Siddeeda waxyaabood ee Iiraan ay kusoo kordhisay caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images
''Boqortooyadii Persia 'Faaris' waa halka ay kasoo ka yimaadeen fikrado badan oo haatan aynu ku haysano caalamka Galbeedka,'' ayuu yiri Professor Jose Cutillas, kaasi oo daraaseeyay waxna ku bartay Iiraan.
''Fikir ahaanteena, waxaynu rumaysanahay in wax walba oo Yurub ku saabsan uu kasoo bilowdo dhulalkii Greek-ga, taasina waa isha fikrad kasta,'' ayuu yiri Professor luuqada Faarisiga 'Persia' iyo bare dhaqanka Iiraan ee jaamacada Alicante.
Si kastaba ha ahaatee, xilligii jaahiliyadda ee Faaris (Persia), waxaa la ikhtiraacay fikrado kala duwan.
Tusaale ahaan, marka aynu baarno sida bulshooyinkii Yurub loo abaabuli jiray siyaasad ahaan iyo maamul ahaan, waxaynu helaynaa caddeyn qaababkii ay u jirtay boqortooyadii Faaris 'Persia' ee (550-330 BC) ee dhalashadii nabi ciise kahor.
Marka la eego dhanka Diinta, Islaamka,Yahuuda iyo Kirishtanka waxa ay dadkii Iiraaniyiinta ee hore ay ka dhex jirtay 3,500 oo sano kahor, markii uu Zoroaster uu aasaasay Zoroastrianism.
''Diintu waxa ay baraysaa malaa'igta iyo rasuuladii lasoo diray,'' ayuu yiri Professor-ku sharaxay, ''Iyo inay jirto Janno iyo Caddaab.''
Boqoradii boqortooyadii Faaris 'Persia' waxa ay ku dhibtoodeen inay aasaasaan run iyo been, sida farqiga u dhaxeeya mugdi iyo iftiin.
Qormadan, BBC waxa ay ku eegaysaa noloshii Persia, kahor iyo kadib imaatinkii Islaamka iyo sida dhaqamadeedii muddada dheer jiray ay wax ugu soo korhdiyeen nolosha maalin kasta.
Xirashada Kastuumada (buumaha)
Intii u dhaxaysay 2,000 iyo 5,000 sano kahor, raga dhaqamada kala duwan waxa ay xiranayeen cambuuro iyo qaybo kale oo dhar ah, sida uu ku shaaciyay machadka Barashada Nolosha Bini'aadamka barnaamij gaar ah oo lagu magacaabo ''Soo shaac bixi Surweelada''.
Roomanku waxa ay ahaayeen kuwa caga cad oo xirta qayb ahaan dhar, ayna adag tahay in la tilmaamo xilliga iyo wakhtiga lasoo saaray kastuumooyinkii (buumooyinkii) u horeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, qoraayo badan ayaa rumaysan in dadkii reer miiga ahaa sida Scythians, asaligii Iiraan , oo caan ka ahaa xeebta Aasiyadii-Yuurub ayaa ciyaaray door horumarinta saraawiisha ah.

Xigashada Sawirka, Bildagentur-online/Universal Images Group via Getty Images
''Ilaa 600 oo sano, saraawiishu waxa ay ahaayeen calaamad dagaalyahanadii ajaanibka, gaar ahaan Scythians, Faarisiyiinta iyo Amzons-ka,'' sida uu yiri Adrienne.
Taariikhyahanada ayaa ku qeexay sida muuqaalada sawirada ee haweenkii dagaal yahanada loo helay walxahooda ''iyaga oo xiran 'wax u eg' koofiyado iyo saraawiil lamid ah kuwii ragga Scythian,'' sida lagu muujiyay sawirkan.
Waxaa macquul ah in Faarisiyiinta ay wax kusoo kordhiyeen dharka hadda jira.

