TOOS, Cabaas Araghchi oo u jawaabayey Natenyahu iyo Trump "Tijaabiya nasiibkiina, lana socda annaguba shaqo ayaa inoo harsan".

Saacad kaddib markii Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu ay ka hadleen “dhammaystirka hawsha” dagaalka Iran, iyuu Cabaas Araqchi baraha bulshada ku qoray: “Markii ugu dambeysay ee aad isku daydeen inaad hawsha dhammaystirtaan, Iraan waxay soo baxday iyadoo ka xoog badan sidii hore, marka la socda annaguba shaqo ayaa inoo harsan"

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dhaawac halis ah ayaa soo gaaray xildhibaanad Australian ah oo lagu dhuftay gaari

    Helen

    Helen Haines oo ka tirsan baarlamaanka Australia ayaa lagu dhuftay gaari. Raysalwasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa ku tilmaamay “fal ula kac ah”.

    “Tani ma ahayn shil, waxay u muuqataa in uu ahaa fal si ula kac ah loo geystay,” ayuu Albanese u sheegay warbaahinta Australia.

    Raysalwasaaraha ayaa u muuqday mid ilmeynaya markii la weydiiyay in isaga iyo saaxiibbadiisa siyaasadeed ay dhexdooda kaga wada hadlaan hanjabaadaha iyo khataraha ay la kulmaan.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Australia, Angus Taylor, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday, ugana naxay warkan.

    Wuxuu yiri, “Waxaan u ducaynayaa Helen, waxaana ka fikirayaa qoyskeeda iyo dadka ay jeceshahay. Qofna ma ahan in sidan oo kale loo bartilmaameedsado.”

    Helen Haines waa xildhibaanad madax-bannaan oo 65 jir ah, waxayna matashaa deegaanka Indi ee gobolka Victoria, koonfur-bari Australia.

    Markii ugu horreysay waxaa aqalka wakiillada Australia loo doortay sannadkii 2019, waxaana markale dib loo doortay doorashadii 2022 iyo 2025.

    Ka hor inta aysan siyaasadda soo gelin, waxay aheyd kalkaaliso caafimaad, umuliso iyo cilmi-baare caafimaadka bulshada.

    Sidoo kale waxay daabacday dhowr qoraal oo cilmi-baariseed oo ku saabsan caafimaadka hooyada.

    Wararka kale ee dheeraadka

  2. Reuters: Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen xero ciidamada dowladda Yemen lagu tababaro

    xuutiyiinta Yemen

    Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen xero tababar oo ay la haayeen ciidamada dowladda Yemen oo ku taal gobolka Shabwa sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo dowladda ah iyo kuwa caafimaad.

    Xutiyiinta ayaa si joogto ah u bartilmaameedsaday xarumaha ciidamada isbahaysiga la ah dowaldda la aqoonsan yahay ee Yemen iyo ciidamada taageera isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

    Xuutiyiinta ayaa mar sii horeysay ku weeraray shan gantaal qasriga Al-Maashiq kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay xarunta howlgallada ee isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo.

    Warbixinadii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in shan qof lagu dilay iyadoo tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen weerarka. Qasriga waxaa deggan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.

    Wararka kale ee dheeraadka

  3. Madaxwaynaha Masar oo codsi lagu taageerayo sacuudiga u gudbiyay baarlamaanka

    Madaxweynaha Masar, Cabdel Fattax al-Sisi, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxammed bin Salman.
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Masar, Cabdel Fattax al-Sisi, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxammed bin Salman.

    Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa baarlamaanka dalkiisa ka codsaday inuu oggolaado in la qaado “tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si loo difaaco Sacuudiga haddii uu dalkaasi codsado taageero.

    Maalin kaddib codsigaas, Qaahira ayaa billowday dhammaystirka tallaabooyinka dastuuriga ah ee loo baahan yahay. Axaddii, Golaha Difaaca Qaranka ayaa oggolaaday in Sacuudiga la siiyo dhammaan noocyada taageerada, si looga caawiyo inuu iska difaaco weerarrada Xuutiyiinta.

    Hase yeeshee, Golaha Wakiillada ayaa go’aanka kama dambaysta ah dib ugu dhigay Isniinta, kaddib kulan degdeg ah oo uu yeesheen.

