Raac tallaabooyinkan si aad kor ugu qaaddid farxaddaada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Badankeena kama fikirno hormoonnada jidhkeenna ee ka qayb qata nolol maalmeedkeena. Waxaan ognahay inay jiraan hormoonno jidhkeenna ku jira, oo ay ka mid yihiin isbeddellada hormoonnada ee kala sooca wiilasha iyo gabdhaha xilliga qaan-gaadhka.
In badan oo naga mid ah keliya waxaan ognahay ugu yaraan doorka jidhkeenna ay ku leeyihiin hormoonnada lagu magacaabo testosterone iyo estrogen kaas oo ah koritaanka aadanaha.
Hormoonnadu waxay maamulaan wax kasta oo nolosheenna ah - waana sababta mararka qaarkood aad u dareento fiicnaan, marna aad u dareento xumaan, marna aad u xanaaqdo, waxaas oo dhan waxaa sabab u ah isbeddellada hormoonnada.
Maxay kala hormoonnadu, halkee se ayay ka yimaaddaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hormoon ("kiciyeyaasha") waa kiimiko ay sii daayaan qanjidhada jidhku waxayna ku socotaa habka wareegga dhiigga ilaa ay gaadhaan xubnaha kale ee jidhka. Waxay na keenaan isbeddel ku yimaada shaqada xubnaha jidhkeenna.
Jidhkeenu waxa uu iskula xidhiidhaa hormoonnada. Qanjidhada, ugxanta iyo xiniinyaha ayaa dhamaantood qayb ka ah ururkan. Guud ahaan waxaa jira waxyaabo badan oo aan la garanayn oo ku saabsan hormoonnada.
Weligaa ma is weydiisay sida maskaxdeenna iyo jirkeenna u wada shaqeeyaan? Taasi waxay ahayd mid ka mid ah sababaha aan u noqday lafopractor, ayuu yidhiqof ku takhusasay barashadoodu.Dhaqdhaqaaqa hormoonku waxa uu wax ku biiriyaa ku dhawaad dabeecad kasta oo nolosheenna ah, laakiin waxa laga yaabaa in aynaan ka warqabin waxa dhacaya.
Tusaale ahaan, marka aad la hadasho dadka kuu dhow, miyaad dareentaa jacayl iyo dareen wanaag?
Xaaladda waxaa sababa hormoon loo yaqaan oxytocin. Waxay dhiirigelisaa dhaqamada xoojiya xidhiidhka qoyska.
Haddaba qoraalkan waxaan ku barnaynaa afar hormoon oo ay tahay in aad ogaato bedqabkooda iyo waxyaabaha kiciya si aad kor ugu qaaddo farxaddaada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Oxytocin
Oxytocin waa hormoon 'jacayl' oo muhiim ah kaas oo hagaajin doona xidhiidhkaaga. Hormoonkaas waxa la soo daayaa marka aad dareento badbaado, dad kale la xidhiidhoyso siiba dakaasi yihiin qaraabadaada ama aad u dhowdahay dadka aad isku diinta iyo rumaynta tihiin.
Ujeedada hormoonkan ayaa ah in la xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya bini'aadamka, si ay waalidku ugu dhawaadaan ubadkooda, una ilaaliyaan qaab dhismeedka qoyska, isla markaana ka caawiyaan lammaanahana isu soo dhawaanshahooda.
Si loo kiciyo hormoonnadan si dabiici ah:
- La ciyaar xayawaannada dab-joogta amad guriga ka agdhaw sida bakaylaha ama bisadaha
- Ula dhaqan saaxiibadaa iyo qoyskaaga si jacayl iyo naxariisi ku jirto
- Qaddarinta iyo mahadcelinta, siiba kolka aad guul gaadho
- Wadahadal fool ka fool ah oo lala yeesho qofka aad jeceshahay
- U diyaarinta cunto qof aad jeceshahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Serotonin
Waa hormoon aad u firfircoon oo jidhkeenna ku jira, hormoonkan waxaa loo yaqaan hormoonka degganaanta sababta oo ah hormoonkani wuxuu badanaa keenaa qofka in uu is dejiyo.
Waxay u shaqeysaa sidii hormoonnada farriinta gudbiya oo kale (neurotransmitter)
Waxa uu gudbiyaaa farriimaha u dhexeeya hal unug dareeme iyo mid kale.
Serotonin waxaa laga soo saaraa mindhicirka, maskaxda, habdhiska dareenka iyo xididdada dhiigga.
Hormoonkaas waxa uu la xidhiidha xakamaynta shucuureed, hurdo dheeli tiran, farxadda iyo walaaca.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si loo kiciyo hormoonnadan si dabiici ah:
- Cabbaar istaag qorraxda
- Orod, dabaalo ama kaxee baaskiil
- Waqti qaado si aad wax uga fikirto
- Ku lugee goob aad u bilic qurxoon, siiba kayn ama beer
Dopamine
Kani waa hormoon ka mas'uulka ka ah xaaladda maskaxeed ee qofka. Waxa uu taageeraa shaqada wadnaha iyo maskaxda, waxa uu ka caawiyaa qofka xakamaynta miisaanka waxa uuna jaangooya heerkaaga waxqabad.
Waxa uuku dhiirigelisaa jidhkeena inuu helo wax badan "dhiirigelinta si aan u helno wax badan oo ku saabsan isku dheelli cuntada iyo guushu waa furaha hormoonkan".
La'aanta hoormoonkan ee jidhka bini'aadamka waxay keentaa xaalad niyad-jab ah oo joogto ah, iyo korodhka miisaanka xad-dhaafka ah ee ku yimaadda dadka qaar.
Si loo kiciyo hormoonnadan si dabiici ah: -
- Cun cuntada aad jeceshahay
- U dabbaaldeg guulaha yaryar ee nolol maalmeedkaaga ah
- Dhaqaalee naftaada
- Dhageyso muusig wanaagsan
- Waxaad u baahan tahay inaad dhamaystirto hawsha ama mashruuca aad bilowdo marba
Endorphins

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hormoonka endorphin waa xanuun baabi'iyaha dabiiciga ah. Waxa uu ka caawinayaaaa daawaynta xanuunka, yaraynta walbahaarka, waxa uuna kordhiyaa farxadda.
Markaad cunto cunto hormoonka 'endorphins' ayaa soo baxaya, sidaas awgeed maskaxdaada waxay dareentaa farxad. Endorphins waa hormoono gaar ah oo, marka la sii daayo, ka dhigi kara qofka inuu dareemo fiicnaan.
Si loo kiciyo hormoonnadan si dabiici ah:
- Jimicso
- La ciyaar asxaabta ama daawo/dhegayso bandhigyada majaajillada ah
- Cun shukulaatada
- Isku day inaad isticmaasho saliidaha sida lavender, orange, ama cadar, iwm.
- Iyo dabcan galmada.
Sidaa darteed, si aad maskaxdaada iyo jidhkaaga uga dhigto mid wanaagsan, waxa fiican inaad diiradda saarto dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah qaarkood si aad u kiciso hormoonnada loo baahan yahay.













