TOOS, 'Waxaa shaki laga muujinayaa in Trump iyo saraakiishiisa loo badinayo in bartilmaameedka ninkii hubeysanaa uu ahaa
Todd Blanche ayaa sheegay in natiijooyinka "hordhaca" ay muujinayaan in ninka la tuhunsan yahay inuu si gaar ah u bartilmaameedsanayay xubnaha maamulka Trump.
Ruushka iyo Iiraan oo ka wadahadlaya xaaladda Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, EPA
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabbaas Caraqji ayaa u
ambabaxay Ruushka, isagoo sii wada booqashadiisa caadiga ah, isagoo ay
weheliyaan diblomaasiyiin kale.
Mr. Caraqji ayaa lagu wadaa inuu berri kula kulmo oo uu
wadahadallo la yeesho Madaxweyne Vladimir Putin magaalada Moscow.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa hore ula kulmay
mas'uuliyiinta Pakistaan iyo Cumaan intii uu ku guda jiray safarkiisa
Islamabad iyo Muscat.
War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo gacanta ku dhigay hanti Iiraan leedahay oo gaaraysa 380 milyan oo doollar
Xigashada Sawirka, Getty Images
Bar
dhanka Inteernedka ah oo xil saran la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta
caalamiga ah ayaa sheegtay in sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday ay muujinayaan
in shixnado saliid ceeriin ah oo qiimahoodu gaarayo 1.05 bilyan oo doollar ay
dib ugu laabanayaan Iran, kaddib markii si degdeg ah ay u qabteen Ciidanka
Badda Mareykanka.
TankerTrackers
ayaa qoraal ay ku daabacday barta X, ku sheegat in Ilaalada Xeebaha Mareykanka
ay qabteen saliid Iran leedahay oo lagu
qiyaasay 380 milyan oo doollar taasoo lagu qabtay gudaha Badweynta Hindiya,
iyadoo la xusay in shixnaddaasi “u muuqatay mid loogu talagalay inay gaarto
Mareykanka.”
Madasha
“TankerTrackers” waa ilo ay adeegsadaan shirkadaha caymiska maraakiibta, soo
saarayaasha saliidda iyo ganacsatada si ay ula socdaan shixnadaha saliidda ee
adduunka oo dhan.
Ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay dhimashada mid ka mid ah askartooda koonfurta Lubnaan.
Milatariga Israa’iil ayaa Axaddii sheegay in askari lagu dilay koonfurta Lubnaan.
Ciidanku waxay faahfaahiyeen in Aidan Fox, oo 19 jir ah, lagu dilay “intii uu socday dagaal” ka dhacay koonfurta Lubnaan.
Waxay sidoo kale sheegeen in “sarkaal iyo saddex askari oo kale ay si daran u dhaawacmeen, halka hal askari uu qabo dhaawac dhexdhexaad ah, mid kalena uu qabo dhaawac fudud.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo wareysi siinayay Fox News ayaa sheegay in dagaalka Iran uu soo afjari doono dhawaan, islamarkaana dalkiisa uu guulo ka gaari doono.
Trump waxa uu carabka ku adkeeyay in hadii Iraniyiintu ay rabaan inay wada hadlaan, ay "na soo wici karaan".
Trump oo bixiyay wareysigii ugu horreeyay tan iyo markii la nin hubeysan uu rasaas ku furay xaflad aqalka cad ka socotay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Trump iyo Xaaskiisa
Waxaan hadda heleynaa warar ku saabsan Donald Trump oo bixiyay wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo toogashadii xalay. Halkan waxaa ku qoran soo koobidda qodobbada ugu muhiimsan:
Trump wuxuu sheegay in isaga iyo marwada koowaad ay nabad qabaan, inkastoo ay ahayd “habeen murugo leh siyaabo badan.”
Wuxuu sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu lahaa “nacayb qalbigiisa ku jira” isla markaana uu ahaa “mid si adag uga soo horjeeda diinta Masiixiga” — iyadoo la xasuusinayo in booliisku hore u sheegeen in sababta weerarka weli aan la ogeyn.