    Al-Sisi ayaa Sabtidii sheegay in Masar aysan iska daawan doonin haddii ammaanka Sacuudiga waxyeello soo gaarto. Wuxuu xusay in faragelin milatari oo suurtagal ah ay noqon doonto mid difaac ah, oo aan loogu talagelin gardarro ama dagaal bilowgiisa.

    Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli ay toddobaadyadii la soo dhaafay kordheen weerarrada Xuutiyiinta ay ku qaadayaan Sacuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin weerarro lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh iyo xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco.

    Weerarradan ayaa sidoo kale walaac ka abuuray ammaanka maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo saameynta ay ku yeelan karaan ganacsiga gobolka iyo sahayda tamarta.

    Tallaabooyinka ugu dambeeyay ee Masar ayaa mar kale dhaliyay su’aalo ku saabsan nooca taageero ee Qaahira siin karto Riyadh, xadka ay gaari karto faragelin milatari oo suurtagal ah iyo in tallaabooyinkani muujinayaan isbeddel ku yimid siyaasadda Masar.

    Wararka kale ee dheeraadka

  4. Eedayn la xiriirta falal anshax-xumo ah oo ka dhacay Masaajidka Makka: Nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh oo lagu xukumay dil

    Makkah
    Qoraalka sawirka, Makkah

    Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh, oo loo xiray eedeyn la xiriirta falal anshax-xumo oo lagu sheegay inay ka dhaceen gudaha mid ka mid ah masaajidda magaalada barakeysan ee Makka, lagu fuliyay xukun dil ah.

    Faahfaahinta kiiskan ku dhufo lifaaqa hoose.

  5. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya Iran ka dib dagaalka

    Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa maanta u ambabaxaya Tehran, booqashadiisii ugu horreysay ee uu Iran ku tago tan iyo weerarradii Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen dalkaas.

    Telefishinka Iran ayaa sheegay in Lavrov uu inta uu booqashada ku jiro sidoo kale la kulmi doono madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian.

    Ruushka ayaa la sheegay inuu doonayo inuu door dhexdhexaadin oo ka weyn ka qaato, xilli ay mar kale sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Lavrov, oo la filayo inuu la kulmo wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dadaallada Moscow ay “ujeeddadoodu tahay in laga hortago dib u soo noqoshada dagaal baaxad weyn”.

    Ka hor inta uusan Iran u safrin, Lavrov wuxuu booqday Bahrain. Shirkii sagaalaad ee wada-hadalka istiraatiijiga ah ee Ruushka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ka dhacay magaalada Manama, ayuu ku baaqay in wadahadal toos ah ay yeeshaan dalalka Khaliijka iyo dalalka deriska la ah, oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Urdun.

    Booqashada Lavrov ee Iran ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu kulan laba geesood ah oo dhowaan dhex maray isaga iyo Pezeshkian ku sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dadaallada dhexdhexaadinta.

    Putin ayaa sheegay in dadaalladaasi ay sidoo kale ku lug yeelan karaan Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Wararka kale ee dheeraadka

  6. Macron oo ku baaqay in la isdejiyo, lana ilaaliyo kala dambeynta kaddib rabshadihii dibadbaxyada Faransiiska

    Dibadbaxyada faransiiska
    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada faransiiska

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo “degganaanshaha iyo kala dambeynta”, kaddib markii dibadbaxyo Sabtidii dhacay ay isu beddeleen rabshado iyo dhac hantiyeed.

    Rabshaduhu ayaa Sabtidii ka sii socday magaalada Paris.

    “Dhammaanteen waan xanaaqsanahay, waana ka xishoonaynaa waxa dhacay,” ayuu Macron ku yiri farriin uu ka soo saaray qasriga Élysée, isagoo uga digay dadka dibadbaxyada ka qeybgalaya inaysan xaaladda sii xumeyn.

    Qiyaastii 550,000 oo qof ayaa si nabad ah waddooyinka isugu soo baxay, iyagoo ka cabanayay kororka qiimaha shidaalka, sare u kaca maciishadda iyo adeegyada dowladda oo sii xumaanaya, oo ay ku jiraan adeegyada waxbarashada.

