Iiraan-Hormuz: Go'doominta weligeed ma shaqeysay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, BBC News Persian
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Iran ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday maraakiibta Mareykanka ee ku sugan gacanka Cumaan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Iran Tasnim, kadib markii ciidamada badda Mareykanka ay qabteen markab sitay calanka Iran oo lagu magacaabo Touska.
Taliska dhexe ee Maraykanka (Centcom) ayaa sheegay in "ay curyaamiyeen dhaqdhaqaaqa markabka Touska" ka dib markii " uu u hoggaansami waayey digniinaha la siiyey" ee ka imanaya ciidamada Maraykanka muddo lix saacadood ah.
Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa markaas diyaarad helicopter ah ka kiciyey saldhigooda badda, waxa ayna weerareen markabka, iyaga oo toos u abaaray xarigga uu ku socday Touska.
Marka loo eego Nidaamka AIS, Touska waxa uu 40 mayl-badeed u jiray dekedda Chabahar, ee koonfur-bari Iran, waxa uuna ka yimid dekadda Klang, Malaysia, 12kii Abriil.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in la siiyay "digniin buuxda oo lagu joojinayo" kaddib markii ay isku dayeen inay ka gudbaan go'doominta ciidamada badda Mareykanka ay ku hayaan dekedaha Iran.
"Shaqaalaha Iiraaniyiintu way diideen inay dhegaystaan, sidaa awgeed markabkayaga ciidammadu waxay ku joojiyeen qalabkooda, waxa ayna duleeliyeen meesha matoorka uu ka yaalo markabka", ayuu yiri.
Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa hadda si buuxda ula wareegay markabka 290m, ayuu yiri Trump. Markabkaan Waxay ku jiray maraakiibta Iiraan ee cunaqabataynta ay wasaaradda maaliyadda Maraykanka, kusoo rogtay.

Go'aanka Maraykanka ee ah in xannibaad badeed lagu soo rogo Iiraan, waa mid kamid ah hababkii hore loo isticmaali jiray si loo wiiqo dhaqaalaha, loo carqaladeeyo ganacsiga, looguna qasbo waddankaas inuu beddelo jihadiisa ama uu tanaasulo.
Taariikhdu tallaabooyinkan waxa ay noqon karaan, kuwa wax ku ool ah, marka haddana saameyntooda guud aad ayey u xun tahay. Xaalado qaarkood gaar ahaan intii lagu jiray dagaalladii waaweynaa ee dunida, xannibaadaha badeed waxay door weyn ka ciyaareen wiiqista awoodda waddan uu ku sii wadi karo dagaalka.
Tusaale, xannibaadihii Qasa iyo Yaman, waxay sii xumeeyeen xaaladaha bani'aadamnimo iyaga oo aan keenin natiijooyin siyaasadeed oo waara.
Go'doomintii dagaalkii 1aad ee Ingiriisku ku sameeyey Jarmalka

Xigashada Sawirka, Historica Graphica Collection / Heritage Images / Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xannibaaddii badeed ee Jarmalka intii lagu jiray dagaalkii 1aad ee adduunka (1914–1919) waxaa badanaa loo soo qaataa tusaale caadi ah oo ah "xannibaad muddo dheer ahayd". Intii aan si toos ah loo xirin dekedaha Jarmalka, Ingiriisku waxa uu ku tiirsanaa awooddeeda Badweynta Waqooyi si ay u xakameyso isu-socodka maraakiibta.
Ciidanka badda ee Boqortooyada waxay baari jireen maraakiibta waxayna cadaadis saareen dalalka dhexdhexaadka ah, taasoo si daran uga go'doomisay Jarmalka ganacsiga caalamiga ah.
Waqti ka dib, liiska alaabaha la mamnuucay ayaa ka gudbay sahayda milatariga oo kaliya, wuxuuna gaaray cuntada iyo bacriminta.
Bilowgii, Jarmalku wuxuu ku guuleystay inuu yareeyo saameynta arrintan isagoo adeegsanaya ganacsi uu la yeeshay dalal dhexdhexaad ah iyo dedaallo gudaha ah. Laakiin markii dagaalku dheeraaday, soo dejintu si weyn ayey hoos ugu dhacday, waxaa yaraaday agabkii muhiimka ahaa, taasi waxay hoos u dhigtay wax-soo-saarka beeraha iyo warshadaha.
Saamaynta bulsho waxay ahayd mid aad u daran. Markii la gaaray 1916, yaraanta cuntadu waxay isu beddeshay qalalaase. Waxa loo yaqaan "Jiilaalkii Bagalka, ayaa noqday astaanta dhibaatada, taariikhyahannaduna waxay qiyaasaan in boqolaal kun oo rayid ah ay u dhinteen nafaqo-darro iyo cudurro.
Inkasta oo xannibaaddu aysan ahayn sababta keliya ee guuldarrada Jarmalka, haddana taariikhyahannadu si weyn ayay u aaminsan yihiin inay ahayd arrin weyn oo wiiqday awoodda dalka ee uu ku sii wadi karo dagaalka.
Isbahaysiga WW2 ee go'doominta Japan

