Yaa ka dambeeya weerarka lagu jabsaday madasha lagu kala iibsado lacagaha cryptocurrency?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Binance, oo ah madasha ugu weyn caalamka ee lagu kala iibsado lacagaha loo yaqaan cryptocurrency, ayaa la kulantay weerar dhanka internetka ah oo la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu weynaa ee abid lagu qaado suuqan, kaas oo lagu xaday lacag gaareysa 6.3 bilyan oo dollar.
Lacagaha loo yaqaan cryptocurrency waa hanti dijitaal ah oo aan lahayn qaab muuqaal ah sida lacagta caddaanka ah ama qadaadiicda. Dadku waxay isticmaalaan boorsooyin dijitaal ah oo ku jira taleefoonnadooda casriga ah ama kombiyuutarradooda si ay u helaan una maareeyaan lacagahaas.
Richard Teng, oo ah madaxa fulinta ee Binance oo xilka la wadaaga mas'uul kale, ayaa sheegay in shirkaddu ay la shaqaynayso hay'adaha ay khusayso si loo ogaado waxa dhacay, isla markaana ay khasaaraha oo dhan bixin doonto.
Waa maxay Binance?
Binance waa madasha ugu weyn caalamka ee lagu kala iibsado lacagaha loo yaqaan cryptocurrency, marka loo eego mugga ganacsiga. Dadku waxay halkaas ka iibsan karaan, ku iibin karaan, kuna kala beddelan karaan lacagaha dijitaalka ah sida Bitcoin, sidoo kalena lacagahaas way ku shuban karaan ama kala bixi karaan.
Shirkadda waxaa laga aasaasay Shiinaha sannadkii 2017, waxayna leedahay boqollaal milyan oo isticmaale oo ka diiwaangashan daafaha caalamka.
Sanadihii la soo dhaafay, shirkaddu waxay wajahday baaritaanno iyo dhaleeceyn. Gaar ahaan sannadkii 2023, markii madaxa fulinta ee xilligaas, Changpeng Zhao, uu xilka iska casilay kaddib markii uu qirtay dambiyo la xiriira jebinta shuruucda ka hortagga lacag-dhaqidda.
Sanadkii hore, dacwad laga gudbiyay gudaha Mareykanka ayaa shirkadda ku eedeysay inay gacan ka geysatay in malaayiin doollar loo diro ururro uu Mareykanku u aqoonsan yahay ururro argagixiso.
Sannadkii 2024, shirkaddu waxay sheegtay in hantideeda ay ka badan tahay 160 bilyan oo doollar.
Sidee ayuu weerarka internetka u dhacay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weerarka ayaa lagu qaaday madasha caalamiga ah ee Binance ee lagu kala iibsado lacagaha dijitaalka ah, taas oo loo yaqaan Binance.com.
Binance.us, oo adeegyada ganacsi si gaar ah ugu fidisa dadka ku nool Mareykanka, ayaa sheegtay in aanay wax saameyn ah ku yeelan dhacdadan.
Bayaan uu soo saaray, Richard Teng ayuu ku yiri: "Baaritaankeennii hordhaca ahaa wuxuu muujinayaa in dhacdadan dhanka amniga ah ay suuragal tahay inay ka bilaabatay kombiyuutarka gacanta ee injineer ka tirsan waaxda DevOps, kaas oo la jabsaday.
"Taas ayaa weeraryahanka u sahashay inuu galo nidaam kombiyuutar oo adeegyada shirkadda maamula, halkaas oo uu ku gudbiyay amarro lacag lagala baxayo oo aan la oggolayn."
Wuxuu sheegay in weerarku aanu ahayn fal fudud oo hal mar la gujiyo, balse uu ahaa hannaan weerar oo ka adag.
Raghu Nandakumara, oo ah madaxweyne ku-xigeenka istaraatiijiyadda warshadaha ee shirkadda amniga internetka ee Illumio, ayaa sheegay in tani ay ka dhignaan karto in injineerka lagu qanciyay inuu sameeyo tijaabo, xilligaas oo kombiyuutarkiisa lagu rakibay barnaamij waxyeello leh.
Nandakumara wuxuu sheegay in maadaama kombiyuutarkaasi hore u lahaa awood amni oo ku filan oo uu ku geli karo nidaamyada shirkadda, wararka hordhaca ahi ay muujinayaan inuu noqday waddadii uu weeraryahanku toos ugu galay nidaamka shaqada ee shirkadda, halkaasna uga sii gudbay boorsooyinka lacagaha dijitaalka ah.
"Waxaad dhisi kartaa khasnad ay ilaaliyaan nidaamyo amni oo xisaabeed oo adag, laakiin haddii qofka haya furayaasha lagu sirto, khasnaddii waa la furayaa," ayuu yiri Dr Clive Summerfield, oo madax ka ah shirkadda FARx ee ku takhasustay amniga sirdoonka macmalka ah iyo aqoonsiga qofka.