    Macron ayaa sheegay in dadka dibadbaxaya ee qaba cabashooyin sharci ah ay tahay in laga sooco kuwa ku lug leh burburinta hantida iyo dhaca.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegtay in booliisku ay xireen 2,400 oo qof.

    Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in aysan jirin wax cudurdaar u noqon kara rabshadaha “faraha ka baxay”, wuxuuna ballanqaaday in dhammaan dadka ku lugta lahaa sharciga la horgeyn doono.

    Kooxo rabshado wada, oo qaarkood xirnaayeen dhar madow, maaskaro iyo marooyin madaxa lagu duubto, ayaa waddooyinka isugu soo baxay magaalada Paris, Marseille iyo magaalooyin kale.

    Wararka kale ee dheeraadka

  7. Wall Street Journal: Putin oo soo jeediyay kulan saddex-geesood ah oo uu la yeesho Trump iyo Xi Jinping

    Putin
    Qoraalka sawirka, Putin

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa soo jeediyay in bisha soo socota uu kulan la yeesho Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, si ay uga wada hadlaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine oo galay sannadkiisii afaraad, sida uu Axaddii qoray wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganayay ilo xog-ogaal u ah wadahadallada.

    Soo jeedintan ayaa timid xilli ay u muuqato in xiriirka Trump iyo Ruushka uu sii wanaagsanaanayo. Trump ayaa markii hore ku dhawaaqay heshiis la xiriira iibsashada naaftada Ruushka, kaddibna saxiixay wareegto lagu qaadayo qaar ka mid ah cunaqabateynihii muhiimka ahaa ee saarnaa Moscow.

    Wall Street Journal, oo soo xiganayay sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Ruushka, kaas oo xog laga siiyay arrintan, ayaa qoray in Putin uu soo jeedintan ku gudbiyay wada-hadal taleefan oo uu Trump la yeeshay 9-kii October. Soo jeedintu waxay la xiriirtay iibsashada naaftada Ruushka.

    Aqalka Cad ayaan weli ka jawaabin codsi ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay oo ku saabsanaa warbixintan.

    Sida uu qoray Wall Street Journal, Kremlin-ka ayaa soo jeediyay in kulanka saddex-geesoodka ah lagu qabto dhinacyada shirka soo socda ee Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC), kaas oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Shenzhen ee Shiinaha, 18-ka iyo 19-ka bisha November.

    Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa wargeyska u xaqiijiyay in ay socdaan wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada kulankaas.

    Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa Wall Street Journal u sheegay in Trump uusan weli oggolaan qabashada kulanka, balse laga yaabo inuu soo dhaweeyo fikraddaas.

    Wararka kale ee dheeraadka

  8. Waa maxay xanuunkan dhalmo la'aanta sababi kara ee aysan haweenku ku baraarugsaneyn?

    Xanuunka aya sababa dhalma la'aan
    Qoraalka sawirka, Xanuunka aya sababa dhalma la'aan

    Qiyaastii 10% haweenka ayay xaaladdan heysataa, oo uu ka dhalan karo xanuun aad u daran. Balse weli aad looma baarin, si fiicanna looma fahamsana – welina dawo looma hayo.

    Gabar ayaa waxay tiri, “Dhiigga caadada oo xanuun badan wata ayaa igu billowday markii aan 14 jir ahaa. Waxaan iskuulka u qaadan jiray waxyaabo lagu kululeeyo qeybta hoose ee caloosha aniga oo rajo ka qabay inay maalintii oo dhan i caawin doonaan.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  9. Wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta Iran: Weerarrada dhanka internetka ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay

    Internet-ka
    Qoraalka sawirka, Internet-ka

    Behzad Akbari, oo ah wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta Iran, isla markaana ah madaxa shirkadda kaabayaasha isgaarsiinta dalkaas, ayaa sheegay in weerarrada dhanka internetka ee lagu qaadayo Iran ay si weyn u kordheen maalmihii la soo dhaafay.

