Abiy Axmed: 'Gees Afrika nabad lagu wada joogi maayo hadii aan Itoobiya bad helin'

Abiy Ahmed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Gobolka Geeska Afrika ma heli doono nabad ilaa Itoobiya ay hesho marin badeed, ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay in arrinta ku saabsan badda Itoobiya ay tahay mid looga baahan yahay dhammaan shacabka iyo hay'adaha sheeganaya inay ka walaacsan yihiin horumarka iyo nabadgalyada gobolka in ay il gooni ah ku eegaan.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta qaranka dalka Itoobiya ee EBC, oo laga sii daayay labo qeybood ayuu ku sheegay in bad la'aantu ay abuureyso liidnimo in Itoobiya aysan ku tartamin warshadaha.

"Waxyaabaha ugu waaweyn ee Itoobiya u diidaya inay noqoto dal quudiya muwaadiniintiisa, oo isku filan oo tartan caalami ah gali kara waa dekedo la'aan."

Kadib markii dhawaan ay Iran xirtay marin biyoodka Hormuz ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay wadamada oo caalamka ah.

Waddamada dhibaatadu ka dhacday waxaa ka mid ah Itoobiya.

Ra'iisul wasaare Abiy ayaa booriyay dadka inay 'si yar u isticmaalaan shidaalka' ilaa laga xalinayo dhibaatada shidaal-yarida.

Dagaalka sii xoogeysanaya ee ka socda bariga dhexe ayaa "waxyeelo weyn ayuu u geysanayaa" wadamada Afrika oo ay ku jirto Itoobiya, sida lagu sheegay warbixin cusub.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxay ila tahay in qof kastaa si sahal ah u fahmayo in marin biyoodka Hormuz ay tahay arrin nolol iyo geeri ah," ayuu yiri, isaga oo farta ku fiiqay dhibaatooyinka ka dhashay xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ee ay xirtay Iran.

"Jaarkeena waa inay fikiraan, dunidu waa inay fikirtaa," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in wada-shaqeynta lala sameeyo dalalka deriska ah aysan ku filnay in la xalliyo dhibaatada.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in aysan sax ahayn in Itoobiya ay 'la'aato' marin badeed.

"Itoobiya, oo ah dalka 10-aad ee adduunka ugu dadka badan, [horey] ma aysan qabin dhibaato deked la'aaneed markii ay suurtagashay in si fudud loo helo dekedo iyada oo loo marayo sharciyada ganacsiga iyo wada xaajoodka," ayuu yiri.

Khudbadiisa Abiy waxa uu yiri''5000km laga bilaabo cirifka Mesawa ilaa cirifka Muqdisho, aagga ayaa ah halka uu ka jiro khayraad aad u badan. Laakin arxan darada, aamusnaanta, aaminaad la'aanta iyo in aanay bixin tilmaamo laga qaato, iyo sidoo kale rabitaan la'aanta in Itoobiya ay siiyeen marin-badeed ma caawin doonto.

Dawladdu waxa ay ka shaqaynaysaa xal muddo gaaban ah si loo yareeyo saamaynta dekedaha, ayuu yiri.

"Waxaa ka mid ah tareen, goob alaabaha laga dajiyo iyo waddo weyn," ayuu yiri, ka caawin doonto dalka "qiimuhu in uu hoos u dhaco" si loo yareeyo qiimaha kirada ee Jabuuti.

Xalka fog ayaa ah "haddii ay Itoobiya heli waydo badda, kaliya koriimo la'aan kuma dhacayso Itoobiya, laakiin gobolku ayaan is badali doonin beddelayo, Kaymaha duurjoogto nabad ma ahaan doonaan, ganacsiga adduunkuna khalkhal ayuu geli doonaa.

"Ganacsiga adduunka waa in ay gacanta ku hayaan dalalka saamaynta leh sida Itoobiya, haddii dalalka waaweyn iyo kuwa xoogga badan sida Itoobiya ay gabaan arrinta, waddammada yaryar ma buuxin karaan heerarkaas," ayuu yidhi.

Sababtaas awgeed, arrinta xuduud-badeedka Itoobiya waa "arrin ay tahay in aan laga doodin oo kaliya ee waa in lagu [xalliyaa] wada xaajood nabadeed intii suurtagal ah.

"Qof kasta dhow ama fog oo u haysta in Itoobiya ay luminayso marinkeeda badda waa doqon.

"Kuma fikiri kartid horumar adigoo iska indha tiraya arrin geeri ama nolol ah."

"Haddii aanan arimahaan la xallin, ma noqon karno dal la tartami kara dunida."

Markii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu laba sano ka hor ka hadlay arrinta badda, waxa ay buuq ka dhalisay Geeska Afrika oo idil.

Arrinka ayaa muran kala dhex galiyay wadama Itoobiya iyo Soomaaliya.

Itoobiya ayaa horay u isticmaali jirtay dekadda Casab ee dalka Eritrea ka hor intii aysan Eritrea ka go'in Itoobiya inteeda kale.

Waayihii dambe dalka Itoobiya ayaa ku tiirsanaa dekadda dalka Jabuuti oo uu badeecada kala soo dago.