Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo bayaan soo saaray markii dib ugu laabtay Iiraan
Mohammad Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan oo ahaa madaxa wadahadaladii u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka ee ka dhacay Pakistan, ayaa soo saaray bayaan markii uu dib ugu laabtay Iiraan.
Isaga oo ka jawaabaya hadallada ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayuu sheegay in “cajuglaynta noocaas ahi aysan wax saameyn ah ku lahayn dadka Iiraan” isla markaana Iiraan aysan “is dhiibi doonin marka loo hanjabo”.
Sida ay weriyeen warbaahinta Iiraan, Ghalibaf ayaa ku yiri Trump: “Haddii aad dagaallantaan, waan dagaallamaynaa; haddii aad caqli iyo dood la timaaddaanna, waxaan idiinku jawaabaynaa caqli.
"Uma hoggaansami doonno hanjabaad kasta. Haddii ay mar kale tijaabiyaan go’aankeenna, waxaan bari doonnaa cashar ka weyn kii hore.”
Sidoo kale hadalkiisa waxaa uu Ghalibaf ku sheegay in Tehran ay bilowgiiba sheegtay inay “aaminsanayn Mareykanka” ayna tahay inay “kasbadaan” kalsoonida Iiraan, maadaama ay weerareen Iiraan laba jeer intii ay wadahadalladu socdeen muddo ka yar sannad gudahiis.
Dagaalka billowday 28-kii Febraayo ee sannadkan iyo dagaalkii 12-ka maalmood qaatay ee dhacay bishii Juun ee sannadkii hore, ayaa labaduba billowday xilli Iiraan iyo Mareykanku ay ku jireen wadahadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan ee muddada dheer lagu muransanaa.