Wuxuu ammaanay waaxda ilaalada gaarka ah ee madaxwaynaha, isagoo sheegay in tuhunsuhu uu u soo orday sida “ciyaaryahan NFL ah,” isla markaana ay “si degdeg ah u joojiyeen.”
Wuxuu ku celiyay hadallo uu hore ugu qoray Truth Social, isagoo sheegay in loo baahan yahay hool cusub oo Aqalka Cad ah si looga hortago dhibaatooyin amni mustaqbalka.
Marka laga hadlayo booqashada rasmiga ah ee soo socota, wuxuu sheegay in Boqor Charles III uu weli iman doono, isla markaana “waan wada qaadan doonaa waqti fiican.
Leavitt ayaa tiri "Runtii Trump wuxuu ahaa mid aan cabsi dareemin" ka dib weerarkii hoteelka Washington
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in wixii la filayay inuu noqdo habeen madadaalo leh uu “farageliyay qof waalan oo xun oo damacsanaa inuu dilo madaxweynaha isla markaana uu laayo inta ugu badan ee suurtagal ah ee saraakiisha sare ee maamulka Trump.”
Leavitt ayaa qoraal ay ku daabacday X ku sheegtay in ay la joogtay madaxweynaha meel gadaal ah “kadib markii si degdeg ah ay noo badbaadiyeen ilaada gaarka ah,” iyadoo ku dartay in uu ahaa madaxwaynaha “mid aan ayasan cabsi ka muuqan.”
Waxay mar kale ku celisay hadalkii Trump ee ahaa in “rabshadaha siyaasadeed ay tahay inay dhammaadaan,” waxayna u mahadcelisay “hay’adaha ammaanka sida ay noogu suurtageliyeen inaan dhammaanteen badbaadno.”
Dowladda Pakistan oo u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada Mareykanka ay ka soo qaateen Islamabad qalabkii ammaanka
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Pakistan ayaa horey u adkeysay amniga
Ilo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa u sheegay Reuters in ciidamada United States ay ka qaadeen qalab amni caasimadda Islamabad, taas oo muujinaysa in aysan u badnayn in wafdi Mareykan ah uu si dhow ugu soo laabto wadahadallo.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shalay ku dhawaaqay inuu baajiyay safar uu qorsheynayay wafdi Mareykan ah oo ku wajahnaa Pakistan.
Dhankiisa, Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa intii lagu jiray wada hadal taleefoon oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ku adkeeyay in Tehran aysan geli doonin “wadaxaajood lagu qasbo” oo lagu wado hanjabaad ama go’doomin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Iran.
Warbaahinta Axios: Israa'iil ayaa Imaaraadka geysay gantaalada Iron Dome intii uu socday dagaalka Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Iron Dome
Websaytka Mareykanka ee Axios ayaa daabacay warbixin sheegaysa in Israa’iil ay u dirtay nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome dalka Imaaraadka, iyada oo ay la socdaan ciidamo ka shaqeeya, marxaladihii hore ee dagaal lala galay Iran, sida laga soo xigtay saraakiil Israa’iili ah iyo sarkaal Mareykan ah.
Sida warbixintu tilmaamayso, tani waa markii ugu horreysay ee Israa’iil ay nidaamka “Iron Dome” ka hawlgeliso dal kale. Waxa kale oo ay Imaaraadka noqoday dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Israa’iil iyo Mareykanka ee isticmaala nidaamkan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay inImaaraadku ahaa dalka gobolka ugu nugul weerarrada Iran muddadaas, iyadoo Tehran—sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Imaaraadka—ay ku riday qiyaastii 550 gantaallo ballistic iyo cruise ah, iyo in ka badan 2,200 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Sida laga soo xigtay saraakiil Israa’iili ah, Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday in la diro hal cutub oo Iron Dome ah oo wata gantaallo difaac iyo tobanaan hawlwadeen, kadib wada-hadal uu la yeeshay madaxweynaha Imaaraadka.
Ilaa hadda, ma jiro wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay dowladaha Imaaraadka iyo Israa’iil oo ku saabsan warbixintan.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii wadahadallo ku yeeshay Muscat, halkaas oo uu kala hadlay arrimaha amniga ee marinka Strait of Hormuz iyo biyaha Gacanka, iyo sidoo kale dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran.
Intii uu wadahadallada la lahaa Suldaanka Cumaan, Haitham bin Tariq, Araqchi wuxuu sheegay in joogitaanka milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe uu sii hurinayo “xasillooni-darro iyo kala qaybsanaan,” isagoo ku baaqay in la dhiso hannaan amni oo gobolka ah oo ka madax bannaan faragelin shisheeye.
Sideed ku ogaan kartaa in ilmahaagu maskax ahaan fiyow yahay iyo in kale?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Cunug yar
In aad aragto ilmo xanaaqsan ma ahan wax lagu farxo, gaar ahaan haddii aad tahay waalid, macallin ama mas'uul, goob caruurta lagu xanaaneeyo.
Hadaba sidee ku ogaan kartaa in ilmahaagu maskaxiyan caafimaad qabo.
Ku dhufo lifaaqa hoose si aad faahfaahinta u akhriso
Netanyahu: Xisbullah waxay "jabisay" heshiiskii xabad joojinta ee Lubnaan
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa maanta sheegay in ficillada kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay “horseedayaan jebinta” heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.
Netanyahu ayaa intii lagu jiray shirkii toddobaadlaha ee golaha wasiirrada ku yiri: “Waa in la fahmaa in ku xadgudubka Xisbullah uu si dhab ah gacan uga geysanayo jebinta xabbad-joojinta.”
Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale Axaddii amray in dadka laga daadgureeyo toddoba tuulo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, iyagoo sheegay inay ka jawaabi doonaan waxa ay ku tilmaameen “xadgudubyo” ay sameysay Hezbollah oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta ee dhawaan dib loo cusbooneysiiyay.
Xaaladdan waxay muujinaysaa in xiisadda xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ay weli aad u kacsan tahay, inkastoo ay jiraan dadaallo xabbad-joojin ah.
Orodyahan Kenyan ah ayaa dhigay rikoor cusub oo marathon ah wax ka yar laba saacadood
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Orodyahanka reer kenya
Arintaan ayaa lagu sheegay inay tahay mid ku cusub qarnigan 21-aad.
Orodyahanka Kenyanka ah ee Sebastian Sawe ayaa dhigay rikoor cusub kadib markii uu ku dhameystay orodka Marathon-ka London in ka yar labo saac – 01:59:3.
Rikoorkii hore ee Marathon-ka ragga waxa uu ahaa Orodyahanka Kenya ee Eliud Kipchoge.
Orodyahanka reer Kenya Ilud Kipchoge ayaa dhigay rikoor cusub oo Marathonka Adduunka ah
- CBS: Ninka lagu eedeeyay toogashada waxa uu ahaa macalin
Qofka looga shakisan yahay toogashada lagu qaaday xafladda aqalka cad ee cashadii wariyayaasha ayaa lagu sheegay inuu yahay macallin ku soo jeeda California oo wax ka bixin jiray adeeg tababar, sida ay werisay CBS News oo ah la-hawlgalaha BBC ee Mareykanka.
Eedeysanaha—oo warbaahinta Mareykanka amagaciisa ku sheegtay Cole Tomas Allen—ayaa ka shaqeyn jiray shirkad bixisa adeegyo waxbarshada ah oo ku taalla Torrance, sida ay CBS u sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta.
Hase yeeshee lama caddeyn haddii uu wali ka shaqeynayay shirkaddaas.
Machadka California Institute of Technology ayaa ugu xaqiijiyay CBS qaab email ahaan in Allen uu ka qalin jabiyay 2017, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Magaalada Torrance ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta iyadoo la xiriirinayo shaqada iyo degganaanshaha eedeysanaha.
