Trump: Iran si rasmi ah ayaa looga adkaaday

Xigashada Sawirka, IRNA
Donald Trump ayaa farriin kale oo ku saabsan Iran ku qoray bartiisa bulsho ee Social Truth.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoray: “Iran si rasmi ah ayaa looga adkaaday. Waa dhimatay. Ma haystaan ciidan badeed, ciidan cirka ah ama lacag qaran, ma bixiyaan mushaharka askarta iyo booliiska, sicir-bararkuna wuxuu gaaray 300 boqolkiiba. Hoggaanka dalkuna wuxuu ku jiraa jahawareer buuxa, mana awoodi karaan in ay matalaan dalka.”
Dhanka kale, madaxweynaha Iran Masoud Pezhikian ayaa kula kulmay shirka Ururka Iskaashiga Shanghai ee ka socda Kyrgyzstan raysalwasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif.
Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa sheegtay, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah, in kulanka diiradda lagu saaray arrimaha labada dal.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Masoud Pezeshkian iyo in ka badan toban hoggaamiye oo kale ayaa isugu yimid Kyrgyzstan si ay uga qaybgalaan shir soconaya laba maalmood.
Sidoo kale akhri:










