Sheeka-xariirada ay ciidanka Botswana ka sheegaan Janaraal Caydiid

Xigashada Sawirka, Xuquuqda Getty Images, Hagaajinta: BBC
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Madaxweyne Duma Boko ayaa ciidamada Botswana u sheegay in askarta dalkiisa ay mar ka hortageen xoogaggii Maxamed Faarax Caydiid ee ku sugnaa magaalada Baydhabo, isaga oo dib u xusay sheeko xariiro uu sheegay inay muujinayso sumcadda Ciidanka Difaaca Botswana (BDF).
Hawlgalka uu ka hadlay in Ciidanka Botswana loogu diray Soomaaliya, waa xaqiiq. Dagaalka uu sheegayse kama muuqdo diiwaannada taariikhiga ah ee la heli karo xogaha howlgalkaas ku saabsan, waxaana madaxweynuhu laftiisu sheekada u dhigay qaab sheeko xariiro ahaan loo weriyo.
Isagoo ka hadlayay doorkiisa ah Taliyaha Guud ee Ciidamada, lana hadlayay saraakiisha sare ee BDF, ayuu Boko wuxuu soo hadal qaaday hawlgalkii ugu horreeyay ee ciidankaasi dibadda uga qayb qaato, in ka badan soddon sano ka hor. Wuxuu sheekadan kusoo hadalqaaday khudbadda oo lagu baahiyay boggiisa rasmiga ah ee Facebook, toddobaadkan gudihiisa, 26-dii May.
Wuxuu sheegay in ciidamada Botswana loo diray Soomaaliya, "meel la yiraahdo Baydhabo", halkaas oo Caydiid "dadka ku cabsi gelinayay", islamarkaana ciidammo nabad ilaalin ah oo hore uga hawlgallay ay ku guul darreysteen inay wax badan ka qabtaan.
"Kadibna waxaa halkaas gaaray cutub ka tirsan Ciidanka Difaaca Botswana," ayuu yiri.
Duma Boko ayaa sharxay waxa uu ku sheegay inuu ahaa imtixaan lagu tijaabinayay awoodda ciidanka dalkiisa, isaga oo si taxaddar leh ugu tilmaamayay in sheekadaasi tahay mid la isku weriyo.
"Sheeka xarriiradu waxay sheegaysaa in markii ay yimaadeenba, ciidamada Maxamed Faarax Caydiid ay na tijaabiyeen."
Jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Botswana, ayuu intaas ku daray, "waxay ahayd mid isku dubbaridan oo xooggan, waxayna xakameeyeen weerarkii ciidamada Maxamed Faarax Caydiid, taas oo Ciidanka Difaaca Botswana u horseeday ixtiraam ay ka helaan shacabka deegaanka Baydhabo."
"Waxa kale oo sheekadu sii waddaa," ayuu yiri, in dadka deegaanka ay markii dambe diideen inay la macaamilaan ciidamo nabad ilaalin ah oo aan ahayn kuwa Botswana.
Hadalkaas waxaa sacab ugu jiibiyay dadkii goobta khudbada madaxweynaha joogay.

Xigashada Sawirka, Duma Boko
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa run. Botswana ciidamo ayay u dirtay Soomaaliya, waxayna qayb muhiim ah ka tahay taariikhda militariga dalkaas, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay ee ciidamada Botswana ay ka hawlgalaan meel ka baxsan xuduudaha Botswana.
Qiyaastii 300 askari oo Botswana ah, oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Thulaganyo Masisi, ayaa Soomaaliya yimid bishii December 1992, iyagoo qayb ka ahaa Hawlgalkii Midaysnaa ee uu Maraykanku hoggaaminayay ee loo yaqaanay Operation Restore Hope.
Markii hawlgalkaas loo wareejiyay Qaramada Midoobay, Botswana waxay ciidamo ku sii haysay Soomaaliya ilaa hawlgalkii QM uu dhammaaday 1995.
Warbixin uu daabacay wargeyska dowladda Botswana ee Daily News ayaa hawlgalkaas ku xusay inuu sumad u yahay anshaxa ciidamada iyo xiriirka ay la lahaayeen shacabka rayidka ah, halkii ay dagaallo ku caan bixi lahaayeen.