    Wuxuu digniin u diray hay’adaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsiyada internetka ee gudaha Iran, isagoo qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay:

    “Labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa si weyn u kordhay xoogga iyo soo noqnoqoshada weerarrada DDoS ee lagu qaadayo shabakadaha iyo kaabayaasha isgaarsiinta dalka. Qayb weyn oo weerarradaas ka mid ah ayaa lagu xakameeyay nidaamyada difaaca ee gudaha iyo dibadda dalka, waxaana la ilaaliyay xasilloonida shabakadaha.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan kula talinayaa hay’adaha, ganacsiyada internetka, xarumaha kaydiya xogta iyo bixiyeyaasha adeegyada dijitaalka ah inay xoojiyaan diyaargarowga iyo hababka difaaca ee nidaamyadooda amniga, isla markaana ay kordhiyaan la socodka amniga.”

    Digniintan ka timid wasiir ku-xigeenka isgaarsiinta Iran ayaa ku soo beegmaysa xilli ay mar kale sii kordhayaan hadallada kulul ee u dhexeeya mas’uuliyiinta Iran iyo Mareykanka, iyo wararka ku saabsan suurtagalnimada iska horimaad milatari oo dhex mara labada dal.

    Wararka kale ee dheeraadka

  10. Labada guulood ee Soomaaliya ka gaartay tartanka kubadda cagta ee bariag iyo bartamaha Afrika

    Xulka Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Xulka Soomaaliya

    Ciyaartii dhexmartay Rwanda iyo Soomaaliya ayaa dhanka Soomaaliya uga dhignayd labada guulood oo isa saran "Mar waxaan gaarnay kulanka kama dambaysta ah marka waxaan u soo baxnay tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, oo ka dhici doonna dalka Maroco, marka laba guul oo waaweyn ayey noo ahayd"ayuu BBC-da u sheegay tababare Daadir.

    Marka laga soo tago guusha Finalka ee xulka Soomaaliya ee kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ay gaareen haddana qaar ka mid ah ciyaartooyda ayaa aad loo hadal hayey inta kulanka socday iyo ciyaarihii ay ka soo gudbeenba.

    Waa ciyaaryahanka numberka 10.aad u xiran Soomaaliya oo xalay dhaliyey goolkii barbaraha iyo goolhayaha oo isna sabab u ahaa in xulka gaaro Fianlka.

    "Ciyaartoyda gudaha galaya si wadajiray u shaqeeyaan hal ayeyna yihiin laakiin hadal haynta waxaa dhalinaya waxaa waaye numberka 10-aad wuxuu dhaliyey goolkii barbar dhaca laakiin waa gool ay kooxda ka wadashaqayen isagana dhamaystiray, goolhayahahan wuxuu nooleyey in Qaranku u soo baxo Finalka isago qabtay goolal kulaadk, waana ugu mahadceliyanaa kooxda oo dhan"ayuu intaa raaciyey tababare Daadir.

    Tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, waxaa hadda la xaqiijiyey inay u soo baxeen Soomaaliya iyo Uganda, basle Itoobiya iyo Rwanda ayaa ciyaaraya ciyaar ay ugu tartamayaan kaalinta saddexaad oo dalkii u soo baxaa uu ku biirayo Soomaaliya iyo Ugand.

    Wararka kale ee dheeraadka

  11. Masar oo oggolaatay inay Sacuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

    Dagaalka Yemen
    Qoraalka sawirka, Dagaalka Yemen

    Mas’uul sare oo dhanka amniga ah oo u dhashay Masar ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dalkiisu oggolaaday inuu taageero Sacuudiga dagaalka uu kula jiro fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

    Bayaan ka soo baxay Masar ayaa lagu sheegay in Golaha Difaaca Qaranka, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdel Fattax al-Sisi, uu oggolaaday in Sacuudiga la siiyo “dhammaan taageerada suurtagalka ah” si loo xaqiijiyo ammaankiisa.

    Inkasta oo bayaanku uusan faahfaahin dheeraad ah bixin, haddana al-Sisi ayaa Axaddii baarlamaanka ka codsaday inuu oggolaado in ciidamo iyo hub la geeyo goobaha dagaalka.

    Galabnimadii Axadda, waxaa la sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, iyo dhiggiisa Masar, Badr Abdellatif, ay khadka taleefanka kaga wada hadleen “arrimaha gobolka”.

    Sacuudiga ayaa taageero ka dalbanayay xulafadiisa, kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ay marar badan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas.

