale soo noqday tababare, isagoo laba kulan tababare u noqday xulka Faransiiska 1967, kadibna soo maamulay Paris Saint-Germain, Toulouse iyo xulka Morocco.
Barker wuxuu yiri:
"Wuxuu aasaasay ururka ciyaartoyda, wuxuu noqday tababare, wuxuuna maamulayay dukaamo qalabka ciyaaraha lagu iibiyo. Mar kasta oo dadka la weydiiyo cidda haysata rikoorka Koobka Adduunka, wuxuu ku farxi jiray in weli la xasuusto."
Fontaine wuxuu mar kaftamay:
"Haddii aan soo laabto 200 sano kadib, rikoodhkaygu weli wuu jiri doonaa."
Just Fontaine wuxuu geeriyooday 1-dii Maarso 2023, isagoo jiray 89 sano. Wuxuu u soo joogey Faransiiska oo ku guuleystay laba Koob oo Adduun iyo soo bixitaankii weeraryahanka Kylian Mbappé, oo ka mid ah ciyaartoyda laga filayo inay maalin jebiyaan rikoodhkiisa taariikhiga ah.
Philip Barker wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:
"Waxay noqon lahayd arrin cajiib ah haddii Mbappé jebiyo rikoorkaas. Laakiin 13 waa tiro gaar ah. Just Fontaine wuxuu ahaa halyey dhab ah oo aan helin qadarin ku filan."