Sida ku xusan warbixintaas, shacabka Soomaaliyeed ayaa si diirran u soo dhoweeyay ciidamada, iyagoo ku dhawaaqayay magaca Botswana markii kolonyada militarigu marayeen, sidoo kalena la wadaagayay xog ku saabsan meelaha hubka lagu qariyo.
Taariikhda rasmiga ah ayaa sidoo kale sheegaysa in Botswana ay hawlgalka ku dhammaysatay iyada oo aan wax askari ahi kaga dhiman dagaal, inkastoo hal askari uu kaga naafoobay qarax bam.
Ma jiro diiwaan taariikhi ah oo si fagaare ah loo heli karo oo sheegaya dagaal ay ciidamada Botswana kaga adkaadeen gudaha Baydhabo maleeshiyaadka Caydiid.
Qaybo badan oo ka mid ah sheekada madaxweynaha ayaa ka duwan taariikhda la diiwaangeliyay ee nabad-ilaalintii Soomaaliya.
Intii lagu jiray faragelintii caalamiga ahayd, Baydhabo oo ku taalla gobolka Bay waxay ahayd xarunta guuto ka tirsan ciidamada Hindiya oo ay ku jireen saddex guuto oo Hindi ah, iyadoo sidoo kale ay ku sugnaayeen ciidamo Maraykan iyo Australian ah oo meelaha u dhow joogay.
Diiwaannada la heli karo ma sheegayaan in ciidamada Botswana ay maamulayeen magaalada ama inay ku guulaysteen meel ay ciidammo kale ku fashilmeen.
Madaxweyen Boko wuxuu sheegay in sheegashada ah in ciidamada Caydiid ay tijaabiyeen ciidamada difaaca Botswana kadibna dib loo celiyay ay tahay "sheeko-xariiro". Sidoo kale, ma jiro diiwaan militari ama mid Qaramada Midoobay ah oo waqtigaas la qoray oo u muuqda inuu xusayo iska horimaad noocaas ah.
Tirada khasaaraha ee Botswana lafteedu sheegtay sidoo kale ma taageerayso jiritaanka dagaal weyn oo ay la galeen ciidamada Janaraal Caydiid.
Dagaalladii tooska ahaa ee Caydiid uu la galay ciidamada caalamiga ah waxay inta badan ka dhaceen Muqdisho sanadkii 1993.
Maleeshiyaadkiisu waxay ku dileen 24 askari oo Pakistani ah weerar gaadmo ah bishii Juun ee sanadkaas, weerarkaasi oo horseeday dadaal uu Maraykanku hoggaaminayo oo lagu doonayay in lagu qabto Caydiid, kuna dhammaaday dagaalkii markii dambe si weyn loogu wanqalay magaca Black Hawk Down.
Ciidamada sida tooska ah ula dagaallamay maleeshiyaadka Caydiid waxaa ka mid ahaa kuwa Pakistan, Talyaani iyo Maraykan ah.
Caydiid wuxuu joogitaan xooggan ku lahaa Baydhabo ka hor intii aysan faragelinta caalamiga ahi bilaaban.
Sanadkii 1992, maleeshiyaadkiisu waxay la wareegeen magaalada intii uu socday dagaal sida weyn u saameeyay bulshada deegaanka.
Sheekada madaxweyne Boko waxay u muuqataa inay isku dartay dhacdadaas hore iyo colaaddii dambe ee dhex martay ciidamada Caydiid iyo ciidamadii caalamiga ahaa ee nabad ilaalinta.
Qaybta ugu dambeysa ee hadalka madaxweynaha, ee ku saabsan ixtiraamka ay ciidamada Botswana ka heleen shacabka deegaanka, waxay la jaanqaadaysaa waxyaabo lagu xusay warbixinno rasmi ah.
Taariikhda militariga Botswana lafteeda ayaa tilmaamaysa sumcadda wanaagsan ee militariga Botswana ay ka kasbatay Soomaaliya, taas oo ku timid hab-dhaqankooda iyo anshaxooda intii hawlgalku socday.
Sumcaddaasi ayaa laga yaabaa inay sharxayso halka ay ka timid sheeka-xarriirada uu madaxweynuhu dib u xusay.
Ixtiraamka ay heleen wuxuu u muuqdaa mid dhab ahaa, inkastoo sheekada guusha dagaal ee laga gaaray maleeshiyaadka Caydiid aysan ka muuqan diiwaannada taariikhiga ah ee la heli karo.