Militariga Israa'iil oo soo saaray digniin ku saabsan Koonfurta Lubnan
Afhayeenka ciidanka Israa’iil ayaa soo saaray digniin degdeg ah oo uu ku wajahay dadka ku nool koonfurta Lubnaan, isagoo ugu baaqay inay u hoggaansamaan tallaabooyinka amniga ayna ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada meelaha qaarkood, maadaama xiisaduhu ay weli socdaan inkastoo ay jirto heshiis xabbad-joojin ah.
War-saxaafadeedka ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay weli ku sugan yihiin jagooyinkooda koonfurta Lubnaan, “iyagoo wajahaya waxa ay ku tilmaameen hawlgallada argagixisada ee sii socda ee ururka Xisbullah.”
Wuxuu mar kale ku celiyay digniinta, isagoo sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay, ilaa amar dambe, inaysan u dhaqaaqin koonfurta xadka tuulooyinka loo asteeyay iyo agagaarkooda, “si ay u badbaadaan naftooda iyo xubnaha qoysaskooda.”
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado aagga Webiga Litani, Wadi al-Salhani, iyo al-Salouqi, wuxuuna ka digay in aan la gudbin ama lagu laaban tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla aagga xadka.
Waxaa ka mid goobaha ay digniintu quseyso magaalooyiinka Naqoura, Bint Jbeil, Maroun al-Ras, Aita al-Shaab, Mays al-Jabal, Kfar Kila, al-Adisa, al-Taybeh, Khiam, iyo Deir Siryan, iyo sidoo kale tuulooyin kale oo badan.
War-saxaafadeedka ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan loo qaaday si loo ilaaliyo amniga gobolka inta lagu jiro xabbad-joojinta.
Ururka Xisbullah oo ku dhawaaqay in la beegsaday ciidamada Israel ee ku sugan magaalada Taybeh
Ururka Hezbollah ee dalka Lebanon ayaa maanta ku dhawaaqay inay fuliyeen laba weerar oo kala duwan oo ay ku adeegsadeen “drones is-miidaamin ah”, kuwaas oo lagu beegsaday dhaq-dhaqaaqyo ka tirsan ciidanka Israel ee ku sugan magaalada xuduudda ah ee Taybeh.
Laba bayaan oo ay soo saareen, kooxda ayaa ku sheegtay in weerarka koowaad lagu bartilmaameedsaday cutub ka tirsan ciidanka Israel oo howl daadgureyn ah ku jiray, halka weerarka labaadna lagu beegsaday askar ku urursan isla magaaladaas.
Warbixinta ay kooxda soo saartay ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay jiraan “khasaare la hubo” oo ka dhashay labada weerar.
Trump:Dhacdadani aad bay uga naxday Melania
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump
Donald Trump ayaa sheegay in munaasabadda dib loo qaban doono waqti dambe, isagoo intaas ku daray in dhacdadani ay u ahayd “waayo-aragnimo naxdin leh” oo ku dhacday xaaskiisa Melania Trump.
“Ma ogolaan doonno in qofna uu la wareego bulshadeenna,” ayuu yiri.
Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu markii hore ka caga jiiday inuu goobta ka tago: “Waxaan si aad ah isku dayay inaan sii joogo,” balse waxaa lagula taliyay inuu ka baxo goobta iyadoo la raacayo habraacyada amniga, maadaama aysan caddayn in uu jiro hal qof oo kaliya oo wax toogtay.
Hogaamiyayaasha dunidu oo fariimo diirran u fidiyaTrump ka dib rasaastii ka dhacday Aqalka Cad
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka falceliyay toogashadii ka dhacday cashadii wariyayaasha ee Aqalka Cad.
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa sheegay inuu “nafis dareemayo” maadaama Madaxweyne Donald Trump iyo marwada koowaad, iyo sidoo kale dadkii goobta joogay, ay bad qabaan. Wuxuu intaas ku daray: “nayadahena waxay la jiraan dhammaan kuwa ay ruxday dhacdadan naxdinta leh.”
Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sidoo kale sheegay inuu “ku faraxsan yahay” in dadka goobta joogay ay bad qabaan. “Waxaan bogaadineynaa shaqada Adeegga adeegga qaranka iyo hay’adaha fulinta sharciga,” ayuu yiri.
Kaja Kallas, oo ah diblomaasiga ugu sarreeya ee Midowga Yurub, ayaa muujisay taageeradeeda madaxweynaha Mareykanka, marwada koowaad iyo dhammaan ka qeybgalayaasha, iyadoo raacisay in “rabshadaha siyaasadeed aysan meel ku lahayn dimuqraadiyadda.”
Ku-simaha madaxweynaha Venezuela, Delcy Rodríguez, ayaa “si adag u cambaareysay weerarka la isku dayay”.
Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi, ayaa sheegay isna ka mid ah madaxda muujisay sida ay dhacdadan uga xun yihiin.
“Waxaan diraynaa xushmadeyna,” ayay tiri madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, iyadoo raacisay in “rabshaddu aysan waligeed noqon karin waddada saxda ah.
Trump oo sheegay in Iran aysan ku lug lahayn dhacdadii toogashada intii lagu guda jiray cashada wariyaasha Aqalka Cad
Xigashada Sawirka, DANIEL HEUER/POOL/EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in rasaastii ka dhacday cashadii aqalka xilli lagu guda aysan ka joojin doonin qorshihiisa dagaal uu la galo Iran, inkastoo uu aaminsan yahay in dhacdadu u badan tahay inaysan xiriir la lahayn arrintaas.
“Ma iga hor istaagi doonto inaan ku guuleysto dagaal aan la galo Iran,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha Aqalka Cad kadib dhacdada. “Ma garanayo haddii ay wax xiriir ah la leedahay, mana u maleynayo sida aan hadda ognahay.”
Si kastaba, Trump ayaa hore u yiri: “Waligeen si buuxda uma ogaan karno” haddii dhacdadu la xiriirto dagaalka Iran, isagoo xusay in baarayaashu ay wali wadaan dadaallo lagu ogaanayo ujeeddooyinka qofkii wax toogtay, kaas oo uu ku tilmaamay “fal kaligiis-uu ku ahaa”.
Waxaan goor-dhaw bayaan ka soo baxay waaxda ilaalada gaarka ee madaxwaynaha, kuwaas oo joojiyay tuhmanihii rasaasta furay xilli lagu guda jiray casho uu ka qaybgalayay Madaxweyne Donald Trump xalay.
“Caawa, qof fulay ah ayaa isku dayay inuu abuuro musiibo qaran. Wuxuu dhayalsaday awoodaha ilaalinta ee Adeegga Sirdoonka Mareykanka, waxaana la joojiyay isla markiiba markii uu isku dayay weerarka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Ku-xigeenka Agaasimaha, Matthew Quinn.
“Adkeysiga iyo xoogga nidaamkayaga amni ee lakabyada badan leh ayaa si cad u muuqday,” ayuu yiri Quinn, isagoo xusay in ay jireen “xeelado iyo tallaabooyin badan oo ka hortag ah oo weli diyaar ahaa.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan uga mahadcelineynaa ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee Adeegga Sirdoonka iyo la-hawlgalayaashayada qiimaha leh ee fulinta sharciga.”
War deg deg ah, Eedeysanaha ayaa sheegay inuu doonayay inuu beegsado mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Donald Trump – CBS
CBS News, oo ah la-hawlgalaha BBC ee Mareykanka, ayaa soo warisay in ninka lagu tuhunsan yahay toogashada uu u sheegay mas’uuliyiinta in uu beegsanayay saraakiil la xiriira Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Iyadoo laga soo xiganayo laba ilo oo aan la magacaabin, CBS ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan shan illaa sideed xabbadood la riday intii uu dhacdadu socotay.