    Sacuudiga ayaa sheegay inay ku adag tahay inuu soo rido gantaallada ay Xuutiyiintu soo ridaan, maadaama ay beddeli karaan jihada ay u socdaan xilliga la ridayo.

    Ilaa hadda, ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay gudaha Sacuudiga oo keliya, halka kumannaan duulimaad la baajiyay.

    Axaddii, wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga ayaa la kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

    Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sare u sii kacaysay sannadihii la soo dhaafay, maadaama ay taageeraan dhinacyo kala duwan oo ku dagaallamaya Yemen.

    Dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo labada dhinacba ku sugan.

    Garoonka diyaaradaha iyo qasriga ay isticmaasho dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa la weeraray toddobaadkii hore.

    Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo Axaddii ka dhacday magaalada Sacada ee ay fallaagadu maamusho ay ku dhinteen sagaal qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

    wararka kale ee dheeraadka

  12. Qaar ka mid ah dadkii Nabiga (NNKH) aflagaaddeeyay iyo sida ay ku dhinteen

    Kurt Westergaard marar badan ayaa loogu hanjabay in la dili doono
    Qoraalka sawirka, Kurt Westergaard marar badan ayaa loogu hanjabay in la dili doono

    Mararka qaar waxaa dunida ka dhacay qalalaase meel sare gaaray oo ka dhashay aflagaaddada ka dhanka ah nabiga.

    Haddaba waxaan dib u milicsanaynaa qaar ka mid ah dadkii u gafay Nabiga, oo qaarkood la dilay qaar kalena u dhinteen siyaabo kale.

  13. Faahfaahin cusub oo laga helay diyaaraddii Tel Aviv ka duushay oo si degdegg ah ugu degtay Bulgaria

    Diyaarad ay leedahay shirkadda Austrian Airlines oo la mid ah tii loo leexiyay dhanka Bulgaria
    Qoraalka sawirka, Diyaarad ay leedahay shirkadda Austrian Airlines oo la mid ah tii loo leexiyay dhanka Bulgaria

    Sida aan horay u soo sheegnay, diyaarad ay leedahay shirkadda Austrian Airlines ayaa Axaddii si degdeg ah uga degtay caasimadda Bulgaria ee Sofia, xilli ay ka soo duushay Tel Aviv kuna sii jeedday Vienna.

    Wararka ayaa sheegay in dhacdadan ay sabab u ahayd digniin amni.

    Wasaaradda Gaadiidka Bulgaria ayaa saacad ka hor bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha diyaaradda Austrian Airlines ay go’aansadeen inay si degdeg ah uga degaan Sofia, kaddib markii diyaaraddu ay ku sii dhawaanaysay Romania, isla markaana la helay hanjabaad sheegaysa in bam uu saaran yahay diyaaradda.

    Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa sheegay in rakaabka diyaaradda laga daadgureeyay kaddib markii ay caga-dhigatay.

    Wargeyska Israel ee Haaretz ayaa sheegay in hanjabaadda bamka uu sameeyay muwaadin u dhashay Austria, kaas oo aan ku jirin rakaabka diyaaradda.

    wararka kale ee dheeraadka

  14. Goormaa la ciyaaraya ciyaarta kama dambeysta ee Uganda iyo Soomaaliya

    Kooxda soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Kooxda Soomaaliya

    Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ee Soomaaliya ayaa dhigay Sabtidii mar kale taariikh weyn oo ay ka soo hoyiyeen tartanka CECAFA U17 kaas oo sanadkan ay martigelinayso dalka Rwanda.

    Soomaaliya ayaa afar dhammaadka tartanka la ciyaartay xulka da'doodu ka yar tahay 17sano ee Rwanda ciyaar ka dhacday garoonka Kigali Pele.

    Tabaraha xulka kubada cagta ee da'adoodu ka yar tahay 17 sano jirka ee Soomaaliya, Daadir Amiin Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in halka ay joogaan ku gaareen niyad wanaag ka muuqda ciyaartooyda iyo xulka oo dhanba.

    Ciyaarta kama dambeysta ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa lagu wadaa in maanta ay dhacdo.

    Ciyaarta ayaa ka dhici doonta 15:30 ama 9 saac iyo bar (waqtiga Bariga Afrika) garoonka Kigali Pelé Stadium.

