You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Markab Shidaal siday oo laga afduubtay xeebaha dalka Yemen, waxaana lala aaday dhanka Soomaaliya
Burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab shidaal sida oo marayay xeebaha Yemen, sida ay BBC u sheegeen ilo ammaanka Soomaaliya ka tirsan.
Ilaalada xeebaha Yemen ayaa hore u sheegay in markabka lagu magacaabo MT Eureka la afduubtay, isla markaana uu ku sii jeedo dhanka Soomaaliya. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay markabka ku qabsadeen Gacanka Cadmeed, meel u dhow dekedda Qana.
Burcad-badeedda ayaa ka soo ambabaxay deegaan xeebeed fog oo u dhow magaalada xeebta ah ee Qandala, taas oo ku taalla Gacanka Cadmeed, sida ay BBC u sheegeen saddex sarkaal oo ka tirsan ammaanka Puntland.
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee noocan ah muddo 10 maalmood gudahood, kadib markii burcad-badeed Soomaaliy ah ay 22-kii April afduubteen markab kale oo lagu magacaabo Honor 25.
Markabka Honor 25 waxa uu siday 18,500 foosto oo shidaal ah, kuwaas oo ku sii jeeday Muqdisho.
MT Eureka waxa uu watay calanka dalka Togo ee Galbeedka Afrika ka hor inta aan la afduubin, waxaana la sheegay in burcaddu ay markabka la wareegeen saacadda 5:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah (03:00 BST), sida uu sheegay sarkaal amni oo la hadlay BBC.
Hadda waxa uu ku socdaalaa Gacanka Cadmeed, inta u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu ku xirmo xeebaha Soomaaliya.
Dhacdo kale oo gooni ah, Hay'adda UKMTO ee la socota amniga maraakiibta badda ayaa Jimcihii sheegtay in "dad hubeysan" oo saarnaa doon yar (skiff) ay u soo dhowaadeen markab xamuul qaada oo ku sugnaa meel u dhow Al-Mukala, Yemen.
Dableyda hubeysan ayaa ka soo ambabaxay deegaan xeebeed fog oo u dhow tuulada kalluumeysiga ee Caluula , sida ay sheegeen saddex sarkaal oo amni oo kala duwan. Caluula waxay qiyaastii 209 km (u jirtaa halka ay burcaddu ka dhaqaaqeen si ay u qabsadaan markabka MT Eureka.
Labadan dhacdo ee kala duwan waxay muujinayaan in burcad-badeednimadu ay ku fidayso xeebta dheer ee Soomaaliya, taas oo ah tan ugu dheer Afrika dhanka dhulka weyn, waxa uuna dhererkeedu yahay 3,333km (2071 mayl).
Afduubka maanta ayaa noqonaya kii afraad ee ay burcadda ku guulaystaan muddo laba toddobaad gudahood.
Mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo ciidamada badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR), oo kormeera howlaha ka dhanka ah burcad-badeedda ee biyaha Soomaaliya, weli kama hadlin afduubkan ugu dambeeyay.
Burcad-badeedda Soomaaliya, oo hoos u dhacday tan iyo 2011, ayaa dib u soo laba kacleysay tan iyo dabayaaqadii 2023, markaas oo fallaagada Xuuthiyiinta ay bilaabeen weerarro ka dhan ah maraakiibta ku sugan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Weerarradaasi waxay ku qasbeen ciidamada badda caalamiga ah inay diiradda saaraan halista Xuuthiyiinta, taas oo siisay kooxaha hubeysan ee xeebaha Soomaaliya fursad ay uga faa'iideystaan farqiga amni.
"Sii socoshada dhibaatada burcad-badeedda ayaa ka daran sida dad badani u maleynayaan. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo sii kordhaya oo kooxo hubeysan ah oo ka socda xeebta oo dhan," ayuu yiri sarkaal amni oo ka tirsan Puntland oo la hadlay BBC.