You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Dolwadda Iiraan "kama qayb geli doonto wada-hadallada Arbacada" Warbaahinta Tasniim

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Iiraan aysan ka qeyb-geli doonin wada hadalladii la filayey in ay ka dhacaan Pakistaan, halka safarlii JD Vance uu ku tagi lahaa Islaamababaad uu baaqday

Tebin toos ah

Falcelinta Iiraan ee muddo kordhinta Trump

Wax yar kadib markii Trump uu ku dhawaaqay inuu muddo ku darayo waqtiga heshiiska xabbad-joojinta ee labada asbuuc ahaa, kaas oo ku ekaa maalinimada arbacada, ayaa Mahmoud Nabavian, oo ah xildhibaan Iiraan ah kana mid ahaa wafdigii wareeggii koowaad ee wadahadalladii u dhexeeyay Iran iyo Maraykanka ee ka dhacay Islamabad, waxa uu bartiisa X kusoo qoray in in “hadda laga bilaabo,” wadaxaajood lala yeesho Maraykanka uu yahay “mid gebi ahaanba dhibaato leh oo aan caqli gal ahayn.”

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xarunta Khatam al-Anbiya oo ah taliska ugu sarreeya militariga Iran, ayaa ka digay in ciidamada Iran, haddii weerar lagu qaado dalka, ay “beegsan doonaan bartilmaameedyo hore loo cayimay iyagoo siinaya cashar kale oo ka sii adag” Maraykanka iyo Israel.

Labada qoraal ee Nabavian iyo bayaanka Khatam al-Anbiya midkoodna ma xusin kordhin xabbad-joojin ah, inkastoo labaduba ay warbaahinta Iran baahiyeen kadib hadalka Donald Trump.

Ilaa hadda lama arag wax falcelin ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ama saraakiisheeda, sidoo kale ma jiro wax jawaab ah oo ka yimid guddoomiyaha baarlamaanka Iran iyo madaxa wadaxaajoodka, Mohammad Bagher Ghalibaf.

a