Hubka Marinka Hormuz, caqabadda haysata Tehran iyo doorka Ilaalada Kacaanka

Sawirka Hoggaamiyahii Sare ee hore Cali Khamenei oo ku dhaggan darbi ku yaalla Tehran.

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Kadib 13 maalmood oo weerarro iyo weerar-celis dhex maray Mareykanka iyo Iran oo ku saabsan gacan ku haynta marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Marinka Hormuz, waxay u muuqataa in hoggaanka Iran uu hadda wajahayo saddex waddo oo suurtagal ah, kuwaas oo midkoodna aanu dammaanad qaadayn guul fudud ama cad.

Waddada koowaad waa in Iran ay aqbasho dalabaadka aasaasiga ah ee Washington. Kuwaas waxaa ka mid ah dammaanad qaadista marin xor ah oo ammaan ah oo ay maraakiibta ganacsigu ku mari karaan Marinka Hormuz, in la xaddido ama la baabi'iyo kaydka uranium-ka aadka loo kobciyay, iyo in loo oggolaado hay'adaha caalamiga ah ee kormeera barnaamijyada nukliyeerka inay sameeyaan baaritaanno leh awoodo ballaaran.

Beddelkeeda, waxaa la filayaa in Mareykanku uu soo afjaro go'doominta badda ee dekedaha Iran, uu dabciyo ama qaado cunaqabateynta dhaqaale, isla markaana uu horumar ka sameeyo dadaallada lagu soo afjarayo xaaladda dagaalka.

Inkasta oo waddadan ay u muuqato mid dhaqaale ahaan iyo militari ahaan ka kharash yar, haddana qiimaheeda siyaasadeed ayaa noqon kara mid aad u sarreeya.

Qaar ka mid ah dadka Iran ayaa u arka saameynta ay ku leedahay Marinka Hormuz inay tahay awood istiraatiiji ah oo cusub. Waxay u arkaan inay tahay aalad cadaadis oo mararka qaarkood ka waxtar badan barnaamijka gantaallada, isbahaysiyada gobolka, ama xitaa barnaamijka nukliyeerka.

Markii ugu horreysay, Iran waxay u muuqataa inay heshay awood ay si degdeg ah oo muuqata ugu saameyn karto dhaqaalaha caalamka iyadoo ka jawaabaysa cadaadis ama weerarro dibadda ah.

Sidoo kale, barnaamijka nukliyeerka ayaa muddo dheer lagu soo bandhigay inuu yahay xuquuq qaran, waxaana ka tanaasulkiisa loo arki karaa calaamad muujinaysa tabar-darro gudaha dalka. Xaaladdan oo kale, haddii Iran ay u hoggaansanto dalabaadka Mareykanka kadib bilo ay jireen xiisado iyo weerarro, dadka mayalka adag waxay u arki karaan arrintaas inay tahay guul uu Mareykanku ku gaaray cadaadis militari.

Waxaa sidoo kale jira cabsi ah in Mareykanka iyo Israa'iil ay markaas soo bandhigaan dalabaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka gantaallada Iran iyo xiriirka ay la leedahay Xisbullah ee Lubnaan, kooxaha Shiicada ee Ciraaq, iyo Xuutiyiinta Yemen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waddada labaad waa in Iran ay sii kordhiso xiisadda.

Iran waxay kordhin kartaa weerarrada ay ku beegsanayso saldhigyada ciidamada Mareykanka, maraakiibta ganacsiga, iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalalka Carabta ee Khaliijka, iyadoo rajaynaysa in kororka qiimaha tamarta iyo carqaladaha ku yimaadda ganacsiga caalamiga ah ay ku qasbaan Washington iyo xulafadeeda inay gaaraan tanaasul.

Si kastaba ha ahaatee, waddadan ayaa sidoo kale xambaarsan khataraha ugu waaweyn. Haddii weerar uu sababo khasaaro ballaaran oo naf iyo maal ah ama dhaawac culus oo gaara kaabeyaasha muhiimka ah ee dalalka Khaliijka, waxaa suuragal ah in deriska Iran ay si toos ah ugu lug yeeshaan dagaalka, taas oo Tehran u horseedi karta inay wajahdo isbahaysi goboleed oo ballaaran.

Waddada saddexaad waa in lagu sii jiro xaaladda hadda jirta ee hubanti la'aanta iyo xiisadda; taas oo micnaheedu yahay in la joogteeyo cadaadis ku filan oo sii saameeya suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah, si saameyntaasi ugu sii adeegto Iran hub diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji ah, balse aan xiisadda la gaarsiin heer dib loogu laabanayo dagaal buuxa oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

Sida muuqata, waddadan ayaa u muuqata inay tahay tan ugu dhow hab-fikirka hoggaanka hadda talada haya ee Iran.