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Yaa ka dambeeya weerarka jabsiga?
Weli lama oga cidda ka dambaysa weerarka, balse shirkado falanqeeya xogta lacagaha dhijitaalka ah ayaa farta ku fiiqay Kuuriyada Waqooyi. Hase yeeshee, arrintan weli si rasmi ah looma xaqiijin.
Shirkadda TRM Labs oo adeegsata sirdoonka macmalka ah AI, si ay u baarto dambiyada internetka, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dhowr arrimood oo ka mid ah weerarka Binance ay la mid yihiin weerarro hore oo lala xiriiriyay Kuuriyada Waqooyi. Weerarradaas waxaa ka mid ahaa kii lagu qaaday shirkadda sarrifka lacagaha dhijitaalka ah ee ByBit sannadkii 2025, kaas oo lagu xaday lacag dhan 1.5 bilyan oo doollar 1.1 bilyan oo giniga istarliinka ah.
Weerarradii hore waxaa lala xiriiriyay koox dambiilayaal internetka ka hawlgasha oo lagu eedeeyo inay si toos ah ugu shaqeyso dowladda Kuuriyada Waqooyi. Kooxdaas waxaa loo yaqaan Lazarus Group, sidoo kalena TraderTraitor.
Khabiir ku takhasusay siyaasadda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Dr Edward Howell oo ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa BBC-da u sheegay in Pyongyang ay "taariikh dheer u leedahay adeegsiga dagaalka dhanka internetka si ay lacag u hesho".
Howell ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay leedahay "hay'ad dowladeed oo qaabilsan dagaalka dhanka internetka", taas oo ay u adeegsato maalgelinta barnaamijyadeeda hubka wax gumaada iyo inay dhaqaale u hesho taliska hoggaamiyaha dalka, Kim Jong Un.
Wuxuu intaas ku daray in ilaa hadda qiyaastii 40 ilaa 50 boqolkiiba barnaamijyada hubka wax gumaada ee Kuuriyada Waqooyi lagu maalgeliyo weerarrada dhanka internetka iyo kuwa la xiriira lacagaha dhijitaalka ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa mar walba beenisay inay ku lug leedahay weerarradan. Binance-na si toos ah ugama jawaabin su'aalihii BBC-da ee ku saabsanaa suuragalnimada in weerarka lala xiriiriyo dalkaas.
Maxay tani uga dhigan tahay dadka isticmaala Binance?

Xigashada Sawirka, Getty Images
War-saxaafadeed uu horey u soo saaray, Richard Teng ayuu ku sheegay in lacagaha dadka isticmaala Binance ay ammaan yihiin, balse si taxaddar ah loo hakiyay dhammaan lacagaha la dhigto iyo kuwa lagala baxo madasha.
Wuxuu sheegay in shirkaddu ay khasaaraha oo dhan ka bixin doonto kayd lacageed oo degdeg ah oo ay u samaysatay xaaladaha noocan ah, halka wixii intaas ka badan lagu dabooli doono hantida shirkadda.
Binance ayaa sheegtay inay la shaqaynaysay shirkado ay iskaashadaan si loo xannibo hantidii la saameeyay, iyadoo la sheegay in ilaa hadda la helay ku dhowaad 3 bilyan oo doollar.
"Waxaan weli ku soconnaa jadwalkii la filayay, waxaana adeegga lacag la bixistu dib u bilaaban doonaa 45 saacadood gudahood," ayay shirkaddu sheegtay.
Dadka isticmaala baraha kale ee lagu kala iibsado lacagaha dhijitaalka ah ayaa sidoo kale looga digay inay ka feejignaadaan jabsadayaasha isku dayaya inay xaaladdan ka faa'iidaystaan.
Marijus Briedis, oo ah madaxa teknoolajiyadda ee shirkadda NordVPN, ayaa sheegay in dadku ay ka digtoonaadaan farriimo ay ka mid yihiin "emaill sheegaya in lacagtoodu khatar ku jirto", "akoon taageero oo been abuur ah oo sheeganaya inuu caawinayo" ama "farriin ku boorrinaysa inay lacagtooda dhijitaalka ah u wareejiyaan boorso lagu sheegay inay ammaan tahay".
"Wararka cusub kala soco app-ka Binance ama cinwaan internet oo aad hore u taqaanay oo aad ku kalsoon tahay," ayuu yiri.
"Ka fogow xiriiriyeyaasha ku jira farriimaha aanad codsan, hana siin qofna furahaaga sirta ah, number sireedkaada xaqiijinta ama kalmadaha lagu soo ceshado qaanaddaada lacagta dhijitaalka ah."
























