You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wiilka yar ee la ogaaday in uu ka maskax badan yahay Albert Einstein
David Camacho ma jeclaan doono ciwaanka maqaalkan.
Marka hore, sababtoo ah iskuma sifeeyio sifaha "ilmo caqli badan", inkasta oo Caqligiisu (IQ) uu yahay 162 uu aad uga sarreeyo heerka caadiga ah ee 130 ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) uu dejiyay ee qof leh karti sare ama hibo maskaxeed.
"Dad badan oo caqli leh qabriga ayay ku jiraan, haddii ay caqli badan yihiin, waxaa sabab u ahayd inay sameeyeen waxyaabo waaweyn," ayuu si xishood leh ugu sheegay BBC Mundo.
Tan labaad, wuxuu qirtay inuusan aad u jeclayn in lala barbardhigo dadka kale ee caqliga badan sida kuwa Stephen Hawking ama Albert Einstein, kuwaas oo lagu qiyaasay inay haysteen IQ gaarayay 160.
"Waxaan ahay 10 sano jir, hadda ayaa bilaabaya, laga yaabee inaan noqon doono mid caqli badan markaan 70 jirsado, oo aan sameeyo waxyaabo waawayn oo nolosha ah, sax?" isagoo dhoola cadeynaya ayuu ku adkeystay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal qof oo maskaxda badan oo uu jecelyahay kuna daysado kaa oo xitaa uu qaatay magaciisa dambe waana: 'David da Vinci'.
"Macallimkayga xannaanada wuxuu wax badan iiga sheegi jiray Leonardo da Vinci iyo sida uu u ahaa xisaabyahan maskaxda badan: qof ah isku-darka sayniska, tignoolajiyada, injineernimada, xisaabta, farshaxanka, bani'aadamnimada ... wax kasta," ayuu dib u xasuustay.
"Waan la dhacay sheekadiisa, ka dibna waxaan ku iri, 'Waxaan rabaa inaan noqdo isaga oo kale,' si aan u sameeyo waxyaabo waaweyn."
NASA ilaa iyo buug qoris
Waxa uu helay "fursad weyn" taa oo ah in loo doorto inuu tago xarunta NASA ee ku taalla Houston oo uu ka qayb qaatay barnaamijka tababarka hawada, halkaas oo ay u suuragashay inuu caaqiye duuliye ka noqday midka mid ah duulimaadyada oo uu sidoo kale helay waayo-aragnimo hawada sare ah.
Halkaas ayuu mustaqbalkoodu ku jihaysan karaa, laakiin iyada oo aan albaabbada la xidhin.
"Waxaan jeclaan lahaa in aan sameeyo qalliinka ugu horreeya ee hawada lagu sameeyo, si aan u abuuro SpaceX xiga kan hadda, si aan u noqdo Elon Musk-ga soo socda. Isku-dubarido dhammaan ganacsiyada, bani'aadamnimada ... noloshayda oo dhan waa ii dambeysaa!" ayuu yiri.
David wuxuu hadda wax ka bartaa dugsi caalami ah oo online ah kaas oo u horseedi doona inuu galo jaamacad. Wuxuu ku hadlaa Isbaanish, Ingiriis, Faransiis, iyo Jarmal, wuxuuna hadda bilaabay barashada Ruushka, Boortaqiiska, iyo Talyaaniga.
Caaydii uu badalay ganacsiga
David waxa uu sheegay in uu la kulmay cagajugleyn iyo handadaad "aad u weyn" oo kala kulmay caruurtii aan wax isla baran jireen ee dugsigii uu ku riyoon jiray.
"Carruurta kale ma aysan fahmi karin sababta qof hadda bilaabay dugsiga uu uga aqoon badan yahay iyaga ama sida uu u samayn karo waxyaabo badan. Sidii ay u falceliyeen waxay ahayd inay i caayaan," ayuu yiri.
David wuxuu dhawaan go'aansaday inuu u rogo khibradaas xanuunka leh ganacsi taa oo uu bilaabay in uu sameeyo Macayos oo ah app soo bixi doona dhamaadka sanadkan.
Waxa uu ku qeexay "Madal dijital ah oo ah tii ugu horeysay ee Mexico oo lagu abuuray xog aruurin macmal ah, taa oo si xiiso leh u baraysa carruurta xirfado si ay u maareeyaan shucuurtooda."
Dhammaan kuwa u xoogsheegta carruurta isaga oo kale ah, David wuxuu weydiisanayaa naxariis iyo isku-duubni. "Ma nihin shisheeyaha: waxaan leenahay awood sare, laakiin weli waxaan nahay caruur."
"Dad badan ayaa u haysta inaan ahay ilmo u labisan sida dadka waaweyn, laakiin waxaan ahay ilmo sameeya waxyaabo caruurnimo ah... iyo weliba waxyaabo dadka waaweyn," ayuu soo koobay.
Ogaanshaha hibadiisa
Waxa uu nasiib u yeeshay in la ogaado hibadisa horaantii noloshiisa.
Tiro badan oo caruur ah ayaa lagu sifeeyaa in ay qabaan xaaladda (ADHD) sababtoo ah waxay ku caajiseen dugsiga. Waxa kale oo lagu khaldi karaa autism.
"Arrintu waxay tahay, ilmuhu mar hore wuu fahmay waxa loo sharraxay wuxuuna doonayaa wax dheeraad ah," Claudia ayaa tiri.
Dhab ahaantii, marka loo eego qiyaasaha hay'adaha sida Xarunta Horumarinta Kartida (CEDAT), waxaa jiri kara hal milyan oo carruur hibo leh oo ku nool Mexico. Si kastaba ha ahaatee, inta badan lama aqoonsan, 93% ka mid ah ayaa si khaldan loo baaray.
"Waan hubaa inay jiraan caruur badan oo aniga oo kale ah oo ku nool Mexico kuwaas oo aan la taageerin ama la hagin. Aad bay ii murjisay inaan arko inay jiraan xirfado waaweyn oo ay tahay inay u baxaan dalal kale sababtoo ah qoysaskooda ma haysan dhaqaale ama ma aysan helin fursado halkan," David ayaa yiri.