War deg deg ah, Aqalka Cad oo lagu lafa-guray qorshaha Iiraan ee Hormuz
Afhayeenka Aqalka Cad ee dalka Mareykanka Carolyn Levitt, ayaa la waydiiyay in madaxweynaha Mareykanka uu aqbali doono dalabka Iiraan ee ku saabsan in la is-dhaafsado furitaanka Marinka Hormuz iyo shuruudaha ay wataan, afhayeenka Aqalka Cad Carolyn Levitt ayaa tiri:“Waxaan xaqiijin karaa in madaxweynuhu uu la kulmay kooxda amniga qaranka subaxnimadii maanta.
Kulankaas wuu sii socon karaa. Si dhab ah uma sheegi karo, balse dalabkaas weli waa la tixgelinayaa. Levitt waxay carrabka ku adkaysay in qadka casaanka ah ee Donald Trump ee ku saabsan Iiraan ay si cad ugu sheegeen shacabka Mareykanka iyo sidoo kale dowladda Iiraan.
Afhayeenka Aqalka Cad waxay hadalkeeda ku soo gabagabeysay in Madaxweynaha Mareykanka uu si dhow oo shakhsi ah uga hadli doono arrintan.