Maxaan ka naqaan danjiraha ay Israa'iil u soo magacawday Somaliland? Maxayse ka yiraahdeen Soomaaliya iyo Somaliland

Lotem

Xigashada Sawirka, X

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Israa'iil ayaa Arbacadii magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

Waa talaabadii ugu dambaysay ee iskaashiga labada dhinac u dhaxeya oo si xawli ah kor ugu kacayay tan iyo bishii December, markaas oo Israa'iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka ee aqoonsada Somaliland, taas oo soo afjartay in ka badan 30 sano oo go'doon diblomaasiyadeed ah.

Laakinse dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid arrintaas.

Soomaaliya iyo Somaliland

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa'iil ee ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobolka waqooyi ee Soomaaliya, Somaliland" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaa ku daray "Tallaabadan waxay si toos ah u jebinaysaa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay si cad uga hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi'da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo si aan mugdi lahayn u aqoonsan Soomaaliya inay tahay hal dal oo madax-bannaan, midaysan, oo aan la kala qaybin karin gudaha xuduudaheeda

caalamku aqoonsan yahay".

Xukuumadda Somaliland ayaa ayadana ka hadashay diidmada Soomaaliya ee magacaabidda danjire Michael Lotem.

Hadal qoraal ah oo ay soo saaratay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayey arrintaas kaga hadashay.

"Sheegashooyinka ay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya waa kuwo aan sharci ku dhisneyn, taariikh ahaanna aan sax ahayn, oo aan sal iyo raad dhab ah lahayn".

Qoraalka Somaliland ayaa mar kale lagu sheegay in ay diyaar u yihiin nabad ku wada noolaansho, degenaansho goboleed, iyo in si wax ku ool ah looga qayb qaatoarrimaha caalamiga ah.

Somaliland iyo Israa'iil

.

Xigashada Sawirka, Facebook

Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil, Gideon Saar, ayaa bishii January booqasho ku tegey magaalada Hargeysa, ka dibna Somaliland waxay wafdi ka socda wasaaraddeeda biyaha u dirtay Israa'iil si ay u soo qaataan tababar ku saabsan habka maaraynta biyaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters bishii February in uu filayo in heshiis ganacsi ay dhawaan la galaan Israa'iil.

Israa'iil waxa ay sidoo kale ogolansho diblomaasiyadeed siisay Maxamed Xaaji oo ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee udub-dhexaadka u ahaa dhexdhexaadinta aqoonsigakaasoo hadda loo magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya Israa'iil.

Waa kuma Michael Lotem

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa diblomaasi ruugcadaa ah, wuxuuna hawlaha diblomaasiyadda ku soo dhex jiray tan iyo 2014, isagoo ka soo shaqeeyey qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo dalal kale oo Ruushku ka mid yahay.

Bishii Disembar 2021 ilaa hadda oo loo magacaabay safiirka Soomaaliland wuxuu dalkiisa u fadhiyey magaalada Nairobi.

Wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Uganda, Malawi iyo Seychelles.

Lotem wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalalka Azerbaijan, and Kazakhstan sida laga soo xigtay warbaahinta KAN ee Israa'iil.

Muddo afar sano ah oo ka horreysay intii aan Nairobi loo wareejin ayuu ka shaqaynayey xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee israa'iil, isagoo muddadii u dhaxeysay 2017 ilaa Disembar 2021 noqday agaasimaha qaybta dhaqaalaha Aasiya.

Meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ah qunsuliyadda Israa'iil ee St Petersburg oo uu 8 sano ka ahaa qunsul.

Xilliyadiisii ugu horreysay diblomaasiyadda wuxuu muddo 2 sano ah soo noqday ergayga gaarka ee dalkiisa u qaabilsan tamarta, gaar ahaan 2012 – 2014.

Danjire Michael Lotem ayaan si toos ah u joogi doonin Hargeysa, hase yeeshee lama sheegin meesha uu wakhtigan ka wadi doono shaqadiisa.