Dowladda Bangladesh oo soo faragalisay gowraca dibigii "Trump u ekaa"

Xigashada Sawirka, .
Waxaa la joojiyay Qalidda iyo udxiyaynta Dibigii la sheegay in uu u egyahay islamarkana loogu magac daray "Donald Trump" sababo la xiriira timihiisa.
Dibigan oo lagu waday in la qalo maalinta Ciidda oo ahayd shalay ayaa waxaa la wareegtay dowladda Bangladesh oo sheegtay in xanaanadiisa ay la wareegtay.
Maalin ka hor Ciidul Adxaa, waxaa la shaaciyay in dowladda ay go'aansatay inay ilaaliso Dibigan halkii la qali lahaa oo inta lagu guda jiro Ciidul Adxaa. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Bangladesh, Salahuddin Axmed, ayaa si gaar ah door uga qaatay arrintan.
Sida ay booliisku sheegeen, Dibiga waxaa laga kaxeeyay guriga milkiilaheeda maalintii Arbacada kadib amar ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Bangladesh, Salahuddin Axmed, ayaa BBC Bangla u sheegay inuu iibsaday Dibiga lagu magacaabo "Donald Trump." Wuxuu sheegay in dowladda ay qorsheyneyso inay ilaaliso noocan dhifka ah ee lo'da.
Maalmo yar ka hor Ciidul Adxaa, Dibigan albino-ga ah ayaa si weyn caan uga noqotay Bangladesh.
Milkiilaha dibigan, oo lagu magacaabo Ziauddin, oo 37 jir a ayaa sheegay in walaalkiis uu Dibigan 700-kiilo garaam ah ugu magac daray madaxweyniha Maraykanka Donald Trump sababo la xiriira timihiisa.
Ziauddin wuxuu intaas ku daray in dadku ay si joogto ah ugu soo qulqulayeen inay arkaan xDibigan intii lagu jiray bishan May oo dhan.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in isku ekaanshaha keliya ee u dhexeeya Dibigan iyo Madaxweyne Donald Trump uu ku koobanyahay timaha oo keliya.

Xigashada Sawirka, AFP
Sida uu sheegay Ziauddin, Dibigan waxaa la maydhaa afar jeer maalintii.
Ziauddin wuxuu intaas ku daray in dibaga ay bilaabay inuu miisaanbadan ka dhaco sababo la xiriira ciriiriga iyo dadka badan ee mar walba u imaanayay inay arkaan. Kadibna waxay ku qasbanaadeen inay joojiyaan u soo bandhigista dadweynaha. Si kastaba ha ahaatee, carruurtu weli waxay sii wadaan inay duleelada albaabbada ka dhex fiiriyaan si ay indhahooda ugu arkaan Dibigan caanka noqday.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay sheegtay AFP, Faisal Axmed wuxuu ka mid ahaa dadka u suurtagashay inay u dhowaadaan Dibigan oo ay sawirro ka qaataan.
"Runtii waxaa jira waxyaabo ay iskaga egyihiin Dibigan iyo Madaxweyne Donald Trump," ayuu Faisal Axmed u sheegay AFP.
Wuxuu u yimid inuu arko isaga oo ay la socdaan shan saaxiibadiis iyo xubno qoyskiisa ka tirsan. Wuxuu intaas ku daray in adeerkiis uu saacad doon ku soo safaray si uu u arko "Donald Trump."
Inkasta oo Dibigan uu noqoday xiddig caan ka ah baraha bulshada, haddana ma aha xayawaanka keliya ee magac loo bixiyay.
Xoolaha kale ee la socda waxaa ka mid ah dibi lagu magacaabo "Tofan," xayawaan weyn oo loo bixiyay "Fat Boy," iyo dibi deggan oo lagu magacaabo "Sweet Boy."
Dibi leh timo dahabi ah ayaa sidoo kale loogu magac daray ciyaaryahanka kubadda cagta Brazil, Neymar.
Xilliga Ciidul-Adxaa, suuqyada xoolaha waa la qurxiyaa waxaana sii kordha ciriiriga dadka doonaya inay iibsadaan xoolaha lagu qalo.
Xaaladdan oo kale, xoolo badan ayaa noqda kuwo caan ah—qaarkood qiimahooda awgiis, halka kuwo kalena caan ku noqdaan cabbirkooda iyo astaamahooda jireed.
Dad badan ayaa ka war-sugayay waxa laga yeelayo dibigani marka la gaaro ciidda iyo in la qalayo iyo in kale.