Xigashada Sawirka, Universal History Archive/Universal Images Group via Getty Images
Xoriyadda Bini'aadamka
Intii lagu guda jiray shirkii UNESCO ee September, qorshe ayaa lagu soo bandhigay lagu xoojinayo nidaam 2,500 sano jir ah.
Qaabka waxaa loo yaqaan Cyprus Cylinder, waa dokumenti ka kooban sharciyadii boqortooadii Qubrus, ''Waxa ay u tixgaliyeen qoraayo badan caddeyn inay u tahay xeerkii u horreeyay ee Xuquuqda Aadanaha''.

Xigashada Sawirka, Tish Wells/Tribune News Service via Getty Images
Boqorkii wakhtigaas waxa uu sii daayay dadka adoomo ahaan loo qabsaday, waxaana uu u oggolaaday inay dib ugu laabtaan magaalooyinkoodii.
Intiisa waxaa lagu dari karaa, inuu xushmeeyay dhaqamada iyo diimaha kooxo qabaa'ilo kala duwan ah.
Neil MacGregor, agaasime hore oo matxaf British- ah ayaa ka sheegay shir saxaafadeed sida Qubrus uu hoostagtay Babylon iyada oo aan dagaal dhicin 2,600 sano kahor, ''Waxa ay u ahayd wakhti muhiim ah taariikhda Yahuud''.
Yahuudu waxa ay awoodeen inay ku laabtaan Qudus, taas oo u uku mahdsanaa Boqorkii Faaris (Perisia)
Beerta Nasashada
''Kuwo badan oo kamid ah guryaha maanta loo yaqaan beeraha nashada xilliga fasaxa ayaa waxa ay ka yimaadeen dhanka gacanka,'' sida u uku sharaxayo Jonny Thamson buuggiisa 5 waddo oo Gacanku wax ugu soo kordhiyay casriga ee lagu daabacay joornaalka Big Think.
Khabiirka ayaa tilmaamaya inkasta oo Masar iyo Babylon ay korin jireen ubaxyada iyo xadiiqooyinka, haddana ay ahayd Faaris cidda la timid fikradda ku qurxinta guryaha ee baaraha.
Kuwani waa goobaha loo kaydiyay bulsho dhan inay ku nasato

Xigashada Sawirka, Kaveh Kazemi/Getty Images
''Beerta Persia'' waxa ay ku jirtaa liiska ENESCO ee dhaqanka caalamiga ah.
Giriigu waxa ay kasoo amaahdeen ereyga pairidaeza Iiraan taasi oo la micno ah beerta boqorka.

Xigashada Sawirka, Eric Lafforgue/Art in All of Us/Corbis via Getty Images
Farriimaha Boostada
Thomsan ayaa dib u xasuusanaya in, inkasta oo Masaarid aiyo Suuriyaanka ay u lahaayeen waddo ay ku dirijireen farriimaha, haddana ay ay ahayd Faarisiyiinta (Persia) kuwa baray caalamka habka loo isticmaalo boostada xafiisyada.
Tani waxa la sameeyay intii lagu guda jiray wakhtigii boqor Darius, kaasi oo awoodda qabsaday 521 AD.
Profisoorada Jaamacada waxa ay sheegeen in farriimaha ay u kala safri jireen goobo kala dheer iyada oo la adeegsanayo fardo, kahor inta aysan gaarin halkii ay u socdeen si ay farriinta u gaarsiiyaan, kadib u nastaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa ay maalinta xigta diyaarin jireen fardahooda kadib markii ay nasteen, waxaana kadib ay sii wadan jireen safarkooda.
Waxa ay ahayd tan ugu fudud, ugu dhakhsaha badan uguna ammaanka badan ee farriimaha lagu dirijiray wakhtigaasi.
Profisoor Cutilas ayaa sharaxaya sida Boqortooyadii Faarisyiintu (Persia) ugu faaftay saddex qaaradood.
Waxa ay abuureen waddo ay iskula xiriiri jireen dhexdooda – waana mid ilaa iyo hadda la adeegsado.
Sijaayadda (Darduma)
Sannadkii 1929 ayaa saynisyahanada cilmiga aadanaha ay sameeyeen helitaanka maydadka qaar ku jiray god ay qodeen oo ku yaala Siberia ayna la socdeen walxo jiray ilaa 2,500 oo sanadood.
''Walxahaasi waxaa kamid ahaa kuwa laga helay Pasirik, tan ugu muhiimsan ayaa ah mid ay ku jirtay sanduuq lagu xardhay xaywaanao sida fardo daaqaya, deero iyo ubaxyo, sida lagu daabacay Mariya Zavitukhina.''
''Tolmada ugu qadiimsan ee lasoo saaro ayaa muujinaysa sharafka iyo qadarinta dadka tolayaasha ee Iiraan''

