Maxay ahayd hadiyaddii laga qaaday Soomaaliya ee 'Nabi Ciise loo geeyay markii uu dhashay'?

Waxaa khatar weyn ku jira geedaha malmalka iyo luubaanka ama fooxa ee Somaliland ka dib markii ay bateen howlaha dahab qodista oo dad badan ay u go'een.

“Hadiyaddii dahabka, luubaanka iyo malmalka ahayd ee ay nabi ciise (CS) markii uu dhashay u geeyeen saddex nin oo caaqiliin ah waxaa laga qaaday halkan,” ayuu yiri nin oday ah oo hoos fadhiyay geed.

Waxa aan Aadan Xasan Saalax kula kulmay buurta Daallo oo ah qeyb ka mid ah buuraha Golis oo ku taalla Jamhuuriyadda Iskeed Madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

“Waddooyinkii loo isticmaali jiray gaadiidka geela ee ilaa bariga dhexe gaari jiray ee qarniyo ka hor ayaa waxaa laga arki karaa halkan,” ayuu yiri Aadan.

Wiil yar oo ku labisan maaliyadda naadiga Manchester United ayaa ka soo baxay meel aan iga fogeyn. Magiciisa waxaa la dhahaa Maxamed Saciid Cawid Carraale.

"Sida aan hubo inaad ogtahay, 'Puntland' waxay la macno tahay 'dhulka udgoonka ee wanaagsan'," ayuu yiri.

“Kun iyo shan boqol oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise, haweenaydii ugu awoodda badnayd Masar, Hatshepsut, waxay safar caan ah ku timid halkan, waxayna amartay in loo raro shan doonyood oo ay ka buuxaan saddexdii walxood ee qaaliga ahaa, ka dib na waxay dib ugu noqotay dalkeeda.

"Dahabka ayaa waxaa loo isticmaali jiray in lagu qurxiyo jirka haweeneyda Masar xukumi jirtay Hatshepsut. Foox ayaa lagu shidi jiray macbadkeeda, malmalkana waxaa loo isticmaalay in la mariyo markay dhimatay ka dib."

Dahabka, Beeyada iyo Malmalka ayaa laga dhoofin jiray deegaanka kumanaan sano. Beeyada inteeda badan waxa ay ka timaadaa Geeska Afrika.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dahabka qoda oo markii ugu horreysay buurta Daallo gaaray 2017-kii waxay horay u ahaayeen xoolo dhaqato.

Nimanka buurta Daallo saaran ayaa ah qayb ka mid ah dhibka taagan.

Waxay hormouud ka ahaayeen dhaq-dhaqaaq dahab raadin oo soo billowday qiyaastii shan sano ka hor, waxayna horseedeen in xididdada loo siibo geedaha fooxa iyo malmalka, oo qarniyo badan jiray.

"Ragga dahabka qoda ayaa ku soo qulqulay buuraha," ayuu yiri Xasan Cali Diiriye oo u shaqeeya hay'adda Candlelight ee deegaanka.

"Waxay gooyaan dhammaan dhirta marka ay nadiifiyaan meelaha laga qodo, waxay dhaawacaan xididdada geedaha marka ay dahabka qodayaan, ," ayuu yiri.

“Maalinba maalinta ka danbaysa waxa ay xaqiijinayaan in geedahaas qadiimiga ah ay sii dhintaan, waxa ugu horreeya geedaha malmalka ah, kuwaas oo la rujiyo marka ay dhulka baneeynayaan.

Geedaha Cadar-ka ah

Buurta korkeeda ah waxa ku yaalla tuulada fooxa ah oo dhirtaan fac ka fac ka dhaxli jirtay.

Qof dumar ah ayaa ku fadhida kursi caag ah oo ay ku hareereysan yihiin caruur, hooyooyinkooda iyo waxaro.

"Ma garanayo waxaad ka hadlayso," ayay tiri Racwi Moxamed Maxamud oo aan wax ka waydiiyay sheekada ku saabsan hadiyadd 3 sheey ee qaaliga ah.

"Waxa kaliya ee aan ogahay ayaa ah in qoyskaygu ay lahaan jireen dhirtan boqolaal sano, waa dhaxal aanu awoowayaasheen ka soo gaarnay."

Waxay wiil dhallinyaro ah ku amartay inuu u soo qaado foox dhawaan geedaha laga soo gooyay. Wuxuu soo baxay isagoo sita xirmo foox ah oo maro ku duuban, oo intuu dhulka dhigay ayuu furay. Hawada waxaa ka buuxsamay xaraf aad u macaan.

Fooxa marka hore waa la nadiifiyaa, la qalajiyaa oo la darajeeyaa ka hor inta aan laga iibin dilaaliinta u dhoofisa adduunka oo dhan si ay ugu carfiyaan kaniisadaha, masaajidda iyo goobaha kale iyo sidoo kale in la laga sameeyo dawo, saliidaha lagama maarmaanka ah, waxyaabaha la isku qurxiyo ee qaaliga ah iyo barfuunada qaaliga ah, oo ay ku jiro Chanel No 5.

"Fooxa waxaan u shidnaa si aan uga ceyrino daqsiga iyo kaneecada, waxaan qiiqa ka soo baxo sanka u saaraan si aan hargabka u daweyno, waxaana u isticmaalnaa daweynta bararka," ayay tiri Racwi

Kuwa geedaha ka soo jara iyo kuwa sii kala saara ayaa hela lacagta ugu yar ee laga sameeyo Beeyada, iyadoo kiiloogaraam-kii lagu iibiyo inta u dhaxaysa 5 ilaa 9 doolar. Waxaa soo baxay fadeexado ay ku lug leeyihiin dilaaliin aan naxariis lahayn iyo shirkado shisheeye oo hunguri ka galay.

Malmalka ayaa xoogaha ka qaalisan oo hadda kiilihii lagu iibiyaa 10 doolar. Sida fooxa oo kale, Malmalka waa xabag laga guray geedo yaryar oo qodxan leh.

Waxaa la aaminsan yahay in malmalka leeyahay jeermis dile kaas oo laga sameeyo daawada cadayga iyo waxyaabo kale.