You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow toddobada dal ee ugu yar adduunka
Waxaa jira dalal aad u yaryar oo adduunka ku yaal oo aad ku dhex safri karto waqti yar oo yaab leh, xitaa maalin gudaheed. Halka kuwa kale ay qorsheynayaan safarro toddobaadyo ama bilo ah si ay u sahamiyaan waddan gaar ah, kuwani gabi ahaanba way ka duwan yihiin.
Akhristaha Afrikada Bari, waxaa laga yaabaa inay ku adkaato inuu qiyaaso dal dhan oo ka yar xitaa degmo. Laakiin runtu waxay tahay in quruumahaas qaarkood ay le'eg yihiin meelaha ugu yar Soomaaliya.
In kasta oo baaxaddoodu yar tahay, haddana dalalkani waxay leeyihiin taariikh qani ah, dhaqan gaar ah iyo soo jiidasho leh oo soo jiita dalxiisayaasha adduunka oo dhan. Xajmigooda yari ma dhimayo muhiimadda ay u leeyihiin khariidadda adduunka.
Hoos waxaa ku qoran liiska toddoba waddan oo yaryar oo adduunka ah oo, mid mid, waxaad booqan kartaa ku dhowaad dhammaantood maalin ama dhowr saacadood gudahood.
7. Malta
Malta waa qiyaastii 316 kilomitir oo laba jibbaaran. Tani way ka yara weyn tahay waddamada kale ee liiskan ku jira, laakiin wali way yar tahay oo waxaa kugu filan inaad ku wareegto maalin gudaheed haddii aad si fiican u qorsheysato.
Bariga Afrika, Malta waxay le'eg tahay magaalo weyn sida Arusha iyo agagaarkeeda.
Taas macneheedu waxa weeye in aad gaari u raaci karto cirif ilaa cirifka kale, maalin gudaheedna aad booqato meelaha ugu muhiimsan.
Malta waxay leedahay taariikh dheer, dhismayaal qadiimi ah, xeebo qurux badan, iyo magaalooyin xiiso leh. Inkasta oo ay yar tahay, waxay leedahay wax badan oo ay bixiso, laakiin qorshe wanaagsan, waxaad booqan kartaa dhammaan meelaha ugu muhiimsan ee dalkan maalin gudaheed.
6. Liechtenstein
Liechtenstein waa qiyaastii 160 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Waxa ay xad la leedahay Switzerland iyo Austaria waana mid ka mid ah waddamada ugu yar laakiin ugu dhaqaalaha badan.
Cabbirkeeda waxaa la barbar dhigi karaa Thika iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan marka la eego aagga magaalada iyo agagaarkeeda, gudaha Kenya.
Waxaad kaga gudbi kartaa dhinac ilaa dhinaca kale wakhti yar gudaheed baabuur.
In kasta oo ay weyn tahay, waxay leedahay buuro qurux badan, tuulooyin soo jiidasho leh iyo dhaqaale xooggan. Waa waddan aad maalin gudaheed booqan karto welina aad arki karto dhammaan waxyaabaha soo jiidashada leh ee dhinac walba ah.
5. San Marino
Baaxadda San Marino waa qiyaastii 61 kiiloomitir laba jibaaran. Waxa ay ku taallaa qaaradda yurub waana mid kamid ah wadamada aduunka ugu faca weyn.
Marka la eego baaxadda, waxay u dhowdahay magaalada Moshi, Kilimanjaro, Tanzania.
In kasta oo 61 kiiloomitir uu labo jibbaaran yahay oo taasi aanay badnayn, waxaad ku dhex safri kartaa maalin gudaheed, adigoo wata baabuur oo aad ku qaadan karto saacado yar.
Dalkani waxa uu leeyahay buuro iyo dhismayaal taariikhi ah oo aad usoo jiidanaya dalxiisayaasha. Maalin gudaheed, waxaad booqan kartaa meelo badan oo muhiim ah waxaadna ku raaxaysan kartaa muuqaalkeeda.
4. Tuvalu
Tuvalu waa qiyaastii 26 kilomitir oo laba jibbaaran, waana mid ka mid ah waddamada ugu yar uguna nugul xagga isbeddelka cimilada.
Marka la barbardhigo Bariga Afrika, waxaa la barbar dhigi karaa aagga magaalo dhexdhexaad ah ama xitaa Kampala, Uganda ee qaybta dhexe.
Waa mid aad u yar oo aad ku booqan karto inteeda badan waqti aad u yar gudaheed.
Tuvalu waxay leedahay xeebo qurux badan iyo qaab nololeed deggan. Ma jiro wax gaadiid ah ama dhismayaal ah, taas oo ka dhigaysa mid aad uga duwan magaalooyinka waaweyn ee Bariga Afrika.
3. Nauru
Nauru waa jasiirad yar oo ku taal Badweynta Baasifigga, bedkeeduna waa qiyaastii 21 kiiloomitir oo laba jibaaran.
Cabbirkeeda waxaa lagu barbar dhigi karaa jasiiradda Chumbe. Jasiiraddan Zanzibar iyo dhulkeeda la ilaaliyo, waxay ku dhowdahay cabbirka Nauru.
Baabuur haddaad qaadato waxaad ku wareegi kartaa dalka hal ilaa laba saacadood gudahood.
Nauru ma laha magaalooyin waaweyn ama dhismayaal dhaadheer, laakiin waxay leedahay muuqaal dabiici ah iyo xasillooni gaar ah oo soo jiidata dadka jecel jawiga deggan.
2. Monaco
Monoco waa qiyaastii 2 kilomitir oo laba jibbaaran oo keliya. Waa mid ka mid ah dalalka ugu qanisan adduunka, caan ku ah qaab nololeedka raaxada, baabuurta qaaliga ah iyo tartanka Formula 1.
Cabbirkeeda waxaa la barbar dhigi karaa aagga Westlands ee Nairobi, halka Monaco ay ku dhowdahay kala bar baaxadda Kenya.
Taas macneheedu waxa weeye waxaad ka socon kartaa cirif ilaa cirifka kale wakhti aad u yar gudaheed.
Inkastoo ay yar tahay, Monaco waxaa ka buuxa dhismayaal qaali ah, hoteello iyo xeebo qurux badan. Waa waddan aad si buuxda u booqan karto maalin gudaheed oo aad weli arkeyso wax badan.
1. Vatican City
Magaalada Vatican-ka waa dalka ugu yar aduunka, cabirkeeduna waa 0.49 kiiloomitir laba jibaaran. Waxay ku taallaa gudaha magaalada Rome, Italy, waana xarunta adduunka ee kaniisadda Katooligga.
Marka la eego baaxadda, goobtani waa mid aad u yar oo la barbar dhigi karo aagga Kariakoo ee Daar es Salaam, halkaas oo ay ku yaalaan xarumaha ganacsiga, sidaas darteed Vatican-ka ayaa xitaa ka yar dhammaan aagga Kariakoo.
Xataa adigoo ku socda xawaare gaaban, waxaad ku socon kartaa dalka oo dhan hal saac ama laba kaliya.
Inkastoo ay yar tahay, Vatican-ka waxay leedahay meelo soo jiidasho leh sida St. Peter's Basilica iyo matxafyada caanka ah. Dalxiisayaashu waxay arki karaan dalka intiisa badan hal maalin gudaheed.