Maxay tahay xiisadda afka ah ee u dhaxaysa Israa'iil iyo madaxweyneyaasha Turkiga iyo Kuuriyada Koonfureed?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaliya dhowr maalmood kadib falcelintii Israa'iil ee hadallada Khawaja Muhammad Asif, wasiirka gaashaandhigga Pakistan, madaxweyneyaasha Turkiga iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa bartilmaameed u noqday dhaleeceyn culus oo ka timid mas'uuliyiinta Israa'iil.
Maalmihii u dambeeyay, Benjamin Netanyahu, ra'iisul wasaaraha Israa'iil, iyo mas'uuliyiin kale oo dalkaas ah ayaa si adag uga falceliyay hadallo hore oo ka soo yeeray Recep Tayyip Erdoğan, madaxweynaha Turkiga, iyagoo ku baahiyay baraha bulshada.
Faafinta farriin uu diray madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ee baraha bulshada ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay falcelin adag oo ka timid Israa'iil.
Dhanka kale, qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in khilaafaadka diblomaasiyadeed ee Israa'iil ay la leedahay dalal badan ay sii kordhayaan.
Bare sare François Blo, oo ah agaasimaha hay'ad cilmi-baaris, ayaa ku qoray barta X: "Toddobaadyadii la soo dhaafay, Israa'iil waxay ku jirtay khilaafyo diblomaasiyadeed oo ay la leedahay Spain, Faransiiska, Talyaaniga, Kuuriyada Koonfureed, Pakistan iyo Turkiga. Xaaladdan ma u muuqato mid deggen, waxaana suurtagal ah inay sii xumaato."
Wuxuu intaas ku daray: "Aragtida guud ee caalamka si weyn ayay uga soo horjeesatay Israa'iil, dowladaha dimuqraadiga ahna waxaa qasab ku ah inay tixgeliyaan aragtida muwaadiniintooda."
Falcelinta Israa'iil ee hadallada madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed
Xiisaddu waxay cirka isku shareertay markii Lee Jae-myung, madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, uu baraha bulshada ku faafiyay muuqaal lagu sheegay inuu muujinayo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay geysteen ciidamada Israa'iil.
Iyadoo falcelin ka bixinaysa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay: "Hadalka madaxweynaha Kuuriyad Koofureed, oo soo baxay hal maalin ka hor maalinta xusuusta Holocaust ee Israa'iil, isla markaana hoos u dhigaya xasuuqii Yuhuudda, waa mid aan la aqbali karin oo la cambaareynayo."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasaaraddu sidoo kale waxay ku andacootay in muuqaalkani la baahiyay sanadkii 2024, isla markaana uu faafiyay akoon been abuur ah oo u soo bandhigay sidii dhacdo hadda taagan; akoon ay Israa'iil sheegtay inuu hore u faafiyay xog khaldan oo ka dhan ah dalkaas.
Bayaan-ka waxaa lagu sheegay in dhacdadani ay ka dhacday howlgal ka dhan ah "argagixisada," islamarkaana waqtigaas ciidamada Israa'iil ay wajahayeen khatar toos ah, arrintaasna horay si buuxda loo baaray.
Israa'iil ayaa sidoo kale dhaleeceysay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, iyada oo sheegtay inuusan xusin doorka "argagixisada" ee dhacdadan ama weerarradii u dambeeyay ee Iran iyo Xisbullah.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa ku talisay in "ka hor inta aan wax la faafin, la hubiyo saxnimadooda."
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Israa'iil ay "si khaldan u fahantay" hadallada madaxweynaha, waxayna adkaysay in hadalladu ay ahaayeen kuwo taageeraya xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha. Sidoo kale, Seoul waxay sheegtay inay cambaareyneyso dhammaan noocyada rabshadaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiisad hadal ah oo u dhaxeysa Turkiga iyo Israa'iil
Iyadoo ay jiraan isbeddelladan, xiisadda u dhaxaysa Turkiga iyo Israa'iil ayaa sii xoogaysatay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa Benjamin Netanyahu ku tilmaantay "Hitler-ka casriga ah," waxayna ku eedeysay inuu isku dayayo inuu wiiqo wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.
Bayaan-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah Benjamin Netanyahu oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, isla markaana Israa'iil ay hortaal dacwad la xiriirta xasuuq ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ujeeddada hadda ee Netanyahu waa "inuu carqaladeeyo wadahadallada nabadda isla markaana uu sii wado siyaasaddiisa fidinta ah ee gobolka.
Haddii uu ku guuldareysto, waxaa suuragal ah in gudaha dalkiisa lagu maxkamadeeyo oo xabsi lagu xukumo."
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in hadalladii ugu dambeeyay ee mas'uuliyiinta Israa'iil ee ka dhanka ah madaxweynaha Turkiga ay yihiin "kuwo aan sal lahayn oo ka dhashay walaac ay ka qabaan xaqiiqooyinka uu Turkigu soo bandhigayo."
Xiisaddan ayaa sii xoogaysatay kadib markii Netanyahu uu barta X ku sheegay in Israa'iil "ay sii wadi doonto la dagaallanka nidaamka argagixisada ee Iran iyo wakiilladiisa, si ka duwan Erdoğan oo aqbala iyaga isla markaana gacan ka geysta dilka muwaadiniintiisa Kurdiga ah."
Falanqeeyeyaashu waxay sheegayaan in mid ka mid ah walaacyada ugu waaweyn ee Turkiga ay tahay suurtagalnimada xasillooni darrada Iran iyo saameynta ay ku yeelan karto gobolka, oo ay ku jiraan khatarta dagaal sokeeye iyo fiditaanka xasilooni darrada.
Xaaladda Suuriya ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid ka mid ah sababaha kale ee xiisadda u dhexeeya labada dal.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muran ka dhashay hadalka Wasiirka Difaaca Pakistan
Horey, xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa cambaareeyay hadallada Khawaja Maxamed Asif, wasiirka gaashaandhigga Pakistan, oo uu Israa'iil ku tilmaamay "kansar."
Wasiirka gaashaandhigga Pakistan ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in: "Iyadoo wadahadallo ay ka socdaan Islamabad, xasuuq ayaa ka socda Lubnaan.
Dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa lagu dilayaa hawlgallada Israa'iil—markii hore Qasa, kadib Iran, haddana Lubnaan—iyadoo dhiig-baxyo isdaba joog ah ay sii socdaan."
Farriintan ayaa la tirtiray saacado yar kadib.
Iyadoo falcelin laga bixinayo, xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in hadalladan ay yihiin kuwo "aad u kicinaya xanaaq" isla markaana aan laga aqbali karin dowlad kasta, gaar ahaan dowlad door dhex-dhexaadin ah ka ciyaaraysa.
Sidoo kale, Gideon Saar, wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil, ayaa sheegay in ku tilmaamidda Israa'iil "kansar" ay la micno tahay baaq lagu doonayo in la baabi'iyo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Israa'iil "ay iska difaaci doonto hanjabaadaha."












