Wasiirka Difaaca Afqaanistaan Mullah Yaqoob oo booqasho ku tagay Ruushka lana saxiixday Ruushka heshiis 'nidaamka difaaca hawada'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay BBC in wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Taliban ee Afghanistan, Mullah Maxammad Yaqub Mujahid, uu ku guuleystay inuu ku qanciyo Ruushka inay siiyaan dowladdiisa nidaam casri ah oo difaaca hawada ah.
Sida laga soo xigtay ishaas, arrintan ayaa horey wadahadal uga socday Moscow, waxaana horumar wax ku ool ah laga sameeyay ballanqaadyadii ay Ruushku bixiyeen intii lagu jiray booqashadii dhowaan ee wasiirka gaashaandhigga.
Weli ma cadda in heshiisku uu ku koobanyahay qalabka difaaca hawada oo keliya ama uu sidoo kale ku jiro hubka weerarka sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka. Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC in labada dhinac ay gaareen heshiis ay ku jiraan qalabka difaaca hawada, qalab militari oo dhulka ah, iyo tababar loo fidinayo ciidamada dowladda Taliban.
Heshiiskan ayaa lagu gaaray caasimadda Ruushka ee Moscow, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen la-taliyaha amniga qaranka Ruushka, Sergei Shoigu, iyo wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Taliban, Mullah Maxammad Yaqub Mujahid.
Tan iyo markii ay Taliban la wareegeen awoodda Afghanistan, dowladda Taliban waxay xiriir dhow la lahayd Ruushka, waxaana muddadaas booqashooyin badan oo heer sare ah ku tageen Ruushka.
Ilo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kabul ayaa sheegaya in heshiiskan uu si rasmi ah u xaqiijinayo heshiisyadii ay dowladda Taliban iyo Ruushku ka gaareen dhinaca difaaca.
Mullah Mohammad Yaqub Mujahid ayaa Talaadadii gaaray Moscow si uu uga qeyb galo shir caalami ah oo amniga ku saabsan. Waqtigaas, ilo ka tirsan dowladda Taliban ayaa u sheegay BBC in diyaarinta booqashadan ay horey u socotay, islamarkaana wafdi horudhac ah loo diray Moscow.
Mullah Yaqub Mujahid ayaa intii uu kulan la lahaa la-taliyaha Golaha Ammaanka Ruushka, Sergei Shoigu, sheegay in:"Ruushku uu yahay dal muhiim ah oo ka tirsan gobolka iyo caalamkaba, xiriirka aan la leenahay Ruushkana uu noo leeyahay muhiimad gaar ah. Waxaan rabnaa in xiriirradan ay noqdaan kuwo sii xoogeysanaya oo sii ballaaran."

Xigashada Sawirka, Taliban MOD
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ruushka ayaa ka mid ah dalalka yar ee aan xirin safaaraddooda Kabul xitaa kadib markii Taliban ay talada la wareegeen iyo bixitaankii ciidamada Maraykanka sanadkii 2021.
Intaa waxaa dheer, sanadkii 2022, Ruushka wuxuu sidoo kale la saxiixday dowladda Taliban heshiis dhaqaale oo weyn oo ku saabsan shidaalka, gaaska, iyo qamadiga oo laga iibinayo Afghanistan.
Ruushka iyo dalalka Bartamaha Aasiya ayaa marar badan muujiyay walaac ku saabsan joogitaanka kooxaha xagjirka ah ee Afghanistan, hase yeeshee Mullah Maxammad Yaqub Mujahid ayaa carrabka ku adkeeyay tallaabooyinka ay dowladdiisu ka qaaday kooxahaas.
Wuxuu sheegay in dowladdiisu aysan oggolaan doonin in dhulka Afghanistan loo isticmaalo weerarro ka dhan ah dalal kale, balse dammaanadqaadyadan ayaan weli si buuxda u dejin dhammaan walaacyada jira.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore sheegay in sii wadidda xiriirka lala yeesho dowladda Taliban ay muhiim u tahay wax ka qabashada xaaladda isbeddelaysa ee Afghanistan, isla markaana aanu jirin dal saamayn ku yeelan kara Afghanistan isagoo aan xiriir la lahayn hoggaanka hadda jira.
La-taliyaha Golaha Ammaanka Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku sii socdo dhanka sameysashada "iskaashi buuxa" oo lala yeesho dowladda Taliban, isla markaana uu dhiirrigelinayo dalalka kale ee gobolka inay kordhiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Kabul.
Tani waa markii ugu horreysay ee wasiirka gaashaandhigga, Mullah Maxammad Yaqub Mujahid, uu saxiixo heshiis iskaashi militari iyo farsamo la xiriira oo uu la galo dal ka tirsan gobolka, iyadoo daciifnimada difaaca cirka ee Afghanistan ay si muuqata u soo baxday kadib xiisadihii dhawaan dhex maray Afghanistan iyo Pakistan.

Xigashada Sawirka, Taliban MOD
Waxaa xusid mudan in xiisadda u dhexeysa Taliban-ka Afghanistan iyo Pakistan ay socotay bilihii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, xiisaddan ayaa isu beddeshay dagaal ballaaran kadib markii qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Islamabad bishii Febraayo uu dilay in ka badan labaatan qof.
Pakistan ayaa sheegtay in ururka mamnuuca ah ee Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP) uu isticmaalo dhulka Afghanistan si uu weerarro uga fuliyo gudaha Pakistan, islamarkaana uu taageero ka helo Taliban-ka Afghanistan.
Taliban-ka Afghanistan ayaa beeniyay eedeymahan ay Pakistan soo jeedisay.
Hase yeeshee, kadib weerarkii Imaambargaha bishii Febraayo iyo hawlgallo kale oo ay kooxaha hubeysan fuliyeen, Pakistan ayaa sheegtay inay 27-kii Febraayo weerartay 22 bartilmaameed oo militari oo ku yaalla Afghanistan.