  15. Ilaalada Kacaanka Iran oo hanjabaad u dirtay Trump iyo Netanyahu

    Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu

    Saacad ka dib markii Donald Trump uu sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay Benjamin Netanyahu, isla markaana hoggaamiyeyaasha labada dal ay carrabka ku adkeeyeen iskaashiga ay ka leeyihiin ka hortagga Iran, ayaa mas’uuliyiin ku sugan Tehran ay ka falceliyeen hadalladaas.

    Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Mohebi, ayaa Axaddii jeediyay hadallo hanjabaad ah.

    “Duqeyn kasta oo lagu qaado kaabayaasha tamarta Iran, inkastoo ay saynisyahannadeenna da’da yar si degdeg ah u dayactiri doonaan, waxay dhulka la haysto weligiis u beddeli doontaa dhul gubtay, waxayna dadka halkaas ku nool ku qasbi doontaa inay u barakacaan saxaraha Siinaay. Dunidu waxay arki doontaa waxa dhici doona,” ayuu yiri.

    Saacad ka hor hadalkaas, ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa farriin uu ku baahiyay baraha bulshada kaga hadlay Iran iyo hadalladii ugu dambeeyay ee Donald Trump, isagoo sheegay in labada dal ay sannadaha soo socda “wada dhammaystiri doonaan hawsha”.

    Trump ayaa horay bartiisa Truth Social ugu qoray, isagoo mar kale muujinaya taageeradiisa buuxda ee Netanyahu, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay muddo “51 sano ah” ku dhawaaqaysay hal-ku-dhegyada ah “Geeri ha u sugnaato Israel, geeri ha sugnaato Mareykanka”.

    “Waxaan burburin doonnaa shayaadiinta waaweyn iyo kuwa yaryar,” ayuu Trump ku daray.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay ahayd oo keliya arrin waqti ah ka hor inta aysan Iran ficil u beddelin hadalladaas uu ku tilmaamay kuwo halis ah.

    Wuxuu intaas ku daray in Iran si nidaamsan looga burburiyay dhinacyada milatariga iyo dhaqaalaha, isagoo ka digay in haddii aysan si degdeg ah u beddelin hab-dhaqankeeda, Mareykanku uu arrintaas soo afjari doono waqti aad u dhow.

  16. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan: "La socda annaguba shaqo inoo harsan ayaa jirta"

    CABAAS

    Saacad kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale muujiyay taageeradiisa “buuxda oo dhammeystiran” ee Benjamin Netanyahu, xilli ay Israa’iil isu diyaarinayso doorashooyinka, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, baraha bulshada ku qoray:

    “Markii ugu dambeysay ee aad isku daydeen inaad hawsha dhammaystirtaan, Iran waxay soo baxday iyadoo ka xoog badan sidii hore. Ma doonaysaan inaad mar kale nasiibkiinna tijaabisaan? Hore u socda! Laakiin ka digtoonaada; annaguna arrimo noo harsan ayaa jira".

    Hadalladan cusub ee Araqchi ayaa jawaab u ah hadallo ay dhowaan jeediyeen Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu, kuwaas oo iyaga oo is taageeraya ku hanjabay in haddii “hab-dhaqanka Iran uusan isbeddelin”, Maraykanka iyo Israa’iil ay iska kaashan doonaan sidii ay “hawsha u dhammaystiri lahaayeen".

    Cabbaas Araqchi ayaa qoraal kale oo uu ku daabacay baraha bulshada habeenkii Axadda ku sii daray, isaga oo ka jawaabaya hadallada Trump iyo Netanyahu:

    “Netanyahu wuxuu Maraykanka ku riixayaa dagaal kale si uu uga baxsado xabsi, isaga oo aan dan ka lahayn cawaaqibka uu dagaalkaasi ku yeelan karo Israa’iil, iskaba daa madaxweynaha Maraykanka".

    Doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil ayaa ku beegan ku dhowaad toddobaad kaddib. Natiijada doorashada ayaa wax ka beddeli karta mustaqbalka dowladda Benjamin Netanyahu.

  17. SUBAX WANAAGSAN

    Kusoo dhawaada baahinteenna Tooska ah ee wararka caalamka iyo Soomaaliba!