Shiicada oo si adag u dhaliishay Taliban: "Cadaadiska hanalaga joojiyo"

.

Xigashada Sawirka, .

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Laba ka mid ah culimada ugu waaweyn Shiicada ee Afgaanistaan, Ayatollah Sayed Mohsen Hojjat iyo Ayatollah Ghulam Abbas Vaizzada Behsudi ayaa si aan caadi ahayn u dhaliilay sida dowladda Taliban ula dhaqanto bulshada Shiicada.

Ayatollah Vaizzada Behsudi, oo loo aqoonsan yahay mid ka mid ah madaxda ugu sarreeya Shiicada Afgaanistaan, ayaa sheegay in dowladda Taliban ay iska dhego-tirtay dalabaadka Shiicada, isaga oo yiri: "Dhegaha Imaaraada Islaamiga ah waa maqal la'aan"

Isaga oo ka hadlayay cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo dadka raacsan mad-habta Jacfari ee Afgaanistaan intii lagu jiray dabaaldegyadii Ciidda ee magaalada Kabul, ayuu yiri:

"Xaaladdan waxay sababtay in dadku ka fogaadaan dowladda, ayna ka caroodaan oo ay ku qanci waayaan. Cadaadisyadan waa in aan la yarayn oo keliya, balse gabi ahaanba waa in la joojiyaa. Tani dan uguma jirto Imaaraada Islaamiga ah, mana aha mid dalka dan u ah. Marka cadaadisku bato, qarax bulsho ayaa dhici kara, arrimuhuna waa inaysan heerkaas gaarin."

Daalibaan ayaa maamulaysay dalka Afgaanistaan muddo ku dhow shan sano, iyadoo dhistay nidaam diimeed ku saleysan fiqiga Xanafiga.

Marka la barbar dhigo xilligii jamhuuriyadda hore, xorriyadaha Shiicada ayaa si weyn hoos ugu dhacday. Mad-habta Shiicada mar dambe ma helin aqoonsigii rasmiga ahaa ee ay hore u lahayd.

Barista fiqiga Jacfariga waxaa laga mamnuucay jaamacadaha, sharciyada gaarka ah ee Shiicada si rasmi ah looguma dabaqo maxkamadaha, halka sharciyada Daalibaan ee ku saleysan mad-habta Xanafiga ay mararka qaar khilaafsan yihiin mabaadi'da fiqiga Shiicada.

Sidoo kale, ardayda Shiicada waxaa lagu qasbay inay saxiixaan ballanqaad sheegaya inay raacsan yihiin mad-habta Xanafiga.

Arrintan ayaa dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka timid wadaadka Ayatollah Sayed Mohsen Hojjat.

Bilowgii sanad-dugsiyeedka cusub, wasaaradda tacliinta sare ee Taliban ayaa dhammaan ardayda ku amartay inay saxiixaan warqad ballanqaad ah. Qodobka lixaad ee warqaddaas ayaa sheegaysay:

"Iyada oo lagu saleynayo in dadka Afgaanistaan ay raacsan yihiin diinta Imaam Abuu Xaniifa, aniguna waxaan raacayaa oo adeecayaa mad-habtaas."

.

Xigashada Sawirka, .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qodobkan ayaa kiciyay cabashooyin ka yimid ardayda aan Xanafiga ahayn, gaar ahaan Shiicada.

Khudbaddii salaadda Ciidda, Ayatollah Hojjat ayaa yiri:

"Macno ma samaynayso in dadka jaamacadaha lagu yiraahdo qor oo saxiix inaad ku dhaqmi doonto mad-habta Xanafiga. Tani waxay ka hor imaanaysaa shareecada. Mad-habtu diin ma aha; waa waddo lagu fahmo diinta. Dhammaanteen waxaa aynu ballanqaadeynaa inaan ku dhaqanno Islaamka. Qof ayaa Islaamka ku fahma mad-habta Xanafiga, qof kalena mad-habta Jacfariga. Ujeeddadu waa isku mid, laakiin waddooyinku waa ay kala duwan yihiin."

Wuxuu intaas ku daray:

"Ma ku khasbi kartaa qofka Xanafiga ah inuu saxiixo inuu ku dhaqmi doono mad-habta Jacfariga? Sida uusan taas u aqbali doonin, annagana nalagama filan karo inaan aqbalno tan."

Dhanka kale, Taliban waxay ku adkeysanaysaa in Shiicadu xor u yihiin gudashada cibaadooyinkooda iyo munaasabadahooda diimeed.

Marka xayiraado lagu soo rogo xafladaha Shiicada, sida munaasabadaha bisha Muharram, dowladda Taliban waxay sheegtaa in tallaabooyinkaas loo qaaday sababo amni awgood.

Hadalka kasoo yeeray qaar ka mid ah wadaadada ugu waaweyn shiicada ee Afghanistan ayaa kusii kordhin kara Daalibaanka cadaadiska ka haysata gudaha gaar ahaan shaqo la'aanta baahsan ee ay dad badani ka cabanayaan, gaar ahaana gaarsiisay dadka qaarkood inay iibiyaan carruurtooda.

Marka laga reebo inay sheegeen shiicadu inay xor u yihiin gudashada cibaadooyinkooda iyo munaasabadahooda diimeed, hadana inta la ogyahay si rasmi ah ugama hadlin halka ay cabashada ka imaanayso ee dhanka waxbarashada iyo in qofka aan haysan mad-habta xanafiga aan lagu khasbin wax uusan raali ka ahayn.