TOOS, Donald Trump oo ku hanjabay in Maraykanku uu dhawaan bartilmaameedsan karo xarun dhulka hoostiisa ah oo ku taalla buuralayda Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in xaruntaasi ay ku taallo Buurta Kolang. Wuxuu sheegay in weerarkan uu og yahay in aanay Iiraan ka hor tagi karin.

Tebin toos ah

  1. Qiimaha shidaalka adduunyada oo weli cirka ku takhlan

    Isku dhacyada ka sii socda Bariga Dhexe ayaa sii kordhiyay qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.

    Maanta Salaasa ahayd, qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay qiyaastii 2%, isagoo gaadhay heerkii ugu sarreeyay muddo shan toddobaad ah.

    Qiimaha shidaalka Brent ayaa kor u kacay ku dhowaad 92 doollar halkii foosto, halka nooca WTI uu kor u dhaafay 84 doollar halkii foosto.

    Korodhka qiimaha waxaa sababay walaaca laga qabo in khilaafka Bariga Dhexe uu carqaladeeyo sahayda tamarta, taas oo ka dhalatay weerarrada is-dhaafsiga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, iyo sidoo kale hanjabaadda kooxda Xuuthiyiinta Yemen ay ku sheegeen in ay ku go'doominayaan marin-badeedka muhiimka ah.

    Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta (IEA) ayaa sheegtay in colaadda dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe ay kordhisay walaaca laga qabo amniga sahayda tamarta, hase yeeshee suuqyadu ay weli awood u leeyihiin in ay u adkaystaan cadaadiska, sababo la xidhiidha dhowr arrimood oo is taageeraya.

  2. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo uga digtay Bulgaria in ay u oggolaanin Maraykanka in uu saldhigyadeeda u adeegsado hawlgallo millitari.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa uga warning-bixisay dalka Bulgaariya adeegsiga uu Mareykanku u adeegsanayo fariisimaha ciidan ee ku yaalla dalkaas.

    "Iskaashi kasta oo lagu taageerayo weerarrada ka dhanka ah Iiraan waxaa loo tursan doonaa qayb ka qaadasho xadgudubyada iyo dambiyada dagaal marka loo eego sharciga caalamiga ah," ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Ismaaciil Baqaa'i.

    Wuxuu ku tilmaamay in dhul dowladeed loo baneeyo ficillo ciidan oo ka dhan ah dalka kale inay tahay "tusaale caadiga ah oo xadgudub ah."

  3. Maraykanka oo hanjabaad u diray Iiraan

    Donald Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku uu dhowaan bartilmaameedsan karo xarun dhulka hoostiisa ah oo ay Iiraan ku leedahay Buurta Kolang. Wuxuu sheegay in uu weerarkan ku dhawaaqayo sababtoo ah wuxuu og yahay in Iiraan aanay ka hortagi karin.

    Sidoo kale, Mr. Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay aad u danaynayso in kulan balse Maraykanku aanu xiisaynayn ilaa wada-hadalladu ay noqdaan kuwa "micno leh".

    Hadallada Trump ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dhexdhexaadiyayaashu ay soo jeediyeen xabad joojin 10 maalmood ah.

    Dhanka kale, Iiraan iyo Mareykanka ayaa sii wada is-dhaafsiga duqeymaha ee gobolka, iyadoo Baxrayn iyo Urdun ay iyaguna sheegeen in ay soo rideen gantaallo ay Iiraan soo banaysay.

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images