Trump: Waxaa jirta suurtagalnimada in Mareykanka uu dib u bilaabo weerarada ka dhanka ah Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si degdeg ah u eegi doono qorshaha ay Iran soo bandhigtay, balse uu u arko inuusan ahayn mid la aqbali karo.
Isaga oo ka jawaabaya su’aal uu wariye ku weydiiyay West Palm Beach, Florida, ka hor inta uusan u ambabixin Miami, Donald Trump wuxuu sheegay in “ay jirto suurtagalnimo ah in Mareykanku uu dib u bilaabo weerarrada ka dhanka ah Iran.”
Horraantii, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in Iran ay soo gudbisay soo jeedinteeda iyada oo loo marayo Pakistan oo dhexdhexaadiye ah, ujeeddaduna tahay in si joogto ah loo soo afjaro dagaalka, isla markaana “arrintu ay hadda ku jirto gacanta Mareykanka si uu u doorto dariiqa diblomaasiyadda ama uu sii wado siyaasaddiisa iska hor imaadka.”
Donald Trump ayaa fariin uu ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay in “Iran aysan weli bixin qiimo aad u culus oo ku saabsan ficilladeeda ka dhanka ah aadanaha iyo dunida 47-kii sano ee la soo dhaafay.”
Isaga oo ka jawaabaya su’aalaha wariyeyaasha, Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu wargeliyay qaabka guud ee heshiiska, balse aan wali loo gudbin qoraalka faahfaahsan ee heshiiska.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiin Iran ah, soo jeedinta uu Trump diiday waxaa ku jira shuruudo la xiriira dib u furista maraakiibta marinka Hormuz iyo in la qaado xayiraadda Mareykanka ee Iran, halka sidoo kale la soo jeediyay in wada-hadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran dib loo dhigo ilaa marxalad dambe.


