You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma suuragalbaa in Israa'iil weerarto Turkiga?
Dowladaha Israa'iil iyo Turkiga ayaa waxay lahaayeen xiriir diblumaasiyadeed oo sii xumaanayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu hadda gaaray heer laga yaabo in uu dagaal qarxo.
Hogaamiyayaasha dalalkan ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan, iyadoo laga cabsi qabo in labada dal ay is weeraraan.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa 11-kii Abriil ku eedeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu taageero "maamulka" ee Iran oo uu dilayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta.
15-kii Abriil, madaxweyne Erdogan ayaa khudbad uu jeediyay ku yiri "iyagoon xitaa ka fiirsan dhimashada 73,000 oo reer Gaza ah, waxay u soo baxeen inay farageliyaan qarankeena iyaga oo u maraya walaalaheena Kurdiyiinta."
Falanqeeyayaasha la hadlay BBC-da Turkiga ayaa sheegay in suurtagalnimada isku dhac dhexmara Turkiga iyo Israa'iil ay aad u sareyso, balse labada dhinac ay wadaan dadaallo ay kaga hortagayaan weeraro.
"Waxaan aragnaa tartan"
Xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa Turkiga iyo Israa'iil ayaa kor u kacday kadib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023, iyo hawlgalkii militariga Israa'iil ee Marinka Gaza.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, labada dal ayaa midba midka kale farta ku fiiqayay, illaa Turkiga uu ku dhawaaqay inuu joojinayo ganacsiga Israa'iil.
Professor Tugce Ersoy oo ka tirsan Waaxda Diblomaasiyadda ee Jaamacadda İzmir Katip Çelebi ayaa ku tilmaamay geeddi-socodka u dhexeeya labada dal "Siyaasadda gudaha ee afduubka u haysata siyaasadaha caalamiga ah".
"Dhinac walba uu leeyahay mowqifyo xad-dhaaf ah, xiisado, iyo hadallo qallafsan oo uu u adeegsanayo midba midka kale si loo kiciyo siyaasadda gudaha ee labada waddan," ayuu yiri Ersoy.
"Netanyahu waxa uu isku dayayaa in uu xoojiyo mawqifkiisa siyaasadeed ee dalkiisa"
Ersoy, oo qoray buugga "Isku-horimaadyada Israa'iil: Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda," ayaa yiri Turkiga iyo Israa'iil mid kastaa kan kale wuxuu u arkaa "mid wax u dhimaya xasilloonida gobolka," isagoo raaciyay "Waxaan ku tilmaami jirnay xiriirka Turkiga iyo Israa'iil inuu yahay 'nabad qabow' laakiin hadda wuxuu isku beddeleen 'tartan qabow'.
Danjirihii hore ee Israa'iil Alon Pinkas ayaa sheegay in hadalka Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Turkiga u muujinayo in uu yahay "Cadow khatar ah".
"Hadalada Netanyahu iyo Erdogan waxay kordhinayaan khatarta ah in khilaaf uu qarxo," ayuu yiri.
Professor Amnon Aran, oo bare ka ah jaamacadda City St. George's University London, ayaa sidoo kale sheegay in xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya ay diiradda saaraya siyaasadaha gudaha.
"Turkiga iyo Madaxweyne Erdogaan, waxa ay bartilmaameedsanayaan fikradda asaasiga ah ee taageerada xisbiga AKP, Ra'iisul Wasaare Netanyahu waxa uu sidoo kale adeegsadaa hadallo uu ku taageerayo taageerayaashiisa garabka midig".
Siiriya, Qubrus iyo Bariga Mediterranean-ka
Tugce Ersoy ayaa yiri "Khatarta isku dhacyada u dhexeeya Turkiga iyo Israa'iil ayaa ka badan sidii hore."
Ersoy wuxuu sharxayaa in suurtagalnimada dagaal toos ah oo dillaaca ay yar tahay, laakiin tartanka ayaa sii kordhaya Syria, Qubrus, iyo Bariga Mediterranean-ka.
"Halkan waxaan ku aragnaa dadaallo lagu dhisayo dhidibo laba geesood ah, waxaan dhihi karnaa in labada dal ay isku dayayaan inay abuuraan gaashaanbuur juqraafi ah oo midba midka kale tartan xoog u leh ugu jiro sidii uu dhismahaa u samayn lahaa."
"Dukumentiyada istiraatijiyadeed ee Israel, hadda Turkiga waxaa lagu daray oo la geliyay kooxda cadowga"
Hadalka ah "Iran-ta cusub"
Ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil Naftali Bennett ayaa bayaan uu soo saaray 17-kii February ku sheegay in Turkigu uu yahay "Iran cusub".
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale ku eedeeyay Turkiga inay taageerto Iran, hadal uu soo dhigay baraha bulshada.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo wareysi siiyay wakaaladda Anadolu 13-kii Abriil, ayaa yiri
"Iran ka dib, Israa'iil ma noolaan karto cadow la'aan, waa in ay abuurtaa hadal colaadeed iyo sheeko, waxaan aragnaa maahan maamulka Netanyahu oo kaliya, laakiin sidoo kale qaar ka mid ah mucaaradka ayaa isku dayaya in ay ku dhawaaqaan Turkiga in uu yahay cadow cusub iyagoo adeegsanaya luuqad siyaasadeed."