Xigashada Sawirka, Galerie Bilderwelt / Getty Images
Ku tiirsanaanta Japan ee marinnada sahayda badda ayaa ka dhigtay mid si gaar ah ugu nugul xannibaad. Iyadoo ah dal jasiirad ah, waxay ku tiirsanayd waddooyinka maraakiibta si ay u soo dejiso shidaal, agab ceeriin iyo cunto, isla markaana u gaarsiiso sahay ciidamadeeda ku kala sugan Badweynta Baasifigga.
Laga bilaabo 1943, ciidamada badda maraykanka waxay si isa soo taraysa u beegsanayeen maraakiibta ganacsiga ee Japan, halka hawlgallada miino-dhigista badda, ay sii carqaladeeyeen marinnada badeed ee muhiimka ah.
Sanadihii ugu dambeeyay ee dagaalka, maraakiibtii ganacsiga ee Japan badankood waa la burburiyay. Qiimeynihii dagaalka ka dib waxay muujinayaan in burburkan uu ahaa qodob weyn oo sababay burburka dhaqaalihii ay ku tiirsanayd xilliga dagaalka.
Si ka duwan Jarmalka Japan ma lahayn waddooyin dhul oo ay kaga hortagto cadaadiskaas.
Inkasta oo isdhiibisteedu ay ka dhalatay arrimo badan, oo ay ku jiraan duqeymaha nukliyeerka iyo ku biiristii midowgii Soviet ee dagaalka, jarista marinnada sahayda badda ayaa door muhiim ah ka ciyaartay.
1962 'Karantiilkii badda' ee Cuba

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Xannibaaddii badda" ee Cuba sanadkii 1962 waxay muujinaysaa isticmaal kale oo cadaadis badeed ah. Maraykanku si ula kac ah uguma yeerin tallaabadiisa "xannibaad", balse wuxuu adeegsaday erayga "karantiil" si uu uga fogaado cawaaqib sharciyeed.
Xilligii madaxweyne John F. Kennedy, ciidammada badda ee Maraykanka ayaa la geeyay si ay uga hortagaan in qalab milatari oo Soofiyeeti ah uu gaaro Cuba.
Ujeeddadu waxay ahayd mid xaddidan oo cad, sida in la joojiyo rakibidda gantaallo dheeraad ah iyo in la abuuro cadaadis lagu galo wadahadal lala yeesho Moscow.
Hawlgalku wuxuu socday wax ka yar hal bil, wuxuuna inta badan u shaqeeyay sidii ka-hortag. Iyadoo laga baqayo iska horimaad, maraakiibtii Soofiyeeti qaarkood ayaa dib u noqday.
Iyadoo ay weheliso diblomaasiyad xooggan, xaaladdii cakirnayd waxay ku dhammaatay in gantaalladii Soofiyeeti laga saaro Cuba, isla markaana si qarsoodi ah gantaalladii Maraykanka looga saaro Turkiga.
Marka lagu qiimeeyo ujeeddadii la sheegay, "karantiilka" waxaa si weyn loogu arkayey mid guul leh.
Xayiraaddii badda ee QM ay ku soo rogtay Ciraaq

