Diyaarado isku dhacay kadib markii duuliyaashii ay bilaabeen in hawada ay sawirro isaga qaadan
Mas’uuliyiinta Koonfurta Kuuriya ayaa ogaaday in laba diyaaradood oo dagaal ay isku dhaceen hawada sare sanadkii 2021 sababtuna ahayd in duuliyayaashu ay sawiro iyo muuqaalo ay iska qaadayeen.
Shilku wuxuu dhacay intii ay diyaaradaha ku jireen howlgalkii duulimaad ee magaalada Daegu, sida uu sheegay Guddiga Koonfur Kuuriya ee Kormeerka iyo Baaritaanka.
Duuliyayaasha ayaa badbaaday iyagoo aan wax dhaawac ah soo gaarin, laakiin isku dhacyada ayaa dhaawacay diyaaradaha, taas oo khasaaraha milatariga ku noqotay 880 milyan oo won (qiyaastii $596,000 si loogu dayactiro.
Mid ka mid ah duuliyayaasha, oo markii dambe ka baxay milatariga, waxaa lagu amray inuu bixiyo ganaax dhan 88 milyan oo lacata won-ka ah.Shilku wuxuu dhacay sababo la xiriira in duuliyahaas uu doonayay inuu sawiro qaato si uu ugu xuso duulimaadkiisii ugu dambeeyay ee uu la sameyay cutubkiisa milatariga.
Qaadista sawirrada duulimaadyada muhiimka ah waxay ahayd "caado guud oo ka dhex jirtay duuliyayaasha xilligaas," waxaa sidaasi sheegay guddiga kormeerka ee warbixinta soo saaray Arbacada maanta ah.
Duuliyaha ayaa shaaciyay ujeedkiisa kahor duulimaadka, sida laga soo xigtay warbixinta.Duuliyaasha ayaa u isticmaalayay sawir qaadista iyo duubista muuqaallada teleefoonnadooda gacanta.