Xigashada Sawirka, Biblioteca Ambrosiana/Getty Images
Cilmi-baarista Dawooyinka

Xigashada Sawirka, Universal History Archive/Universal Images Group via Getty Images
Sannadkii 1913, William Osler oo loo tixgaliyo aabaha dawooyinka casriga ayaa ka jeediyay jaamacada Yale ''Habka Isticmaalka Dawooyinka Casriga.''
Dhakhtarka Kanadiyaanka ah, waxaa khudbadiisa ay taabay taariikhdii Ibn Sina, oo si wanaagsan loogu yaqaanay Avicenna luuqada Ingiriiska.
Avicenna waxaa uu dhashay sannadkii 980, waxa uu adeegsan jiray cilmiga iyo tiknaloojiyadda Giriiga, Rome, Hindiya, Peris aiyo hab-dhaqameedkii daweynta Islaamiga ah siu u dawooyinkiisa u sameeyo.
Cilmi-baaristiisa waxaa laga dhigi jiray iskuulo ku yaala Yurub ilaa qarnigii 17aad – Jaamacada Padua ayaa adeegsan jirtay shaqadiisa tan iyo 1715.

Xigashada Sawirka, Bettman/Getty Images
Xisaabaadka
Waa laga yaabaa in aad maqashay Al-Khwarizimi, waa lagu qeexo inuu ahaa Aabaha Xisaabaadka.
Shaqada ay qabteen qaar kamid ah Xisaabyahanadii Perisia, dalalka Yurub waxaa ay shaaca ka qaadeen nidaamkii tirooyinka carabta, oo ka kooban dots iyo commas oo ah kuwa aynu maanta isticmaalno.

Xigashada Sawirka, Bettman/Getty Images
Al-khwarizmi waxaa uu dhashay sannadkii 780 waxaana uu u guuray Baqdaad isaga oo ka tagay Faaris. Waxaa uu maamulay Gurigii Xikmada, iskuul la aasaasay intii lagu guda jiray boqortooyadii Islaamiga.
Xisaabyahan kale oo wakhtigaasi ah umar Khayyam ayaa isaguna ku dhashay sannadkii 1048 Nishapur oo xarun waxbarasho u ahayd Iiraan.
Koosto (Spinach)
Koosto (Spinach) waxaa markii u horraysay lagu abuuray boqortooyadii Faaris (Persia) in ka badan 2,000 oo sano ka hor, inta aysan ku faafin qaybo kale oo caalamka.
Waxaa la rumaysan yahay in Shiinuhu uu isticmaalayay Koosto (Spinach) horraantii qarnigii 6aad, ayna bareen Carabta, bulshadii Spain ee wakhtigaasi qarnigii 11aad, sida laga soo xigtay Jaamacada Wisconsin-Madison.
''Qarnigii 14aad, koosto (spinach) waxa ay ku baahday Yurub, iyada oo Ameerikaanka ay bareen isticmaarkii Yurub.''
Ereyga Ingiriiska ''Spinach'' waxa uu ka yimid ereyga carabiga ah ee ''Isbanah'' ama Isfanah'', taasi oo iyaduna ka timid ereyga faaris 'Persia' ee "Espenah".
Haddaba, mar kasta oo aad diyaarinayso cunto ay ku jirto koosto (spinach) ha ilaawin in dhirtaasi laga keenay boqortooyadii Faaris (Perisa) taasi oo maanta loogu yeero Iiraan.

Xigashada Sawirka, History/Universal Images Group via Getty Images