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Cunaqabataynta badeed ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay Ciraaq, Ka dib duullaankii Ciraaq ay ku qaaday Kuweyt sanadkii 1990, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu soo rogay cunaqabatayn ballaaran, oo ay ku jireen tallaabooyin lagu kormeero laguna xaddido dhaqdhaqaaqa maraakiibta badda.
Xakamayntan, oo socotay 1990-meeyadii ilaa bilowgii 2000-meeyadii, waxay noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaalladii lagu go'doomiyay Ciraaq dhaqaale ahaan looguna qasbay inay u hoggaansanto dalabaadka caalamiga ah.
Inkastoo marin-badeedka Ciraaq uu xaddidnaa, haddana fulinta xeerarka badda waxay door ka ciyaartay yareynta dhoofinta shidaalka. Si kastaba ha ahaatee, waddooyinka dhulka ayaa u suurtageliyay in qayb ka mid ah cunaqabataynta laga baxsado, taasoo hoos u dhigtay saameynta xannibaadda ay ku yeelatay dalkaas.
Cunaqabatayntii badda ee ka dhanka ahayd Yugoslavia-dii hore

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intii lagu jiray dagaalladii Balkanka, cunaqabatayntii Qaramada Midoobay ee ka dhanka ahayd Jamhuuriyaddii Federaalka ee Yugoslavia waxaa la saaray badda, iyada oo loo marayo hawlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen NATO iyo Midowga Yurub.
Badda Adriatic intii u dhaxaysay 1992 iyo 1996, kumannaan markab ayaa la baaray, boqollaalna waa la leexiyay ama la joojiyay. Juqraafi ahaan goobta oo xaddidanayd ayaa ka dhigtay fulinta hawlgallada mid fudud.
Hawlgalladani waxay xoojiyeen saameynta cunaqabataynta iyagoo kordhiyay kharashka, Hase yeeshee, kaligood ma aysan soo afjarin dagaalka.
Waxaa loo baahday isku dhaf ballaaran oo cadaadis milatari iyo mid diblomaasiyadeed si loo gaaro heshiis.
Go'doomintii Qasa

Xigashada Sawirka, Majdi Fathi / NurPhoto via Getty Images
Go'doomintii Qasa oo socotay tan iyo 2007, waa qayb ka mid ah nidaam ballaaran oo xaddidaya dhaqdhaqaaqa, ganacsiga iyo helitaanka kheyraadka Qasa
Markii la adkeeyey go'doomintii badda laga bilaabo 2009, door weyn ayey ka ciyaartay xaddididda marin u helidda badda. Israa'iil waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay lagama maarmaan u yihiin ka hortagga tahriibinta hubka. Hay'adaha bani'aadannimada ayaa ku doodaya in ay si weyn u dhaawaceen dhaqaalaha Gaza iyo xaaladaha nololeed.
Sharci ahaan go'doomintaan waxa ay ahayd mid lagu muransan yahay, doodo iyo warbixinno laga sameeyey sanadkii 2024-kii ayaa keenay in la isla qaadan waayo, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda waxa ay muujisay welwel sii jira oo ku saabsan xaaladda dhulalka Falastiiniyiinta.
Inkasta oo xannibaaddu socotay sannado badan, haddana ma aysan joojin rabshadaha soo noqnoqda ee ka dhaca dhulkaas. Inkasta oo uu jiro cadaadis, haddana ma aysan keenin amni waara ama xal siyaasadeed.
Go'doomintii uu Sacuudiga hogaaminayey ee Yaman

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo 2015, isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudigu wuxuu soo rogay xannibaado ku saabsan dekedaha iyo hawada Yaman, isagoo ujeeddadiisu tahay in la xaddido hubka u gudbaya ciidamada Xuutiyiinta.
Yaman waxay si weyn ugu tiirsan tahay soo dejinta alaabaha, sidaas darteed tallaabooyinkan waxay si toos ah u saameeyeen shacabka rayidka ah. Qaramada Midoobay waxay si isdaba joog ah uga digtay halista macluul, yaraanta shidaalka, iyo cadaadiska ku yimid nidaamka caafimaadka.
Waxaa jiray habab kormeer ayaa loo dejiyay si loo isku dheellitiro welwelka amniga iyo baahiyaha bani'aadamnimo, balse dib u dhacyada ayaa marar badan carqaladeeyay gaarsiinta sahayda.
Go'doomintani, waxay kordhisay cadaadiska saaran Xuutiyiinta, balse ma keenin natiijo wanaagsan. Balse waxay ka qayb qaadatay xaalad bani'aadamnimo oo muddo dheer socota, isla markaana waxay dhalisay dhaleecayn caalami ah oo joogto ah.