Sawir kayd ah (13-kii Janaayo, 2025): Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa lagu soo bandhigay xaflad lagu soo kordhinayay diyaarado cusub qaybta dagaalka ee ciidamada Iran,

Xigashada Sawirka, Reuters

Iran waxaa laga yaabaa inaysan awood u lahayn inay si toos ah uga adkaato Mareykanka dagaal militari, balse haddii ay sii wadi karto iska caabbinta ilaa uu Mareykanku ka daalo ama uusan doonayn inuu dagaalka sii wado, Tehran waxay u soo bandhigi kartaa badbaadadeeda iyo adkaysigeeda inay tahay guul siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, cunaqabateynta, khasaaraha dagaalka, iyo sicir-bararka sii kordhaya ayaa si tartiib tartiib ah u xoojinaya cadaadiska gudaha Iran.

Muddo ka dib, waxaa sidoo kale soo bixi kara isburin muhiim ah. Inta badan ee Iran u adeegsato Marinka Hormuz qalab cadaadis, ayay si degdeg ah dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamku u raadin doonaan marinno kale oo ay tamarta iyo ganacsiga ku maraan.

Natiijada ka dhalan karta ayaa noqon karta in muhiimadda istiraatiijiga ah ee Marinka Hormuz iyo waxtarkiisa sida qalab cadaadis ay hoos u dhacaan.

Marin-biyood had iyo jeer ay hareeyaan hubanti la'aan iyo khataro joogto ah wuxuu ugu dambayn ku qasbi karaa dunida inay raadiso waddooyin kale si loo yareeyo ku tiirsanaanta Iran.

Arrintan la xiriirta, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa dhowaan sheegay in muhiimadda dhabta ah ee istiraatiijiga ah ee Marinka Hormuz aysan ku jirin in la xiro ama la xaddido isu socodkiisa, balse ay ku jirto in la kordhiyo ganacsiga iyo maraakiibta ka gudbaysa, isla markaana laga helo faa'iidooyin dhaqaale.

Sida uu sheegay Qalibaf, awoodda dhabta ah ee marin-biyoodkan kuma jirto abuurista caqabado, balse waxay ku jirtaa inuu noqdo xarun firfircoon oo faa'iido leh oo ganacsiga caalamiga ah.

Duqeyn

Xigashada Sawirka, Reuters

Yaa gaara go'aamada?

Waxa xaaladda sii adkaynaya ayaa ah hubanti la'aanta ku xeeran habka go'aan qaadashada ee gudaha Iran.

Xilligii Hoggaamiyihii Sare ee hore Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha Sare ayaa guud ahaan lahaa go'aanka ugu dambeeya ee khilaafaadka u dhexeeya hoggaanka siyaasadda, hay'adaha diinta iyo Ilaalada Kacaanka.

Hase yeeshee, tan iyo markii uu dagaalku billowday, isla markaana uu hoggaanka qabtay Mojtaba Khamenei, ma cadda sida loo ilaalinayo isu dheelitirka xarumaha kala duwan ee awoodda dowladda iyo heerka laga gaarayo go'aannada ugu muhiimsan.

Madaxweyne Masoud Pezeshkian iyo diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la filayaa inay taageeraan heshiis kasta oo yareyn kara cadaadiska dhaqaale isla markaana dalka dib ugu soo celin kara xasillooni.

Dhanka kale, xubnaha mayalka adag ee baarlamaanka, qaar ka mid ah saraakiisha milatariga iyo amniga ee saameynta leh, iyo warbaahinta muxaafidka ah ayaa aaminsan in tanaasul ballaaran uu wiiqi karo saldhigga mabda'a ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana uu ka fogeyn karo taageerayaasheeda dhaqanka ah.

Su'aasha ugu muhiimsan ee dooddan oo dhan ayaa la xiriirta doorka Ilaalada Kacaanka (IRGC).

Barnaamijka gantaallada Iran, xiriirka ay la leedahay xulafadeeda gobolka, iyo istiraatiijiyadda ku saabsan Marinka Hormuz ayaa inta badan hoos yimaada gacanta Ilaalada Kacaanka.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda inta uu le'eg yahay doorka ay Ilaalada Kacaanku ku leeyihiin go'aannada waaweyn, sida in dagaalka la sii wado ama wada-hadallo la galo.

Sidoo kale ma cadda inay mowqifyadooda ku gudbiyaan Golaha Sare ee Amniga Qaranka, oo ah hay'adda la sheegay inay gaarto go'aanka ugu dambeeya, ama in saameyntoodu ay si toos ah uga xoog badan tahay habka go'aan qaadashada.

Sidaa darteed, su'aasha dhabta ahi ma aha oo keliya waddada ay Iran qaadi doonto mustaqbalka, balse sidoo kale waa cidda ugu dambayn leh awoodda go'aaminta waddadaas.